Tusmo

Taariikhdii Cumar Alfaaruuq

Silsiladan waxaan kusoo bandhigaynaa taariikh nololeedkii saxaabigii Rasuulka ee ugu khayrka badnaa marka laga yimaado Abubakar iyo nabiyada Ilaahay, waa Cumar ibnu Khadaab, waxaan ka hadli doonaa qaybo kala duwan oo noloshiisa ah, xilligii Jaahiliga iyo Cumar, markuu Islaamay iyo noloshiisii markuu nabigu noolaa, khilaafadii Abubakar iyo isagu markuu xilka u qabtay Muslimiinta, geeridiisi iyo fadligiisiiba.

Magaciisa, nasabkiisa, iyo naanaysihiisa

Magiciisu waa Cumar ibnu Khadaab ibnu Nufayl ibnu Cabdialcuzaa ibnu Rayaax ibnu Cabdilaahi ibnu Qurad ibnu Razaax ibnu Cadiyy ibnu Kacab ibnu Lu’ayy ibnu Qaalib oo ahaa reer Qureesheed. Wuxuu nabiga kula kulmaan abtirsiintiisa odayga la dhaho Kacab ibnu Lu’ayy. Waxa Cumar lagu kunyeeyaa Abaxafsa (Aabihii Xafsa), naanaystiisuna waa Faaruuq.

Dhalashadiisa iyo Qaabkii uu ekaa:

Cumar wuxuu dhashay sadex iyo toban sanadood kadib sanadkii Maroodiga, sidaas awgeed nabiga wuxuu ka yaraa sadex iyo toban sanadood.

Cumar wuxuu ahhaa nin cad, oo timihiisa, maqaarkiisa iyo indhihiisuba ay cadaayeen balse wuxuu lahaa waxoogaa casuus yar, wuxuu lahaa dhabano qurxoon, san iyo indho wanaagsan. Gacmihiisu iyo lugihiisu waxay ahaayeen kuwo adag, wuxuu lahaa jidh is haysta, wuxuu ahaa nin dheer oo bidaar leh. Dadku waxay u malayn jireen in Cumar uu saaran yahay faraskiisa dhererkiisa awgeed, wuxuu ahaa sidoo kale nin xoog wayn, wuxuuna timihiisa marin jiray xinne, wuxuu lahaa shaarubo, markuu soconayo wuu dheerayn jiray, markuu hadlana wuu maqashiin jiray, markuu wax garaacayana wuu xanuujin jiray.

Qoyskii Cumar ibnu Khadaab:

Cumar aabihii waa Khadaab ibnu Noofal wuxuu ahaa nin adag oo qalafsan, halka awoowgii Nufayl ibnu Cabdialcuzaa uu ka ahaa xaakimkii kala xukumi jiray reer Qureesheed xilligii uu noolaa. Cumar hooyadii waxa la dhihi jiray Xantama bintu Haashim ibnu Muqiirah, waxa la yidhi Abujahal ayey gabadhaasi la dhalatay, halka culumo kale ay leeyihiin waxay ahaayeen ilmaadeer, sidaas awgeed Abujahal wuxuu Cumar u ahaa  abti.

Xaasaskiisii iyo Caruurtiisii:

  1. Zaynab bintu Madcuun oo la dhalatay saxaabigii Cusmaan ibnu Madcuun, waxa guursaday Cumar xilligii jaahiliga waxayna u dhashay Cabdilaahi, Cabdiraxmaanka wayn iyo Xafsa.
  2. Maliika bintu Jaruul: waxay u dhashay Cubaydillaahi, waanu furay gabadhan xilligii heshiiskii xudaybiya.
  3. Qariina bintu Abii Umaya: gabadhana way kala tageen.
  4. Umu Xakiim bintu Alxaarith ibnu Hishaam, wuxuu guursaday markii ninkeedii Cikrama ibnu Abujahal uu ka dhintay, waxayna u dhashay Faadima bintu Cumar.
  5. Jamiila bintu Alcaasim oo ayaduna reer Aws ahayd.
  6. Caatika bintu Zayid oo Cabdilaahi ibnu Abubakar uu ka dhintay, waxaana la dhahaa waxay u dhashay wiilkiisa Cayaadh.
  7. Umu Kalthuum bintu Cali ibnu Abudaalib oo ay Faadima  dhashay waxa guursaday Cumar ibnu Khadaab, waxayna u dhashay Zayid iyo Ruqaya. Markii hore wuxuu rabay inuu guursado Umu Kalthuum bintu Abibakar hase ahaatee way diiday guurkiisa kadibna Camru ibnu Alcaas ayaa u tilmaamay inuu guursado dhashii nabiga ee Umu Kalthuum bintu Cali Ilaahay raali haka ahaado dhamaantoodbee.

