Tusmo

Xiisaha Jannada:

Tani waa Jannadii ay u xiisoodeen dadkii ugu wanaagsanaa Ummada Nabi Muxamed (scw), dadkaas waxa kamida:

Halkan ka daawo ama hoos u soco oo akhriso:

Cumayr ibnu Alxamaam (Rc):

Saxaabigan sharafta leh wuxuu ka qayb galaya dagaalkii Badar, wuxuuna maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”Ukaca Janno ballaceedu la eegyahay samada iyo dhulkaba”

Saxaabigii Cumayr ibnu Xamaam wuxuu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow, maj anno ballaceedu cirka iyo dhulka la eegyahaybaa? Nabigu wuxuu yidhi: Haa. Saxaabigii wuxuu yidhi: Bakhin Bakhin (waa eray afcarbeeda oo ku tusinaya la yaab). Nabiga (scw) wuxuu waydiiyey: Maxaa ku kallifay inaad dhahdo Bakhin Bakhin? Wuxuu ku jawaabay: waa rajo aan rajaynayo inaan kamid noqdo ehelkeed. Rasuulkii Ilaahay wuxuu ku yidhi: Adigu ehelka Jannada kamid baad tahay.

Saxaabigii wuxuu farxay, wuxuuna lasoo baxay dhawr xabo oo timira, markaasuu yidhi: Ilaahbaan ku dhaartee waa nolol dheer intaan cunayo tan (timirta) kadibna goobtii dagaalka ayuu isku tuuray waanu shahiiday, Ilaahay raali haka ahaadee.

Thaabit ibnu Qays:

Saxaabigan reer ansaareed ee Thaabit ibnu Qays waxa Jannada loogu bishaareeyey laba jeer. Markii ay soo dagtay aayada ku jirta suuratu Alxujuraat oo reebaysa in cod laga sareysiiyo codka rasuulka

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَرْفَعُوا أَصْوَاتَكُمْ فَوْقَ صَوْتِ النَّبِيِّ

Kuwa Allah rumeeyow ka sareysiinina codkiina codka Rasuulka..[1]

Thaabit markii aayadani soo dagtay wuxuu fadhiistay gurigiisa, kamanuu soo bixin wuxuuna yidhi: anigu codkayga ayaan ka sareysiin jiray codka rasuulka, markaa ehelka naarta ayaan kamid ahay. Sacad ayaa arrintii u sheegay rasuulka (scw). Rasuulkiina wuxuu yidhi: ”Isagu waa ehelka Jannada”

Haddaba saxaabigan qaaliga ah sidee ayuu ku geeriyooday? Markii lagugu gudo jiray dagaalkii Yamaama ee lagula dagaalamayey beenaale Musaylama, ayaa bilowgii waxa jabay saxaabadii. Dabadeedna Thaabit ibnu Qays oo dhiiri galinaya saxaabada iyo muslimiinta ayaa qotay god, wuxuuna galiyey qeybta hoose ee jidhkiisa, wuxuuna qaatay hubkiisii waanu dagaalamay, waanu shahiiday Ilaahay raali haka ahaadee.

Bilaal ibnu Rawaaxa:

Bilaal Ilaahay raali haka ahaadee waa mid kamida saxaabada rasuulka kuwa ugu caansan, wuxuuna ahaa nin xabashiya oo adoono, waxa xoreeyey oo Ilaahay dartii usii daayey Abubakar Ilaahay raali haka ahaadee.

Bilaal markii uu geeriyoonayey, waxa la joogtay xaaskiisii, markaasay tidhi: Murugoodayeey, shallaytaydeey! Bilaalna wuxuu yidhi: Farxadaydiiyeey! Barri ayaan la kulmayaa dadkii aan jeclaa, Muxamed iyo xisbigiisii.

Jacfar ibnu Abudaalib:

Dagaalkii Mu’tah waxa la dilay amiirkii ciidamada ee Sayid ibnu Xaarith (Rc), waxa xilkii amiirnimo qabtay Jacfar kadibna wuxuu tiriyey gabay uu naftiisa ku dhiiri galinayo wuxuuna yidhi:

يَا حَبَّذَا الْجَنَّةُ وَاقْتِرَابُهَا طَيِّبَةٌ بَارِدَةٌ شَرَابُهَا وَالرُّومُ رُومٌ قَدْ دَنَا عَذَابُهَا عَلَيَّ إِنْ لاقَيْتُهَا ضِرَابُهَا

Maxaa ka fiican Jannada iyo soo dhowaanshaheeda, waa wanaagsantahay qabowyahay cabitaankeedu. Roomaankuna cadaabka ayaa usoo dhowaaday, markaan la kulmo waa inaan la dagaalamo.[2]

Jacfar calankii ayuu gacanta midig ku qaaday waanu dagaalamay, waxa la gooyey gacantii midigta, hadana gacantii bidixda, markaasuu labada cududood ku qaaday calankii ilaa uu ka shahiiday (rc).

