Tusmo

Soonka Bisha Shacbaan iyo Fadligeeda

Su’aal:

Mala soomi karaa bisha Shacbaan?

Jawaab:

Bisha Shacbaan waa bil dad badani mooganyihiin khayrkeeda, waana bil u dhaxaysa bisha Rajab oo kamida afarta bilood ee xurmaysan iyo bisha Ramadaan. Sidaas darteed dadku way halmaamaan in khayr badan kusoo arooray bisha Shacbaan oo Ilaahay sare loogu qaado camalada aadamaha. Nabiguna (scw) wuxuu badin jiray soonka bisha Shacbaan, lamana arkin bil uu ka soon badanyahay, marka laga reebo soonka Ramadaan.

عَنْ أُمِّ سَلَمَةَ رضي الله عنها قَالَتْ : مَا رَأَيْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَامَ شَهْرَيْنِ مُتَتَابِعَيْنِ إِلا أَنَّهُ كَانَ يَصِلُ شَعْبَانَ بِرَمَضَانَ . روى أحمد (26022) , وأبو داود (2336) والنسائي (2175) وابن ماجه (1648)

Ummu Salama waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inay tidhi: “Maan arkin rasuulkii Ilaahay (scw) oo soomay laba bilood oo isku xigta marka laga reebo Shacbaan ayuu ku xidhi jiray Ramadaan”

Sida ka muuqata xadiiska nabigu (scw) wuxuu soomi jiray dhammaan bisha Shacbaan. Hase ahaatee waxa jira xadiisyo kale oo cadaynaya inuu badsan jiray soonka Shacbaan oo aanu isku xidhiidhin jirin Shacbaan iyo Ramadaan.

عَنْ أَبِي سَلَمَةَ قَالَ : سَأَلْتُ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا عَنْ صِيَامِ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، فَقَالَتْ : كَانَ يَصُومُ حَتَّى نَقُولَ قَدْ صَامَ ، وَيُفْطِرُ حَتَّى نَقُولَ قَدْ أَفْطَرَ ، وَلَمْ أَرَهُ صَائِمًا مِنْ شَهْرٍ قَطُّ أَكْثَرَ مِنْ صِيَامِهِ مِنْ شَعْبَانَ ، كَانَ يَصُومُ شَعْبَانَ كُلَّهُ ، كَانَ يَصُومُ شَعْبَانَ إِلا قَلِيلا

Abi Salama wuxuu yidhi: waxaan waydiiyey Caasha Ilaahay raali haka ahaadee soonkii Rasuulkii Ilaahay (scw), waxayna tidhi: “wuu soomi jiray illaa aan is nidhaahno wuu soomanyahay, waanu afuri jiray illaa aan is nidhaahno wuu afursanyahay, manaan arkin waligay bil isagoo ka soon badan soonka shacbaan, shacbaan wuu wada soomi jiray, shacbaan waxyar mooyee wuu soomi jiray.” [Saxiixu Muslim: 1156]

Markaa nabigu (scw) wuu badsan jiray soonka Shacbaan ama dhamaanteed wuu soomi jiray si uu ugu diyaargaroobo bisha ramadaan iyo si camalkiisa sare loogu qaado xaga Ilaahay isagoo sooman.

أُسَامَةُ بْنُ زَيْدٍ قَالَ قُلْتُ يَا رَسُولَ اللَّهِ لَمْ أَرَكَ تَصُومُ شَهْرًا مِنْ الشُّهُورِ مَا تَصُومُ مِنْ شَعْبَانَ قَالَ ذَلِكَ شَهْرٌ يَغْفُلُ النَّاسُ عَنْهُ بَيْنَ رَجَبٍ وَرَمَضَانَ وَهُوَ شَهْرٌ تُرْفَعُ فِيهِ الْأَعْمَالُ إِلَى رَبِّ الْعَالَمِينَ فَأُحِبُّ أَنْ يُرْفَعَ عَمَلِي وَأَنَا صَائِمٌ

Usaama ibnu Zayid wuxuu yidhi: Waxaan idihi: Rasuulkii Ilaahayow, kumaan arkin adigoo u sooman sidaad u soonto Shacbaan? wuxuu yidhi: waa bil dadku mooganyihiin oo u dhaxaysa Rajab iyo Ramadaan, waana bil camalada sare loogu qaado rabbiga caalamiinta, waxaanan jeclahay in camalkayga sare loo qaado anigoo sooman. [Sunanu Nisaa’i:2357 ]

Fadliga Shacbaan:

  • Bishii ugu badnayd ee rasuulka Ilaahay soomo marka laga reebo Ramadaan.
  • Bil Dadku mooganyihiin khayrkeeda oo u dhaxaysa Rajab iyo Ramadaan.
  • Bil sare loogu camalada bani aadamka Ilaahay.
  • Bil Ilaahay danbiyada dhaafo.
  • Bil loogu diyaargaroobo khayrka wayn ee Ramadaan.