Tusmo

Saxaabada iyo Fadligooda

Waakuma Saxaabi?

Imaamu Al-bukhaari wuxuu yidhi: cidii la saaxiibtay nabiga (scw) ama arkay oo muslim ahaa, kaas ayaa saxaabiya. Saxaabigu waa qofka arkay ama la saaxiibay nabiga (scw) isagoo muslima, kuna dhintay diinta Islaamka.

Markaa waxa saxaabada ka baxaya kuwan soo socda:

  • Qofkii aan arkin rasuulka ama aan la kulmin wuu ka baxayaa saxaabada ee islaamay nabiga oo nool, sida Uways Alqarni iyo Najaashi.
  • Waxa saxaabada ka baxaya ruuxii islaamay nabiga geeridiisii kadib, sida taabiciinta iyo dhamaan cidii ka danbaysay.
  • Waxa saxaabada ka baxaya qofkii arkay nabiga isagoo muslima, hadana gaaloobay oo ku dhintay gaalnimada, sida ibnu Khadal.

Fadliga Saxaabada:

Saxaabada fadligoodu aadbuu u badanyahay, maadaama ay la kulmeen rasuulkii Ilaahay, ayna ka qeybqaateen faafinta diinta Islaamka iyo difaaceedaba, sidoo kale waxay ahaayeen qoomkii yagleelay dawladii ugu horeysay ee islaamku yeesho. Fadligooda iyo amaantooda waxa Ilaahay ku xusay kitaabkiisa Quraanka, waxa kale oo lagu cadeeyey fadligooda sunnada Rasuulka (scw).

Daliilka 1aad:

وَالسَّابِقُونَ الْأَوَّلُونَ مِنَ الْمُهَاجِرِينَ وَالْأَنصَارِ وَالَّذِينَ اتَّبَعُوهُم بِإِحْسَانٍ رَّضِيَ اللَّـهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ وَأَعَدَّ لَهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي تَحْتَهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا أَبَدًا ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ﴿١٠٠

Kuwii u hormaray khayrka ee ahaa muhaajiriin iyo ansaar iyo kuwa ku raacay wanaaga, waxa raali ka noqday korkooda Ilaahay, iyaguna raalibay ku noqdeen, wuxuuna Alle u diyaariyey jannooyin ay soconayso hoosteeda wabiyayaalkii, ayagoo ku waaraya dhexdeeda waligood, taasina waa guul aad u wayn. (100) [Suuratu Tawbah:100]

Daliilka 2aad:

مُّحَمَّدٌ رَّسُولُ اللَّـهِ ۚ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاءُ عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاءُ بَيْنَهُمْ ۖتَرَاهُمْ رُكَّعًا سُجَّدًا يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ اللَّـهِ وَرِضْوَانًا ۖ سِيمَاهُمْ فِي وُجُوهِهِم مِّنْ أَثَرِ السُّجُودِ ۚ ذَٰلِكَ مَثَلُهُمْ فِي التَّوْرَاةِ ۚ وَمَثَلُهُمْ فِي الْإِنجِيلِ كَزَرْعٍ أَخْرَجَ شَطْأَهُ فَآزَرَهُ فَاسْتَغْلَظَ فَاسْتَوَىٰ عَلَىٰ سُوقِهِ يُعْجِبُ الزُّرَّاعَ لِيَغِيظَ بِهِمُ الْكُفَّارَ ۗ وَعَدَ اللَّـهُ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ مِنْهُم مَّغْفِرَةً وَأَجْرًا عَظِيمًا ﴿٢٩

Muxammad waa rasuulkii Ilaahay, kuwa isaga la socdaana (saxaabada) waa kuwo ku adag gaalada, dhexdoodana isu naxariista. Waxaad arki ayagoo rukuucsan oo sujuudsan oo ku raadinaya (cibaadada) fadliga Ilaahay iyo raali ahaanshihiisa, calaamadoodu waxay ka muuqata wajiyadooda oo ah raadkii sujuuda, sidaasbaana lagu sheegay Tawreed, tilmaantooda Injiilkana waxay lamid yihiin beer soo bixisa jirideeda oo adkaatay oo si fiican isu taagtay, la yaabna galisay beeralayda, si uu Alle  ugu cadho galiyo gaalada (wanaagooda iyo quruxdooda), waxa Ilaahay u ballanqaaday kuwa ilaahay rumeeyey ee camalka saalixa ahna la yimid danbi dhaaf iyo abaalgud wayn (29) [Alfatxi:30]