Guud ahaan ubadka Cumar ibnu Khadaab dhalay waa 13 caruura, waxayna kala yihiin: Zayidka Wayn, Zayidka Yar, Caasim, Cabdilaahi, Cabdiraxmaanka Wayn, Cabdiraxmaanka dhexe, Cabdiraxmaanka Yar, Cayaadh, Xafsa, Ruqayya, Zaynab iyo Faadima.

Noloshiisii xilligii Jaahilga:

Cumar wuxuu kusoo barbaaray carabtii jaahiliga ahayd, hadan wuxuu dhalinyarada kaga soocnaa inuu bartay wax akhrinta iyo qoraalkaba, sidoo kale wuxuu aabihii u raaci jiray geela, wuxuuna tilmaamay Cumar in aabihii uu ahaa nin adag oo qallafsan kaasoo dili jiray haduu dayaco geela, sidoo kale geela wuxuu u raaci jiray habaryarihii oo ahaa reer bani Makhsuum, waa mid kamida qabiiladii ugu waawaynaa ee reer Qureesh, waana qoyska uu kasoo jeedo Khaalid ibnu Waliid iyo Abujahalba.

Cumar ilaahay raali haka ahaadee waxa kale oo dhisi jiray jidhkiisa isagoo ahaa nin lagdamaaya, waxa kale oo uu bartay yaraantiisii fardofuulnimada iyo gabaygaba.

Dhanka kale Cumar wuuxu iman jiray suuqyadii Carabta ee Cukaad, Jannah iyo Dil Xijaaz halkaas oo uu ka ganacsan jriay, wuxuuna baayacmushtar ugu safray dhulalka Shaam iyo Yaman.

Cumar wuxuu reer Qureesheed u qaabilsanaa xilligii jaahiliga safaarada qabiilkiisa isagoo loo diri jiray qabiilada kale ee ay reer Qureesh is qabsadaan, wuxuuna halkaas ka dhaxlay khibrada xaakimnimada oo uu awoowgii ku caan ahaa.

Islaamnimadii Cumar:

Cumar wuxuu kamid ahaa dadkii dhibka u gaysan jiray muslimiintii tamarta yaraa ee xilligaas Islaamay. Maalin siduu u garaacayey gabadh yar oo muslimtay ayuu Cumar daalay, kadibna waxa arkay Abubakar oo gabadhii iibsaday oo u xoreeyey dar Ilaahay.

Umu Cabdilaahi bintu Xantamah waxay tidhi: Markaan rabnay inaan u hijroon dhulka Xabashida ayaa nikaygii baxay si usoo fuliyo xaajooyinkiisa, kadibna waxa iga horyimid Cumar ibnu Khadaab, markaasuu igu dhahay: Xagaad ku socotaan Umu Cabdilaahiyeey? Waxay tidhi: waxaan ku dhahay: Waad na dhibteen, waxaanan u hijroonayna dhulka Ilaahay, markaasuu Cuamr yidhi: Ilaahay maciina ha ahaado.

Arrintaas ayey Umu Cabdilaahi ka dareentay dabacsanaantii Cumar ibnu Khadaab, waxayna u sheegtay ninkeedii markuu yimid, markaasuu ninkii ku dhahay: Ma waxaad u malaynaysaa in Cumar islaamayo? Waxay tidhi: Haa, wuxuu yidhi: Isagu islaamimaayo illamaa uu ka islaamo dameerka Khadaab!!

Dhanka kale maalin maalmaha kamida ayuu Rasuulii Ilaahay ku ducaystay in Ilaahay islaamka ku xoojiyo labada Cumar wuxuuna dhahay: “Ilaahayo waxaad islaamka ku xoojisaa labada Cumar ka aad jeceshahay” Labada Cumarna waa Cumar ibnu Khadaab iyo Cumar ibnu Hishaam oo ahaa Abujahal.

