Tusmo

Noocyada Jannada:

Ereyga janno waa erey guud oo loo adeegsado dhammaan waxa jannada hoosteeda yaala sida beeraha, guryaha, weelka, dhirta iyo cuntooyinka jannada. Jannaduna maaha hal janno oo kaliya ee waxa jira jannooyin fara badan, sida rasuulkii Ilaahay ka marag kacay, markii hooyadii dhashay Xaaritha ibnu Suraaqa ay waydiisay masiirka wiilkeedii oo ku shahiida dagaalkii Badar, wuxuu ku yidhi:

يَا أُمَّ حَارِثَةَ إِنَّهَا جِنَانٌ فِي الْجَنَّةِ ، وَإِنَّ ابْنَكِ أَصَابَ الْفِرْدَوْسَ الْأَعْلَى

Ummu Xaarithooy waa jannooyin badan oo jannada kamida, wiilkaaguna wuxuu galaya Firdawsta sarreysa.[1]

Noocyada Jannada:

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi:

جَنَّتَانِ مِنْ فِضَّةٍ آنِيَتُهُمَا وَمَا فِيهِمَا وَجَنَّتَانِ مِنْ ذَهَبٍ آنِيَتُهُمَا وَمَا فِيهِمَا وَمَا بَيْنَ الْقَوْمِ وَبَيْنَ أَنْ يَنْظُرُوا إِلَى رَبِّهِمْ إِلَّا رِدَاءُ الْكِبْرِ عَلَى وَجْهِهِ فِي جَنَّةِ عَدْنٍ

Laba janno waa fidho, weelkooda iyo waxa dhexdooda yaalaaba, laba jannana waa dahab, weelkooda iyo waxa dhexdooda yaalaaba. Umana dhaxeeyo qoomka (ehelka jannada) iyo inay arkaan rabbigood huga kibirka ee wajigiisa mooyee ee Jannada Cadan dhexdeeda ahaaday.[2]

 

Si aan wax uga ogaano noocyada kala duwan ee jannada, waxaynu soo qaadanaynaa laba nooc oo jannada kamida oo Ilaahay quraankiisa ku sifeeyey. Ilaahay wuxuu yidhi:

وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ ﴿٤٦﴾

Qofka rabbigii hor istaagiisa ka cabsada waxa u sugan laba janno (46)[3]

Isla suuratu Arraxmaan waxa Ilaahay ku yidhi:

وَمِن دُونِهِمَا جَنَّتَانِ ﴿٦٢﴾

Waxa ka sokeeya (labadii janno ee hore) laba janno oo kale (62)

Eryega ah (ka sokeeya) wuxuu yeelan karaa laba macne. Ta koowaad waxa weeye waa laba janno oo ka hooseeya xaga darajada labadii janno ee hore. Ta labaadna waxa weeye waa laba janno oo ka dhow labadii hore. Si aan u ogaano labadaas nooc ee jannooyinka ah iyo ka fadli badan waa inaan is barbardhignaa sifooyinka ay labaduba leeyhiin.

Sifada labada Janno ee hore:

ذَوَاتَا أَفْنَانٍ ﴿٤٨﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٤٩﴾ فِيهِمَا عَيْنَانِ تَجْرِيَانِ ﴿٥٠﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٥١﴾ فِيهِمَا مِن كُلِّ فَاكِهَةٍ زَوْجَانِ ﴿٥٢﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٥٣﴾ مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ فُرُشٍ بَطَائِنُهَا مِنْ إِسْتَبْرَقٍ ۚ وَجَنَى الْجَنَّتَيْنِ دَانٍ ﴿٥٤﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٥٥﴾ فِيهِنَّ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ ﴿٥٦﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٥٧﴾ كَأَنَّهُنَّ الْيَاقُوتُ وَالْمَرْجَانُ ﴿٥٨﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٥٩﴾ هَلْ جَزَاءُ الْإِحْسَانِ إِلَّا الْإِحْسَانُ ﴿٦٠﴾

Waa janno leh caleemo barwaaqaysan (48) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (49) waxa dhex soconaya laba ilood (50) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (51) dhexdooda waxa ahaaday faakiho dhamaanteed oo laba nooca (52) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (53) waxay ku dingiigaan (ku jiifaan) furaashyo calooshooda ay ku jirto istabraq (xariir), midhaha jannaduna aadbay ugu dhow yihiin (54) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (55) waxa dhexdooda jooga dumar indhahoodu ku koobanyihiin (ragooda oo kaliya) oo aanay taabanin (dumar bikro ah) insi ka horeeyey iyo jinni toona (56) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (57) waxaad moodaa (quruxda dumarkaas) yaaquut (macdan qaaliya) iyo marjaan (dheeman) (58) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (59) Abaalgudka fiican miyaanu ahayn abaal marin wanaagsan (60)[4]

Sifada labada Janno ee danbe:

وَمِن دُونِهِمَا جَنَّتَانِ ﴿٦٢﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٦٣﴾ مُدْهَامَّتَانِ ﴿٦٤﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٦٥﴾ فِيهِمَا عَيْنَانِ نَضَّاخَتَانِ ﴿٦٦﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٦٧﴾ فِيهِمَا فَاكِهَةٌ وَنَخْلٌ وَرُمَّانٌ ﴿٦٨﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٦٩﴾ فِيهِنَّ خَيْرَاتٌ حِسَانٌ ﴿٧٠﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٧١﴾ حُورٌ مَّقْصُورَاتٌ فِي الْخِيَامِ ﴿٧٢﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٧٣﴾ لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ ﴿٧٤﴾ فَبِأَيِّ آلَاءِ رَبِّكُمَا تُكَذِّبَانِ ﴿٧٥﴾ مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ رَفْرَفٍ خُضْرٍ وَعَبْقَرِيٍّ حِسَانٍ ﴿٧٦﴾

