Tusmo

Maxaa Janno lagu galaa?

Iimaan iyo Camal Saalixa:

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ كَانَتْ لَهُمْ جَنَّاتُ الْفِرْدَوْسِ نُزُلًا ﴿١٠٧﴾

”Kuwa Ilaahay rumeeyey ee camal saalixa la yimid waxa jannada firdawsa ugu sugan degenaansho (martiqaad)”[1]

Daacada Ilaahay iyo Rasuulka:

وَمَن يُطِعِ اللَّـهَ وَرَسُولَهُ يُدْخِلْهُ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ وَمَن يَتَوَلَّ يُعَذِّبْهُ عَذَابًا أَلِيمًا ﴿١٧﴾

”Qofkii adeeca Ilaahay iyo rasuulkiisa wuxuu galinayaa jannooyin ay soconayso hoosteeda wabiyoyaalkii, cidii jeesata wuxuu u cadaabayaa cadibaad daran”[2]

كُلُّ أُمَّتِي يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَنْ أَبَى قَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ وَمَنْ يَأْبَى قَالَ مَنْ أَطَاعَنِي دَخَلَ الْجَنَّةَ وَمَنْ عَصَانِي فَقَدْ أَبَى

”Dhamaan ummadaydu jannada ayay galaysaa kii diida mooyee, waxay dhaheen: rasuulkii Ilaahayow, yaa diidaya? Wuxuu yidhi: qofkii i adeecaa jannaduu galayaa kii i caasiyana wuu diiday”[3]

Cabsida Ilaahay:

من خاف أدلج ومن أدلج بلغ المنزل ألا إن سلعة الله غالية ألا إن سلعة الله الجنة

”qofkii cabsada wuu galab carraaba, qofkii galab carraabaan wuu gaadhaa guriga, hooy! Sicada waa qaali, silcada Ilaahayna waa jannada”[4]

وَلِمَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ جَنَّتَانِ ﴿٤٦﴾

”Qofkii ka cabsada hor istaaga rabbigii wuxuu mudan laba janno”[5]

Sujuuda Badan:

حدثني ربيعة بن كعب الأسلمي قال كنت أبيت مع رسول الله صلى الله عليه وسلم فأتيته بوضوئه وحاجته فقال لي سل فقلت أسألك مرافقتك في الجنة قال أو غير ذلك قلت هو ذاك قال فأعني على نفسك بكثرة السجود

Rabiica ibnu Kacab Al-aslami waxa laga wariyey inuu yidhi: ”waxaan u hooyan jiray rasuulka Ilaahay (scw) waxaanan u keenay waysadiisii iyo xaajooyinkiisii, markaasuu igu yidhi: i waydiiso. Waxaan idhi: jannada inaan kugula rafiiqo. Wuxuu yidhi: taas ma waxaan ahayn, waxaan idhi: maya taas un. Wuxuu yidhi: igu kaalmee naftaadu inay badsato sujuuda”[6]

Naxariista Ilaahay:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” قَارِبُوا وَسَدِّدُوا وَاعْلَمُوا ، أَنَّهُ لَنْ يَنْجُوَ أَحَدٌ مِنْكُمْ بِعَمَلِهِ ” ، قَالُوا : يَا رَسُولَ اللَّهِ ، وَلَا أَنْتَ ؟ ، قَالَ : ” وَلَا أَنَا إِلَّا أَنْ يَتَغَمَّدَنِيَ اللَّهُ بِرَحْمَةٍ مِنْهُ وَفَضْلٍ “

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Dhodhoweeya, awda oo shaqeeya, qofna kuma badbaadayo camalkiisa” waxa dhaheen: xataa adigu? Wuxuu yidhi: ”xataa anigu, illamaa Ilaahay iigu naxariisto raxmadiisa iyo fadligiisa”[7]

Jihaadka:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا هَلْ أَدُلُّكُمْ عَلَىٰ تِجَارَةٍ تُنجِيكُم مِّنْ عَذَابٍ أَلِيمٍ ﴿١٠﴾ تُؤْمِنُونَ بِاللَّـهِ وَرَسُولِهِ وَتُجَاهِدُونَ فِي سَبِيلِ اللَّـهِ بِأَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ ﴿١١﴾ يَغْفِرْ لَكُمْ ذُنُوبَكُمْ وَيُدْخِلْكُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ وَمَسَاكِنَ طَيِّبَةً فِي جَنَّاتِ عَدْنٍ ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ﴿١٢﴾

