Tusmo

Qabiilooyinkii Carbeed iyo Qoyskii Rasuulka (scw):

 

Carabtii reer Qaxdaan:

Carabtu asal ahaan waxay ka soo jeedaan qabiilka faca wayn ee Qaxdaan, kuwaasoo loo yaqaano carabta Qaxdaaniyiinta. Deegaanka carabta qaxdaaniyiintu wuxuu ahaa dhulka Yamen, hase ahaatee markii uu dumay xidheenkii Ma’rab, ayay carabtu ka qaxeen Yamen, waxayna degeen jasiirada carbeed, dhulka Shaam iyo qaybo badan oo ay maamuli jirtay dawladii Faarisiyiinta.

Carabtii Ismaaciiliyiinta ama Cadnaaniyiinta:

Markii Nabi Ismaaciil (csw) iyo hooyadii Haajara ay dageen magaalada Makkah, waxa lasoo dagay qabiilka Jurxum oo kamid ahaa qabiiladii kasoo hayaamay dhulka Yamen, kuwaasoo raadsanayey deegaan ay ku nastaan, waxayna si kadis ah u heleen Haajara iyo wiilkeedii nabi Ismaaciil.

Waxayna Haajara ka dalbadeen inay la dagaan magaalada Makkah, biyaha Zamzamkana ay la cabaan, ayaguna ay ka kafaalo qaataan quudkooda kale.

Mudo kadib, waxa weynaaday nabi Ismaaciil (csw), wuxuuna la xididay qabiilkii reer Jurxum isagoo guursaday gabadh uu dhalay suldaankii reer Juzxum ee Madhaadh ibnu Camru. Gabadhaasina waxay nabi Ismaaciil u dhashay laba iyo toban wiil, waxaana ugu caansan Naabit iyo Qaydaar.

Qaydaar isaga iyo ubadkiisu waxay daganaayeen magaalada Makkah, ilaa lagasoo gaadhay Cadnaan oo ah ninka ay carabta Ismaaciiliyiintu abtirsoontooda ka xifdiyeen.

Cadnaana waa awoowga labaatan iyo koowaad ee silsilada abtirsiinta nabiga (scw). Nabiguna (scw) markuu abtirsado oo uu gaadho Cadnaan, wuu aamusi jiray, wuxuuna dhihi jiray: ”Kuwa abtiriyaa been ayey sheegeen”

Carbta kasoo farcantay nabi Ismaaciil, waxa la dhahaa Cadnaaniyiin ama Ismaaciliyiin, ama carabta la carabaysiiyey, sababtoo ah asalkoodu carab muu ahayn.

 

Reer Qureesheed:

Carbta Cadnaaniyiinta waxa kamida qabiilka reer Qureesh, ee looga markhaati kacay inay carabta agtooda sharaf iyo wayni ku lahaayeen, waxayna ahaayeen qabiilkii xukumi jiray magaalada Makkah.

Qureeshna waa odayga la dhaho Fihir ibnu Maalik ama Nadri ibnu Kanaana, cidii abtirsiintiisu sii marto Fihir ibnu Maalik ayaa ah reer Qureesheed.

Reer Qureesheed waxa dawladii u horeysay u aasaasay ninka la dhaho Qusayy ibnu Kilaab oo ah awoowga afaraad ee nabiga Muxamed (scw).

Qusayy wuxuu gacanta ku hayey daah u xidhida Kacbada, waraabinta iyo cunta siinta xujaajta timaada magaalada Makkah. Sidoo kale isaga ayaa furaha kacbada hayey oo cidii uu doono u furi jiray, kuu doonana ka xidhi jiray.

Qusayy waa ninkii reer Qureesheed soo dajiyey magaalada Makkah, ayagoo markii hore dagenaa hareeraha Makkah. Wuxuuna dhisay guri ku yaala kasoo horjeedka kacbada oo reer Qureesheed ay ku shiri jireen, sida guryaha baarlamaanada oo kale ah, waxaana loo yaqaanaa gurigaa ”Daaru Al-nadwah”

Qoyskii nabiga (scw) Haashimi:

Qoyska nabiga (scw) waxa loo yaqaanaa reer Haashim, ayadoo loogu magac daray awoowga labaad ee rasuulka (scw). Haashimna wuxuu dhaxlay labo jago oo kala ahaa (Cunta siinta iyo Waraabinta xujaajta) kadibna waxa uga danbeeyey walaalkii Mudallib. Mudallibna waxa ugasii danbeeyey wiilkii uu adeerka u ahaa Cabdulmudallib ibnu Haashim oo ahaa nabiga awoowgii.

Cabdulmudallib iyo Ubadkiisii

Sayidkii Magaalada Makkah waxa uu ahaa Cabdulmudalib, waxaana loo dhalay toban wiil iyo lix gabdhood, waxayna kala yihiin: ( Cabaas, Diraar, Xamse, Miqwam, Xajal, Abudaalib, Zubeyr, Xaarith, Abulahab iyo Cabdullahi), Gabdhuhuna waa ( Safiya, Umu-Xakiim, Caatika, Amiimah, Arwa, Iyo Barrah).

Cabdulmudallib waxa uu nadar ku galay hadii uu dhalo toban wiil in mid kamida loo gawraco sanamyada. Markii Ilaahay siiyey tobankii wiil ayuu go’aansaday inuu mid kamida gawraco, kadibna caruurtiisii ayuu u qori tuuray, qorigiina wuxuu kusoo baxay Cabdullahi oo ahaa wiilka ugu yaraa, looguna jeclaa.

Cabdulmudallib ayaa isku dayey inuu gawraco Cabdullahi, hase ahaatee madaxdii reer Qureesheed ayaa ka hor timid una diiday in la gawraco Cabdullahi.

Madaxdii qabiilada ayaa u tilmaamay Cabdulmudalib inuu u tago gabadh joogta Xijaaz oo ahayd gabadh faalisa oo la shaqaysata Jinka.

Cabdulmudallib waa ku qancay fikradaas, waxaanu kaxeeyey Cabdullahi isagoo ka rajo qaba naagta faalisada ah. Naagtii markuu u galay ayuu uga waramay ujeedadiisa, waxayna ugu jawaabtay inuu soo noqdo barritoole, si loo xalliyo arrimihiisa.

Subaxii ayuu utagay naagtii, waxayna fartay in loo qori tuuro Cabdullahi iyo diyada (magta) la siiyo reerka qof laga dilay, taasoo ahayd toban neef oo geela. Hadduu qorigu kusoo baxo Cabdullahi waa inaad kordhisaa tirada geela illamaa inta qorigu kusoo baxayo geela. Markay tirada geelu maraysay boqol neef ayuu qorigii ku soo baxay geelii, markaasuu farxay oo boqol halaad ayuu bixiyey badalkeeda in la gawraco Cabdullahi.

Cabdullahahi isla markiiba waxa loo guuriyey Aamina bintu Wahab oo uu dhalay sayidkii reer banu Zuhra. Hase ahaatee, guurkaasi masii waarin ee waxa si lama filaana u geeriyooday Cabdullahi isagoon arkin wiilka ay Aamina uurka ku siday.