Tusmo

Siduu u ekaa rasuulkii Ilaahay (scw):

Rasuulkii Ilaahay (scw) waxa Ilaahay wanaajiyay akhlaaqdiisa iyo abuuritaankiisaba. Qofkii ku arka riyo rasuulkii Ilaahay, wuu arkay sababtoo ah shaydaanku iskama dhigi karo:

 مَنْ رَآنِي فِي الْمَنَامِ فَقَدْ رَآنِي فَإِنَّ الشَّيْطَانَ لا يَتَمَثَّلُ فِي صُورَتِي

”Qofkii igu arka riyo wuu i arkay sababtoo ah shaydaanku iskuma matali karo suuradayda”[1]

Hadaad ku riyooto rasuulka (scw) waxa lagama maarmaana inaad sifayso cidii aad ku aragtay riyada, hadii sifadii rasuulka ee axaadiistu tilmaamtay aad aragtay waxaad aragtay rasuulkii (scw) sababtoo ah shaydaanku iskuma matali karo, hadii aad aragto sifooyinkaas wax ka duwana maad arkin rasuulka (scw).

Sifooyinkan hoos ku qoran waxaan kasoo xigtay xadiisyada nabiga (scw) ee ku yaala saxiixa Bukhaari, xadiiska (3283) iyo saxiixa Muslimka, xadiiska (2338) iyo sunanka Tirmadiga, xadiiska (3570) iyo saxiixa Muslimka, xadiiska (2339).

Qaabkuu u ekaa nabigu (scw):

Dhererkii Rasuulka (scw)

رَبْعَةً مِنْ الْقَوْمِ

Nin meel dhexaada.

 لَيْسَ بِالطَّوِيلِ وَلا بِالْقَصِيرِ

Manuu dheeray manuu gaabnayn.

لَمْ يَكُنْ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِالطَّوِيلِ وَلا بِالْقَصِيرِ

Muu ahayn rasuulkii Ilaahay (scw) mid dheer iyo mid gaaban toona.

Midabkii Rasuulkii Ilaahay (scw):

 

أَزْهَرَ اللَّوْنِ

Midab cad

لَيْسَ بِأَبْيَضَ أَمْهَقَ

Muu ahayn mid aad u cad

 وَلا آدَمَ

Manuu ahayn mid madow ama maariina.

Wajigii Rasuulka (scw):

كان رسول الله صلى الله علية وسلم ضليع الفم

Nabigu (scw) wuxuu ahaa mid af balaadhan. (waan quruxda ninka, sababto ah afka yar ceeb ayuu ku yahay ninka)

أشكل العين

Indhihiisu waxay lahaayeen guduud ama casaan yar.

 

Madaxii Rasuulkii Ilaahay (scw)

  ضَخْمَ الرَّأْسِ

Madax wayn.

Timahii Rasuulkii Ilaahay (scw):

لَيْسَ بِجَعْدٍ قَطَطٍ

Timihiisu may ahayn kuwa adag oo isku duuban.

وَلا سَبْطٍ رَجِلٍ 

Manay ahayn timo jilicsan.

وَقُبِضَ وَلَيْسَ فِي رَأْسِهِ وَلِحْيَتِهِ عِشْرُونَ شَعَرَةً بَيْضَاءَ

Waxa la oofsaday ayadoo madixiisa iyo gadhkiisa aanay ku oolin labaatan tin oo cad (ciro ah).

عظيم الجُمّة إلى شحمة أذنيه

Timihiisu waxay u waynaayeen xaga danbe kuwaasoo gaadhaya carjawda dhagtiisa.

 طَوِيلَ الْمَسْرُبَةِ 

Timo jilicsan (xaad) ayuu kulahaa laabtiisa ilaa xundurtiisa.

Garbihii iyo xubnihii rasuulka (scw):

 بعيد ما بين المنكبين

Garbihiisu way kala fogaayeen.

ضَخْمَ الْكَرَادِيسِ

Wuu lafo waynaa, xubnaha jidhkiisa ayaa waynaa.

Gacmihii rasuulka iyo cagihiisii:

شَثْنَ الْكَفَّيْنِ وَالْقَدَمَيْنِ

Faraha gacmaha iyo lugugu way adkaayeen.

منهوس العقب

Cidhbihiisu hilb badan malahayn.

 إِذَا مَشَى تَكَفَّأَ تَكَفُّؤًا كَأَنَّمَا انْحَطَّ مِنْ صَبَبٍ

Haduu socdo hore ayuu dheeraynayaa sidii qof kasoo dagaya taago oo kale.

Quruxdii Rasuulka (scw)

لَمْ أَرَ قَبْلَهُ وَلا بَعْدَهُ مثله

Cali binu Abudaalib (Rc) wuxuu yiri: maan arkin isaga wax kahoreeyay ama ka danbeeyay oo lamida.

ما رأيت شيئا قط أحسن منه

Baraa binu Caazib wuxuu yiri: maan arkin waligay qof ka wanaagsan.

Waxa diyaariya Sheekh Abdulaziz Oogle.


[1] Bukhaari: 5729