”Kuwa Ilaahay rumeeyow ma idin tusaa ganacsi idinka badbaadinaya cadaab daran (10) Ilaahaybaad rumaynaysaan iyo rasuulkiisa iyo inaad ku jihaadaan jidka Ilaahay xoolihiina iyo nafahiinaba, taasbaana idiin khayr badan hadaad ogtihiin (11) wuxuu dhaafayaa danbiyadiina wuxuuna idin galinayaa jannooyin ay soconayso hoosteeda wabiyoyaalkii iyo deegaan wanaagsan oo ahaaday jannooyinka cadan, waa taas guusha wayni (12)”[8]

Shahiidka:

” لِلشَّهِيدِ عِنْدَ اللَّهِ سِتُّ خِصَالٍ : يُغْفَرُ لَهُ فِي أَوَّلِ دَفْعَةٍ ، وَيَرَى مَقْعَدَهُ مِنَ الْجَنَّةِ ، وَيُجَارُ مِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ ، وَيَأْمَنُ مِنَ الْفَزَعِ الْأَكْبَرِ ، وَيُوضَعُ عَلَى رَأْسِهِ تَاجُ الْوَقَارِ الْيَاقُوتَةُ مِنْهَا خَيْرٌ مِنَ الدُّنْيَا وَمَا فِيهَا ، وَيُزَوَّجُ اثْنَتَيْنِ وَسَبْعِينَ زَوْجَةً مِنَ الْحُورِ الْعِينِ ، وَيُشَفَّعُ فِي سَبْعِينَ مِنْ أَقَارِبِهِ “

“Shahiidku ilaahay agtiisa wuxuu ku leeyahay todoba arrimood: danbigiisa loo dhaafa dhibicda u horeysa (dhiigiisa), booskiisa jannadana wuu arkaa, cadaabka qabrigana waa laga badbaadiyaa, argagaxa wayna wuu ka aamin noqdaa, madixiisana waxa la dhigaa taajka qadarinta, yaaquutkiisu uu ka khayr badanyahay aduunyada iyo waxa dhex yaalaba, waxa loo guuriyaa todobaatan iyo labo dumar oo xuural cayna, wuxuuna u shafeeco qaadaa todobaatan qaraabadiisa ah”[9]

Quraanka:

عن جابر عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ( الْقُرْآن شَافِع مُشَفع وَمَاحِل مُصَدَّقٌ مَنْ جَعَلَهُ إِمَامَهُ قَادَهُ إِلَى الْجَنَّةِ وَمَنْ جَعَلَهُ خَلْفَ ظَهْرِهِ سَاقَهُ إِلَى النَّارِ) .

Jaabir waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Quraanku waa ergo shafaaco qaadaysa iyo mid kula doodaya, cidii hogaamiye ka dhigata wuxuu u hogaaminayaa Jannada, cidii dhabarkiisa ka tuurana wuxuu gaynayaa naarta”[10]

Xajka baariga ah:

عن أبي هريرة قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم العمرة إلى العمرة تكفر ما بينهما والحج المبرور ليس له جزاء إلا الجنة

Abihurayra waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”cumradu cumradeeda kale kafaaro gud ayay u tahay, xajka lagu samo falayna abaal aan janno ahayn malaha”[11]

Soonka sunnaha ah:

من صام يوما في سبيل الله باعد الله وجهه عن النار سبعين خريفا

”Qofkii sooma hal maalin ilaahay dartii waxa Ilaahay wajigiisa ka fogeeya naarta todobaatan sanadood”[12]

Tawxiidka oo la xaqiijiyo:

بشر أمتك أنه من مات لا يشرك بالله شيئا دخل الجنة فقلت يا جبريل وإن سرق وإن زنى قال نعم قال قلت وإن سرق وإن زنى قال نعم قال قلت وإن سرق وإن زنى قال نعم وإن شرب الخمر

Ummadaada ugu bishaaree cidii dhimata ayadoon Ilaahay shirki ula imanin waxay galayaan jannada, waxaan idhi: jibriilow, haduu wax xaday oo uu sinaystana? Wuxuu yidhi: haa. Waxaan idhi: haduu wax xaday oo uu sinaystayna? Wuxuu yidhi: haa. Waxaan idhi: haduu wax xaday oo uu sinaystayna? Wuxuu yidhi: haa, xataa haduu khamri cabo.[13]

