Tusmo

Xaasaskii Abubakar:

 

  1. Qutaylah bintu Cabdi Cuzaa binu Ascad.

Waxay Abubakar u dhashay Cabdilaahi binu Abubakar iyo Asma bintu Abubakar. Abubakarna way kala tageen xilligii jaahiliga ama islaamka kahor. Waxayna hadyad u keentay inanteeda Asma balse way diiday inay ka aqbashao iyo inay gurigeeda soo galiso toona maadaama ay ahad gabadha gaalada oo aan islaamin.

Kadibna rasuulka (scw) ayay waydiisay, nabigu wuxuu ugu jawaabay (hadyadeeda aqbal, gurigana soo gali).

Waxay culumada isku khilaafeen inay islaamtay iyo inay gaalnimo ku dhimatay.

  1. Umu Roomaan bintu Caamir binu Cuwaymir.

Waxa ka dhintay ninkeedii oo la dhaho Xaarith binu Sakhbarah, kadibna Abubakar ayaa guursaday waxayna u dhashay Cabdiraxmaan binu Abubakar iyo Caasha bintu Abubakar.

Umu Roomaan way islaamtay, waxayna u hijrootay magaalada Madiina, ayadaana nabiga u dhistay Caasha Ilaahay raali haka ahaadee.

  1. Asma bintu Cumays

Asma bintu Cumays waxa qabay Jacfar binu Abudaalib, waxayna kamid ahayd dadkii ugu hor islaamay, waxay u hijrootay ayadoo ninkeeda la socota dhulka Xabashida, kadibna waxay usoo hijrootay magaalada Madiina.

Markii Jacfar binu Abudaalib Ilaahay raali haka ahaadee ku shahiiday dagaalkii Mu’tah, waxa guursaday Abubakar, waxayna u dhashay Muxamed binu Abubakar.

  1. Xabiiba bintu Khaarijah

Xabiiba bintu Khaarijah oo ahayd gabadh reer Ansaareeda waxa guursaday Sidiiq, waxayna u dhashay Umu Kalthuum bintu Abubakar, kadib geeridii Abubakar.

Caruurtii Abubakar

 

  • Cabdiraxmaan binu Abubakar.

Wuxuu islaamay maalintii heshiiskii Xudaybiya, islaamnimadiisuna way fiicnaatay. Wuxuuna ahaa nin geesiya, oo go’aamo wax ku oola lahaa, Ilaahay raali haka ahaadee.

  • Cabdilaahi binu Abubakar.

Cabdilaahi wuxuu si baaxad le huga qayb qaatay hijradii nabiga (scw) iyo aabihii Abubakar. Maalintii wuxuu la joogi jiray reer Qureesheed isagoo dhagaysanay warkooda, habeenkiina isagoo dhuumanaya ayuu warka u keeni jiray nabiga iyo aabihii Abubakar. Cabdilaahi waxa dhaawac kasoo gaadhay dagaalkii Daa’if, kadibna dhaawacii ayuu udhintay.

  • Muxamed binu Abubakar.

Wuxuu kusoo koray gurigii Cali ibnu Abudaalib Ilaahay raali haka ahaadee, maadaama Cali uu guursaday hooyadii Asma bintu Cumays kadib markuu Abubakar ka dhintay. Xilligii khilaafadii Cali waxa loo magacaabay gudoomiyaha dalka Masar, halkaasbaana lagu dilay.

  • Asma binu Abubakar.

Asma waxay ku magac dheertahay ”Daata Annidaaqayn” Asma laba daraflay, waxa magacana loo bixiyey xilligii hijrada nabiga iyo aabaheed Abubakar. Waxay u diyaarisay cunto ay sahay ka dhigtaan intay safar ku jiraan, kadibna waxay ilowday xadhigii ay ku xidhi lahayd weelkii ay cuntadu ku jirtay, dabadeedna maradeeda ayay laba daraf ka jeexday waxay ku xidhay weelkii, markaasuu rasuulku (scw) ku dhahay: ”Ilaahbaa kuugu badalay laba daraf oo jannada ah”

Asma waxa guursaday Zubayr binu Cawaam Ilaahay raali haka ahaadee, waxayna hijrootay ayadoo uur leh oo sida Cabdilaahi, markii ay timid Madiina ayay dhashay Cabdilaahi binu Zubayr, sidaasna wuxuu ku noqday wiilkii ugu horeeyey ee islaamka ugu dhashay Madiina, hijradii kadib.

Asma waxay noolayd mudo dheer, boqol sanadood ayay gaadhay, waxayna dhimtay sanadkii 73dii hijriyada kadib markii habaarqabe Xajaaj binu Yuusuf dilay wiilkeedii Cabdilaahi binu Zubayr.

  • Caasha bintu Abubakar.

Waa xaaskii rasuulka, waana qofkii uu nabigu ugu jeclaa, waxayna kamid tahay shanta saxaabi ee ugu xadiisyada badan, waa gabadha ugu cilmiga badan aduunyada, waxa Ilaahay ka bari yeelay been abuuradkii ay munaafiqiintu soo maleegeen, ayadoo Ilaahay kasoo dajiyey quraan la akhrinayo ilaa Qayaamada.

  • Umu Kalthuum bintu Abubakar.

Waxay dhalatay dhimashadii aabaheed kadib, waxaana guursaday saxaabigii rasuulka ee Dalxa binu Cubaydilaah Ilaahay haka raali ahaadee, waxayna u dhashay Caasha bintu Dalxa.