Waxa ibnu Kathiir kitaabkiisa tafsiirka kusoo saaray, tafsiirka suuratu Al-acraaf aayada 157 aad xadiis uu kasoo xiganayo Xaakim iyo Bayhaqi, xadiiskaas oo ka warraaya in saxaabiga Hishaam binu Al-caas uu la kulmay boqorkii Roomaanka ee Hiraqal, kadibna uu tusay sawiradii nabiyada oo dhan.

Hishaam wuxuu yiri: ”Aniga iyo nin kale ayaa naloo diray Hiraqal, boqorkii Roomaanka si aan Islaamka ugu yeedhno. Waan baxnay oo waxaad tagnay Quuda (Dimishiq), waxaanan ku dagnay Jabalah ibnu Al-ayham Al-Qasaani, waan u galnay isagoo sariir ku dul fadhiya, wuxuuna noo soo diray cid nala hadasha, waxaan ku nidhi: Ilaahbaan ku dhaaranay idinlama hadlayno ee waxa naloo soo diray boqorka, haduu noo ogolaado waan la hadlaynaa hadii kale lama hadlayno cid kale, ninkii ayaa laabtay oo warkii u sheegay, waanu na ogolaaday. Wuxuu nagu dhahay: hadla, waxaana la hadlay Hishaam binu Caas, wuxuuna ugu yaboohay islaamnimada. Wuxuuna sitaa maro madow, kolkaasuu Hishaam ku dhahay: waa maxay marada aad sidataa? Wuxuu yiri: waan gashtay oo waxaan ku dhaarat inaan siibin ilaa aan Shaam idinka saaro! Waxaan ku dhahnay: meeshan aad fadhido, Ilaahbaan ku dhaaranay waan qaadanaynaa, waanu qabsanaynaa boqortooyada boqorka wayn inshaaAllah, waxa nooga warramay nabigayaga (scw).

Wuxuu yiri: idinka ma tihidin, ee waa qoom sooma maalintii, habeenkiina tukada, ee ka warrmay soonkiina? Waanu uga warramnay oo wajigiisii ayaa madoobaaday!

Wuxuu nagu dhahay: istaaga, wuxuuna nagu daray cid noo gaysa boqorka, waanu baxnay. Markii aan u dhowaanay magaaladii, ayay nagu dhaheen kuwii nala socday: gaadiidkiinan lama galaysaan magaalada  boqorka ee hadaad rabtaan aan idinku qaadno fardaha iyo baqlaya? Waxaan nidhi: maya, Ilaahbaan ku dhaaranee ayagaan la galaynaa. Dabadeedna cid ayay boqorkii u direen inaanu diidnay, kadibna waxaan la galnay geelayagii anagoo ku jeeni qaaran seefahayagii. Waxaan tagnay oo hoosteeda ayaan ku xidhanay geelii isagoo na eegaya.

Markaasaan nidhi: laa ilaaha ilaa Allah, Allahu akbar, Ilaahbaa oge, qolkii ayaa gilgilmay oo noqday sida laan ay dabayshu lulaysa oo kale, cidbuu noo soo diray: ha muujinina diintiina.

Kadibna cidbuu soo diray leh: soo gala, waanu u galnay isagoo ku dul fadhiya furaash, oo ay agtiisana joogaan culmadiisii roomaanka. Meesha uu fadhiyo oo dhan waa casaan, hareertiisuna waa casaan, dhar casna wuu gashanyahay, waan u dhowaanay oo wuu qoslay. Wuxuuna yiri: maxaad iigu salaami waydeen salaantiina? Waxa agtiisa joogayna nin carabida ugu hadlaya si fasiixa oo hadal badan, waxaan ku dhahnay: salaantayadu kuuma banaana, salaantaaduna nooma banaana anaga inaad kugu salaano. Wuxuu yiri: maxay tahay salaantiinu? Waxaan nidhi: waa Assalaaa Calaykum. Wuxuu yiri: sidee u salaantaan boqorkiina? Waxaan nidhi: ayada un. Wuxuu dhahay: muxuu idiinku jawaabaa: waxaan nidhi: ayada un. Wuxuu yiri: waa maxay hadalka ugu sarreeya xagiina? Waxaan nidhi: waa Laa ilaaha ilaa Allaah, iyo Allahu akbar. Markii aan ku hadalnay, Ilaahbaa oge, waxa gilgilmay qolkii ilaa uu madaxa sare u qaaday. Wuxuuna yiri: ereygan aad dhahdeen ee qolku la gilgilmay, miyaya la gilgilantaan qolalkiinu? Waxaan nidhi: maya, ee adiga unbaan kugu aragnay. Wuxuu yidhi: waxaan jeclaan lahaa in markasta ood dhahdaan inay wax kasta idiin gilgilmo. Waxaan bixiyey kala badh boqortooyadaydii. Waxaan nidhi: waayo? Wuxuu yiri: sidaasbaa fudud, iina fiican si inaanay noqonin nabinimo, ee ay ahaato xeeladaha dadka. Kadibna wuxuu na waydiiyey wuxuu rabay, waanan uga jawaabnay, wuxuuna yiri: waa sidee salaadiina iyo soonkiinu? Waanan uga warramnay, wuxuuna dhahay: istaaga, waanan istaagnay. Wuxuuna na dajiyey guri iyo martiqaad badan, waxaanan la joognay sadex.

