Tusmo

Taariikhda Abtigii Mu’miniinta ee Mucaawiya binu Abu Sufyaan (Rc)

Mucaawiya binu Abusufyaan waa abtigii mu’miniinta, amiirkii mu’miniinta, boqorradii islaamka soo maray kii ugu khayrka badnaa, xididkii rasuulka oo walaashii Umu Xabiiba waxa qabay nabiga (scw), wuxuu qori jiray waxyiga kusoo daga nabiga (Scw), wuxuu ahaa nin dulqaad badan, mujaahid garaad badan, waana saxaabi kamida saxaabadii rasuulkii Ilaahay (scw).

Saxaabigan sharafta badan wuxuu la kulmay dulmi badan oo ay u gaysteen bidcoolayaasha iyo raafidada shiicada ah iyo mustashriqiinta nacaybka u haya diintan wayn ee Islaamka. Dadka dura ama wax xun ka sheega Mucaawiya Ilaahay haka raali ahaadee, kuma ekaadaan saxaabigan oo kaliya ee waa albaab ay usoo maraan durida saxaabada kale.

Maqaalka waxaan kaga hadli doonaa taariikhdii Mucaawiya oo kooban, fadligiisii iyo radinta been abuuradka laga sheegay, Ilaahay raali haka ahaadee.

Waa kuma Mucaawiya binu Abusufyaan?

Mucaawiya Ilaahay raali haka ahaadee waxa dhalay Abusufyaan binu Xarbi binu Umayyah binu Cabdishamsi binu Cabdimanaaf, waa nin qureesheed ah, kana sii ah reer banii Umayyah, wuxuu nabiga kula kulmaa Cabdimanaaf.

Aabihii Abusufyaan wuxuu ahaa madaxdii reer Qureesheed. Dagaalkii Badar kadibna isagaa hogaamiyay carabtii reer Qureesheed. Abusufyaan wuu islaamay, islaamnimadiisuna way fiicnaatay.

Hooyadii waa Hinda binu Cutbah binu Rabiic binu Cabdishamsi binu Cabdimanaaf. Hooyadii sidoo kale way islaamtay, islaamnimadeeduna way fiicnayd, manay anasaxin inay cuntay beerkii Xamse binu Cabdimudallib, dhamaan riwaayadaha kusoo arooray waa daciif, tamar yar.

Dhalashadii Mucaawiya iyo Koritaankiisii

Mucaawiya wuxuu dhashay shan sano kahor intaan nabiga (scw) lasoo dirin, waxa yaraantiisii ka muuqan jiray inuu noqon doono nin madax ah, hooyadii ayaa dhihi jirtay: ha goblomo hadii aanu hogaaminin qoomkiisa.

Mucaawiya wuxuu ahaa nin dheer oo cad, wuxuuna ahaa nin qurxoon.

Islaamnimadii Mucaawiya iyo taariikhdiisii:

Mucaawiya Ilaahay haka raali ahaadee wuxuu islaamay markii la furtay magaalada Makkah, walow ay jiraan riwaayado sheegaya inuu islaamay xilligaas kahor. Mucaawiya wuxuu yiri: waxaan islaamay heshiiskii (xudaybiya) balse waan qarsaday islaamnimadayda.

Islaamnimadiisa kadib wuxuu nabiga kala qaybgalay dagaalkii Daa’if, Xunayn iyo Tabuuk. Sidoo kale wuxuu ka qaybgalay dagaaladii murtadiinta sida dagaalkii Yamaama iyo dagaalkii Yarmuuk.

Mucaawiya wuxuu ahaa mid kamida dadkii waxyiga u qori jiray rasuulka Ilaahay (scw), wuxuuna la dhashay Umu Xabiiba Ramla bintu Abusufyaan oo ahayd haweenaydii ugu nasabka dhowayd dhamaan xaasaska rasuulka (scw).

