Tusmo

Awoowgii oo kafaalo qaatay:

Cabdulmudallib ayaa soo celiyey nabiga (scw) markii ay hooyadii dhimatay, waanu u jidh naxay wiilkan yar ee waalidkiisii geeriyoodeen.

Ibnu Hishaam wuxuu yidhi: Cabdulmudallib waxa kacbada horteeda loo dhigi jiray furaash ama joodari uu ku fadhiisto, wiilashiisuna waxay fadhiisan jireen hareertiisa ayagoo qadarinaya aabahood. Nabiga (scw) oo cimrigiisu aad u yaryahay ayaa fadhiisan jiray furaashka awoowgii kahor intaanu imanin, waxaana u diidi jiray adeeradii.

Markuu Cabdulmudallib uu arko ayuu dhihi jiray: wiilkayga ii daaya, walle arrin ayaa u sugnaanaysa, wuxuuna masixi jiray dhabarkiisa, isagoo ku farxi jiray ficiladiisa.

Markuu sideed sanadood gaadhay nabigu (scw) ayaa waxa geeriyooday awoowgii Cabdulmudallib, wuxuuna u dardaarmay inuu kafaalo qaato adeerkii Abudaalib, oo ay nabiga aabihii isku hooyo ahaayeen.

Nabiga (scw) oo roob doon wajigiisa lagu waydiistay:

Waxa ibnu Casaakir soo saaray in Jalhama lagasoo wariyey inuu yidhi: waxaan imid magaalada Makkah ayadoo abaar daran jirto, markaasay reer Qureesheed u yimaadeen Abudaalib oo ay ku dhaheen: abaar daran ayaa jirta, ee dadka roob doon u dhig.

Abudaalibna wuu soo baxay isagoo wiil yar wata, wuxuuna wiilkii dhabarkiisa ku dhajiyey kacbada, isagoo fartiisa ku tilmaamaya wiilka, kadibna waxa curtay roobkii, waxaana butaacay togii.

Raahibkii Buxayra:

Markuu rasuulkii Ilaahay (scw) gaadhay 12 sanadood ayuu la safray adeerkii Abudaalib, waxayna gaadheen magaalada Busra oo xilligaa dawladii Roomaanku ay xukumaysay. Magaaladaas waxa joogay wadaad magiciisa la dhaho Jarjiis, kuna magac dheer Buxayra, wuxuuna arkay Abudaalib oo wata wiilkan yar.

Markaasuu Buxayra yidhi: wiilkani waa sayidkii caalamiinta, Ilaahayna wuxuu usoo dirayaa naxariista caalamiinta. Abudaalib ayaa yidhi: maxaad ku garanaysaa? Buxayra wuxuu yidhi: idinku markaad taagada maraysaan, waxa u sujuuda dhagxaantii iyo dhirtii, umana sujuudaan qof aan nabi ahayn. Waxa kale oo dhabarkiisa ku taala shaanbadii nabinimada, waxaanan sifadiisa ka helaynaa kutubtayada.

Buxayra wuxuu ka dalbaday Abudaalib inuu wiilkan dib ugu celiyo Makkah, isagoo u cabsaday in Yahuuda joogta dhulka Shaam inay dhibaato u gaysato. Abudaalibna cid ayuu ku daray gaysa magaalada Makkah.

Dagaalkii Fujaar:-

Nabigu markii ay da’diisu gaadhay  15 sano jir wuxuu ka qaybgalay dagaal loogu magac daray (Xarbu Al-fujaar).

Dagaalkuna wuxuu u dhaxeeyey qabiilka Qureesh iyo Kanaan oo isku dhinaca iyo qabiilka Qayscaylaan. Dagaalkaasina wuxuu dhacay bilaha xurmaysan ee ay mamnuuca ahayd in la dagaalamo. Si kastaba ha ahaatee, waxa dagaalkaas ka qaybgalay nabiga (scw) isagoo adeeradii u diyaarinayey falaadhaha ama leebabka lagu dagaalamo.

Kadib markii lays dhaafsaday dhimasho iyo dhaawac ayey labada Qabiil ku heshiiyeen in diyo lakala qaato markii maydadkii laysu tiriyey.

Xikmada ku jirta inuu dagaalkan ka qaybgalo ayaa ah inuu isha saaro meel dagaal ka dhacayo, si mustaqablka uu khibrad ugu yeesho dagaalada lagu qaadayo diintiisa.

Heshiiskii Faduul:

Dagaalkaa kadib waxa magaalada Makkah soo galay nin ganacsade ahaa oo iibinaya alaabo, waxaanu ka gaday nin la dhaho ( Caas ibnu Waa’il). Ninkaasina wuu dafiray lacagtii lagu lahaa, oo qaab dulmi ah ayuu uga qaaday xoolihiisii.

Kadibna ninkii wuxuu fuulay buurta Abiqubays, wuxuuna tiriyey gabay uu kaga cabanayo dadka dagan magaalada Makkah.

Arrintii waxay gaadhey (Zubeyr Ibnu Cabdulmudallib) oo ahaa nabiga adeerkii, isaguna wuxuu baaqii gaadhsiiyey reer bani Haashim iyo Reer bani Cabdishamsi. Waxayna isugu yimaadeen shir lagu qabtay guriga (Cabdullahi ibnu Jadcaan) oo lagu gorfaynayo qaabkii loo joojoojin lahaa dulmiga magaalada dhexdeeda ka socda.

Xilfi wadaagaaas oo lamagac baxay ( Xilifu Al-faduul) waxa ka qayb galay rasuulka. Waanu ku faani jirey wuxuuna yidhi rasuulku (scw): hadii geela kiisa cascas (guduudan) laysiinayo waxaan ka fadili lahaa ka qaybgalka shirkaas. Arrintaasina waxay ku tusinaysaa siduu nabigu u necbaa dulmiga iyo gardarrada.

Shaqadii Rasuulka (scw):

Nabigu wuxuu raacay dhalinyaronimadiisii adhiga oo magaalada Makkah ayuu ku dhaqi jiray isagoo ku qaadan jiray darham yar, illamaayo uu Ilaahay ka maaransiiyey oo uu galay shaqada ganacsiga.