Habeen ayuu noo yeedhay, waanan u galnay, hadalkii ayuu nagu soo celiyey anaguna waan ku celinay. Kadibna wuxuu keenay wax wayn oo afar geesooda dahab ah, waxay leedahay guryo yaryar oo albaabo leh, mid ayuu furay iyo qufulkii, wuxuuna kasoo saaray xariir madow, waanu kala bixiyey, waxaana ku sawirnayd sawir cas, waxa ku yaalana nin indho waawayn, qaarka danbe u wayn, oo aanan arkin dhererka qoortiisa oo kale, mise maba laha wax gadh ah, wuxuuna lahaa timo kala guntan oo aad u qurxoon. Wuxuuna nagu yiri: ma taqaanaan ciduu yahay? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Aadam (scw), waana dadka ka ugu timaha badan.

Kadibna wuxuu furay albaab kale, wuxuuna kasoo bixiyey xariir madow, waxa ku yaalana sawir cad, wuxuuna leeyahay timo adag, indho cascas, madax wayn, gadh qurxoon leh, wuxuuna yiri: ma taqaanan kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa nuux (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale, wuxuuna kasoo saaray xariir madow, mise waa nin aad u cad, indho qurxoon, waji wayn, dhaban dheer, gadhkiisu cadyahay ood moodo inuu qoslayo, wuxuu yiri: ma taqaanaan kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu dhahay: waa Ibraahiim (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale, mise waa sawir cad, mise Ilaahbaan ku dhaartee waa rasuulkii Ilaahay (scw), wuxuu yiri: ma garanaysaan kan? Waxaan nidhi: haa. Waa Muxamed rasuulkii Ilaahay (scw), waanan oynay. Ilaabaana og, intuu istaagay ayuu fadhiistay; wuxuuna yiri: Ilaabaan idinku dhaarshee, ma isagiibaa? Waxaan nidhi: haa, isagu waa isagii. Waanad eegaysaa, mudo ayuu eegayay, wuxuuna yiri: isagu waa guriga u danbeeya, ee waan idiinsoo dadajiyey si aan u ogaado kiina.

Kadibna wuxuu furay albaab kale, wuxuuna kasoo saaray xariir madow, mise waa sawir maariina madow ah, mise waa nin timo adag, indho godan, si adag wax u eegaa, cabusan, ilkuhu isa saaranyihiin, dibintiisu sare u kacsantahay ood mood inuu cadhaysan yahay, wuxuu yiri ma garanaysaa kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Muuse. Dhinaceedana waxa ku sawiran saiwir u eeg, madax saliidaysan, waji balaadhan, indhihiisu ay iskasoo hor jeedaan, wuxuu yiri: ma garanaysaan kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Haaruun binu Cimraan (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale wuxuuna kasoo saaray xariir cad, mise waa sawir nin maariina, oo dhexdhexaada, ood moodo inuu cadhaysanyahay, wuxuu nagu yiri: ma garanaysaan kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Luud (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale wuxuuna kasoo saaray xariir cad, mise sawir nin cad oo casaan xiga,  oo godan, garbo yaryar, waji qurxoon, wuxuu yiri: ma taqaanaan kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Isxaaq (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale, wuxuuna kasoo saaray xariir cad, mise waa sawir nin u eeg Isxaaq oo dibintiisu ifayso, wuxuuna yiri: ma garanaysaan kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Yacquub (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale, wuxuuna kasoo saaray xariir madow, waxa ku yaala sawir nin cad oo waji qurxoon, sankiisu kamas leeyahay, dherer qurxoon, wajigiisa nuur ka muuqdo, oo wajigiisa laga garanayo khushuucda, casaan u dhow, wuxuu yiri: ma garanaysaan: waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Ismaaciil, nabigiina awoowgiin (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale, wuxuu kasoo saaray xariir cad, waxa ku yaala sawir Aadam (scw) oo kale la moodo, wajigiisana la moodo qorraxda, wuxuu yiri: ma garanaysaan: waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Yuusuf (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale wuxuuna kasoo saaray xariir cad, mise waa sawir nin cas oo lugo yar, oo indhihiisu daciif yihiin, calool wayn, dhererkiisu dhexdhexaad yahay, ku jeeni qaaran seef, wuxuu yiri: ma garanaysaan kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: waa Daa’uud (scw).