Waxa ka sokeeya (labadii janoo ee hore) laba janno oo kale (62) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (63) waa laba janno oo cagaar madoobaaday (64) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (65) waxa dhexdooda ahaaday laba ilood oo burqanaya (66) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (67) waxa dhexdooda ahaaday faakiho, timir iyo ruumaan (68) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (69) waxa dhexdooda ahaaday dumar (qurux iyo dhaqanba) ka wanaagsan (70) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (71) xuurul cayn ku asturan taandhadooda (72) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (73) may taabanin insi ka horeeyey iyo jinniba (74) nicmooyinka Ilaahay keebaad beeninaysaan (jinni iyo insiyow) (75) waxay ku dingiigaan (ku jiifaan) barkimooyin cagaara iyo furaash qurxoon (76)[5]

Hadii labadii nooc ee jannooyinka ahaa la inoo sifeeyey maxaa farqiya ee u dhexeeya? Miyey kala sarreeyaan? Jadwalkan hoose ayaa inoo cadaynaya sida ay ukala fadilanyihiin.

 

Labada Janno ee hore Labada janno ee danbe

فِيهِمَا عَيْنَانِ تَجْرِيَانِ ﴿٥٠﴾

waxa dhex soconaya laba ilood (50)

Sida aayada ka muuqata labada ilood way qulqulayaan oo way soconayaan. Labada ilood waxa lagu tilmaamay inay yihiin Tasniim iyo Salsabiil

فِيهِمَا عَيْنَانِ نَضَّاخَتَانِ ﴿٦٦﴾

waxa dhexdooda ahaaday laba ilood oo burqanaya (66)

Burqashada iyo socodka waxa xoogan socoda, sidaa darteed labada ilood ee labada janno ee hore ayaa ka sarreeya.

 

فِيهِمَا مِن كُلِّ فَاكِهَةٍ زَوْجَانِ ﴿٥٢﴾

dhexdooda waxa ahaaday faakiho dhamaanteed oo laba nooca (52)

Jannadan waxa laga helayaa dhamaan faakihooyinka aduunka iyo kuwa aakhiraba.

فِيهِمَا فَاكِهَةٌ وَنَخْلٌ وَرُمَّانٌ ﴿٦٨﴾

waxa dhexdooda ahaaday faakiho, timir iyo ruumaan (68)

Jannadan lama socoto ereyga dhamaan, taasoo inoo cadaynaysa in labada janno ee hore ay ka fadli badan yihiin.

مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ فُرُشٍ بَطَائِنُهَا مِنْ إِسْتَبْرَقٍ ۚ

waxay ku dingiigaan (ku jiifaan) furaashyo calooshooda ay ku jirto istabraq (xariir).

Furaashka wixii lagu guray hoostoodii oo xariira ayaa la sheegay, dusha sarena waa laga aamusay quruaxda ay leeyihiin awgeed.

 

مُتَّكِئِينَ عَلَىٰ رَفْرَفٍ خُضْرٍ وَعَبْقَرِيٍّ حِسَانٍ ﴿٧٦﴾

waxay ku dingiigaan (ku jiifaan) barkimooyin cagaara iyo furaash qurxoon (76)

Dushii sare ayaa la sifeeyey inay cagaaranyihiin oo qurux badanyihiin. Labadii Janno ee hore ayaga waa laga aamusay, waxaana la sifeeyey caloosha furaashkooda. Badanaa furaashka xagiisa hoose waxa lagu guraa cudbi, hadii xariir lagu guray maxaad u malayn dushooda!

فِيهِنَّ قَاصِرَاتُ الطَّرْفِ

waxa dhexdooda jooga dumar indhahoodu ku koobanyihiin (ragooda oo kaliya).

Dumarka jooga labada janno ee hore waa kuwo ayagu indhahoodu ku daboolanyihiin ninka qaba oo kaliya.

حُورٌ مَّقْصُورَاتٌ فِي الْخِيَامِ ﴿٧٢﴾

xuurul cayn ku asturan taandhadooda (72)

Dumarka labada janno ee danbe waa kuwo ku asturan taandhooyinkooda. Isku midna maaha gabadh naftoodu asturantahay iyo kuwo taandhadu asturayso.

كَأَنَّهُنَّ الْيَاقُوتُ وَالْمَرْجَانُ ﴿٥٨﴾

waxaad moodaa (quruxda dumarkaas) yaaquut (macdan qaaliya) iyo marjaan (dheeman) (58)

Labada janno ee hore dumarka jooga waxa rabbi ku ekeysiiyey inay u eegyihiin sida Yaaquut iyo Marjaan quruxda ay leeyihiin darteed.

 

Labada janno ee danbe lama sheegin waxa ay u eegyihiin dumarka dhexdooda jooga.

 

Natiijada isbarbardhiga:

Is barbardhigaa kadib waxa inoo soo baxay dhawr arrimood:

  • In jannooyinka badanyihiin.
  • In jannooyinku kala duwanyihiin.
  • Labada janno ee hore ayaa ka fadli badan labada danbe.
  • Ereyga ah (ka sokeeya) macnaheedu waa laba janno oo kuwii hore ka hooseeya.

Dabcan jannadu waa nicmada Ilaahay ugu deeqayo kuwa isaga ka cabsada, cidii gashaana nasiib leh. Janno qof galayna ma hooseeyo ee kaliya waxa la rabaa in laguu bayaamiyo in jannadu ay leedahay darajooyin kala sarreeya.


[1] Bukhaari:2611

[2] Bukhaari:7001

[3] Suuratu Arraxmaan: 46

[4] Suuratu Arraxmaan: 48-60

[5] Suuratu Arraxmaan: 62-76