Mucaawiya wuxuu walaalkii Yaziid binu Abusfuyaan kala qaybgalay dagaalkii Yarmuuk oo uu kamid ahaa afartii hogaamiye ee Abubakar (Rc) uu magacaabay. Markuu Yaziid dhintay ayuu Cumar binu Khadaab u magacaabay booskii walaalkii.

Mucaawiya isaga ayaa ka talinayay dhulka Shaam xilligii Cumar binu Khadaab iyo Cusmaan binu Cafaan. Intuu halkaa xukumayayna kamay dhicin fitnooyin iyo dhibaatooyin halka goobaha kale ay ka dhaceen qalalaanse siyaasadeeda sida Kuufa, Basra, Masar iyo Yaman.

Cumar binu Khadaab oo la yaqaano siduu ula xisaabtami jiray gudoomiyayaashiisa ayaan mar qudha ka casilin shaqadiisa, sababtoo ah wuxuu ahaa nin karti badan, dulqaad badan, una dhashay madaxtinimo iyo garaad badni.

Fadliga Mucaawiya (Rc):

Fadliga iyo khayrka uu leeyahay way badanyihiin waxaana ugu wayn amaanta guud ee Ilaahay usoo jeediyay saxaabada rasuulka (scw) iyo nabiga oo ku amaanay ama ugu duceeyay dhawr xadiis oo saxiixa.

1aad: Mucaawiya wuxuu kamid yahay saxaabadii rasuulka ee Quraanku amaanay.

لَا يَسْتَوِي مِنكُم مَّنْ أَنفَقَ مِن قَبْلِ الْفَتْحِ وَقَاتَلَ ۚ أُولَـٰئِكَ أَعْظَمُ دَرَجَةً مِّنَ الَّذِينَ أَنفَقُوا مِن بَعْدُ وَقَاتَلُوا ۚ وَكُلًّا وَعَدَ اللَّـهُ الْحُسْنَىٰ ۚ وَاللَّـهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ ﴿١٠﴾

”Ma simna kuwiinii wax bixiyey kahor furashadii (Makkah) ee dagaalamay, kuwaasaa ka darajo wayn kuwa wax la baxay kadib furashadii ee dagaalamay, dhamaantoodna Ilaahay wuxuu ugu ballan qaaday jannada, Ilaahayna waxaad camal falaysaan khabiirbuu ku yahay.”[1]

Sida la ogyahayna Mucaawiya wuxuu islaamay furashadii Makkah kadib, walow ay jiraan riwaayado sheegaya inuu islaamay xilligii heshiiskii Xudaybiya oo uu qarsaday islaamnimadiisa. Markuu muujistay islaamnimadiisa wuxuu rasuulka (Scw) kala qayb galay dagaalkii Daa’if, Xunayn iyo Tabuuk, wuxuuna noqday mid kamida saxaabada qorta waxyiga kusoo daga rasuulkii Ilaahay (scw). Khayrkaas uu ka qaybgalay ayaa inoo cadaynaya inuu kamid yahay saxaabada Ilaahay ku amaanay aayadan, haba ka darajo hooseeyo Muhaajiriintii iyo Ansaartii goor hore islaamtay, dhamaantoodna Ilaahay janno ayuu ugu ballan qaaday saxaabadii rasuulka (scw).¨

2aad: Mucaawiya wuxuu kamid ahaa dadkii qori jiray waxyigii rasuulka kusoo dagayey.

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: ( كُنْتُ أَلْعَبُ مَعَ الصِّبْيَانِ . فَجَاءَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَتَوَارَيْتُ خَلْفَ بَابٍ ، قَالَ فَجَاءَ فَحَطَأَنِي حَطْأَةً ، وَقَالَ: اذْهَبْ وَادْعُ لِي مُعَاوِيَةَ . قَالَ فَجِئْتُ فَقُلْتُ : هُوَ يَأْكُلُ . قَالَ ثُمَّ قَالَ لِيَ: اذْهَبْ فَادْعُ لِي مُعَاوِيَةَ . قَالَ فَجِئْتُ فَقُلْتُ: هُوَ يَأْكُلُ . فَقَالَ: لَا أَشْبَعَ اللَّهُ بَطْنَهُ ) .