Go’aankiisii aha inuu dilo Rasuulkii Ilaahay:

Reer Qureesheed ayaa shiray waxay go’aamiyeen inay dilaan Muxamed, waxaana hawshaas loo xilsaaray Cumar ibnu Khadaab, kadibna Cumar waa soo baxay isagoo ku jeeniqaaran hubkiisii iyo seeftit, waxaana kahor yimid Nucaym ibnu Cabdilaahi, oo ku dhahay: Cumarow xagaad ku socotaa? Wuxuu yidhi: Waxaan raadinayaa ninkan badalay diintayada ee ceebeeyey Ilaahayadayad, markaasuu Nuacaym yihdi: hadaad dishid adigu xagaad ka galaysaa reer bani Cabdimanaaf? Wuxuu dhahay Cumar: Adigaaba diinta badalay saw maaaha! Dabadeedna labadii nin way wada doodeen, kadibna Nucaym ayaa dhahay: Hadaad cid wax ka qabanaysid, maxaad wax uga qabanwayday walaashaa Faadima iyo saygeedii Saciid oo ayaguna diinta badlay? Cumar intuu cadhooday ayuu aaday gurigii walaashii.

Cumar markuu guriga usoo dhowaa ayuu maqlay codka dadka subcinaya, markaasuu xoog u garaacay albaabka, waxayna dhaheen Waa kuma? wuxuu dhahay: Waa Aniga, Cumar! kadibna Khubayb ibnu Arat oo kamid ahaa saxaabadii tamarta yaraa xilligaas oo joogay guria ayaa dhuuntay, waxa furay albaabkii Saciid ibnu Zayid, markaasuu Cumar dhahay: Muxuu ahaa codkii aan maqlaayey? waxay dhaheen waa hadalkayagii. Wuxuu yidhi: Waa badasheen diintiinii saw maaha, markaasuu Saciid yidhi: Kawaran hadii aan xaqu dhankaaga ahayn Cumarow, dabadeedn Cumar wuxuu ku bilaabay Saciid dagaal waan lagday isagoo caloosha kaga fadhiistay, waxa is tidhi ka qabo walaashiis Faadima, kadibna dhirbaaxo ayuu Cumar wajiga kaga dhuftay, waxaana ka yimid dhiig wajigeeda, markaasay tidhi Faadima: “Anagaa rumayna Ilaahay kalidiisa iyo inuu Muxamed yahay Rasuulkiisii.

Cumar markuu arkay dhiiga walaashiis ayuu u qalbi jilcay wuxuuna dhahay: Ii dhiib saxiifada, waxay ku tidhi: daahir ma tihid ee soo qubayso, waanu qubaystay markaasuu akhriyey suurada Daaha.

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ

طه ﴿١ مَا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْقُرْآنَ لِتَشْقَىٰ ﴿٢ إِلَّا تَذْكِرَةً لِّمَن يَخْشَىٰ ﴿٣ تَنزِيلًا مِّمَّنْ خَلَقَ الْأَرْضَ وَالسَّمَاوَاتِ الْعُلَى ﴿٤الرَّحْمَـٰنُ عَلَى الْعَرْشِ اسْتَوَىٰ ﴿٥ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا وَمَا تَحْتَ الثَّرَىٰ ﴿٦ وَإِن تَجْهَرْ بِالْقَوْلِ فَإِنَّهُ يَعْلَمُ السِّرَّ وَأَخْفَى ﴿٧ اللَّـهُ لَا إِلَـٰهَ إِلَّا هُوَ ۖ لَهُ الْأَسْمَاءُ الْحُسْنَىٰ﴿٨

Markuu Cumar Quraanka akhriyey ayuu dhahay: Ilaahbaan ku dhaartee, Ilaaha sifooyinkan leh xaq ayuu uleeyahay in la caabudo, wuxuuna yidhi: itusa Muxamed waan islaamayaaye.

Markuu sidaas dhahay ayaa waxa soo baxay Khabaab ibnu Arat oo yidhi: Bishaaroyso Cumaro, isniintii ayuu nabigu lahaa: “Ilaahow, waxaad Islaamka ku xoojisaa labada Cumar ka aad jeceshahay” ee Ilaahay ayaa ku jecel ee ku bishaaroyso.

