Tusmo

Raggii loogu bishaareeyey Jannada:

Dadka Jannada loogu bishaareeyey way badanyihiin, hadii aan si guud u tilmaamno; qof kasta oo Ilaahay rumeeyey lana yimid camal wanaagsan waxa loogu bishaareeyey Jannada sida Allah ku cadeeyey kitaabkiisa Quraanka:

وَبَشِّرِ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ

”Ugu bishaaree kuwa Ilaahay rumeeyey ee camal wanaagsan layimid inay u sugnaatay Jannooyinka ay soconayso hoosteeda wabiyayaalkii”[1]

Haddana waxa jira rag magacyadooda la inoo sheegay oo kamida ehelka Jannada: [Hadaad rabto daawo ama ka akhriso hoos]

Tobanka saxaabi ee hal mar loogu bishaareeyey:

عَنْ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ عَوْفٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَبُو بَكْرٍ فِي الْجَنَّةِ وَعُمَرُ فِي الْجَنَّةِ وَعُثْمَانُ فِي الْجَنَّةِ وَعَلِيٌّ فِي الْجَنَّةِ وَطَلْحَةُ فِي الْجَنَّةِ وَالزُّبَيْرُ فِي الْجَنَّةِ وَعَبْدُ الرَّحْمَنِ بْنُ عَوْفٍ فِي الْجَنَّةِ وَسَعْدٌ فِي الْجَنَّةِ وَسَعِيدٌ فِي الْجَنَّةِ وَأَبُو عُبَيْدَةَ بْنُ الْجَرَّاحِ فِي الْجَنَّةِ.

Cabdiraxmaan ibnu Cawf waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Abubakar Jannada ayuu ku jiraa, Cumar Jannada ayuu ku jiraa, Cusmaan Jannada ayuu ku jiraa, Cali Jannada ayuu ku jiraa, Dalxa Jannada ayuu ku jiraa, Zubayr Jannada ayuu ku jiraa, Cabdiraxmaan binu Cawf Jannada ayuu ku jiraa, Sacad Jannada ayuu ku jiraa, Saciid Jannada ayuu ku jiraa iyo Abucubayda binu Aljarraax Jannada ayuu ku jiraa”[2]

Sacad ibnu Mucaad:

فَقَالَ وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ إِنَّ مَنَادِيلَ سَعْدِ بْنِ مُعَاذٍ فِي الْجَنَّةِ أَحْسَنُ مِنْ هَذَا

Wuxuu yidhi (nabigu): ”Kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, marada afka la iska mariyo ee Sacad ibnu Mucaad Jannada ku leeyahay ayaa ka wanaagsan tan (xariirtan)”[3]

Bilaal ibnu Rabaax:

أَبِي بُرَيْدَةَ قَالَ أَصْبَحَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَدَعَا بِلَالًا فَقَالَ يَا بِلَالُ بِمَ سَبَقْتَنِي إِلَى الْجَنَّةِ مَا دَخَلْتُ الْجَنَّةَ قَطُّ إِلَّا سَمِعْتُ خَشْخَشَتَكَ أَمَامِي دَخَلْتُ الْبَارِحَةَ الْجَنَّةَ فَسَمِعْتُ خَشْخَشَتَكَ أَمَامِي فَأَتَيْتُ عَلَى قَصْرٍ مُرَبَّعٍ مُشْرِفٍ مِنْ ذَهَبٍ فَقُلْتُ لِمَنْ هَذَا الْقَصْرُ فَقَالُوا لِرَجُلٍ مِنْ الْعَرَبِ فَقُلْتُ أَنَا عَرَبِيٌّ لِمَنْ هَذَا الْقَصْرُ قَالُوا لِرَجُلٍ مِنْ قُرَيْشٍ قُلْتُ أَنَا قُرَشِيٌّ لِمَنْ هَذَا الْقَصْرُ قَالُوا لِرَجُلٍ مِنْ أُمَّةِ مُحَمَّدٍ قُلْتُ أَنَا مُحَمَّدٌ لِمَنْ هَذَا الْقَصْرُ قَالُوا لِعُمَرَ بْنِ الْخَطَّابِ فَقَالَ بِلَالٌ يَا رَسُولَ اللَّهِ مَا أَذَّنْتُ قَطُّ إِلَّا صَلَّيْتُ رَكْعَتَيْنِ وَمَا أَصَابَنِي حَدَثٌ قَطُّ إِلَّا تَوَضَّأْتُ عِنْدَهَا وَرَأَيْتُ أَنَّ لِلَّهِ عَلَيَّ رَكْعَتَيْنِ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِهِمَا

Abiburayda waxa laga wariyey inuu yidhi: “Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa waabariistay, wuxuuna u yeedhay Bilaal, wuxuuna ku dhahay: Bilaalow maxaad iiga hormartay Jannad? Jannada ma galoba ilaa waxaan maqlaa sanqadhaada hortayda, xalay ayaa Jannada galay waxaan maqlay sanqadhaada. Waxaan tagay qasri afar geesooda oo muuqda kana samaysan dahab, waxaan idhi: Qasrigan yaa iska leh? Waxay dhaheen: nin carbeed. Waxaan idhi: aniga ayaa ah Caraba! Waxay dhaheen: nin reer Qureesheeda. Waxaan idhi: aniga ayaa Qureesh, waxay dhaheen: waa nin ummada Muxamed ka tirsan. Aniga weeye Muxamed, ee Qasriga yaa leh? Waxay dhaheen: Cumar ibnu Khadaab. Bilaalna wuxuu yidhi: rasuulkii Ilaahayow, ma adaamo (hadaan adaamaba) waxaan tukadaa laba rakcadood, waysaduna haday iga jabtaba waan wayso qaataa, waxaan u arkaa in Ilaahay laba rakcadood igu leeyahay, markaasuu dhahay Rasuulkii Ilaahay: labadooda (darteed ayaad Janno ku gashay)”[4]

 

Zayid ibnu Camru ibnu Nufayl:

Zayid wuxuu ahaa nin aan soo gaadhin diinta Islaamka hase ahaatee haystay diintii tawxiidka ee ka dabar go’day reer Qureesheed, waana aabihii dhalay Saciid ibnu Zayid iyo Caatika bintu Zayid xaaskii Cumar ibnu Khadaab.

” دخلت الجنة فرأيت لزيد بن عمرو بن نفيل درجتين “

“Jannadaan galay waxaan arkay Zayid ibnu Camruu ibnu Nufayl oo leh laba darajo.”[5]

Xaaritha ibnu Nucmaan:

Saxaabigan wuxuu ahaa nin u samo fali jiray waalidkii oo baariya, waxa rasuulka lagasoo wariyey:

عَنْ عَائِشَةَ ، قَالَتْ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” نِمْتُ فَرَأَيْتُنِي فِي الْجَنَّةِ فَسَمِعْتُ صَوْتَ قَارِئٍ يَقْرَأُ ، فَقُلْتُ : مَنْ هَذَا ؟ ” ، فَقَالُوا : هَذَا حَارِثَةُ بْنُ النُّعْمَانِ ، فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” كَذَلِكَ الْبِرُّ ، كَذَلِكَ الْبِرُّ ، وَكَانَ أَبَرَّ النَّاسِ بِأُمِّهِ ” .

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Waan seexday oo waxaan isku arkay angoo jooga Jannada, waxaan maqlay cod quraan akhrinaya, waxaan idhi: waa kuma? Waxay dhaheen: waa Xaarith binu Nucmaan, rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Waa taas  baarinimado, waa taas baarinimado, wuxuuna ahaa dadka ka ugu baarisan hooyadii”[6]

Waraqa ibnu Noofal:

Waraqa waa odaygii ay marwo Khadiijo u gaysay nabiga (scw) markii waxyigu kusoo dagay, ee lahaa hadii aan soo gaadho maalinta lagu saarayo waan kuu hiilin lahaa. Odaygan wuxuu haystay diintii tawxiidka, waanu rumeeyey rasuulka (scw), nabiguna wuxuu ku arkay Jannada isagoo jooga.