Ibnu Cabbaas Ilaahay haka raali ahaado isaga iyo aabihiibee waxa laga wariyey inuu yiri: ”waxaan la cayaarayey caruurta, waxa yimid rasuulkii Ilaahay (scw) waxaanan isku qariyey albaabka dhabarkiisa, wuxuu yiri: wuu yimid wuuna i gujiyey gujis oo wuxuu yiri: tag oo iigu yeer Mucaawiya, wuxuu yiri: waan tagay oo waxaan dhahay: isagu wuu cunayaa. Wuxuu yiri: markaasuu igu yiri: tag oo iigu yeer Mucaawiya. Wuxuu yiri: waan tagay oo waxaan dhahay: isagu wuu cuntaynayaa. Wuxuu yiri: Ilaahay ma dhargiyo calooshiisa”[2]

Xadiiskan saxiixa ah wuxuu cadaynayaa booska Mucaawiya ku lahaa rasuulka agtiisa, laba jeer ayuu rasuulku amray Ibnu Cabbaas inuu ugu yeedho Mucaawiya, loomana yeedhi lahayn hadii aanu nabiga Ilaahay (Scw) agtiisa qiimo ku lahayn.

Dadka muraayadaha qallafsan ku eega saxaabada rasuulka ayaa ku eedeeyey Mucaawiya in nabigu habaaray kadib markuu ku dhahay: Calooshiisa Ilaahay ma dhargiyo.

Dabcan dadkaasi ma eegayaan xadiiska qaybtiisa hore ee bayaaminaysa inuu Mucaawiya boos wanaagsan ku leeyahay nabiga (scw) agtiisa iyo in laba jeer nabigu faray in loogu yeedho, kaliya ereyga ah calooshaada Alle ma dhargiyo ayay xujo ka dhigtaan! Dadkaasina waa dad quluubtoodu bugto sababtoo ah Ilaahay quraanka wuxuu inoogu cadeeyey in loo duceeyo saxaabada rasuulka ee khayrka iyo wanaaga inooga hormaray.

Hadii ereygaasi habaar yahay; lagama habaarin xaga diinta, xaga ubadka, xaga aakhiro ee waa habaar ku kooban cuntada ama arrimo aduunyo.

Dhanka kale habaarka nabiga ee dadka muslimiinta ah waxay u noqotaa naxariis iyo raxmad. Waxaana u daliila xadiiskan:

عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ( إِنَّمَا أَنَا بَشَرٌ ، وَإِنِّي اشْتَرَطْتُ عَلَى رَبِّي عَزَّ وَجَلَّ : أَيُّ عَبْدٍ مِنْ الْمُسْلِمِينَ سَبَبْتُهُ أَوْ شَتَمْتُهُ أَنْ يَكُونَ ذَلِكَ لَهُ زَكَاةً وَأَجْرًا )

Jaabir binu Cabdilaahi Ilaahay haka raali ahaadee isaga iyo aabihiibee waxa laga wariyey in nabigu (scw) yiri: ”Anigu waxaan ahay bashar, waxaan Ilaahay shardi kula galay: adoonkasta oo muslimiinta kamida oo aan caayo ama hiifo inuu uga yeelo is daahirin (danbi dhaaf) iyo xasanaad”[3]

3aad: Mucaawiya oo nabigii Ilaahay u duceeyey:

عن عبد الرحمن بن أبي عميرة وكان من أصحاب رسول الله صلى الله عليه وسلم عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال لمعاوية اللهم اجعله هاديا مهديا واهد به

Cabdiraxmaan binu Abi Cumayrah oo kamid ahaa saxaabadii rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu ku yiri Mucaawiya: ”Ilaahow ka yeel mid hanuunsan oo wax hanuuniye isagana hanuuni”[4]

4aad: Nabiga (scw) oo Mucaawiya ugu duceeyey in Ilaahay ka badbaadiyo cadaabka naareed.

