Sanka in gabdhuhu ay duraan oo ay gashtaan dahab iwm waxay ku xidhantahay dhaqanka wadankaas. Soomaalidu badanaa ma gashtaan, ayagu waxay duraan dhagaha taasoo sharci ahaan banaan. Xukunka in sanka la duro wax dhib ah malaha hadii dhaqanka dalkaas loo isticmaalo qurux.

Waxa golaha daa’imka ah ee fatwooda dalka Sacuudigu ay fatwoodeen inay banaantahay, waxayna dhaheen:

“حكم وضع الزمام في الأنف : يجوز ؛ لأن ثقب الأنف للزينة وليس للإيذاء أو تغيير خلق الله. وبالله التوفيق ، وصلى الله على نبينا محمد وآله وصحبه وسلم” انتهى.

اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء .

“Xukunka in sanka dahab la gashto ama la duro way banaantahay, sababtoo ah daloolka sanku waa is qurxin, mana ah is dhib ama in la badalay abuurkii Ilaahay” Ilaahay xaqa hana waafajiyo, nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato. [Way dhamaatay] [Golaha daayimka aha ee cilmi baadhista iyo fatwooyinka.

الشيخ عبد العزيز بن عبد الله بن باز … الشيخ عبد الله بن غديان… الشيخ صالح الفوزان … الشيخ عبد العزيز آل الشيخ … الشيخ بكر أبو زيد .

“فتاوى اللجنة الدائمة للبحوث العلمية والإفتاء” (24/36) .