عن عائشة رضي الله عنها : ” أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ( لا تسبوا ورقة فإني رأيت له الجنة ، أو جنتين )

Caasha waxa laga wariyey (Rc) in nabiga (scw) yidhi: “Ha caayina Waraqa, maxaa yeelay waxaan arkay isagoo leh janno ama laba janno”[7]

Zayid ibnu Xaaritha:

عن ابن بريدة ، عن أبيه أن رسول الله – صلى الله عليه وسلم – قال : ” دخلت الجنة ، فاستقبلتني جارية شابة . فقلت : لمن أنت ؟ قالت : أنا لزيد بن حارثة “

Ibnu Burayda wuxuu aabihii kasoo wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: “Jannada ayaan galay waxa iga hortimid gabar dhalinyaro ah, waxaan idhi: yaa ku leh? Waxay tidhi: Zayid ibnu Xaaritha”[8]

 

Abudaxdaax:

Markii ay soo dagtay aayadan

(مَّن ذَا الَّذِي يُقْرِضُ اللَّـهَ قَرْضًا حَسَنًا فَيُضَاعِفَهُ لَهُ أَضْعَافًا كَثِيرَةً ۚ )

(Kiineebaa amaahimaya Ilaahay amaah wanaagsan oo Ilaahayna u laablaabaa laablaabid fara badan).[9]

Aayadan waxa maqlay saxaabiga Abudaxdaax oo nabiga (scw) agtiisa fadhiyey, markaasuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, oo Ilaahay ma amaah ayuu inaga rabaa? wuxuu dhahay Nabigu (scw): “Haa, Abudaxdaaxoow” wuxuu yidhi: ii dhiib gacantaada Rasuulkii Ilaahayoow, waanu u dhiibay nabigu gacantiisa, wuxuuna yidhi: Waxaan beertayda amaahiyey Rabbigay!

Abudaxdaax beertiisa waxa ku yaalay lix boqol oo geed timireed ah. Beertana waxa daganayd xaaskiisii Umu Daxdaax iyo caruurtiisii, kadibna Abudaxdaax wuxuu yimid beertiisii wuxuuna ku dhahay haweenaydiisii: “Umu Daxdaaxeey, kasoo bax beerta waxaan amaahiyey Rabbigaye!” Markaasay tidhi Umu Daxdaax: “Wuu guulaystay ganacsigaagii, wuu guulaystay ganacsigaagii” 

كم من عذق معلق أو مدلى في الجنة لابن الدحداح

Badanaa in geed timireed ugasoo lusha jannada Ibnu Daxdaax[10]

Jacfar ibnu Abudaalib:

” دَخَلْتُ الْجَنَّةَ الْبَارِحَةَ فَنَظَرْتُ فِيهَا فَإِذَا جَعْفَرٌ يَطِيرُ مَعَ الْمَلَائِكَةِ وَإِذَا حَمْزَةُ مُتَّكِئٌ عَلَى سَرِيرٍ ” .

