Bismillah, halkan waxaan kusoo bandhigaynaa nasteexooyin kaa caawinaya inaad ku guulaysato imtixaanaadka dugsiyada iyo jaamicadaha. Ugu horeyn ardayga muslimka ah wuxuu talo saartaa rabbiga wayn subxaanahu wa tacaala, isagoo dabcan la imanay asbaabtii uu ku guulaysanayey, waxa rasuulkii Ilaahay (scw) lagasoo wariyey inuu dhahay:

الْمُؤْمِنُ الْقَوِيُّ خَيْرٌ وَأَحَبُّ إِلَى اللَّهِ مِنْ الْمُؤْمِنِ الضَّعِيفِ وَفِي كُلٍّ خَيْرٌ احْرِصْ عَلَى مَا يَنْفَعُكَ وَاسْتَعِنْ بِاللَّهِ وَلا تَعْجَزْ . صحيح مسلم حديث رقم 2664.

“Mu’minka xoogan ayaa ka khayr badan loogana jaceyl badanyahay xaga Ilaahay mu’minka tamarta yar, kulligoodna waxa ku jira khayr, ee ku dadaal waxa ku anfacaya, Ilaahayna kaalmo waydiiso hana caajisin”

Waxyaalaha kaa caawinaya inaad guulaysatana waxa kamida:

  1. inaad Ilaahay barido adigoo ku ducaysanaya ducooyinka soo arooray ama duco kasta oo aan ka hor imanayn diinteena suuban. halkan ka akhriso ducada fudaydisa imtixaanka [Riix Halkan]
  2. inaad habeenkii seexato goor hore, kadibna aad tagto imtixaankii xilligii loo qoondeeyey.
  3. inaad soo qaadato dhamaan wixii aad u baahnayd ee la ogolyahay sida qalimaanta, mastaradaha, calculator iyo wixii lamida, sababtoo diyaar gaworga fiican wuxuu kaa caawinayaa inaad si fudud uhesho jawaabta.
  4. markaad guriga ka baxaysi akhriso ducada lagaga baxo guriga, hana halmaamin inaad waalidkaa ka codsato duco oo aanad raali galiso. Ducada guriga lagaga baxo ka akhriso [Halkan]
  5. ha walwalin hana walbahaarin sidoo kale asxaabtaada ha u horseedin walwal iyo cabsi, waxaad naftaada iyo asxaabtaadaba u sheegtaa wax fiican iyo in mtixaanku fududyahay, kana filo Ilaahay wax fiican sababtoo ah filashada wanaagsani waa qeyb diinta Islaamka kamida.
  6. markaad bilaabayso imtixaanka, waxaad ku bilowdaa bisinka, sababtoo ah wax kasta oo fiican waxa lagu bilaaba bisinka.
  7. walwalka waxa kaa kaxaynaya dikriga Ilaahay oo aad badsato, hadii arrin ay kugu cuslaatana Ilaahay waydiiso inuu kuu fudaydiyo oo uuna ku waafajiyo.
  8. waxaad raadsataa meel fiican oo aad fadhiisato, dhabarkaagana toosi oo si haboon ugu fadhiiso kursiga.
  9. ugu horeyn waxaad rogtaa waraaqaha imtixaanka adigoo fiirinaya macluumaadka la socda imtixaanka, kadibna isha dul mari su’aalaha. Arrintani waxay kaa caawinaysaa inaad ogsoonaato imtixaanka qeybaha muhiimka ah iyo kuwa kale, iyo su’aasha adag iyo ta adiga kuu fudud.
  10. marka hore ka jawaab su’aalaha kuu fudud, waxaadna warqad ku qorataa marba fikrada kugu soo dhacda, si hadhowtoole markaad ka jawaabayso suaasha adag ay kuu caawiso.
  11. waxaad mudnaanta siisa su’aalaha kuu fudud ee lagu saxayo darajo sareysa, halka kuwa darajada hooseeya ee aan jawaabtoodu kugu adagtahay aad dib u dhigayso.
  12. jawaabtaada haku dagdagin ee hubso inay jawaabtu sax tahay ayna ku beegantahay su’aashii lagu waydiiyey.
  13. hadii su’aaluhu yihiin kuwa la doordooranyo, waxaad ku horeysaa jawaabta aad hubto inay saxtahay, iskana ilaali waswaaska hadii aad hubto inay sax tahay, hadii aanad hubin jawaabta saxda ah, waxaad meesha ka saartaa kuwa aad hubto inay qaldanyihiin, kadibna dooro ta aad ubadinayso inay sax tahay. Ogsoonow, waxa cilmi baadhisyo badan tilmaamayaan in jawaabta saxda ah uu ardaygu marka hore uu doorto, kadibna uu waswaaso. Hadaad hubto inay saxtahay, ha waswaasin hadii kalena dooro ta ay ubadantahay inay saxtahay. Hadii ay wuxuba isku mid kaa noqdaana, waxaad doorataa ta ugusoo dhow inay noqoto jawaab saxa. Iska ilaali inaad falsafadayso oo aad naftaad ku tidhaahdo: kollayba macalinku tanu u jeedaa!
  14. hadii imtixaanku yahay xisaab iyo maado kale oo lamida waxaad sadarka hore ku qortaa jawaabta saxda ah, sababtoo ah macalinka saxaya su’aalaha waxa ishiisu qabanaysaa sadarka hore, wayna ku adagtahay inuu jawaabta ka raadiyo sadarada danbe.
  15. markaad dhamayso ka jawaabida su’aalaha, waxaad dib ugu noqotaa jawaabihii aad bixisay iyo su’aasha lagu waydiiyey inay isleeyihiin. Ugu yaraan boqolkiiba toban kamida waqtiga imtixaanka, waxaad siisaa muraajaco ku aadan jawaabihii aad qortay.
  16. yaanay ku saamaynin dadka goor hore kacaya ee waraaqahooda dhiibaya, waxa laga yaaba inay yihiin kuwo goor hore isdhiibay.
  17. markaad dhamayso imtixaanka oo aad ogaato in jawaabaha aad bixisay wax kamida qaldanyihiin, ha cadhoonin hana murugoonin, ee waxaad dhahdaa Ilaahaybaa ii qaday. Ogsoonowna, markaaad garan waydo su’aal waa jaanis kale oo ku dareensiinaya muhiimada imtixaankaasi kuu leeyahay.
  18. ogsoonow qishku waa xaaraan, waana  qofka qaadanaya darajo aanu xaq u lahayn, waana isku mid hadii galayso imtixaan shareecada ah iyo imtixaan maadiyaba.
  19. hadii aad dadaashay oo aadna isku dayday wixii karaankaaga ahaa kadibna aad ku dhacdo imtixaanka, haku niyad jabin ee hore ugasii soco. Sababtoo ah waxa la ogaaday in dadka imtixaanaadka ku dhaca kadibna kasoo kabtaa inay yihiin kuwa ardayda kaalmaha hore galay ay shaqada ka doontaan. Xitaa kitaab ayaa laga qoray, sababta ardayda kaalmaha hore galay ay mustaqbalka shaqo uga raadsadaan kuwii imtixaanka ku dhacay!
  20. cidii aad aragto ayagoo qishaya imtixaanka ama iibinaya waraaqaha waa inaad u sheegtaa macalimiinta am cidii ay khusayso, mana noqonaysid qof ceebeeyey asxaabtiisa, ee waxaad kahor istaagtay danbi ama xaaraan ay xalaashanayeen.