Tusmo

Maxaa Janno lagu galaa?

halkan ka daawo ama hoos ka akhriso:

Afar rakacadoo oo ka horeeya Duhurka iyo afar ka danbeeya

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم من صلى قبل الظهر أربعا وبعدها أربعا حرمه الله على النار

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”qofkii tukada duhurka kahor afar iyo afar ka danbeeya, waxa Ilaahay ka xarrimay naarta”[1]

Aadaanka oo laga daba akhriyo:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم إذا قال المؤذن الله أكبر الله أكبر فقال أحدكم الله أكبر الله أكبر ثم قال أشهد أن لا إله إلا الله قال أشهد أن لا إله إلا الله ثم قال أشهد أن محمدا رسول الله قال أشهد أن محمدا رسول الله ثم قال حي على الصلاة قال لا حول ولا قوة إلا بالله ثم قال حي على الفلاح قال لا حول ولا قوة إلا بالله ثم قال الله أكبر الله أكبر قال الله أكبر الله أكبر ثم قال لا إله إلا الله قال لا إله إلا الله من قلبه دخل الجنة

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”marka mu’adinku dhaho (Allahu akbar) ee midkiina dhaho (Allahu akbar), hadana uu dhaho (ash-hadu an-laa ilaaha ilaa Allah) ee dhaha (ash-hadu an-laa ilaaha ilaa Allah) hadana uu dhaho (ash-hadu anna muxamadan rasuulu Allah) ee dhaha (ash-hadu anna muxamadan rasuulu Allah) hadana uu dhaho (xayya calaa assalaah) ee dhaha (laa xawla walaa quwwata illaa billah) hadana uu dhaho (xayya calaa alfalaax) ee dhaha (laa xawla walaa quwwata illaa billah) hadana uu dhaho (Allahu akbar) ee dhaha (Allahu akbar) hadan uu dhaho (laa ilaaha ilaa Allah) ee qalbigiisa ka dhaha (laa ilaaha ilaa Allah) wuxuu galayaa Jannada”[2]

Sunnada nabiga oo lagu dhaganaado:

والذي نفس محمد بيده لتفترقن أمتي على ثلاث وسبعين فرقة واحدة في الجنة وثنتان وسبعون في النار قيل يا رسول الله من هم قال الجماعة

”Ilaahbaan ku dhaartee ummadaydu waxay u kala baxaysaa todobaatan iyo sadex kooxood, mid kaliya ayaa jannada galaysa, todobaatan iyo labada kalena naarta ayay galayaan, waxa lagu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow waa kuwama? Wuxuu yidhi: waa jamaacada.”[3]

Qof buka oo lasoo booqdo:

عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم من عاد مريضا أو زار أخا له في الله ناداه مناد أن طبت وطاب ممشاك وتبوأت من الجنة منز

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Qofki booqda ruux buka ama u siyaarta walaalkii dar Ilaahay, waxa u dhawaaqa mid dhawaaqaya (oo leh) waad wanaagsantahay, socodkaaguna wuu fiicanyahay, jannada waxa laguugu diyaariyey guri”[4]

Qofka dadku uga markhaati kacaan wanaaga:

أيما مسلم شهد له أربعة بخير أدخله الله الجنة فقلنا وثلاثة قال وثلاثة فقلنا واثنان قال واثنان ثم لم نسأله عن الواحد

[5]Qof kasta oo muslima oo afar ay uga markhaati kacdo khayr waxa Ilaahay galiyaa Jannada, waxaanu nidhi: sadexna? Wuxuu yidhi: sadexna, waxaanu nidhi: labana, wxuu yidhi: labana, manaanaan waydiin hal”

Qofka dadka ka saamaxa daymaha:

عَنْ حُذَيْفَةَ ، عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، ” أَنَّ رَجُلًا مَاتَ ، فَدَخَلَ الْجَنَّةَ ، فَقِيلَ لَهُ : مَا كُنْتَ تَعْمَلُ ؟ قَالَ : فَإِمَّا ذَكَرَ ، وَإِمَّا ذُكِّرَ ، فَقَالَ : إِنِّي كُنْتُ أُبَايِعُ النَّاسَ ، فَكُنْتُ أُنْظِرُ الْمُعْسِرَ ، وَأَتَجَوَّزُ فِي السِّكَّةِ ، أَوْ فِي النَّقْدِ ، فَغُفِرَ لَهُ “