”Jannada ayaan galay xalaytoole waanan fiiriyey mise Jacfar ayaa la duulaya Malaa’ikta, Xamsana wuxuu ku dingiigaa sariir dusheeda”[11]

Cabdilaahi ibnu Salaam:

Waa saxaabi reer bani israa’iila oo islaamay, waxa loogu bishaareeyey Jannada:

عَنْ عَامِرِ بْنِ سَعْدِ بْنِ أَبِي وَقَّاصٍ عَنْ أَبِيهِ قَالَ مَا سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ لِأَحَدٍ يَمْشِي عَلَى الْأَرْضِ إِنَّهُ مِنْ أَهْلِ الْجَنَّةِ إِلَّا لِعَبْدِ اللَّهِ بْنِ سَلَامٍ

Caamir ibnu Sacad ibnu abi waqaas wuxuu aabihii kasoo wariyey inuu dhahay: ”Maan maqlin nabiga (scw) oo ku leh qof soconaya dhulka dushiisa inuu yahay ehelka Jannada Cabdilaahi ibnu Salaam mooyee”[12]

Cukaasha ibnu Muxsin:

Cukaasha wuxuu kamid yahay todobaatanka kun ee jannada xisaab la’aan ku galaya.

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ يَدْخُلُ مِنْ أُمَّتِي الْجَنَّةَ سَبْعُونَ أَلْفًا بِغَيْرِ حِسَابٍ فَقَالَ رَجُلٌ يَا رَسُولَ اللَّهِ ادْعُ اللَّهَ أَنْ يَجْعَلَنِي مِنْهُمْ قَالَ اللَّهُمَّ اجْعَلْهُ مِنْهُمْ ثُمَّ قَامَ آخَرُ فَقَالَ يَا رَسُولَ اللَّهِ ادْعُ اللَّهَ أَنْ يَجْعَلَنِي مِنْهُمْ قَالَ سَبَقَكَ بِهَا عُكَّاشَةُ

Abihurayra waxa laga wariyey in nabigu (scw) yidhi: “Jannada waxa umadayda ka galaya todobaatan kun oo aan xisaab lahay, nin ayaa yidhi: rasuulkii Ilaahayow: Ilaahay ii bari inuu iga yeelo, wuxuu dhahay: Ilaahow ka yeel kuwaas. Mid kale ayaa istaagay oo yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay ii bari ha iga yeelo kuwaase, wuxuu yidhi: Cukaasha ayaa kaagasoo horreeyey.[13]

Cumayr ibnu Xamaam:

Saxaabigan sharafta leh wuxuu ka qayb galaya dagaalkii Badar, wuxuuna maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”Ukaca Janno ballaceedu la eegyahay samada iyo dhulkaba”

Saxaabigii Cumayr ibnu Xamaam wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, maj anno ballaceedu cirka iyo dhulka la eegyahaybaa? Nabigu wuxuu yidhi: Haa. Saxaabigii wuxuu yidhi: Bakhin Bakhin (waa eray afcarbeeda oo ku tusinaya la yaab). Nabiga (scw) wuxuu waydiiyey: Maxaa ku kallifay inaad dhahdo Bakhin Bakhin? Wuxuu ku jawaabay: waa rajo aan rajaynayo inaan kamid noqdo ehelkeed. Rasuulkii Ilaahay wuxuu ku yidhi: Adigu ehelka Jannada kamid baad tahay.

Saxaabigii wuu farxay, wuxuuna lasoo baxay dhawr xabo oo timira, markaasuu yidhi: Ilaahbaan ku dhaartee waa nolol dheer intaan cunayo tan (timirta) kadibna goobtii dagaalka ayuu isku tuuray waanu shahiiday, Ilaahay raali haka ahaadee.

Thaabit ibnu Qays:

يا ثابت ، ألا ترضى أن تعيش حميدا ، وتقتل شهيدا ، وتدخل الجنة ؟ ” قال : بلى ، يا رسول الله ، قال : فعاش حميدا ، وقتل شهيدا يوم مسيلمة الكذاب .