Kadibna albaab kale ayuu furay, wuxuuna kasoo saaray xariir cad, mise waa nin qaar ka danbe u wayn, lugo dhaadheer, oo fuushan faras, wuxuuna yiri: ma garanaysaa kan? Waxaan nidhi: maya. Wuxuu yiri: kani waa Sulaymaan binu Daawuud (scw).

Kadibna wuxuu furay albaab kale, wuxuuna soo saaray xariir madow, oo uu ku yaalo sawir cad, mise nin dhalin yaro oo gadhkiisu aad u madawyihiin, timihiisu badanyihiin, indho qurxoon, wuxuu yiri: ma taqaaniin kan? Waxaan dhahnay: maya. Wuxuu yiri: waa Ciise binu Maryam (scw).

Waxaan ku nidhi: xagee ka keentay sawiradan? Sababtoo ah waan ognahay inay sawiradii nabiyada yihiin oo waxaan aragnay sawirkii nabigayagee? Wuxuu yiri: Aadam ayaa rabbigii waydiiyey inuu tuso ubadkiisa inta nabiyada ah, wuxuuna usoo dajiyey sawiradoodii, khasnadii Aadam ayayna ku jirtay xagaas iyo qorrax u dhaca, kadibna Dulqarnayn ayaa kasoo saaray qorrax u dhaca, una dhiibay Daaniyeel.

Dabadeedna wuxuu yiri: ilaahbaan ku dhaartee, naftaydu waxay doontay inaan boqortooyadayda ka tago, hadaan adoon ahaan lahaana kama tagayo boqortooyadiisa ilaa aan ka dhinto, kadibna hadyado ayuu nasiiyey fiican, wuuna nasii daayey. Markaan u tagnay Abubakar Sidiiq Ilaahay raali haka ahaadee, oon uga warramnay wixii aan aragnay, wuxuu nagu dhahay iyo wuxuu na siiyey, ayuu Abubakar ooyay, wuxuuna yiri: waa miskiin, hadii Ilaahay khayr la doono wuu samayn, kadibna wuxuu dhahay: rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa nooga warramay in ayaga iyo yahuudu inay ka helayaan sifooyinka Muxamed agtooda.

Sidaas ayuu soo wariyey Xaafidkii waynaa ee Abubakar Al-bayhaqi Ilaahay ha u naxariistee, kitaabka ” دلائل النبوة ”

Ibnu Kathiirna wuuu yiri:sanadkiisu dhib malaha.

 