Cumar wuu soo baxay wuxuuna yimid qolkii ay ku jireen nabiga (scw) iyo saxaabadiisii, waxaana qolka joogay Xamse ibnu Cadimudallib oo sadex maalmood kahor soo islaamay, markuu Cumar albaabka garaacay ayey dhaheen: Waa Cumar oo seef sita! Markaasuu Xamse yidhi: “ka fura haduu shar uyimid seeftiisaan ku dilaynaa, haduu khayr u yimidna waan ari”

Hase ahaatee Rasuulka ayaa ka furay oo qabtay guntintiisa iyo seeftiisaba kuna dhahay: “Ibnu Khadaabow maad jojin dhibka intaanu Ilaahay kugusoo rogin qaarico” Dabadeedna Cumar ayaa dhahay: “Waxaan qirayaa Ilaah xaq lagu caabudo inaanu jirin Ilaahay mooyee, Muxamedna uu yahay Rasuulkiisii” Markaasuu Rasuulku takbiirtay, kolkii ay saxaabadu maqashay takbiirtii Rasuulka ayey fahmeen Islaamnimadii Cumar, ayagiina way takbiirteen, wayna farxeen ayagoo ogaaday inuu maanta Islaamkii helay cid u gargaarta.

Markuu Cumar islaamay ayuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow miyaanan xaq ku suganayn? wuxuu yidhi Rasuulku (scw): Haa, ilaahbaan ku dhaartee hadaad dhimataan iyo hadaad noolaataanba, markaasuu Cumar yidhi: Hadaa maxaan isla qarinaynaa, aynu iclaamino islaamka.

Kadibna maalintaa saxaabdii ayaa soo baxsay ayagoo laba saf ah oo ay kala hogaaminayaan Xamse iyo Cumar waxayna tageen kacbada, halkaasbayn ku tukadeen oo ku dawaafee, dabadeedna rasuulka ayaa Cumar u bixiyey maalintaa Alfaaruuq.

Cumar wuxuu iclaamiyey islaamnimadiisa, wuxuuna tagay gurigii abtigii Abujahal, wuxuuna ku garaacay albaabka wuxuuna ku dhahay: Ma ogtahay inaan islaamay? Markaasuu Abujahal yidhi: ha yeelin sidaas, wuxuu dhahay: Cumar waan yeelay. Kadibna intuu Abujahal wajigiisii is badalay ayuu xoog kusoo xidhay albaabkii.

Sidoo kale odoyaashii dhibka badnaa ee reer Qureesheed ayuu guryahooda tagay isagoo u sheegaya inuu islaamay, illamaa uu markii danbe u tagay ninka Qureesh u qaabilsanaa wariyanimada oo qaylo dheeraa lana dhaho, Jamiil ibnu Mucamar Aljumaxii, wuxuna ku dhahay: jamiiloow waan islaamay, markaasuu Jamiil orday isagoo qaylinaya oo leh: “Cumar ayaa badalay diintii” isna uu ka daba leeyahay, maan badalin ee waan islaamay.

Cumar wuxuu u tagay goloyaashii reer Qureesheed, waxayna islaynayeen illamaa qorraxdii ka dhacaysay oo ninka la dhaho Caas ibnu Waa’il ayaa kasoo gaadhay oo ka celiyey reer Qureesheed isagoo leh: Hadaad ninkan dishaan xagaad ka galaysaan reer bani Cadiyy.

Saamaytii Islaamnimadiisu ku lahayd Islaamka:

Cabdilaahi ibnu Mascuud wuxuu dhahy: Kamaanaan suulin sharaf iyo xoog tan iyo markuu Cumar islaamay, manaan awoodi jirin inaan dawaafno kacbada illamaa uu Cumar ka islaamay.

Waxa kale oo uu dhahay: Cumar islmaanimadiisu waxay ahayd furasho, hijradiisuna guul, madaxtnimadiisuna naxariis.

Suhaybna wuxuu dhahay: Markuu Cumar islaamay waxa la iclaamiyey islaamnimadii, waxaana dadka loogu yaboohay si kor ah, waxaanan kacbada u fadhiisanay xalqado..