عن العرباض بن سارية السلمي قال سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم وهو يدعونا إلى السحور في شهر رمضان هلموا إلى الغذاء المبارك ثم سمعته يقول اللهم علم معاوية الكتاب والحساب وقه العذاب

Ciryaadh binu Saariya Al-sulami wuxuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo noogu yeedhaya suxuurta bishii Ramadaan ukaalaya cuntada barakaysan, markaasaan maqlay isagoo leh: ”Ilaahow bar Mucaawiya kitaabka iyo xisaabta kana badbaadi cadaabka”[5]

5aad: Ciidnkii ugu horeeyey ee badda ku dagaalama, waxa hogaaminayey Mucaawiya.

قال عمير فحدثتنا أم حرام أنها سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول أول جيش من أمتي يغزون البحر قد أوجبوا قالت أم حرام قلت يا رسول الله أنا فيهم قال أنت فيهم ثم قال النبي صلى الله عليه وسلم أول جيش من أمتي يغزون مدينة قيصر مغفور لهم فقلت أنا فيهم يا رسول الله قال لا

Cumayr wuxuu yiri: Umu Xaraam ayaa noo warrantay inay maqashay nabiga (scw) oo leh: ”Ciidanka ugu horreeya ee ummadayda ku duulay badda way u waajibtay (janno), waxay tiri Umu Xaraam: waxaan dhahay: rasuulkii Ilaahayow, maku jiraa kuwaas? Wuxuu yiri: adigu waad ku jirtaa. Kadibna wuxuu yiri nabigu (scw): ”Ciidan ugu horreeya ee ummadayda ku duulay magaalada Qaysar waa loo danbi dhaafay, waxaan dhahay: anigu maku jiraa rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yiri: Maya.”[6]

Ciidankii ugu horeeyay ee badda duulaan ka qaada waxa hogaaminayey Mucaawiya binu Abu Sufyaan Ilaahay raali haka ahaadee, xilligii khilaafadii Cusmaan binu Cafaan, sanadkii 27 aad ee hijriyada. Ciidankana waxa la socotay Umu Xaraam iyo saygeedii Cubaada binu Saamit Ilaahay haka raali ahaadee, waxayna ku geeriyootay Qubrus.

Ciidankii ugu horeeyay ee magaalada Qusdandiiniya (Istanbul) duulaan ku qaadayna waxa hogaaminayey Yaziid binu Mucaawiya. Sidaas darteed ayaa Ibnu Xajar wuxuu ku yiri Fatxu Albaariga:

في هذا الحديث منقبة لمعاوية لأنه أول من غزا البحر ، ومنقبة لولده يزيد لأنه أول من غزا مدينة قيصر

Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa fadliga Mucaawiya sababtoo ah isaga ayaa ahaa kii koowaad ee badda ku duulay, iyo fadliga wiilkiisa Yaziiz maadaama uu ahaa kii ugu horeeyey ee ku duulay magaalada Qaysar (Istanbul).

6aad: Ibnu Al-Mubaarak oo amaanay Mucaawiya.

Ibnu Al-Mubaarak wuxuu yiri: ”Maxaan ka sheegi lahaa nin marka rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay (Samica Allahu liman Xamida) ka daba dhahay: (Rabbana walaka Alxamdu)

Waxa kale oo la waydiiyey Cabdilaahi binu Mubaarak: keebaa fadli badan Mucaawiya iyo Cumar binu Cabdicasii? Wuxuuna yiri: ”Ciida sanka gashay Mucaawiya ayaa ka fadli badan Cumar binu Cabdicasiis”[7]

7aad: Cumar binu Khadaab oo dhulka Shaam oo dhan u magacaabay Mucaawiya.