”Thaabitow miyaanad raali ku ahayn inaad ku noolaato nolol la mahadiyey, lagu dilo adigoo shahiida iyo inaad gasho Jannada? Wuxuu yidhi: haa, rasuulkii Ilaahayow. Wuxuu yidhi: nolol la mahadiyey ayuu noolaa, shahiid isagoo ahna waa la dilay maalintii Musaylamihii beenaalaha ahaa”[14]

Ninkii Ilaahay runta u sheegay Ilaahayna u rumeeyey:

Waxa nabigeena (scw) u yimid nin reer baadiye ahaa, wuxuuna ka dalbaday inuu raaco. Nabigu (scw) wuu ka aqbalay, wuxuuna saxaabadiisa u dardaarmay inay daryeelaan.

Maalintii danbe ayey muslimiintii weerar qaadeen, wayna guulaysteen kadibna qaniimadii ayaa qeybtiisa la siiyey ninkii reer baadiyaha ahaa. Ninkii ayaa waydiiyey, maxaa xoolahan la igu siiyey? Nabiga (scw) ayaa ku dhahay: waa dheeftii ama qeybtii aad qaniimada ku lahayd.

Ninkii wuxuu yidhi: Anigu inaan xoolo qaato kuuman soo raacin, waxaan kuusoo raacay in leeb igaga dhaco halkaas hunguriga oo dhinaca kale ka baxo, kadibna aan dhinto oo aan jannada galo. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Hadaad Ilaahay run u sheegto wuu kuu rumayn”

Mudo yar kadib, waxa dib u bilowday dagaalkii waxaana nabiga (scw) hortiisa la mariyey ninkii oo la sido, sidoo kalena hunguriga ay kaga dhacday leeb oo dhinaca kale uga baxay, markaasuu Rasuulku (scw) dhahay: “Isagu ma isagiibaa?” Waxay dhaheen saxaabadii: Haa. Wuxuu Rasuulku (scw) dhahay: “Run ayuu Ilaahay u sheegay, Ilaahayna wuu u rumeeyey”[15]

Ninkii reer baadiyaha ahaa ee faralka ilaaliyey:

 

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ أَعْرَابِيًّا أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ دُلَّنِي عَلَى عَمَلٍ إِذَا عَمِلْتُهُ دَخَلْتُ الْجَنَّةَ قَالَ تَعْبُدُ اللَّهَ لَا تُشْرِكُ بِهِ شَيْئًا وَتُقِيمُ الصَّلَاةَ الْمَكْتُوبَةَ وَتُؤَدِّي الزَّكَاةَ الْمَفْرُوضَةَ وَتَصُومُ رَمَضَانَ قَالَ وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ لَا أَزِيدُ عَلَى هَذَا فَلَمَّا وَلَّى قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَنْ سَرَّهُ أَنْ يَنْظُرَ إِلَى رَجُلٍ مِنْ أَهْلِ الْجَنَّةِ فَلْيَنْظُرْ إِلَى هَذَا

Abihurayra waxa laga wariyey  (Rc) in nin reer baadiye ahaa u yimid nabiga (scw) oo uu ku yidhi: waxaad i tustaa camal hadii aan la yimaado aan janno ku galayo, wuxuu yidhi: ”waa inaad Ilaahay caabudaa oo aanad shirki ula imanin, salaada waajibka ah aad oogtaa, zakada waajibka ahna aad bixisaa iyo soonka ramadaan ood soomtaa” wuxuu yidhi: ilaahbaan ku dhaartee waxna kuma darayo, markuu jeestay ayuu yidhi nabigu (scw): ”cidii ay farxad galinayso inay aragto nin ehelka jannada kamida ha eego ninkaas”[16]

Ninkii jeclaaday suuratu al-ikhlaas:

Waxa Imaamu Albukhaari kusoo saaray Saxiixiisa, in Caasha tidhi: “Nabiga ayaa nin ku daray koox duulaysa, wuxuuna ahaa (ninkaasi) mid salaada tujin jiray, isagoo ku gabogabaynaya (Qul huwa Allahu Axad), markii ay soo laabteen ayey saxaabadii u sheegtay nabiga (scw), markaasuu dhahay: “Waydiisa sababtu sidaa u samaynayey” way waydiiyeen, wuxuuna dhahay: Sababtoo ah waa sifooyinka Raxmaanka, aniguna waan jeclahay inaan akhriyo, markaasuu Rasuulku (scw) dhahay; “U sheega inuu Ilaahay jecelyahay” [17]