Daliilka 3aad:

لَا يَسْتَوِي مِنكُم مَّنْ أَنفَقَ مِن قَبْلِ الْفَتْحِ وَقَاتَلَ ۚ أُولَـٰئِكَ أَعْظَمُ دَرَجَةً مِّنَ الَّذِينَ أَنفَقُوا مِن بَعْدُ وَقَاتَلُوا ۚ وَكُلًّا وَعَدَ اللَّـهُ الْحُسْنَىٰ ۚ وَاللَّـهُ بِمَا تَعْمَلُونَ خَبِيرٌ ﴿١٠

Masinna Ruux wax bixiyay Maka furashadeedii ka hor oo Jahaaday, kuwaasaa ka ajri wayn kuwii bixiyay oo dagaalamay ka dib, dhammaantoodna Ilaahay wuxuu ugu yaboohay Janno, Ilaahayna waa ogyahay waxaad camal falaysaan. (10) [Alxadiid:10]

Daliilka 4aad:

لِلْفُقَرَاءِ الْمُهَاجِرِينَ الَّذِينَ أُخْرِجُوا مِن دِيَارِهِمْ وَأَمْوَالِهِمْ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِّنَ اللَّـهِ وَرِضْوَانًا وَيَنصُرُونَ اللَّـهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَـٰئِكَ هُمُ الصَّادِقُونَ ﴿٨وَالَّذِينَ تَبَوَّءُوا الدَّارَ وَالْإِيمَانَ مِن قَبْلِهِمْ يُحِبُّونَ مَنْ هَاجَرَ إِلَيْهِمْ وَلَا يَجِدُونَ فِي صُدُورِهِمْ حَاجَةً مِّمَّا أُوتُوا وَيُؤْثِرُونَ عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ وَلَوْ كَانَ بِهِمْ خَصَاصَةٌ ۚ وَمَن يُوقَ شُحَّ نَفْسِهِ فَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ ﴿٩وَالَّذِينَ جَاءُوا مِن بَعْدِهِمْ يَقُولُونَ رَبَّنَا اغْفِرْ لَنَا وَلِإِخْوَانِنَا الَّذِينَ سَبَقُونَا بِالْإِيمَانِ وَلَا تَجْعَلْ فِي قُلُوبِنَا غِلًّا لِّلَّذِينَ آمَنُوا رَبَّنَا إِنَّكَ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ ﴿١٠

Waxaa Xoolahaas wax ku leh kuwa Saboolka ah ee ka soo hijrooday guryahoodii iyo xoolahoodii ayagoo ku doonaya fadliga Ilaahay iyo raali ahaanshihiisa, waxayna u gargaarayaan Ilaahay (diintiisa) iyo Rasuulkiisa, waana kuwa runloowayaala. (8) Kuwii Madiino deganaa ee xaqa rumeeyey waxay jecel yihiin dadka u soo hijroon (u soo qixi) kamana helayaan laabtooda wax cadho ah oo ay u qabaan wixii la siiyey,  waxayna Naftooda ka doorbidayaan (muhaajiriinta) inkastoo ayagana (ansaarta) ay baahi hayso, cidii naftiisa ka dhawrta bakhaylnimada waa kuwo liibanaya.(9) iyo kuwa yimid ayaga dabadooda oo dhahaya Rabbigayagow noo danbi dhaaf anaga iyo walaaladayo nooga horeeyey iimaanka, hana ka yeelin quluubtayada kuwo xaasidaya mu’miniinta , rabbigayagow adigu waxaad tahay mid tudhid badan oo naxariis badan(10) [Alxashri: 8,9,10]