Labadii gacmood waxa Ilaahay ugu badalay laba baalood oo uu Jannada ku duulo, waxa nabiga (scw) lagasoo wariyey inuu yidhi:

” دَخَلْتُ الْجَنَّةَ الْبَارِحَةَ فَنَظَرْتُ فِيهَا فَإِذَا جَعْفَرٌ يَطِيرُ مَعَ الْمَلَائِكَةِ وَإِذَا حَمْزَةُ مُتَّكِئٌ عَلَى سَرِيرٍ ” .

”Jannada ayaan galay xalaytoole waanan fiiriyey mise Jacfar ayaa la duulaya Malaa’ikta, Xamsana wuxuu ku dingiigaa sariir dusheeda”[3]

Camru ibnu Jamuux (Rc):

Camru ibnu Jamuux Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa nin ka dhutiya lug, wuxuuna doonay inuu ka qaybgalo dagaalkii Uxud, hase ahaatee waxa u diiday wiilashiisii. Kadibna wuxuu u tagay rasuulkii Ilaahay wuxuuna ku yidhi: ubadkaygii ayaa ii diiday inaan dagaalka ka qaybgalo.

Nabigu (scw) wuxuu ku yidhi: ”adiga laguguma laha jihaad” caruurtiisiina wuxuu ku yidhi: ”laga yaaba in Ilaahay ku arsaaqo shahaadada”

Dagaalkii Uxud ayuu ka qaybgalay waanu ku shahiiday, wuxuuna dhihi jiray: ”lugtaydan jiiska ah (laangadhada ) ah ayaan galinayaa Jannada.[4]

Anas ibnu Nadhar:

Ilaahay raali haka ahaadee saxaabiga Anas ibnu Nadhar wuxuu ka qayb galay dagaalkii Uxud, wuxuuna arkay saxaabadii oo la jabiyey. Kadibna isagoo dhawaaqaya ayuu yidhi:

 اللهم إني أعتذر إليك مما صنع هؤلاء يعني أصحابه وأبرأ إليك مما صنع هؤلاء يعني المشركين ثم تقدم فاستقبله سعد بن معاذ فقال يا سعد بن معاذ الجنة ورب النضر إني أجد ريحها من دون أحد

”Ilaahow waxaan kaaga cudurdaaranyaa wixii ay sameeyeen kuwaasi (asxaabtiisa) waxaan kaa magan galayaa wixii ay sameeyeen kuwaasi (gaalada) kadibna wuu dhaqaaqay, waxaana kahor yimid Sacad ibnu Mucaad, markaasuu ku yidhi: Sacad ibnu Mucaadow, waa tan Jannadii Rabbiga Nadhar ayaan ku dhaartee, udugeeda waxaan ka helayaa buurta Uxud sokodeeda”[5]

Sidaasbaanu ku shahiiday saxaabigaasi, Ilaahay raali haka ahaadee.

Xaraam ibnu Malxaan:

Saxaabigan wuxuu kamid ahaa saxaabadii lagu shirqoolay goobta la dhaho Bi’ir Macuuna, waxa xaga danbe lagag dhuftay warankii, markaasuu yidhi:

فزت ورب الكعبة

” Waan guulaystay Rabbiga kacbadaan ku dhaartee”[6]

Caamir ibnu Fahiira:

Saxaabigan wuxuu ahaan jiray adoon, waxa xoreeyey Abubakar (Rc), waana saxaabigii adhiga Abubakar raacayay markii nabiga iyo Abubkar ay hijroodeen ee ay galeen godka. Wuxuu adhiga ku tirtiray raadkii Cabdullahi ibnu Abubakar oo habeenkii u iman jiray nabiga iyo aabihii.

Caamir isagana waxa lagu dilay goobta Bi’ir Macuuna, wuxuuna isaguna ku dhawaaqay: ”Waan guulaystay rabbiga kacbadaan ku dhaartee” markuu dhintay waxa la waayay maydkiisii, ninkii dilayna wuu islaamay.

