Tusmo

Khulafada Raashidiinta:

Khulafada raashidiintu waa kuwama? Tiradoodu waa imisa? Mudo intee la eeg ayay talinayeen?

Khulafada raashidiintu waa saxaabadii nabiga (scw) uga danbeeyey talada iyo xukunka, tiradooduna waa afar, waxyna kala yihiin: Abubakar Sidiiq, Cumar ibnu Khadaab, Cusmaan binu Cafaan iyo Cali ibnu Abidaalib. Culamada qaarna waxay ku daraan Xasan binu Cali Ilaahay raali haka ahaadee, maadaama intuu xukunka hayey ay ku jirto sodonkii sanadood ee nabigu (scw) tilmaamay in khilaafada hanuunsan socon doonto.

Khulafada hanuunsan waxa la ina faray inaan qaadano sunnadooda oo aan ku dayano dhaqankoodii sidoo kalena aan raacno jidkii ay mareen iyo dariiqii ay jeexeen. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri:

فَعَلَيْكُمْ بِسُنَّتِي وَسُنَّةِ الْخُلَفَاءِ الرَّاشِدِينَ الْمَهْدِيينَ، عَضُّوا عَلَيْهَا بِالنَّوَاجِذِ،

”Qaata sunnadayda iyo sunnada khulafada toosan ee hanuunsan, kuna qaniina gaws danbeedka”[1]

Khulafada raashidiintu waxa xukunkoodu soconayaa sodon sanadoo, wuxuu rasuulkii Ilaahay yiri:

” خِلَافَةُ النُّبُوَّةِ ثَلَاثُونَ سَنَةً ، ثُمَّ يُؤْتِي اللَّهُ الْمُلْكَ مَنْ يَشَاءُ أَوْ مُلْكَهُ مَنْ يَشَاءُ “

”Khilaafada nabinimadu waa sodon sanadood, kadibna Ilaahay mulkiga ciduu doono ayuu siinayaa, ama ciduu doono ayuu boqor ka yeelayaa”[2]

Hadii aynu xisaabino sanadadii ay khulafadu talinayeen waxay noqonaysaa sodon sanadod, waxayna kala ahaayeen: Abubakar 2 sano iyo 3 bilood, Cumar 10 sanadood iyo lix bilood, Cusmaan 12 sanadod, Cali 4 sanadood iyo 9 bilood iyo Xasan binu Cali oo 6 bilood ahaa. Isu gayn waa 30 sanadood. Sidaa darteed culumada qaar ayaa Xasan soo galiyey khulafada raashidiinta.

Wixii khilaafada ka danbeeyana waa boqortooyo, boqorka ugu khayrka badana waa Mucaawiya binu Sufyaan Ilaahay raali haka ahaadee. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yiri:

أَوَّلُ هَذَا الْأَمْرِ نُبُوَّةٌ وَرَحْمَةٌ ، ثُمَّ يَكُونُ خِلَافَةً وَرَحْمَةً ، ثُمَّ يَكُونُ مُلْكًا وَرَحْمَةً ، ثُمَّ يَكُونُ إِمَارَةً وَرَحْمَةً ،

”Xukunka ugu horreeyaa waa nabinimo iyo naxariis, markaana waxa ku xiga khilaafo iyo naxariis, kadibna boqortooyo iyo naxariis kadibna imaaro iyo naxariis”[3]

Dabcan boqortooyadii Mucaawiya waxa xadiisku ku tilmaamay inay ahayd boqortooyo iyo naxariis, wuxuuna ahaa Ilaahay haka raali ahaadee boqorkii islaamka ugu khayrka badnaa.


[1] Tirmadi: 2619

[2] Abudaawuud: 4031

[3] Dabaraani: 11138