Dabcan aayadahani waxay daliil u yihiin cidii cuqdad ama xaasidnimo u qaada saxaabada Rasuulka (scw) inay yihiin dad baadiya oo aan xaq u lahayn in lasiiyo (fayga) oo ah qaniimada muslimiintu helaan ayagoon dagaalamin. Sidaas darteed ayuu Imaamu Maalik wuxuu yidhi: “Shiiciga raafidiga ah ee caaya saxaabada nabigeena, xaq umalaha in lasiiyo qaniimo”

Waxa kale oo Caasha tidhi:

أمروا أن يستغفروا لأصحاب النبي صلى الله عليه وسلم فسبوهم

Waxa la faray inay saxaabada  nabiga (scw) ay danbi dhaaf Ilaahay u waydiiyaan, markaasay caayeen. [Saxiix Muslim: 3022 ]

Ilaahay wuxuu ina faray inaan u ducayno muhaajiriinta iyo ansaarta, waana sifada lagu garanayo kuwa wanaaga ku raacay saxaabada, balse Ilaah baan ka magan galnee kuwa cuqdada u haya ama u cadhaysan ama ku tasbiixsada lacnada saxaabada, waa kuwo shaydaanku daasad u tumay oo ka leexday jidkii toosnaa ee hanuunka.

Daliilka 5aad:

 (كُنْتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ) آل عمران/110

“Waxaad tihii ummad ta ugu khayrka badan ee dadka loo soo diro” [Alcimraan:110]

Ummada islaamka ayaa ah ummadaha ta ugu khayrka badan, cida ugu horeysa ee soo galaysa khayrkaasina waa saxaabada Rasuulka (scw).

Daliilka 6aad:

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بن مسعود رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: ( خَيْرُ النَّاسِ قَرْنِي، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ،)

“Cabdilaahi ibnu Mascuud (Rc) waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Dadka waxa ugu khayr badan qarnigayga, kadibna qarniga ku xiga, kadibna qarniga kusii xiga” [Bukhaari:2652 iyo Muslim:2533]

Qarniga ugu khayrka badan umadan waa qarnigii uu nabigu noolaa iyo saxaabadiisu, waxaana ku xiga qarnigii labaad, waxaana kusii xiga qarnigii sadexaad. Sidaas awgeed umada islaamka ah salafkoodii (oo ah qarniyadaas Ilaahay fadilay) cidii ku tilmaanta inay yihiin beenaalayaal ama gaalo waa kuwo ayagana shaydaanku indho tiray oo aan xaqiiqada waxba ka ogayn.

Daliilka 7aad:

عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا تسبوا أصحابي لا تسبوا أصحابي فوالذي نفسي بيده لو أن أحدكم أنفق مثل أحد ذهبا ما أدرك مد أحدهم ولا نصيفه

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Ha caayina asxaabtayda, ha caayina asxaabtayda, kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, hadii midkiin uu bixiyo buurta Uxud oo dahab ah ma gaadhayo muga gacantooda ama badhkeedba” [Muslim: 2540 ]

Xadiiskan wuxuu daliil u yahay inay xaaraan tahay in la caayo saxaabada nabiga (scw), waxayna kamid tahay cayda saxaabadu danbiyada waaweyn ee faaxishooyinka ah. Sababtuna waxay tahay waa dad Ilaahay daahiriyey kuna amaanay kitaabkiisa, nabigeenuna (scw) inoo sheegay qiimahooda, sidaas darteed sadaqadii ay bixiyeen markuu Islaamku bilowga ahaa ayaa ka fadli badan ruux bixiyey sadaqo aad u wayn markuu Islaamku xoogaystay.

Waxa nabigu (scw) sidoo kale ka reebay Khaalid ibnu Waliid inuu caayo Cabdiraxmaan ibnu Cawf oo wuxuu dhahay: Ha caayina saxaabadayda” Bal kawaran Khaalid ibnu Waliid oo ahaa seeftii Ilaahay ee galka la’ayd ayaa loo diiday inuu wax ka sheego saxaabadii islaamay furashadii Makkah kahor, kuwa ayagu aan saxaabana ahayn ee afkooda ka dhigi la’ cayda saxaabada, waxay ku jiraan macsi aad u wayn iyo faaxishooyin.

Saxaabadu waa cadaaliyiin (gar yaqaano) dhamaantood:

Saxaabada nabigeena (scw) waa cadaaliyiin, oo waxa taskiyeey (daahiriyey) Ilaahay subxaanahu wa tacaala.