Sacad ibnu Khaythamah ibnu Xaarith:

Maalintii Badar ayaa Sacad iyo aabihii Khaythamah ay u baratameen qofka ka qaybgalaya dagaalkii Badar, wayn qoryo tuurtaan, waxa qori tuurkii kusoo baxay Sacad ibnu Khaythamah. Khaythamah ayaa wiilkiisii ku yidhi: ”Aabe maanta i horeysii oo dumarka lasii joog” Sacad wuxuu yidhi: ”Aabe meel aan Janno ahayn waan ku horeysiin lahaa”

Sacad wuxuu ku shahiiday dagaalkii Badar halka Khaythamana uu ku shahiiday dagaalkii Uxud hal sano kadib, Ilaahay haka raali ahaadee.[7]

Mucaad ibnu Jabal:

Saxaabigii waynaa ee Mucaad ibnu Jabal Ilaahay raali haka ahaadee, wuxuu ku geeriyooday daacuunkii Camwaas oo dhacay khilaafadii Cumar ibnu Khadaab (Rc). Wuxuuna ku ducaystay in daacuunkan dheeftiisa uu ka helo, maadaama uu rumaysnaa in qofka u geeriyooda cudurka Daacuunku uu yahay shahiid siduu cadeeyey rasuulkii Ilaahay.

Dabcan isaga iyo ehelkiisiiba way ku dhinteen daacuunkaas, wuxuuna nolosha aduunyo ka door biday nolosho aakhiro ee baaqiga ah.

Cusmaan ibnu Cafaan:

Markii Khawaarijtii habaarka qabay ay go’doon ku qabteen gurigii Cusmaan ibnu Cafaan ayay u diideen xataa biyihii, waanu soomanaa. Habeenkii isagoon afurin ayuu ku riyooday rasuulkii Ilaahay, Abubakar iyo Cumar oo ku leh caawa waad nala afuraysaa. Wuxuuna gartay in khawaarijtu ay dilayso, wayna dileen isagoo akhrinaya kitaabka Ilaahay, sidaasbaanu ku shahiiday.

Cumar ibnu Khadaab:

Ilaahay raali haka ahaado Cumar ibnu Khadaab, markuu xajay xajkiisii ugu danbeeyey ayuu Ilaahay ka baryay inuu dhinto isagoo shahiida, uuna ku geeriyoodo baladkii rasuulkii Ilaahay (Scw). Saxaabadii ayaa waydiisay sidee ayaad ku rabtaa shahaado adigoo jooga magaalada Madiina. Wuxuu yidhi: qofka haduu Ilaahay run u sheego, wuu u rumeeyaa.

Sidii uu jeclaa ayaana dhacday oo habaar qabe majuusiya ayaa tooray ka taagay isagoo muslmiinta tujinaya salaadii Subaxa.

Xandalah ibnu Caamir:

Saxaabigan qaaliga ah ee reer Ansaareed wuxuu ka qaybgalay dagaalkii Uxud isagoo dhowaan aroostay. Markii uu maqlay dhawaaqa dagaalka ayuu soo baxay isagoon ka qubaysanin janaabada, wuxuuna ku shahiiday dagaalkii Uxud. Maydkiisiina waxa dhaqday malaa’iktii Ilaahay.

Julaybiib:

Julaybiib Ilaahay raali haka ahaadee isagoo aroosa ayuu isna maqlay dagaalka dhawaaqiisii, waanu soo baxay isagoo ajiibaya Ilaahay iyo rasuulkiisa, una xiiso qaba raali ahaanshaha Ilaahay iyo jannadiis. Dagaalkii ayuu ku geeriyooday isagoo gaalada ka dilay todoba nin, markaasuu rasuulku (scw) yidhi:

“قَتَلَ سَبْعَةً. ثُمّ قَتَلُوهُ. هَذَا مِنّي وَأَنَا مِنْهُ. هَذَا مِنّي وَأَنَا مِنْهُ”

”Todoba ayuu dilay, kadibna way dileen, Kani anigu iga ahaaday, aniguna isaga ayaan ka ahaaday Kani anigu iga ahaaday, aniguna isaga ayaan ka ahaaday”[8]


[1] Suuratu alxujuraat: 2

[2] السنن الكبرى للبيهقي » كِتَابُ الأَشْرِبَةِ وَالْحَدُّ فِيهَا » بَابُ الصَّمْتِ عِنْدَ اللِّقَاءِ

[3]  المستدرك على الصحيحين » كتاب معرفة الصحابة رضي الله تعالى عنهم » ذكر مناقب جعفر بن أبي طالب بن عبد المطلب بن هاشم

[4]  السنن الكبرى » كتاب السير » باب من له عذر بالضعف والمرض والزمانة والعذر في ترك الجهاد

[5] Bukhaari: 2651

[6] Bukhaari: 3865

[7] سير أعلام النبلاء » الصحابة رضوان الله عليهم » سعد بن خيثمة

[8] Muslim: 2472