Xudayfa waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw): ”nin ayaa dhintay oo wuxuu galayaa jannada, waxa lagu yidhi: maxaad qaban jirtay? Wuxuu yidhi: wuu xasuustay ama waa la xasuusiyey, waxaan ahaa nin ganacsade ah, waxaan cafin jiray qofka daynta lagu leeyahay (darhamka iyo diinaarka) ama lacagta, waana loo danbi dhaafay”[6]

Indho Ilaahay dartii u ooyey:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لَا يَلِجُ النَّارَ رَجُلٌ بَكَى مِنْ خَشْيَةِ اللَّهِ حَتَّى يَعُودَ اللَّبَنُ فِي الضَّرْعِ وَلَا يَجْتَمِعُ غُبَارٌ فِي سَبِيلِ اللَّهِ وَدُخَانُ جَهَنَّمَ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “ma galayo naarta nin u ooyay cabsida Ilaahay illamaa caanuhu ay ku noqdaan candhada (adhiga), mana kulmaan boodhka jidka Ilaahay iyo qiiq naarta jahannama”[7]

Ilaahay waydiiso jannada sadex jeer:

قال النبي صلى الله عليه وسلم : ” من سأل الله الجنة ثلاث مرات قالت الجنة اللهم أدخله الجنة ، ومن استجار من النار ثلاث مرات قالت النار اللهم أجره من النار” .

Nabigu (scw) wuxuu yidhi: “cidii Ilaahay waydiisata jannada sadex jeer, waxay jannadu tidhaahdaa: Ilaahow gali jannada, qofkii sadex jeer ka magangala naarta waxay naartu tidhaahdaa: Ilaahow ka magangali naarta”[8]

Jidka oo dhibta laga qaado:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( لَقَدْ رَأَيْتُ رَجُلًا يَتَقَلَّبُ فِي الْجَنَّةِ فِي شَجَرَةٍ قَطَعَهَا مِنْ ظَهْرِ الطَّرِيقِ كَانَتْ تُؤْذِي النَّاسَ )

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”waxaan arkay nin gadgadoomaya jannada dhexdeeda, (kuna galay) geed uu ka gooyey wadada badhtankeeda taasoo dadka dhibaysay”[9]

Magacyada Ilaahay oo la xifdiyo:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( إِنَّ لِلَّهِ تِسْعَةً وَتِسْعِينَ اسْمًا مِائَةً إِلا وَاحِدًا مَنْ أَحْصَاهَا دَخَلَ الْجَنَّةَ ) .

Abihurayra waxa laga wariyey ilaahay raali haka ahaadee in rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: ”Ilaahay wuxuu leeyahay sagaal iyo sagaashan magac, boqol laga jaray hal, cidii koobtaa jannada ayuu galay”[10]

Gabadha ninkeeda adeecda:

عَنْ عَبْدِ الرَّحْمَنِ بْنِ عَوْفٍ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا صَلَّتْ الْمَرْأَةُ خَمْسَهَا وَصَامَتْ شَهْرَهَا وَحَفِظَتْ فَرْجَهَا وَأَطَاعَتْ زَوْجَهَا قِيلَ لَهَا ادْخُلِي الْجَنَّةَ مِنْ أَيِّ أَبْوَابِ الْجَنَّةِ شِئْتِ

Cabdiraxmaan ibnu Cawf waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Hadii gabadhu ay tukato shanteeda, ay soomto bisheeda, ay dhawrto xubinkeeda, ay adeecdo ninkeeda, waxay lagu dhahaa ka gal jannada albaabkii aad doonto”[11]

Ballan oofinta iyo Amaanada:

عَنْ عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ ، أَنّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، قَالَ : ” اضْمَنُوا لِي سِتًّا مِنْ أَنْفُسِكُمْ أَضْمَنْ لَكُمْ الْجَنَّةَ : اصْدُقُوا إِذَا حَدَّثْتُمْ ، وَأَوْفُوا إِذَا وَعَدْتُمْ ، وَأَدُّوا إِذَا اؤْتُمِنْتُمْ ، وَاحْفَظُوا فُرُوجَكُمْ ، وَغُضُّوا أَبْصَارَكُمْ ، وَكُفُّوا أَيْدِيَكُمْ ” .