Cumar Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu islaamay sanadkii lixaad ee soo dirista nabiga, wuxuuna ahaa ninkii 39 aad ee islaama, halak culumadu ay leeyihiin waxa kale oo jiray 11 dumar iyo dad kale oo aanu Cumar xilligaas garanayn, markuu islaamayna cimrigiisu wuxuu ahaa 27 sano jir.

Hijradii Cumar ibnu Khadaab:

Markuu Cumar hijrooday wuxuu u bandhigay hijradiisa carabtii reer Qureesh isagoo ku dhahay: “Wajiyadiinu gubtee, ninkii raba in hooyadii goblanto, caruurtiisuna ay agoomowdo, xaaskiisuna ay garoob noqoto, aniga ha iigu yimaado togaas dabadiisa” Cumar waa baxay cidina kamay daba imanin.

Cumar waxa sii raacay 20 qof oo ahaa dadkii tamarta yaraa waxaana kamid ahaa walaalkii Zayid ibnu Khadaab, Camru ibnu Suraaqah, Cabdilaahi ibnu Suraaqah, Khunays ibnu Xudaafah oo ahaa wiilkii qabay inatii Cumar dhalay ee Xafsa, inaaderkii Saciid ibnu Zayid ahaana seedigii, Waaqid ibnu Cabdilaahi, Khawla ibnu Abi khawlaa, Maalik ibnu Abikhawlaa, Iyaas, Khaalid, Caaqil iyo Caamri, waxayna ku dagaan Quba, gaar ahaan ninka la dhaho Rufaaca ibnu Caamir.

Qisadii Cumar saaxiibadii:

Cumar waxay ballansanaayee inay wad hijrodaan laba nin oo ay saaxiibo ahaayeen waana Cayaash ibnu Rabiica iyo Hishaam ibnu Caas ibnu Waa’il, waxayna ku ballameen inay meel tog ah isugu yimaadeen, hadii ruux kamida la waayana uu yahay qofkaasi mid la xabisay. Dabcan waxa goobtii yimid Cumar iyo Cayaash, waxaana la xabisay Hishaam.

Cayaash waxay xaga hooyo kala walaalo ahaayee Abujahal iyo Xaarith ibnu Hishaam, dabadeena labada nin ayaa kasoo baxay Makkah ayagoo raba inay soo celiyaan Cayaash. Waxay yimaadeen Madiina waxayna la kulmeen Cayaash waxayna ku dhaheen: “Cayaashow hooyadaa waxay ku nadartay inaanay bacadka ka kacayn sidoo kale aanay timaheeda feedhayn intuu Cayaasha kasoo laabanayo mooye” Cayaash wuu rumaystay, markaas ayuu Cumar ku dhahay: “Ha raacin labada nin Cayaashow, hadii hooyadaa ay iska dayso feedhashada ayadaa qasab ku feedhan marka injirtu timaheeda gasho, bacadkana way ka kici markay kuleylka dareento” Balse Cayaash waa diiday oo wuxuu ku adkaystay inuu raaco labadii nin, kadibna Cumar ayaa ku dhahay: Hadaba waxaad kaxaysataa Awrkaygan oo hadii aad dareento khiyaano kagasoo baxso nimanka”

Cayaash wuxuu soo raacay labadii nin, balse Abujahal ayaa intii jidka lagu jiray ku dhahay: Cayaashow walaal awrkaygiibaa gaabiyey ee ii fadhiisi awrkaaga aan kula fuulee, kadibna intuu soo fuulay ayuu ninkii qabtay, waana la xidhay oo la geeyey Makkah, waana la fitneeyey oo wuxuuna ajiibay fitnadiis.

Mudo kadib ayuu Cumar warqad u diray saaxiibkii isagoo ku leh: Akhriso aayad ku taala warqadan, oo dib ugasoo laabo fitnadii gaalnimada ahayd, aayaduna waxay ahayd aayada uu Ilaahay ku qeexayo inuu dhaafayo dhamaan danbiyada haduu adoonku toobad keeno.