Ninkii qalbigiisu wanaagsanaa:

Maalin nabiga iyo saxaabadiisii oo wada fadhiya ayuu rasuulku ku dhahay: “Iminka waxa idiinsoo baxay nin kamida ehelka Jannada” kadibna waxa soo baxay nin soo wayso qaatay oo biyihii gadhkiisa ay ka da’ayaan oo gacantana ku sita kabihiisa. Maalintii ku xigtayna iyo maalintii sadexaadba isla ninkii ayaa soo baxay.

Dabadeedna saxaabiga Cabdilaahi ibnu Camaru ayaa doonay inuu ogaado sababta ninka sadex jeer loogu bishaareeyey jannada. Cabdilaahi ninkii wuxuu ka dalbaday inuu marti qaado sadex maalmood maadaama ay isku dhaceen isaga iyo aabihii.

Sadexdii maalmood ayuu Cabdilaahi baadhayey xaalada ninkan, ilaa uu ku dhowaaday inuu xaqiro ninkan camalkiisa. Maalintii sadexaad ayuu Cabdilaahi yidhi: adeer ismaanan qabsanin aabahay ee nabi Muxamed ayaa sadex jeer kuugu bishaareeyey jannada, waxaanan doonay inaan ogaado sababta jannada aad ku gashay, manaan arkin camal badan oo aad qabato. Ninkii ayaa yidhi: xaaladaydu waa sidaa aad aragtay, kaliya hadii laga maarmi waayo anigu qof Muslima ma xaasido, cuqdad uguma qaado nicmo Ilaahay siiyey. Cabdilaahi wuxuu yidhi: waa taas ku gaadhsiisay darajadaas ee aanan anagu awoodin[18]

Ninkii shaqo yar qabtay ee ajar wayn loogu abaal guday:

 

أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلٌ مُقَنَّعٌ بِالْحَدِيدِ فَقَالَ يَا رَسُولَ اللَّهِ أُقَاتِلُ أَوْ أُسْلِمُ قَالَ أَسْلِمْ ثُمَّ قَاتِلْ فَأَسْلَمَ ثُمَّ قَاتَلَ فَقُتِلَ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَمِلَ قَلِيلًا وَأُجِرَ كَثِيرًا

Nabiga (scw) waxa uyimid nin xidhan biraha (dagaalka) wuxuuna yidhi: rasuulkii Ilaahayow ma dagaalama mise waan islaamaa? Wuxuu yidhi: islaam kadibna dagaalan. Waanu dagaalamay oo la dilay, wuxuuna yidhi rasuulkii Ilaahay (scw): “camal yar ayuu la yimid waxa lagu abaal mariyey wax badan”[19]

Maaciz ibnu Maalik:

Maaciz ibnu Maalik wuxuu ahaa saxaabi kamid ah saxaabada Rasuulka (scw), waxa dhagar u maleegay Shaydaanka, oo wuxuu la kali noqday gabadh reer ansaar ah, kadibna Shaydaan ayaa sadaxeeyey oo wuxuu ku dhacay faaxishadii, Ilaahaybaan ka magan galnaye.

Kolkuu danbigii waynaa ku dhacay saxaabigaasi ayuu Shaydaankii wax qurxinayeyna iskaga tagay, kolkaasuu Maaciz murugooday, wuxuuna canaantay naftiisa, isagoo ka cabsanaya ciqaabka Ilaahay.