Waxa laga wariyey Cubaada ibnu Saamit in nabigu (scw) yidhi: “iiga damaanad qaada lix nafihiina aan idiin damaanad qaado jannadee: run sheega markaad warramaysaan, oofiya markaad ballantaan, bixiya amaanadiina marka wax la idinku aamino, xubnihiinana ilaashada, indhihiinana laabta iyo gacmihiinaba”[12]

Qofka sadex gabdhood kafaalo qaatay:

عن أبي سعيد الخدري أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال لا يكون لأحدكم ثلاث بنات أو ثلاث أخوات فيحسن إليهن إلا دخل الجنة

Abi Saciid Al-khudriyy waxa laga wariyey in rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: ”Ma lahaado midkiin sadex gabdhood (oo uu dhalay) ama sadex gabdhood ay walaalo yihiin, oo wanaajiya (hadiiba uu wanaajiyo) wuxuu galayaa jannada”[13]

Qofka ku samra indho la’aanta:

إذا ابتليت عبدي بحبيبتيه فصبر عوضته منهما الجنة يريد عينيه

”hadii aan ku imtixaamo adoonkayga labadiisa uu jecelyahay oo ku samra, waxaan ugu badalaa jannada (waxa loo jeeda labada indhood)”[14]

Akhrinta aayada Kursida:

قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( مَنْ قَرَأَ آيَةَ الْكُرْسِيِّ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ لَمْ يَمْنَعْهُ مِنْ دُخُولِ الْجَنَّةِ إِلَّا أَنْ يَمُوتَ )

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Qofkii akhriya aayada kursida salaad kasta oo waajiba gadaasheed, uma diidayso inuu jannado galo wax aan dhimasho ahayn”[15]

Akhrinta suuratu Tabaarak (Al-mulk)

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ إِنَّ سُورَةً مِنْ الْقُرْآنِ ثَلَاثُونَ آيَةً شَفَعَتْ لِرَجُلٍ حَتَّى غُفِرَ لَهُ وَهِيَ سُورَةُ تَبَارَكَ الَّذِي بِيَدِهِ الْمُلْكُ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”suurad quraanka kamida oo ah sodon aayadood ayaa u shafeeco qaaday nin illamaa loo danbi dhaafay, waana suurada tabaaraka alladii biyadihii almulku”[16]

Qofka kulansada afartan camal hal maalin

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَنْ أَصْبَحَ مِنْكُمْ الْيَوْمَ صَائِمًا قَالَ أَبُو بَكْرٍ أَنَا قَالَ فَمَنْ تَبِعَ مِنْكُمْ الْيَوْمَ جَنَازَةً قَالَ أَبُو بَكْرٍ أَنَا قَالَ فَمَنْ أَطْعَمَ مِنْكُمْ الْيَوْمَ مِسْكِينًا قَالَ أَبُو بَكْرٍ أَنَا قَالَ فَمَنْ عَادَ مِنْكُمْ الْيَوْمَ مَرِيضًا قَالَ أَبُو بَكْرٍ أَنَا فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَا اجْتَمَعْنَ فِي امْرِئٍ إِلَّا دَخَلَ الْجَنَّةَ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”maanta yaa ku waabariistay isagoo sooman? Abubakar ayaa yidhi: aniga. Wuxuu yidhi: yaa maanta raacay janaaso? Abubkar ayaa yidhi: Aniga. Wuxuu yidhi: yaa maanta miskiin quudiyey? Abubakar ayaa yidhi: aniga. Wuxuu yidhi: yaa maanta soo booqday qof buka? Abubakar ayaa yidhi: aniga. Markaasuu dhahay rasuulkii Ilaahay (scw): ”Qofna kuma kulanto arrimaahaasi (hadii ay ku kulantaba) jannada ayuu galaa.”[17]

Jacaylka nabiga, saxaabadiisa iyo kuwa wanaaga ku raacay:

عن أنس بن مالك أن رجلا سأل النبي صلى الله عليه وسلم متى الساعة يا رسول الله قال ما أعددت لها قال ما أعددت لها من كثير صلاة ولا صوم ولا صدقة ولكني أحب الله ورسوله قال أنت مع من أحببت

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey in nin waydiiyey nabiga (scw): goormay dhacaysaa saacada (Qayaame) rasuulkii Ilaahayow? Wuxuu yidhi: ”Maxaad u diyaarsatay?” wuxuu yidhi: umaan diyaarsan wax badan oo salaad, soon iyo sadaqo ah, hase ahaatee waxaan jeclahay Ilaahay iyo rasuulkiisa. Wuxuu yidhi: ”Adigu cidii aad jeceshahay ayaad la jirtaa”[18]

Qofka akhriya ducada Sayyidu Al-istiqfaar:

عن شداد بن أوس رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم سيد الاستغفار أن تقول اللهم أنت ربي لا إله إلا أنت خلقتني وأنا عبدك وأنا على عهدك ووعدك ما استطعت أعوذ بك من شر ما صنعت أبوء لك بنعمتك علي وأبوء لك بذنبي فاغفر لي فإنه لا يغفر الذنوب إلا أنت قال ومن قالها من النهار موقنا بها فمات من يومه قبل أن يمسي فهو من أهل الجنة ومن قالها من الليل وهو موقن بها فمات قبل أن يصبح فهو من أهل الجنة

Shadaad ibnu Aws ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) ”ducada sayidka u ah istiqfaartu waa inaad dhahdo: (Ilaahayow waxaad adiu tahay Rabigay, Ilaah xaq lagu caabudaana ma jiro adiga mooyee, waad i abuurtay aniguna adoonkaagiibaan ahay, waxaanan ku suganahay ballantaada iyo axdigaaga intaan awoodo, waxaan (Rabbiyow) kaa magan galayaa sharka aan falo, waxaan kuu qirayaa nicmadaada korkayga ahaatay, waxaan kale oon qirayaa danbigayga ee ii danbi dhaaf, sababtoo ah cid danbi dhaaftaa ma jirto adiga mooyee.) wuxuu yidhi: cidii ku ducaysata maalin isagoo yaqiinsan oo dhinta isla maalintaas kahor intaanu galabaysan wuxuu kamid yahay ehelka jannada, cidii tidhaahda habeena isagoo yaqiinsan oo dhinta kahor intaanu waabariisan wuxuu kamida yahay ehelka jannada”[19]

Todobada Carshiga raxmaanka hadhsanaya:

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال سبعة يظلهم الله تعالى في ظله يوم لا ظل إلا ظله إمام عدل وشاب نشأ في عبادة الله ورجل قلبه معلق في المساجد ورجلان تحابا في الله اجتمعا عليه وتفرقا عليه ورجل دعته امرأة ذات منصب وجمال فقال إني أخاف الله ورجل تصدق بصدقة فأخفاها حتى لا تعلم شماله ما تنفق يمينه ورجل ذكر الله خاليا ففاضت عيناه

Abihurayra waxa laga wariyey ilaahay raali haka ahaadee inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”todoba ayaa Ilaahay u hadhinayaa maalinta meel la hadhsado aanay jirin hadhkiisa mooyee, imaam caadila, dhalinyaro ku barbaaray cibaadada Ilaahay, nin qalbigiisu ku xidhanyahay masaajidka, laba nin oo Ilaahay dartii isu jeclaaday kuna kulmay sidaas kuna kala tagay, nin ay gabadh qurux iyo qaayo leh u yeedhatay oo ku dhahay: ilaahbaan ka cabsanayaa, nin wax sadaqaystay oo qariyey illamaa bidixdiisu aanay ogaanin waxa midigtiisu ay bixinayso iyo nin Ilaahay xusay oo indhihiisu ooyeen”

Samofalka Waalidka:

عَنْ عَائِشَةَ ، قَالَتْ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” نِمْتُ فَرَأَيْتُنِي فِي الْجَنَّةِ فَسَمِعْتُ صَوْتَ قَارِئٍ يَقْرَأُ ، فَقُلْتُ : مَنْ هَذَا ؟ ” ، فَقَالُوا : هَذَا حَارِثَةُ بْنُ النُّعْمَانِ ، فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” كَذَلِكَ الْبِرُّ ، كَذَلِكَ الْبِرُّ ، وَكَانَ أَبَرَّ النَّاسِ بِأُمِّهِ ” .

Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Waan seexday oo waxaan isku arkay angoo jooga Jannada, waxaan maqlay cod quraan akhrinaya, waxaan idhi: waa kuma? Waxay dhaheen: waa Xaarith binu Nucmaan, rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Waa taas  baarinimado, waa taas baarinimado, wuxuuna ahaa dadka ka ugu baarisan hooyadii”[20]


[1] Tirmadi: 427

[2] Saxiix Muslim: 385

[3] Ibnu Maajah: 3992

[4] Tirmadi: 2008

[5] Bukhaari: 1302

[6] Saxiix Muslim: 2927

[7] Tirmadi: 2311

[8] Tirmadi: 2572

[9] Saxiix Muslim: 1914

[10] Bukhaari: 2736

[11] Axmed: 1664

[12] Axmed: 22144

[13] Tirmadi: 1912

[14] Bukhaari: 5329

[15] Dabaraani (Alkabiir): 7532

[16] Tirmadi: 2891

[17] Saxiix Muslim: 1028

[18] Saxiix Muslim: 5819

[19] Bukhaari: 5947

[20] Musnadu Axmed: 1332