Tusmo

JANNADA RAXMAAN 1aad┇Hoyga Mu’miniinta ┇ Waynida Jannada

Halkan ka daawo xalqada 1aad ee Jannada Raxmaanka, hadii kalena akhriso:

Jannada Raxmaanku waa hadafka, ujeedada, himilada, hammiga iyo yoolka qofka muslimka ah leeyahay inuu gaadho. Ruux kasta oo mu’min ah wuxuu ku hammiyaa siduu u raali galin lahaa Rabbigii sidoo kale uu ugu guulaysan lahaa guusha wayn iyo liibaanta balaadhan oo ah Jannada Raxmaanka.

Ilaahay wuxuu yidhi:

فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ

“Ruuxii laga fogeeyo naarta ee la galiyo Jannada wuu guulaystay.” [1]

Haddaba Jannada Raxmaanka sidee u ekaan doontaa? Yaa galaya? Maxaa lagu kasbanayaa raali ahaanshaha Ilaahay iyo guushaas wayn?

Ilaahay xadiis Qudsiya wuxuu yidhi:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( يَقُولُ اللَّهُ تَعَالَى : أَعْدَدْتُ لِعِبَادِي الصَّالِحِينَ مَا لَا عَيْنٌ رَأَتْ وَلَا أُذُنٌ سَمِعَتْ وَلَا خَطَرَ عَلَى قَلْبِ بَشَرٍ ذُخْرًا بَلْهَ مَا أُطْلِعْتُمْ عَلَيْهِ ) ، ثُمَّ قَرَأَ ( فَلَا تَعْلَمُ نَفْسٌ مَا أُخْفِيَ لَهُمْ مِنْ قُرَّةِ أَعْيُنٍ جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ ) . رواه البخاري ( 3072 ) ومسلم ( 2824 )

Abihurayra waxa laga wariyey (Rc) inuu kasoo wariyey nabiga (scw): ”Ilaahay wuxuu leeyahay: adoomadayda wanaagsan waxaan u diyaariyey wax aanay ishoodu arkin, dhagtooduna maqlin, qalbigoodana aan kusoo dhicin, kaydin iska dhaaf intii aan tusay (marka laga reebo intii aan tusay) markaasuu akhriyey: (Ma og nafna wixii loo qariyey ee indho doogsiya abaal marin darteed wixii camal faleen)[2]

Waynida Jannada:

Jannadu way ka wayntahay aduunyada iyo waxa yaalaba, raaxada aduunka iyo raaxada Jannaduna isku mid maaha, isumana dhigmaan. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi:

( مَوْضِعُ سَوْطِ أَحَدِكُمْ مِنَ الْجَنَّةِ خَيْرٌ مِنَ الدُّنْيَا وَمَا عَلَيْهَا ) رواه البخاري ( 2735)

”Meel midkiin ul dhigo oo Jannada ah ayaa ka khayr badan Aduunka iyo waxa dusheeda yaala”[3]

Xadiis kale Rasuulkii Ilaahay wuxuu ku yidhi:

وَلَقَابُ قَوْسِ أَحَدِكُمْ فِى الْجَنَّةِ خَيْرٌ مِمَّا طَلَعَتْ عَلَيْهِ الشَّمْسُ أَوْ تَغْرُبُ ) رواه البخاري ( 2643 (

”Midkiin leebkiisu meel uu ka baxo (dalool) oo Jannada ah ayaa ka khayr badan meel Qorrax usoo baxdo ama ay ka dhacdo”[4]

Xadiis kale nabigu (scw) wuxuu tilmaamay in marada afka la iska mariyo ee Jannada taala ay ka khayr badan tahay xariita Aduunyada ayn ka jilicsantahay.

فَقَالَ وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ إِنَّ مَنَادِيلَ سَعْدِ بْنِ مُعَاذٍ فِي الْجَنَّةِ أَحْسَنُ مِنْ هَذَا

Wuxuu yidhi (nabigu): ”Kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, marada afka la iska mariyo ee Sacad ibnu Mucaad Jannada ku leeyahay ayaa ka wanaagsan tan (xariirtan)”[5]

Dhanka kale Rabbiga wayn oo Jannada ka hadlaya ayaa tusaale usoo qaatay meel beera oo wabiyayaal ay qulqulayaan. Dabcan jannadii rasmiga ahayd maaha, ee kaliya waxa la rabaa in maskaxda aadamaha loogu soo dhoweeyo:

مَّثَلُ الْجَنَّةِ الَّتِي وُعِدَ الْمُتَّقُونَ ۖ فِيهَا أَنْهَارٌ مِّن مَّاءٍ غَيْرِ آسِنٍ وَأَنْهَارٌ مِّن لَّبَنٍ لَّمْ يَتَغَيَّرْ طَعْمُهُ وَأَنْهَارٌ مِّنْ خَمْرٍ لَّذَّةٍ لِّلشَّارِبِينَ وَأَنْهَارٌ مِّنْ عَسَلٍ مُّصَفًّى ۖ وَلَهُمْ فِيهَا مِن كُلِّ الثَّمَرَاتِ وَمَغْفِرَةٌ مِّن رَّبِّهِمْ ۖ

”Tusaalaa Jannada Ilaahay ugu yaboohay dadka Alle ka cabsada (waxa weeye Janno) ay dhexdeeda ahaatay biyo aan is badalayn iyo wabiyo caano ah oo aan dhadhankoodu is badalayn iyo wabiyo khamriya oo u macaan dadka cabaya iyo wabiyo malab saafiya ah, waxayna dhexdeeda ku leeyihiin dhamaan midhaha iyo danbidhaafka xaga rabbigooda…”[6]

Sidoo kale aayadan ayuu Rabbi tusaale ugusoo qaatay qaabka Jannadu u ekaanayso:

مَّثَلُ الْجَنَّةِ الَّتِي وُعِدَ الْمُتَّقُونَ ۖ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ أُكُلُهَا دَائِمٌ وَظِلُّهَا ۚ تِلْكَ عُقْبَى الَّذِينَ اتَّقَوا ۖ وَّعُقْبَى الْكَافِرِينَ النَّارُ ﴿٣٥﴾

Tusaalaha Jannada Ilaahay ugu ballan qaaday kuwa Alla ka dhawrsada, waxa soconaya hoosteeda wabiyoyaalkii, midhaheedu waa daayim (ma dhamaanayaan) iyo hadhkeeduba, waa taas masiirka kuwa Alle ka cabsaday, masiirka gaaladuna waa Naar (35)[7]

Xadiis kale waxa rasuulku (scw) inoo cadeeyey:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَقَيْدُ سَوْطِ أَحَدِكُمْ مِنْ الْجَنَّةِ خَيْرٌ مِمَّا بَيْنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”midkiin xadhiga ushiisa ee Jannada ayaa ka khayr badan Samada iyo Dhulka inta u dhaxaysa”[8]

Kawaran hadii nin ehelka Jannada ah usoo baxo Dhulka!

وَلَوْ أَنَّ رَجُلًا مِنْ أَهْلِ الْجَنَّةِ اطَّلَعَ فَبَدَا أَسَاوِرُهُ لَطَمَسَ ضَوْءَ الشَّمْسِ كَمَا تَطْمِسُ الشَّمْسُ ضَوْءَ النُّجُومِ

”Hadii nin ehelka Jannada kamida soo baxo oo uu muujiyo shuuliyadiisa (dahabka gacanta uu ku sito) waxay daminaysaa ilayska Qorraxda sida cadceedu u shiikhiso ilayska xidigaha”[12]

Kwarana hadii gabadh ehelka Jannada ah ay usoo baxdo Dhulka.

وَلَوْ أَنَّ امْرَأَةً مِنْ نِسَاءِ أَهْلِ الْجَنَّةِ اطَّلَعَتْ إِلَى الْأَرْضِ لَأَضَاءَتْ مَا بَيْنَهُمَا وَلَمَلَأَتْ مَا بَيْنَهُمَا رِيحًا وَلَنَصِيفُهَا يَعْنِي الْخِمَارَ خَيْرٌ مِنْ الدُّنْيَا وَمَا فِيهَا

”Hadii gabadh kamida dumarka ehelka Jannada ay usoo baxdo waxay ifiimin lahayd inta u dhaxaysa (dhulka iyo Jannada), waxayna ka buuxin lahayda inta u dhaxaysa udug (caraf udgoon), khamaarkeeda ama shalmadeeda ayaa ka khayr badan Aduunyada iyo waxa dhex yaala”[13]

 

Farqiga u dhaxeeya Dhaldhalaaka Aduunka iyo Raaxada Aakhiro:

Dhaldhalaaka Aduunyada ee bani aadamku u kala baratamaan ayaa Ilaahay agtiisa ka ah raaxo yar oo dhamaanaysa:

زُيِّنَ لِلنَّاسِ حُبُّ الشَّهَوَاتِ مِنَ النِّسَاءِ وَالْبَنِينَ وَالْقَنَاطِيرِ الْمُقَنطَرَةِ مِنَ الذَّهَبِ وَالْفِضَّةِ وَالْخَيْلِ الْمُسَوَّمَةِ وَالْأَنْعَامِ وَالْحَرْثِ ۗ ذَٰلِكَ مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا ۖ وَاللَّـهُ عِندَهُ حُسْنُ الْمَآبِ ﴿١٤﴾ قُلْ أَؤُنَبِّئُكُم بِخَيْرٍ مِّن ذَٰلِكُمْ ۚ لِلَّذِينَ اتَّقَوْا عِندَ رَبِّهِمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا وَأَزْوَاجٌ مُّطَهَّرَةٌ وَرِضْوَانٌ مِّنَ اللَّـهِ ۗ وَاللَّـهُ بَصِيرٌ بِالْعِبَادِ ﴿١٥﴾

Dadka waxa loo qurxiyey jacaylka waxay naftoodu doonto ee dumarka, wiilal, lacag badan oo dahab iyo fidho ah, fardaha carbisan, xoolaha iyo beeraha. Kuwaasi waa dhaldhalaaka duunyada, Ilaahay agtiisa ayaa noqosho fiican leh. Waxaad dhahdaa (Nabiyow) ma idiinka warramaa wax ka khayr badan kuwaas, kuwa Alle ka cabsada waxa Rabbigood agtiisa ku leeyihiin jannooyin ay soconayso hoosteeda wabiyoyaalkii ayagoo dhexdooda ku waaraya iyo dumar (xaasas) daahira iyo raali ahaansho Ilaahay, Ilaahayna wuu arkaa adoomadiisa” [9]

Waxa kale oo Rabbi dhahay:

قُلْ مَتَاعُ الدُّنْيَا قَلِيلٌ وَالْآخِرَةُ خَيْرٌ لِّمَنِ اتَّقَىٰ وَلَا تُظْلَمُونَ فَتِيلًا ﴿٧٧﴾

”Waxaad dhahdaa (nabiyo) raaxada aduunyo waa mid yar, aakhiraan u khayr badan ruuxa Alle ka cabsanaya, la idinmana dulminayo haba yaraatee”[10]

Dhaldhalaaka Aduunyadu waa wax aad u yar:

فَمَا مَتَاعُ الْحَيَاةِ الدُّنْيَا فِي الْآخِرَةِ إِلَّا قَلِيلٌ ﴿٣٨﴾

”Raaxada aduunyadu (marka loo barbardhigo) ta aakhiro waa wax aad u yar”[11]

Qeybo kamida farqiga u dhexeeya raaxada Jannada iyo dhaldhalaaka Aduunka:

  • Jannadu waxay ka madhantahay ceebaha aduunyada sida kaadi, saxaro, dhiig, candhuuf, xaako, ur qadhmuun, dhalmo iyo kadeedba.
  • Khamriga Jannada laguma sarkhaamo, lagumana wareero waana mid u macaan dadka cabaya, halka khamriga aduunyada ka yahay mid qadhaadh, sarkhad iyo madax wareer leh sidoo kalena xaaraana.
  • Aduunyada dadku way isu cadhoodaan, is xaasidaan, cuqdad iyo cadho ayay ku kala tagaan, balse Jannada dareemayaashi ma yaalaan.
  • Nicmada aduunyadu waa mid dhamaanaysa halka ta aakhiro aanay marnba nuqsaamayn.

Waxa Diyaariyey: Sheekh Abdulaziz Mohamed Oogle


[1] Suuratu Alcimraan: 185

[2] Bukhaari iyo Muslim

[3] Bukhaari: 2735

[4] Bukhaari: 2643

[5] Bukhaari: 2473 iyo Muslim: 2469

[6] Suuratu Muxamed: 15

[7] Suuratu Al-Racdi:35

[8] Musnadu Axmed: 27384

[9] Suuratu Alcimraan: (14,15)

[10] Suuratu Nisaa’i: 77

[11] Suuratu Tawbah: 38

[12] Tirmadi: 2538

[13] Bukhaari: 6199