Sida la ogsoonyahay amiirkii mu’miniinta ee Cumar binu Khadaab Ilaahay raali haka ahaadee, ayaa u magaacabay gudoomiyaha Shaam saxaabiga Mucaawiya, manuu casilin, ayadoo Cumar la yaqaanay siduu ula xisaabtami jiray wasiiradiisa iyo waaliyadiisaba, waa ninkii casilay ee xilka ka qaaday Sacad binu Abi Waqaas oo uu ogyahay inaanu wax danbiya galin, ee kaliya markii lagasoo cawday ayuu xilka ka qaaday.

Halka Mucaawiya aan mar qudha lagasoo cabanin, sababtoo ah wuxuu si wanaagsan u daryeeli jiray ciidankiisa iyo shacabka uu xukumo.

8aad: Sayidkii Xasan binu Cali Ilaahay haka raali ahaadee ayaa u tanaasulay Mucaawiya.

Sayid Xasan oo ahaa wiilkii uu awoowga u ahaa nabigii Ilaahay ayaa u tanaasulay Mucaawiya sanadkii 41aad ee hijriyada si uu muslimiinta madax ugu noqdo. Qof kasta oo dura ama wax ka sheega Mucaawiya wuxuu sidoo kale duray Xasan binu Cali sababtoo ah isaga ayaa raali uga noqday inuu muslimiinta madax u noqdo.

Sidaas darteed ayay shiicada raafidada ah ay uga tageen in durriyadii Xasan binu Cali ay imaamyo ka dhigtaan ayadoo Xasan iyo Xuseen ay walaalo ahaayeen.

9aad: Mucaawiya xukunkiisu wuxuu ahaa boqortooyadii ugu wanaagsanayd muslimiinta.

Dabcan Mucaawiya kama mid aha khulafada raashidiinta sababtoo nabigu wuxuu sheegay in khilaafada nabigu ay soconayso 30 sanadood, waxayna ku dhamaatay maalintii Xasan binu Cali uu ka tanaasulay madaxtinimada. Sodonkaa sanadoodna waxa u taliyey muslimiinta shan saxaabi oo kala ah: Abubakar, Cumar,Cusmaan, Cali iyo Xasan.

عن سفينة قال سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول الخلافة ثلاثون عاما ثم يكون بعد ذلك الملك

Safiina waxa laga wariyey inuu yiri: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”Khilaafadu waa sodon sanadood, markaana waxa ka danbaynaya boqortooyo”[8]

Madaxtinimadii Mucaawiya inay ahayd boqortooyo iyo naxariis waxa u daliila xadiiskan:

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( أَوَّلُ هَذَا الْأَمْرِ نُبُوَّةٌ وَرَحْمَةٌ ، ثُمَّ يَكُونُ خِلَافَةً وَرَحْمَةً ، ثُمَّ يَكُونُ مُلْكًا وَرَحْمَةً ، ثُمَّ يَكُونُ إِمَارَةً وَرَحْمَةً

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu yiri: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: ”Waxa ugu horreeya amarkan waa nabinimo iyo naxariis, kadibna waxa ahaanaya khilaafo iyo raxmad, kadibna waxa ahaanaya boqortooyo iyo naxariis, kadibna waxa ahaanaya imaarad iyo naxariis…”[9]

Qeybaha kale ee Taariikhda Mucaawiya la soco, waxaan ku radin doonaa shubuhaatka iyo eedaha ay usoo jeediyaan bidcoolayaasha iyo shiicada raafidada ah.

Waxa Qoray oo idiin diyaariyey Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle


[1] Suuratu Al-Xadiid: 10aad

[2] Saxiix Muslim: 2604

[3] Saxiix Muslim: 2602

[4] Sunan Tirmadi: 3842 Tirmadina wuxuu yiri: waa xadiis ”Xasan ah” iyo Bukhaari, taariikh al-kabiir: 5/240.

[5] Musnadu Axmed: 16702

[6] Bukhaari: 2766

[7] Ibnu Kathiir: Al-bidaayah wa al-nihaayah.

[8] Musnadu Axmed: 21412

[9] Dabaraani, mucjam al-kabiir: 11138 (xadiiskana Albaani ayaa silsilada saxiixa ah ku xusay: 7/803.