Tusmo

Nin la hubo inuu ehelka Jannada yahay

Ninkan waa Cabdilaahi binu Salaama Ilaahay haka raali ahaadee, waa saxaabi kasoo jeeda yahuudii daganayd magaalada Madiina. Wuxuu ahaan jiray culumada waawayn ee yahuuda, balse wuu islaamay, wuxuuna kamid yahay saxaabada waawayn ee Rasuulka (scw). Marar badan ayaa saxaabigan loogu bishaareeyay inuu galayo jannada iyo inuu ku dhimanayo islaamnimo.

Waxa ka markhaati kacay inuu ehelka Jannada uu yahay saxaabigii waynaa ee Sacad binu Abiwaqaas isagoo cadeeyay inuu maqlay rasuulka oo leh”Isagu waa ehelka jannada”

عن عامر بن سعد بن أبي وقاص عن أبيه قال ما سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول لأحد يمشي على الأرض إنه من أهل الجنة إلا لعبد الله بن سلام قال وفيه نزلت هذه الآية وشهد شاهد من بني إسرائيل على مثله

Caamir binu Sacad binu Abiwaqaas wuxuu aabihii kasoo wariyay inuu yiri: maan maqlin nabiga (scw) oo ku leh qof dhulka soconaya waa ehelka jannada Cabdilaahi binu Salaam mooyee, wuxuu yiri: isagayna kusoo dagtay ayaadani ”Waxa ka markhaati kacay mid maraga oo kasoo jeeda reer bani Israa’iil wax lamida” [Axqaaf:10][1]

Sidoo kale saxaabigii qaaliga ahaa ee Mucaad binu Jabal ayaa uga markhaati kacay inuu ehelka jannada yahay:

عن معاذ بن جبل ـ رضي الله عنه ـ قال والتمسوا العلم عند أربعة رهط عند عويمر أبي الدرداء وعند سلمان الفارسي وعند عبد الله بن مسعود وعند عبد الله بن سلام الذي كان يهوديا فأسلم فإني سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول إنه عاشر عشرة في الجنة

Mucaad binu Jabal Ilaahay haka raali ahaadee waxa laga wariyay inuu yiri: ka raadsada cilmiga afar qof; Cuwaymir Abi Dardaa agtiisa iyo Salaamn Al-faarisi agtiisa, iyo Cabdilaahi binu Mascuud agtiisa iyo Cabdilaahi binu Salaama agtiisa, kaasoo ahaa yahuudi islaamay oo waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”Isagu waa tobanka ka tobneeya ee Jannada”[2]

Siduu ku islaamay Cabdilaahi binu Salaama?

Markii ugu horaysay ee uu la kulmay nabiga ayuu Cabdilaahi aqoonsaday in nabigu aanu beenaale ahayn:

عن عبد الله بن سلام قال لما قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم المدينة انجفل الناس إليه وقيل قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم قدم رسول الله صلى الله عليه وسلم فجئت في الناس لأنظر إليه فلما استثبت وجه رسول الله صلى الله عليه وسلم عرفت أن وجهه ليس بوجه كذاب وكان أول شيء تكلم به أن قال أيها الناس أفشوا السلام وأطعموا الطعام وصلوا والناس نيام تدخلوا الجنة بسلام

Cabdilaahi binu Salaama waxa laga wariyay inuu yiri: markuu yimid rasuulkii Ilaahay (scw) madiina, dadkii ayaa ku yaacay xagiisa, waxay dhaheen: rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yimid, rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yimid, rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yimid, waxaan la imid dadkii si aan u eego, markaan hubsaday wajigii rasuulkii Ilaahay (scw) ayaan gartay inaanu wajigiisu ahayn waji beenaale, wixii ugu horeeyay ee uu ku hadlayna waxay ahayd: ”Dadow faafiya salaanta, qudiyana cuntada, tukadana ayadoo dadku hurdaan, waad galaysaan jannada si nabadgalyo ah”[3]

Cabdilaahi binu Salaama markuu islaamayay wuxuu dhawr su’aalood waydiiyay nabiga, kadibna markuu helay jawaabihii ayuu qaatay diinta Islaamka.

