Tusmo

Magacyada Jannada iyo macnahooda:

Jannada Raxmaanku u diyaariyey dadka mu’miniinta ah waxay leedahay magacyo badan, waxa kamida:

Jannah (الجنة):

Ereyga Jannah waa erey guud oo ka dhaxeeya dhamaan jannooyinka. Ereyga macnihiisu waa meel dhir qarisay oo asturan. Ilmaha caloosha hooyadii ku jira waxa loogu yeedhaa (الجنين) sababtoo ah wuxuu ku qarsoonyahay caloosha hooyadii. Jinkana waxa loogu yeedhaa (الجن) sababtoo ah waxay ka qarsoonyihiin araga bani aadamka.

Jannadana waxa Janno loogu bixiyey waa meel markaad gasho ay dhirteedu ku qarinayso, waana dhulka bustaanka ah ee beerta ah. Jannada beerahoodu waa cagaar madoobaaday sidii ay caleemaheedu isu dhex galayeen.

Daaru Salaam (دار السلام):

Daaru Salaam waxa looga jeeda daarta nabadgalyada, waxa lagaga nabad galay dhibaatooyinka iyo aafiyinka sida cudurrada, dhulgariir, duufaano, fatahaado iwm.

لَهُمْ دَارُ السَّلَامِ عِندَ رَبِّهِمْ ۖ

Waxay leeyihiin daarta nabadgalyada ee Rabbigood agtooda ah[1]

Salaanta oo ah nabadgalyada ayaa ehelka jannadu isku salaamayaan:

وَتَحِيَّتُهُمْ فِيهَا سَلَامٌ ۚ

Salaantoodu dhexdeeda (jannada) waa nabadgalyo.[2]

Malaa’ikta Ilaahay ayaa nabadgalyo ku salaamaya ehelka Jannada:

وَالْمَلَائِكَةُ يَدْخُلُونَ عَلَيْهِم مِّن كُلِّ بَابٍ (23) سَلَامٌ عَلَيْكُم بِمَا صَبَرْتُمْ ۚ فَنِعْمَ عُقْبَى الدَّارِ (24)

Malaa’iktuna waxay kasoo galayaa albaab kasta (23) nabadgalyo korkiina ha ahaato wixii aad u samirteen darteed, meel loo noqdo halkaasa u fiican. (24)[3]

Rabbiga wayn ayaa nabadgalyo isaguna ku salamaaya ehelka Jannada:

سَلَامٌ قَوْلًا مِّن رَّبٍّ رَّحِيمٍ (58)

Waa salaan nabadgalo oo katimid rabbiga naxariista (58)[4]

Run ahaantii jannadu waa daartii nabadgalyada ee nabada la isku salaamayey, Ilaahay kuwa galaya hanaga yeelee.

Daarta lagu waarayo:

Daartan waa lagu waarayaa lagumana dhimanayo, lagumana gaboobayo oo cimrigii isma badalayo.

خَالِدِينَ فِيهَا ۚ حَسُنَتْ مُسْتَقَرًّا وَمُقَامًا (76)

Way ku waarayaan, waxa fiicnaaday deganaashaheeda iyo ku nagaanshaheeda (76)[5]

Daaru Almuqaam (دار المقام):

Daaru almuqaam waxa looga jeedaa daartii lagu xasilayay ee lagu nagaanayay.

الَّذِي أَحَلَّنَا دَارَ الْمُقَامَةِ مِن فَضْلِهِ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٌ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٌ (35)

Kaasoo na dajiyey daarta lagu nagaanayo fadligiisa awgeed nama taabanayso dhexdeeda daal namana taabanayso dhexdeeda dhibaato (35)[6]

Jannatu Al-ma’waa (جنة المأوى):

Jannatu al-ma’waa waxa looga jeedaa jannadii loo hooyanayey, waxa u hooyanaya arwaaxda shuhadada, malaa’ikta iyo dadka saalixiinta ah.