وقال الحاكم صاحب المستدرك : أخبرنا أبو محمد – عبد الله بن إسحاق البغوي ، حدثنا إبراهيم بن الهيثم البلدي حدثنا عبد العزيز بن مسلم بن إدريس ، حدثنا عبد الله بن إدريس ، عن شرحبيل بن مسلم ، عن أبي أمامة الباهلي ، عن هشام بن العاص الأموي قال : بعثت أنا ورجل آخر إلى هرقل صاحب الروم ندعوه إلى الإسلام ، فخرجنا حتى قدمنا الغوطة – يعني غوطة دمشق – فنزلنا على جبلة بن الأيهم الغساني ، فدخلنا عليه ، فإذا هو على سرير له ، فأرسل إلينا برسوله نكلمه ، فقلنا : والله لا نكلم رسولا إنما بعثنا إلى الملك ، فإن أذن لنا كلمناه وإلا لم نكلم الرسول فرجع إليه الرسول فأخبره بذلك ، قال : فأذن لنا فقال : تكلموا فكلمه هشام بن العاص ، ودعاه إلى الإسلام ، فإذا عليه ثياب سواد فقال له هشام : وما هذه التي عليك ؟ فقال : لبستها وحلفت ألا أنزعها حتى أخرجكم من الشام . قلنا : ومجلسك هذا ، والله لنأخذنه منك ، ولنأخذن ملك الملك الأعظم ، إن شاء الله ، أخبرنا بذلك نبينا صلى الله عليه وسلم . قال : لستم بهم ، بل هم قوم يصومون بالنهار ، ويقومون بالليل ، فكيف صومكم ؟ فأخبرناه ، فملئ وجهه سوادا فقال : قوموا . وبعث معنا رسولا إلى الملك ، فخرجنا ، حتى إذا كنا قريبا من المدينة ، قال لنا الذي معنا : إن دوابكم هذه لا تدخل مدينة الملك ، فإن شئتم حملناكم على براذين وبغال ؟ قلنا : والله لا ندخل إلا عليها ، فأرسلوا إلى الملك أنهم يأبون ذلك . فدخلنا على رواحلنا متقلدين سيوفنا ، حتى انتهينا إلى غرفة فأنخنا في أصلها وهو ينظر إلينا ، فقلنا : لا إله إلا الله ، والله أكبر فالله يعلم لقد تنفضت الغرفة حتى صارت كأنها عذق تصفقه الرياح ، فأرسل إلينا : ليس لكم أن تجهروا علينا بدينكم . وأرسل إلينا : أن ادخلوا فدخلنا عليه وهو على فراش له ، وعنده بطارقته من الروم ، وكل شيء في مجلسه أحمر ، وما حوله حمرة ، وعليه ثياب من الحمرة ، فدنونا منه فضحك ، فقال : ما كان عليكم لو حييتموني بتحيتكم فيما بينكم ؟ وإذا عنده رجل فصيح بالعربية ، كثير الكلام ، فقلنا : إن تحيتنا فيما بيننا لا تحل لك ، وتحيتك التي تحيي بها لا تحل لنا أن نحييك بها . قال : كيف تحيتكم فيما بينكم ؟ قلنا : السلام عليك . قال : وكيف تحيون ملككم ؟ قلنا : بها . قال : وكيف يرد عليكم ؟ قلنا : بها . قال : فما أعظم كلامكم ؟ قلنا : لا إله إلا الله ، والله أكبر فلما تكلمنا بها والله يعلم – لقد تنفضت الغرفة حتى رفع رأسه إليها ، قال : فهذه الكلمة التي قلتموها حيث تنفضت الغرفة ، كلما قلتموها في بيوتكم تنفضت عليكم غرفكم ؟ قلنا : لا ما رأيناها فعلت هذا قط إلا عندك . قال : لوددت أنكم كلما قلتم تنفض كل شيء عليكم . وإني خرجت من نصف ملكي . قلنا : لم ؟ قال : لأنه كان أيسر لشأنها ، وأجدر ألا تكون من أمر النبوة ، وأنها تكون من حيل الناس . ثم سألنا عما أراد فأخبرناه . ثم قال : كيف صلاتكم وصومكم ؟ فأخبرناه ، فقال : قوموا فقمنا . فأمر لنا بمنزل حسن ونزل كثير ، فأقمنا ثلاثا . فأرسل إلينا ليلا فدخلنا عليه ، فاستعاد قولنا ، فأعدناه . ثم دعا بشيء كهيئة الربعة العظيمة مذهبة ، فيها بيوت صغار عليها أبواب ، ففتح بيتا وقفلا فاستخرج حريرة سوداء ، فنشرها ، فإذا فيها صورة حمراء ، وإذا فيها رجل ضخم العينين . عظيم الأليتين ، لم أر مثل طول عنقه ، وإذا ليست له لحية ، وإذا له ضفيرتان أحسن ما خلق الله . قال : أتعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا آدم ، عليه السلام ، وإذا هو أكثر الناس شعرا . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج منه حريرة سوداء ، وإذا فيها صورة بيضاء ، وإذا له شعر كشعر القطط ، أحمر العينين ، ضخم الهامة ، حسن اللحية ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا نوح ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج حريرة سوداء ، وإذا فيها رجل شديد البياض ، حسن العينين ، صلت الجبين ، طويل الخد ، أبيض اللحية كأنه يبتسم ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا إبراهيم ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر فإذا فيه صورة بيضاء ، وإذا – والله – رسول الله صلى الله عليه وسلم فقال أتعرفون هذا ؟ قلنا : نعم ، محمد رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : وبكينا . قال : والله يعلم أنه قام قائما ثم جلس ، وقال : والله إنه لهو ؟ قلنا : نعم ، إنه لهو ، كأنك تنظر إليه ، فأمسك ساعة ينظر إليها ، ثم قال : أما إنه كان آخر البيوت ، ولكني عجلته لكم لأنظر ما عندكم . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج منه حريرة سوداء ، فإذا فيها صورة أدماء سحماء وإذا رجل جعد قطط ، غائر العينين ، حديد النظر ، عابس متراكب الأسنان ، مقلص الشفة كأنه غضبان ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا موسى عليه السلام . وإلى جانبه صورة تشبهه ، إلا أنه مدهان الرأس ، عريض الجبين ، في عينيه قبل ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا هارون بن عمران ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج منه حريرة بيضاء ، فإذا فيها صورة رجل آدم سبط ربعة ، كأنه غضبان ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا لوط ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج منه حريرة بيضاء ، فإذا فيها صورة رجل أبيض مشرب حمرة ، أقنى ، خفيف العارضين ، حسن الوجه فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال هذا إسحاق ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج حريرة بيضاء ، فإذا فيها صورة تشبه إسحاق ، إلا أنه على شفته خال ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . [ قال ] هذا يعقوب ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج منه حريرة سوداء ، فيها صورة رجل أبيض ، حسن الوجه ، أقنى الأنف ، حسن القامة ، يعلو وجهه نور ، يعرف في وجهه الخشوع ، يضرب إلى الحمرة ، قال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا إسماعيل جد نبيكم ، عليهما السلام . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج حريرة بيضاء ، فيها صورة كأنها آدم ، عليه السلام ، كأن وجهه الشمس ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا يوسف ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر فاستخرج حريرة بيضاء ، فإذا فيها صورة رجل أحمر حمش الساقين ، أخفش العينين ضخم البطن ، ربعة متقلد سيفا ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا داود ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج حريرة بيضاء ، فيها صورة رجل ضخم الأليتين ، طويل الرجلين ، راكب فرسا ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا سليمان بن داود ، عليه السلام . ثم فتح بابا آخر ، فاستخرج منه حريرة سوداء ، فيها صورة بيضاء ، وإذا شاب شديد سواد اللحية ، كثير الشعر ، حسن العينين ، حسن الوجه ، فقال : هل تعرفون هذا ؟ قلنا : لا . قال : هذا عيسى ابن مريم ، عليه السلام . قلنا : من أين لك هذه الصور ؟ لأنا نعلم أنها على ما صورت عليه الأنبياء ، عليهم السلام ، لأنا رأينا صورة نبينا عليه السلام مثله . فقال : إن آدم ، عليه السلام ، سأل ربه أن يريه الأنبياء من ولده ، فأنزل عليه صورهم ، فكان في خزانة آدم ، عليه السلام ، عند مغرب الشمس ، فاستخرجها ذو القرنين من مغرب الشمس فدفعها إلى دانيال . ثم قال : أما والله إن نفسي طابت بالخروج من ملكي ، وإن كنت عبدا لأشركم ملكة ، حتى أموت . ثم أجازنا فأحسن جائزتنا ، وسرحنا ، فلما أتينا أبا بكر الصديق ، رضي الله عنه ، فحدثناه بما أرانا ، وبما قال لنا ، وما أجازنا ، قال : فبكى أبو بكر وقال : مسكين ! لو أراد الله به خيرا لفعل . ثم قال : أخبرنا رسول الله صلى الله عليه وسلم أنهم واليهود يجدون نعت محمد صلى الله عليه وسلم عندهم . هكذا أورده الحافظ الكبير أبو بكر البيهقي ، رحمه الله ، في كتاب ” دلائل النبوة ” ، عن الحاكم إجازة ، فذكره وإسناده لا بأس به .