Tusmo

Waa kuma saxaabigii dumiyey dawladii jeexjeexday warqadii Rasuulka?

Dawladii Aduunka ugu waynayd xilligii Rasuulka (scw) waxay ahayd dawladii Faarisyiinta, waxaana ka talin jiray boqorro lagu naanayso Kisraa. Nabigu (scw) wuxuu warqad udiray boqorkii Faarisiyiinta isagoo ugu yeedhaya diinta Islaamka, hase ahaatee boqorkii ayaa cadhooday oo jarjaray warqadii rasuulkii Ilaahay (scw) soo diray. Boqorkii Faarisiyiinta ayaa isna soo diray laba nin oo feedho waawayn si ay usoo xidhaan Rasuulkii Ilaahay (scw).

Markii rasuulkii Ilaahay (scw) maqlay in warqadiisii la jarjaray ayuu habaaray boqorkii Faarisyiinta iyo dawladiisiiba, wuxuuna yidhi:

اللهم مزق ملكه

Ilaahow jarjar boqortooyadiisa. [فتح الباري شرح صحيح البخاري]

Dabcan habaarkii nabiga ayaa ku dhacay boqorkii Kisra oo waxa isla markiiba inqilaabay oo dilay wiilkiisii Shiirawayhi. Hadaba sidee ayay ku danbaysay dawladii Faarisiyiintu? Yaase dilay boqorkii ugu danbeeyey ee Yazdajar?

Dabcan dawladii Faarisyiinta waxa dabar gooyey saxaabiga la dhaho Cabdilaahi ibnu Caamir oo reer Qureesheed ahaa, wuxuuna qabsaday dhulka Khuraasaan oo ahaa meeshii ugu danbaysay ee boqorkii Yazdajar u cararay. Hadaba waa kuma Cabdilaahi ibnu Caamir.

Qeexid:

Waxa weeye saxaabigii qaaliga ahaa ee Cabdilaahi ibnu Caamir ibnu Kurayz ibnu Xabiib ibnu Cabdishamsi ibnu Cabdimanaaf oo reer Qureesheed ahaa. Saxaabigan waxay ilmo abti ahaayeen Cusmaan ibnu Cafaan, Ilaahay raali haka ahaadee. Aabihii Caamir ibnu Kurayz waxa dhashay nabiga eedadii oo la dhaho Al-baydaa bintu Cabdulmudallib.

Dhalashadiisii:

Cabdilaahi wuxuu dhashay hijradii nabiga kadib. Markii nabigu (scw) soo dhamaystay cumrada loo yaqaano Cumaratu Al-Qadhaa, ayaa loo keenay Cabdilaahi ibnu Caamir oo sadex sano jiray.

Markuu rasuulku (scw) arkay ayuu la hadlay reer Cabdishamsi [Waa qabiilka Cabdilaahi kasoo jeedo] wuxuuna ku yidhi: “Kan (wiilkan) anagoo noo eegyahay” Sababtoo ah ayeydii aabo ayaa eedo u ahayd nabiga (scw).

Kadibna rasuulku (scw) dhanxanaga ayuu timir uu calaaliyey u saaray, wuxuuna ku tufay ruqyo isagoo u ducaynaya, dabadeedna wiilkii yaraa ayaa liqay qoyaankii tufidii nabiga (scw), markaasuu Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid la waraabiyo”

Shaqadiisii:

Cusmaan ibnu Cafaan (Rc) ayaa u magacaabay inuu gudoomiye ka noqdo magaalada Basra isagoo 24 ama 25 jir ah, kadib markuu casilay saxaabigii Abu Muuse Al-ashcari Ilaahay raali haka ahaadee.

Cabdilaahi ibnu Caamir (Rc) wuxuu furtay hareeraha gobolka Faaris, Asbahaan, Xalwaan, Kirmaan iyo guud ahaan Khuraasaan oo dhan. Xilligii uu gudoomiyaha ka ahaa ayaa la dilay boqorkii Faarisiyiinta ugu danbeeyey ee Yazdajar ibnu Shahrayaar ibnu Barwiiz ibnu Kisraa, sidaasna waxa ku gabagabysmay dawladii Faarisiyiinta ee dunida ka talinaysay wax ka badan shan kun oo sanadood, waxaana cadaatay qawlkii Rasuulkii Ilaahay scw ee ahaa

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ هَلَكَ كِسْرَىثُمَّ لَا يَكُونُ كِسْرَى بَعْدَهُ وَقَيْصَرٌ لَيَهْلِكَنَّ ثُمَّ لَا يَكُونُ قَيْصَرٌ بَعْدَهُ وَلَتُقْسَمَنَّ كُنُوزُهَا فِي سَبِيلِ اللَّهِ

Abuhurayra (Rc) waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: “Kisra wuu dhintay (boqorka Faarisiyiinta) kamana danbaynayo kisra kale, Qaysarna wuu dhiman mana jirayo qaysar ka danbeeya, khasnadahoodana waxa lagu bixinayaa jidka Ilaahay” [Saxiix Bukhaari: 2864]

Kisra waa naanays ay la bixi jireen boqorrada ka taliya dawladii Faarisiyiinta, Qaysarna waa naanays ay lahaayeen boqorrada ka taliya dawladii Roomaanka, waa sida fircoonadii Masar oo kale.

Dabcna sida xabiibku (scw) sheegay markii la dilay boqorkii Faarisyiinta iyo boqorkii Roomaanka waxa sidaas ku dhamaaday boqortooyooyinkii Faarisiyiinta iyo Roomaanka ee dunida ku loolamayey kumanaan sanadood.

Saxaabiga Cabdilaahi ibnu Caamir wuxuu guursaday gabadh uu dhalay Mucaawiya ibnu Abi Sufyaan (Rc) oo la dhaho Hinda. Waxa loo dhalay laba iyo toban wiil iyo lix gabdhood. Wiilkiisa ugu wayn waxa loo dhalay markuu 13 sano jir ahaa, waxaana la odhan jiray Cabdiraxmaan.

Cabdilaahi wuxuu badhasaab ka ahaa magaalada Basra illaa laga dilay Cusmaan ibnu Cafaan Ilaahay raali haka ahaadee, kadibna wuxuu aaday dhulka Shaam oo uu joogay Mucaawiya ibnu Abi Sufyaan.

Dawladii Mucaawiya waxa mar kale loo magacaabay gudoomiyaha magaalada Basra, wuxuuna geeriyooday sanadkii 59 kii hijriyada. Markaasuu Mucaawiye dhahay: “Yaan ku faana” isaga dabadii.

Cabdilaahi Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa nin ku caana deeqsinimo, dulqaad, dabacsanaan, madaxtinimo iyo geesinimo. Markii uu furtay Khuraasaan, wuxuu xajka kasoo xidhay Khuraasaan si uu Ilaahay uga mahad celiyo guusha uu gaadhay, hase ahaatee arrintaas waxa karaahiyeystay amiirkii mu’miniinta ee Cusmaan ibnu Cafaan Ilaahay raali haka ahaadee, maadaama xajku uu leeyahay goobo cayiman oo laga xidho.

Ilaahay raali haka ahaadee waxaa qofkii ugu horeeyey ee dar biyo yaalaan uga sameeyey Carafa si ay dadku uga cabaan.


Xigasho:

الاستيعاب في معرفة الأصحاب

سير أعلام النبلاء » الصحابة رضوان الله عليهم » عبد الله بن عامر

» البداية والنهاية » ثم دخلت سنة ثمان وخمسين » ذكر من توفي في هذه السنة من الأعيان