عِندَهَا جَنَّةُ الْمَأْوَىٰ (15)

Halkaa agteeda waxa ah jannada hoyga ahayd (15)[7]

Jannatu Cadan (جنة عدن):

Jannada Cadan waxa looga jeedaa jannada lagu waarayo ee deegaankeedu yahay mid rasmiya oo aan guurguurayn. Dhamaan jannooyinkoo dhan way ku sifaysanyihiin sifadan, waana loogu yeedhi karaa janno kasta.

جَنَّاتِ عَدْنٍ مُّفَتَّحَةً لَّهُمُ الْأَبْوَابُ (50) مُتَّكِئِينَ فِيهَا يَدْعُونَ فِيهَا بِفَاكِهَةٍ كَثِيرَةٍ وَشَرَابٍ (51)

Jannooyinka Cadneed oo ay u furantahay albaabadu (50) dhexdooda ayay dingiigaan una yeedhanayaan faakihooyin badan iyo cabitaan (51)[8]

Daaru al-xayawaan (دار الحيوان):

Daartii nolosha, sababtoo ah nolosha dhabta ah waa jannada.

وَإِنَّ الدَّارَ الْآخِرَةَ لَهِيَ الْحَيَوَانُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ (64)

Daarta aakhiro waa nolol, hadaad ogtihiin (64)[9]

Jannaatu Naciim (جناة النعيم):

Jannooyinka nicmaysan ee lagu barwaaqoobayo, waana sifo ka dhaxaysa dhamaan jannooyinka oo dhan.

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتُ النَّعِيمِ (8)

Kuwa Ilaahay rumeeyey ee camal saalixa la yimid waxay leeyihiin jannooyin nicmaysan (8)[10]

Firdawsa (الْفِرْدَوْسَ)

Firdawsa waa jannada ta ugu sarreysa, una dhaxaysa ee saqafkeeda sare yahay carshiga raxmaanka. Taasoo nabigeenu (scw) in faray inaan Ilaahay waydiisano. Firdawsan macnaheedu waa dhulka beerta ah ama bustaanka.

الَّذِينَ يَرِثُونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ (11)

Kuwa dhaxlaya Firdawsa ayagu dhexdeeda way ku waarayaan (11)[11]

Almaqaam al-amiin: (مقام أمين):

Maqam al-amiin waxa looga jeedaa deegaanka aaminka ah ee ka nabadgalay dhibaatooyinka dabiiciga ah sida duufaanada, dabaylaha, fulkaanayaasha sidoo kale waxa laga aamin noqday colaad, dagaalo iyo dhamaan aafooyinka aduunyada oo dhan.

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٍ (51)

Kuwa Alle ka cabsada waxa u sugnaaday deegaan aamina (51)[12]

Maqacadi Sidqi (مَقْعَدِ صِدْقٍ):

Maqcadi Sidqi waxa looga jeedaa daartii sharafta, karaamada iyo fadliga ilaahay, waa daar run ah oo xaqiiqo ah.

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَنَهَرٍ (54) فِي مَقْعَدِ صِدْقٍ عِندَ مَلِيكٍ مُّقْتَدِرٍ (55)

Kuwa Allah ka cabsada waxay ku jiraan jannooyin iyo wabiyo (54) waa daar run ah oo Ilaaha boqorka ah ee wax walba awoda agtiisa ah (55)[13]

 


[1] Suuratu Al-ancaam:127

[2] Suuratu Yuunus:10

[3] Suuratu Arracdi: 23, 24

[4] Suuratu Yaasiin: 58

[5] Suuratu Alfurqaa:76

[6] Suuratu Faatir: 35

[7] Suuratu Ann-najmi:15

[8] Suuratu Saad: 50,51

[9] Suuratu Cankabuut:64

[10] Suuratu Luqmaan: 8

[11] Suuratu Mu’minuun: 11

[12] Suuratu Dukhaan: 51

[13] Suuratu Qamar: 54,55