Maaciz oo danbigii waynaa gubayo qalbigiisa ayaa u yimid Rasuulka (scw) wuxuuna ku yidhi: Rasuulkii Ilaahayoow idaahiri, kolkaasuu Rasuulku (scw) kasii jeestay, hadan Maaciz wuxuu ku celiyey eraydiisii, Rasuulkii Ilaahow waan zinaystaye i daahiri, markaasuu nabigu dhahay (scw): waar dib u noqo oo Ilaahay danbi dhaaf waydiiso, hadana Maaciz intuu tagay ayuu dib usoo laabtay markaasuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow idaahiri, hadana nabigu wuxuu ku dhahay: dib u noqo oo Ilaahay u toobad keen, hadan mar sadexaad ayuu uyimid, nabiguna wuxuu lahaa waar hoog kuu sugnaaye iska tag oo Ilaahay danbi dhaaf waydiiso, balse Maaciz markii afaraad ayuu soo laabtay markaasuu yidhi: Rasuul Allow i daahiri, markaasuu Nabigu dhahay: Ninkan miyuu waalanyahay? Ma caqligiisa ayaan taam ahayn? waxay saxaabadii tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow wuu fayo qabaa, wuu qabaa caqligiisa. Hadana nabigu (scw) wuxuu dhahay: waar ma garanaysaa Zinadu waxay tahay? wuxuu dhahay: Haa, Rasuulkii Ilaahayoow, waxaan u tagay gabadh sida ninka iyo xaas is qabaa ay u dhex marto xidhiidhka qoysnimo.

Markaasuu Rasuulku dhahay: malaha khamri ayuu soo cabay ee bal ursada afkiisa, saxaabadiina afkiisa ayey ursatay waxayna dhaheen: Muu cabin khamri, kadibna nabigu markuu arkay in Maaciz afar jeer isku markhaati furay oo aanu ordina ayuu faray in la rajmiyo, waana la rajmiyey.[20]

Kolkii uu dhintay saxaabigii ayaa laba nin waxay dhaheen: Ma aragtay kan Ilaahay intuu asturay aan naftiisa u joojin illamaa laga rajmiyey sida eyda oo kale!! Nabigu wuu maqlay hadalkodii kolkaasuu ka aamusay mudo yar, kadibna waxay soo mareen wado uu yaalo dameer bakhtiyey oo lugtiisu faaxday, markaasuu dhahay: aaway hebel iyo hebel? waxay dhaheen: waanakan Rasuulkii Ilaahow. Wuxuu dhahay: Cuna dameerkaas bakhtiyey!! markaasay dhaheen: Nabigii Ilaahow yaa cuni karay bakhtigan? wuxuu dhahay: xantii aad xamateen walaalkiin Maaciz hada ayaa ka xun inaad cuntaan dameer bakhtiyey. Markaasuu dhahay nabigu (scw): Ilaahbaan ku dhaartee Maaciz hada wuxuu ku dabaalanayaa wabiyada Jannada. [21]

 

Ninkii madoobaa ee Jannada ku guulaystay:

عَنْ أَنَسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، أَنَّ رَجُلا أَسْوَدَ أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ ، فَقَالَ : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، إِنِّي رَجُلٌ أَسْوَدُ ، مُنْتِنُ الرِّيحِ ، قَبِيحُ الْوَجْهِ ، لا مَالَ لِي ، فَإِنْ أَنَا قَاتَلْتُ هَؤُلاءِ حَتَّى أُقْتَلَ ، فَأَيْنَ أَنَا ؟ قَالَ : ” فِي الْجَنَّةِ ” ، فَقَاتَلَ حَتَّى قُتِلَ ، فَأَتَاهُ النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ : ” قَدْ بَيَّضَ اللَّهُ وَجْهَكَ ، وَطَيَّبَ رِيحَكَ ، وَأَكْثَرَ مَالَكَ “