حَدَّثَنَا أَنَسٌ أَنَّ عَبْدَ اللَّهِ بْنَ سَلَامٍ بَلَغَهُ مَقْدَمُ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ الْمَدِينَةَ فَأَتَاهُ يَسْأَلُهُ عَنْ أَشْيَاءَ فَقَالَ إِنِّي سَائِلُكَ عَنْ ثَلَاثٍ لَا يَعْلَمُهُنَّ إِلَّا نَبِيٌّ مَا أَوَّلُ أَشْرَاطِ السَّاعَةِ وَمَا أَوَّلُ طَعَامٍ يَأْكُلُهُ أَهْلُ الْجَنَّةِ وَمَا بَالُ الْوَلَدِ يَنْزِعُ إِلَى أَبِيهِ أَوْ إِلَى أُمِّهِ قَالَ أَخْبَرَنِي بِهِ جِبْرِيلُ آنِفًا قَالَ ابْنُ سَلَامٍ ذَاكَ عَدُوُّ الْيَهُودِ مِنْ الْمَلَائِكَةِ قَالَ أَمَّا أَوَّلُ أَشْرَاطِ السَّاعَةِ فَنَارٌ تَحْشُرُهُمْ مِنْ الْمَشْرِقِ إِلَى الْمَغْرِبِ وَأَمَّا أَوَّلُ طَعَامٍ يَأْكُلُهُ أَهْلُ الْجَنَّةِ فَزِيَادَةُ كَبِدِ الْحُوتِ وَأَمَّا الْوَلَدُ فَإِذَا سَبَقَ مَاءُ الرَّجُلِ مَاءَ الْمَرْأَةِ نَزَعَ الْوَلَدَ وَإِذَا سَبَقَ مَاءُ الْمَرْأَةِ مَاءَ الرَّجُلِ نَزَعَتْ الْوَلَدَ قَالَ أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَنَّكَ رَسُولُ اللَّهِ قَالَ يَا رَسُولَ اللَّهِ إِنَّ الْيَهُودَ قَوْمٌ بُهُتٌ فَاسْأَلْهُمْ عَنِّي قَبْلَ أَنْ يَعْلَمُوا بِإِسْلَامِي فَجَاءَتْ الْيَهُودُ فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَيُّ رَجُلٍ عَبْدُ اللَّهِ بْنُ سَلَامٍ فِيكُمْ قَالُوا خَيْرُنَا وَابْنُ خَيْرِنَا وَأَفْضَلُنَا وَابْنُ أَفْضَلِنَا فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَرَأَيْتُمْ إِنْ أَسْلَمَ عَبْدُ اللَّهِ بْنُ سَلَامٍ قَالُوا أَعَاذَهُ اللَّهُ مِنْ ذَلِكَ فَأَعَادَ عَلَيْهِمْ فَقَالُوا مِثْلَ ذَلِكَ فَخَرَجَ إِلَيْهِمْ عَبْدُ اللَّهِ فَقَالَ أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ قَالُوا شَرُّنَا وَابْنُ شَرِّنَا وَتَنَقَّصُوهُ قَالَ هَذَا كُنْتُ أَخَافُ يَا رَسُولَ اللَّهِ