Cumar ibnu Khadaab iyo Quraanka oo waafaqay aragtidiisa:

Cumar Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ku caan ahaa in aayado badan soo dageen oo waafaqaya aragtidiisa, waxaana kamid ahaa:

  • Markii haweenkii nabiga (scw) ay dhibeen Rasuulka ayuu Cumar u tagay oo wuuxu ku dhahay: Hadaydaan dhibka joojin wuxuu Ilaahay idinku badalayaa dumar idinka khayr badan, waxaana soo dagtay aayad waafqasan hadalkaas:

عَسَىٰ رَبُّهُ إِن طَلَّقَكُنَّ أَن يُبْدِلَهُ أَزْوَاجًا خَيْرًا مِّنكُنَّ مُسْلِمَاتٍ مُّؤْمِنَاتٍ قَانِتَاتٍ تَائِبَاتٍ عَابِدَاتٍ سَائِحَاتٍ ثَيِّبَاتٍ وَأَبْكَارًا ﴿٥

“Wuxuu Eebe u dhawyahay in Nabigu hadduu idin furo (Haweenka Nabiga qaarkood) idiinkuna beddelo kuwa idinka khayr roon oo ah Muslimiin, Mu’miniin ah adeeca Eebe, Toobad keena, Eeba caabuda, Soomana kuwa horay loo guursaday iyo kuwo aan hadda ka hor la guursanba leh.” [Suuratu Taxriim:5]

  • Markii la qafaashay maxaabiistii Badar wuxuu Cumar dhahay: Rasuulkii Ilaahayow aynu gaaladan layno si ay u ogaadaan inaanan wax naxariisa gaalnimad a haynin, waxaana soo dagtay aayadan oo waafaqsan aragtidiisii:

مَا كَانَ لِنَبِيٍّ أَن يَكُونَ لَهُ أَسْرَىٰ حَتَّىٰ يُثْخِنَ فِي الْأَرْضِ ۚ تُرِيدُونَ عَرَضَ الدُّنْيَا وَاللَّـهُ يُرِيدُ الْآخِرَةَ ۗ وَاللَّـهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ﴿٦٧

“Kuma habboona Nabi inay u ahaato kuwo la qafaashay intuu kaga Jilciyo Dhulka Dhexdiisa (Gaalada) waxaad Doonaysaan Muuqa Addunyada Eebana wuxuu dooni Aakhiro Eebana waa Adkaade Falsan.” [suuratu Al-anfaal:67]

  • Waxa kale oo Cumar uu ku ducaystay inuu Ilaahay war kasoo dajiyo xilliyada cawrada ah ee aan la isasoo booqan, waxaana soo dagtay aayadan oo waafaqsan aragtidiisii:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لِيَسْتَأْذِنكُمُ الَّذِينَ مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ وَالَّذِينَ لَمْ يَبْلُغُوا الْحُلُمَ مِنكُمْ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ ۚ مِّن قَبْلِ صَلَاةِ الْفَجْرِ وَحِينَ تَضَعُونَ ثِيَابَكُم مِّنَ الظَّهِيرَةِ وَمِن بَعْدِ صَلَاةِ الْعِشَاءِ ۚ ثَلَاثُ عَوْرَاتٍ لَّكُمْ ۚ

“Kuwa Xaqa Rumeeyow Haydin Idan Warsadeen kuway Hanatay Gacantiinnu, iyo Kuwaan Qaan Gaadhin oo Idinka Mid ah Saddex Jeer, Salaadda Subax ka Hor iyo Markaad iska Dhigtaan Dharka Duhurkii, iyo Salaadda Cishaha ka Dib, waa Seddex Waqti oo Cawro ah «la Nasto», ..” [Suuratu Annuur:58]

  • Waxa kale oo Cumar u yimid nin Yahuudiya oo ku dhahay: aayad Quraanka ku jirta, haday anaga nagusoo dagi lahayd waxaan ka dhigan lahayn Ciid, wuxuu yidhi Cumar : waa aayadee? wuxuu dhahay: waa aayada 3 aad ee suurada Maa’ida, wuxuu dhahay: waanu garanaynaa xilligii ay soo dagtay, waa maalin Carafo oo ku beegnayd Jimce..

الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا

Cilmiga Cumar ibnu Khadaab:

Cumar wuxuu ahaa nin cilmi iyo aqoon Ilaahay siiyey, wuxuuna nabigu arkay riyo isagoo cabaya caano kadibna caanihii ayuu ka dhargay, oo waxay caanihii kasoo baxeen cidiyihiisa, markaasuu badhkii soo hadhay ayuu Cumar u dhiibay, markaasay saxaabadii tidhi: Maxaad ku fasirtay Rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yidhi: waa Cilmiga.