Wuxuu dhahay Imaamu Nawawi: “saxaabada kulligood waa cadaaliyiin, ha ahaadaan kuwii fitnadu taabatay iyo kuwa kalebee” [Al-Taqriib wa al-taysiir: bogga 92]

Wuxuu yidhi ibnu Xajar: “Waxa Ehlu sunnahu isku waafaqeen in dhamaan saxaabadu yihiin cadaaliyiin, (run loowayaal), manay khilaafin arrintaas kuwa bidcoolayaala oo naadira mooyee” [Al-isaabah fii tamyiiz assaxaabah (1/10)]

Cadaaliyiinta oo looga jeedo inay runta sheegayaan, macnaheedu maaha in saxaabadu tahay macsuum aan qalad ka dhicin sida nabiyada iyo malaa’ikta oo kale.

Saxaabadu waa ibnu aadam qalad ka dhici karo, ku yar iyo ku waynba. Hase ahaatee qaladaadkooda marka loo barbardhigo wanaagooda, waxa badana wanaagooda oo sida badda oo kale ah.

Ruuxii ka qaybgalay dagaalkii Badar, ee hadana qalad ka dhacay waxa qaladkiisa malaayiin jeer ka wayn wanaaga uu leeyahay. Sidaas darteed ayaa caqiiqdada muslimiinta ehlu sunnaha ah ay tahay in saxaabadu yihiin bashar, ahan kuwa ugu khayrka badan umada islaamka marka nabiyada laga yimaado, dhamaantoodna ay yihiin run loowayaal.

Wixii dhexdooda ka dhex dhacay oo fitno ahna loogu cudurdaaro, maadaama ay ijtihaadeen oo ay dadaaleen. Sidoo kale caqiidada ehlu sunnahu waa in saxaabada dhamaantood wanaagooda la sheego, qaladkoodana loogu cudurdaaro.

Ilaahay wuxuu dhahay:

إِنَّ الْحَسَنَاتِ يُذْهِبْنَ السَّيِّئَاتِ ۚ ذَٰلِكَ ذِكْرَىٰ لِلذَّاكِرِينَ (114)

“Xasanaadku waxay tagsiiyaan xumaanaha, taasina waa waano cidii ku waantoobaysa” [Huud:114]

Saxaabada kuwa ugu fadliga badan:

Guud ahaan Ilaahay siduu ku sheegay suuratu Xadiid, aayada 10aad kulligood Janno ayuu ugu ballanqaaday, hadana ayagoo dhamaantood khayr badan u suganyahay way sii kala fadli badan yihiin. Muhaajiriintu way ka fadli badan yihiin reer Ansaareed, Badariyiintu way ka fadli badan yihiin kuwa kale, saxabaadii geedka hoostiisa baycada kula galay nabiga (scw) ayaguna way ka fadli badanyihiin, waana ehlu Janno.

لَّقَدْ رَضِيَ اللَّـهُ عَنِ الْمُؤْمِنِينَ إِذْ يُبَايِعُونَكَ تَحْتَ الشَّجَرَةِ فَعَلِمَ مَا فِي قُلُوبِهِمْ فَأَنزَلَ السَّكِينَةَ عَلَيْهِمْ وَأَثَابَهُمْ فَتْحًا قَرِيبًا ﴿١٨

Xaqiiqdii, Ilaahay raalibuu ka noqday mu’miniintii kugula heshiinaysay (nabiyow) geedka hoostiisa, wuxuu Ilaahay ogsoonaa waxa ku jira quluubtooda, markaasuu kusoo dajiyey xasilooni korkooda, wuxuuna ku abaalmariyey furasho dhow (Khaybar)” [Suuratu Al-fatxi:18]

Saxaabada nabiga waxa ugu fadli badan si gaara, waa khulafaa’u raashidiin oo kala ah Abubakar, Cumar, Cusmaan iyo Cali waxayna ukala fadli badan yihiin sida ay ukala horeeyaan, taasbaana ah caqiidada ehlu sunnaha ah ee saxiixa ah.


Waxa Diyaariye soona jeedinaya Sh Abdulaziz Mohamed Oogle