Waxa noo warramay Anas in Cabdilaahi binu Salaam ay soo gaadhay inuu nabig (Scw) yimid Madiina, waanu u yimid isagoo waydiinaya arrimo, wuxuuna yiri: waxaan ku waydiinayaa sadex aanu garanayn nabi mooyee. Waa maxay calaamada u horraysa ee Qayaamada? Waa maxay cuntada ugu horraysa ee ehelka Jannadu cunayaan? Waa maxay sababta wiilku ugu ekaado aabihii ama hooyadii? Wuxuu yiri: Jibriil ayaa mar dhowayd ii sheegay… markaasuu Ibnu Salaam dhahay: kaasi waa malaga cadawga ku ah yahuuda. Wuxuu yiri (nabigu): calaamada u horraysa ee saacadu waa naar kasoo ururinaysa (dadkii) bari iyo galbeedba, cuntada ugu horraysa ee dadku cunayaana waa beer yarada Xuutka (nibiriga). Wiilkana hadii biyaha (manida) ninku kahormarto biyaha gabadha wuxuu noqdaa wiil hadii biyaha gabadhu ay ka hormato biyahay ninkana waa gabadh, wuxuu dhahay: waxaan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee adiguna aad tahay rasuulkiisii. Wuxuu yiri: rasuulkii Ilaahayow; yahuudu waa beenaalayaal ee bal waydii arrintayda intaanan muujisan islaamnimadayda. Waxa timid yahuudii, markaasuu dhahay nabigu (scw): Cabdilaahi binu Salaam siduu ka yahay agtiina? Waxay dhaheen: waa ka nogu khayrka badan ee uu dhalay kii noogu khayrka badnaa, waa ka noogu fadliga badan ee uu dhalay kii noogu fadliga badnaa, markaasuu nabigu (scw) dhahay: ka warrama haduu islaamo Cabdilaahi binu Salaama? Waxay dhaheen: Ilaahbaan uga magan galaynaa, markaasuu ku celiyay, ayagiina sidii oo kale ayay dhaheen. Kadibna waxa kusoo baxay Cabdilaahi oo leh: waxaan qirayaa in Ilaah xaq lagu caabudo aanu jirin Ilaahay mooyee, Muxamadana waa rasuulkii Ilaahay. Markaasay dhaheen: waa ka noogu sharka badan ee uu dhalay kii noogu sharka badnaa, wayna naaqusiyeen. Wuxuu yiri (Cabdilaahi): taasbaan ka cabsanayay, rasuulkii Ilaahayow.[4]

Riyadii Cajiibka ahayd ee Cabdilaahi binu Salaama uu arkay!

Cabdilaahi Ilaahay haka raali ahaadee wuxuu ka sheekeeyay inuu habeen ku riyooday nin uyimid oo gacanta qabtay, kadibna wuxuu arkay fardo taagan jidka dhinaciisa bidix, wuxuuna doonay inuu fardahaa mid kamida uu ku boodo, blase ninkii gacanta hayay ayaa ku yiri: ha qaadanina, ayagu waa asxaabta bidixdee.

Way sii socdeen, wuxuuna arkay fardo taagan dhinaca midigta, ninkii gacanta hayay ayaa ku yiri: fardahan mid kamida qaado, waanu qaatay, wuuna fuulay. Ninkiina wuxuu amray inuu fuulo buur, blase wuu fuuli kari waayay, markasta oo uu buurtaas fuulo wuxuu ka dhaca farsaka isagoo dabada dhulka ku dhufanaya.

Kadibna ninkii ayaa kaxeeyay, wuxuu geeyay meel tiir dheer ka taaganyahay, tiirkaas oo dhulka salka ku haya, madaxiisuna cirka gaadhay, waxa tiirkaas dushiisa sare ku xidhan xadhig. Ninkii gacanta hayay ayaa Cabdilaahi amray inuu xadhiga qabsado! Cabdilaahina wuxuu yiri: sidee u qabsadaa, xadhigu cirkuu ku yaalaa.

Dabadeedna ninkii gacanta intuu qabtay ayuu sare u tuuray, wuxuuna qabsaday xadhigii. Isagoo xadhiga haysta ayuu hurdada kasoo kacay.

Kadibna nabiga (scw) ayuu warkii u sheegay, nabiguna wuu u fasiray, wuxuna dhahay:

Fardaha dhinaca bidix taagnaa waa Asxaabta Bidixda ee ehalka naarta, fardaha midigeedna waa Asxaabta midigta ee ehelka jannada. Buurtuna waa buurtii shuhadada, mana gaadhaysid inaad shahiid noqoto.

Tiirka dheer ee cirka gaadhayna waa tiirka Islaamka, xadhiguna waa xadhiga islaamka, kamana suulaysid inaad haysato xadhigaa ilaa intaad ka dhimanayso.[5]


[1] Bukhaari: 3601 iyo Muslim: 2483

[2] Sunanu Tirmadi: 3804

[3] Sunanu Tirmadi: 2485

[4] Saxiixa Bukhaari: 3723

[5] Saxiix Muslim: 2484