Shanta salaadood:

اتقوا الله ربكم وصلوا خمسكم وصوموا شهركم وأدوا زكاة أموالكم وأطيعوا ذا أمركم تدخلوا جنة ربكم

”Ilaahay ka cabsada rabbigiina oo tukada shantiina, sooma bishiina, bixiya zakada xoolihiina oo adeeca madaxdiina waxaad galaysaan jannada rabbigiine”[14]

Salaada Casar iyo Subaxa:

من صلى البردين دخل الجنة

”cidii tukata labada qabow (salaada fajriga iyo casarka) jannada way gashay”[15]

Salaadaha Naafilooyinka ah:

عن أم حبيبة زوج النبي صلى الله عليه وسلم أنها قالت سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول ما من عبد مسلم يصلي لله كل يوم ثنتي عشرة ركعة تطوعا غير فريضة إلا بنى الله له بيتا في الجنة أو إلا بني له بيت في الجنة

Umu Xabiiba sawjadii nabiga (scw) waxa laga wariyey inay tidhi: waxaan maqlay rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: ”Majiro adoon muslima oo tukada maalin kasta laba iyo toban rakcadood oo sunne ah oo aan faral ahayn, (haduu tukadaba) waxa Ilaahay u dhisaa guri jannada ku yaala ama waxa loo dhisaa guri jannada ku yaala”[16]

Qofka jamaaco ku tukada afartan maalmood:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ( مَنْ صَلَّى لِلَّهِ أَرْبَعِينَ يَوْمًا فِي جَمَاعَةٍ يُدْرِكُ التَّكْبِيرَةَ الْأُولَى كُتِبَتْ لَهُ بَرَاءَتَانِ بَرَاءَةٌ مِنْ النَّارِ وَبَرَاءَةٌ مِنْ النِّفَاقِ )

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Qofkii Ilaahay u tukada afartan maalmood jamaaco ee soo gaadha takbiirta koowaad waxa loo qoraa inuu bari ka yahay laba arrimood waa naarta iyo munaafaqnimada.”[17]

Qofka Ilaahay dartii u dhisa Masaajid:

عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال من بنى لله مسجدا صغيرا كان أو كبيرا بنى الله له بيتا في الجنة

Nabiga (scw) waxa laga wariyey inuu yidhi: ”Qofkii Ilaahay u dhisay masaajid, ha yaraado ama ha waynaadee, waxa Ilaahay u dhisayaa guri ku yaala jannada”[18]

Runta in la sheego:

قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” عَلَيْكُمْ بِالصِّدْقِ ، فَإِنَّ الصِّدْقَ يَهْدِي إِلَى الْبِرِّ ، وَإِنَّ الْبِرَّ يَهْدِي إِلَى الْجَنَّةِ ،

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Waa inaad runta sheegtaa, maxaayeelay runtu waxay kugu hanuuninaysaa baarinimada, baarinimaduna waxay kugu hanuuninaysaa jannada”[19]

Agoonta in la caawiyo:

عن النبي صلى الله عليه وسلم قال أنا وكافل اليتيم في الجنة هكذا وقال بإصبعيه السبابة والوسطى

Nabiga (scw) waxa laga wariyey inuu yidhi: ”Aniga iyo ka agoonka kafaalo qaataa jannada waxaan isku nahay sidaas, wuxuuna yidhi: labadiisa farood, farta muridisada iyo farta dhexe (ayuu isku qabtay)”[20]


[1] Suuratu Al-Kahfi: 107

[2] Suuratu Al-Fatxi: 17

[3] Bukhaari: 6851

[4] Tirmadi: 2450

[5] Suuratu Arraxmaan: 46

[6] Saxiix Muslim: 489

[7] Saxiix Muslim: 5046

[8] Suuratu Assaff: 10,11,12

[9] Tiramdi: 1584

[10] Ibnu Maajah: 124 waxa saxiixiyey Albaani

[11] Tirmadi: 933

[12] Saxiix Muslim: 1153

[13] Saxiix Muslim: 94

[14] Tirmadi: 616

[15] Bukhaari: 549

[16] Muslim: 728

[17] Tirmadi: 241

[18] Tirmadi: 319

[19] Saxiix Muslim: 4727

[20] Bukhaari: 5659