Ducada marka arrimuhu kugu adkaadaan:

Marka arrimuhu kugu adkaadaan sida waxbarashada, shaqada iyo dhibootooyin qoyska ah, waxaad ku ducaysataa ducadan cajiibka ah.

اللهم لا سهل إلا ما جعلته سهلاً وأنت تجعل الحزن إذا شئت سهلاً

Allahumma laa sahla illaa maa jacaltahuu sahlaa wa anta tajcalu alxuzna idaa shi’ta sahlaa

Ilaahow wax fudud majiro wixii aad adigu fudaydiso mooyee, adiguna murugada waxaad ka yeeshaa hadaad doonto fudayd.

Ducada ku ducayso markasta oo umuuruhu kugu adkaadaan, ogsoonowna Ilaahay (swt) ayey ku xidhantahay umuurahaaga oo dhan, markaa isaga ayaa mulkiyadeeda leh ee isaga kalidii bari oo ducadiisa cid kale waxba haka siin.