Su’aal:

Waa maxay xukunka madoobaysada cidiyaha la marsado?

Jawaab:

Wuxuu dhahay sheekh Ibnu Baaz: “midabka madoobaysada ee la marsado cidiyaha wax dhib ah kuma jirto, laakiin xinaha ayaa ka fiican in la marsado iyo in layska daayo madoobaysada. Hadii haweenku marsadaan waxay iska tiritiraysaa xilliga waysada salaada, sababtoo ah waxay leedahay jismi (diidaya in biyuhu gaadhaan cidiyaha), sidaa awgeed waa inay tirtirtaa xilliga waysada. Sidaas oo kalena hadii ay haweenaydu marsato cidiyaheeda wax kale oo lamid ahna waa la xukun, waxa la tirirayaa xilliga waysada si biyuhu ugaadhaan cidiyaha. Madoobaysaduna wax dhib ah malaha, ha ahaato mid midabkeedu madow yahay ama casaan ayahay, waa sida xinaha oo kale.” Ibnu Baaz [1]


[1] https://www.binbaz.org.sa/noor/9670