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey in nin madow u yimid nabiga (scw) oo ku yidhi: rasuulkii Ilaahayow, anigu waxaan ahay nin madow oo urtiisu qadhmuuntahay, wajigiisuna foolxunyahay, lacagna ma haysto, ee hadii aan la dagaalamo kuwaas ilamaa la i dilo, xageen tagayaa? Wuxuu yidhi: jannad. Wuu dagaalamay, waana la dilay, waxaana loo keenay nabiga (scw) wuxuuna yidhi: ”Ilaahay wajigaagii wuu kuu nuuriyey, urtaadiina wuu udgooneeyey, xoolahaagana wuu badiyey” [22]

Cabdilaahi ibnu Camru ibnu Xaraam:

Cabdilaahi wuxuu kamid ahaa saxaabadii ku shahiida dagaalkii Uxud, waana aabihii dhalay Jaabir ibnu Cabdilaah. Markuu dhintay wuxuu rasuulku ka warramaya in Ilaahay si toosa ula hadlay oo uu ka dalbaday inuu aduunkii dib ugu laabto si markale Ilaahay jidkiisa loogu dilo. Ilaahay wuxuu yidhi: maya, hadda kahor ayaa go’aamiyey in qof dhintay aanu dib ugu laabanin aduunyada. Cabdilaahi wuxuu yidhi: hadaba rabbiyow, warkayaga gaadhsii kuwii naga danbeeyey.[23] Waana sababta ay kusoo dagtay aayadani:

وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّـهِ أَمْوَاتًا ۚ بَلْ أَحْيَاءٌ عِندَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ ﴿١٦٩﴾

Ha u malaynin in kuwa loo dilay jidka Ilaahay ay dhinteen, way noolyihiin oo rabbigood agtooda ayaa laga arzaaqaa (169)[24]

Xaadib ibnu Abi Baltaca:

Saxaabigan wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Badar, dadkii ka qaybgalay dagaalkaasina waa ehlu janno dhamaantood.

عَنْ جَابِرٍ أَنَّ عَبْدًا لِحَاطِبٍ جَاءَ نَبِيَّ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَشْكُو حَاطِبًا ، فَقَالَ : يَا نَبِيَّ اللَّهِ ، لَيَدْخُلَنَّ حَاطِبٌ النَّارَ . فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” كَذَبْتَ لَا يَدْخُلُهَا ، إِنَّهُ قَدْ شَهِدَ بَدْرًا وَالْحُدَيْبِيَةَ “

Jaabir waxa laga wariyey in adoon uu lahaa Xaadib u yimid nabiga (scw) isagoo cabanaya, wuxuuna yidhi: nabigii Ilaahayow, xaadib naartuu galayaa. Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Beenbaad sheegtay, isagu wuxuu ka qaybgalay Badar iyo Xudaybiya”[25]


[1] Suuratu Albaqarah: 25

[2] Sunan Tirmadi: 3747

[3] Bukhaari: 2473 iyo Muslim: 2469

[4] Sunan Tirmadi: 3689

[5] Ibnu Casaakir (2/337/6)

[6] Musnadu Axmed: 1332

[7] Xaakim (4221)

[8] Siyar Aclaam alnubalaa, Dahabi: Zayid ibnu Xaaritha.

[9] Suuratu Albaqarah: 245

[10] Saxiix Muslim: 965

[11]  المستدرك على الصحيحين » كتاب معرفة الصحابة رضي الله تعالى عنهم » ذكر مناقب جعفر بن أبي طالب بن عبد المطلب بن هاشم

[12] Bukhaari: 3601

[13] Saxiix Muslim: 216

[14] Mustadrak cala alsaxiixay: 5084

[15] [Sunan Al-nisaa:1953 ]

[16] Bukhaari:1333

[17] Saxiix Albukhaari, xadiiska 7375

[18] Musandu Axmed:12720

[19] Bukhaari: 2653

[20] Bukhaari: 4970

[21] Abudawuud: 4428

[22] المستدرك على الصحيحين: 2395

[23] Tirmadi:3010

[24] Suurat Alcimraan:169

[25] المعجم الكبير : 3064