Tusmo

Wada Sheekaysiga Ehelka Jannada iyo ehelka Naarta:

Wada sheekaysiga ehelka Jannada dhexdooda:

halkan ka daawo ama hoos ka akhriso:

Marka ehelka Jannadu ay galaana Jannadii oo badhkoodba badhka kale u xiisoodo inuu la kulmo, waxa duulaya sariirtoodii ay ku fadhiyeen, wayna wada kulmayaan. Waxay ka wada sheekaysanayaan maalintii Ilaahay u danbi dhaafay iyo nicmada ay ku haystaan jannada dhexdeeda.

Markay kala tagayaan isuma jeedinayaan dhabarka ee ayagoo wajiyadood is eegayaan ayay sariirtoodu la duulaysa.

مُّتَّكِئِينَ عَلَيْهَا مُتَقَابِلِينَ (16)

”Korkeeda ayay ku dingiigaan ayagoo iskasoo horjeeda (16)”[1]

Nin kamida ehelka Jannada oo saaxiibkii raadinaya:

Ilaahay wuxuu yidhi:

فَأَقْبَلَ بَعْضُهُمْ عَلَىٰ بَعْضٍ يَتَسَاءَلُونَ ﴿٥٠﴾ قَالَ قَائِلٌ مِّنْهُمْ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٌ ﴿٥١﴾ يَقُولُ أَإِنَّكَ لَمِنَ الْمُصَدِّقِينَ ﴿٥٢﴾ أَإِذَا مِتْنَا وَكُنَّا تُرَابًا وَعِظَامًا أَإِنَّا لَمَدِينُونَ ﴿٥٣﴾ قَالَ هَلْ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ ﴿٥٤﴾ فَاطَّلَعَ فَرَآهُ فِي سَوَاءِ الْجَحِيمِ ﴿٥٥﴾ قَالَ تَاللَّـهِ إِن كِدتَّ لَتُرْدِينِ ﴿٥٦﴾ وَلَوْلَا نِعْمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ الْمُحْضَرِينَ ﴿٥٧﴾ أَفَمَا نَحْنُ بِمَيِّتِينَ ﴿٥٨﴾ إِلَّا مَوْتَتَنَا الْأُولَىٰ وَمَا نَحْنُ بِمُعَذَّبِينَ ﴿٥٩﴾ إِنَّ هَـٰذَا لَهُوَ الْفَوْزُ الْعَظِيمُ ﴿٦٠﴾ لِمِثْلِ هَـٰذَا فَلْيَعْمَلِ الْعَامِلُونَ ﴿٦١﴾

”Way is qaabileen badhkoodba badhka kale ayagoo is waydiinaya (50) Wuxuuna dhahay mid hadlay oo ka mid ah (ehelka jannada) waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiib. (51) Dhihi jiray adigu ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta). (52) Ma markaan dhimano oon ciid noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin (53) Wuxuuna dhahay mayla dayeysaan (raadinaysaan) (54) Waanu raadiyey kuna arkay jaxiima dhexdeeda. (55)  Wuxuuna yidhi Ilaahbaan ku dhaartayee waxaad u dhaweyd inaad i halaagto . (56) Haddayna Nicmada Allah jirinna (way jirtaaye) waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta). (57) (Waxayna dhahaan Ehelu -jannuhu) miyaan dhimanaynaa. (58) Geerideenii hore mooyee, nalamana cadaabayo. (59) Taasina waa liibaanta wayn. (60) Ee taasoo kale ha faleen kuwa camal fali. (61)”[2]

 

Culumada mufasiriintu markay fasirayaan aayadahan sharafta leh, waxay soo wariyaan qiso cajiiba oo dhex martay laban nin oo saaxiibo ahaa, midna mu’min ayuu ahaa ka kalena gaal aan rumaysnayn maalinta Qayaame.

Labada nin waxay ahaayeen shuraako, waxayna wada lahaayeen lacag dhan lixdan kun oo diinaar. kadibna way is qabteen, waxayna kala qaybsadeen lacagtii oo waxay u kala heleen nin walba sadex kun oo Dirham.

Mudo markay soo wareegtay ayay is arkeen labadii nin markaasuu ninkii gaalka ahaa ku dhahay Mu’minkii: Maxaad lacagtaadii ku samaysay? Wuxuu yidhi: Waxba, ee adigu maxaad ku qabsatay xoolihii? Gaalkii wuxuu yidhi: waxaan Kun diinaar ku iibsaday Beer ay ka baxaan Timir iyo Midho oo wabina dhex socdo.

Dabadeedna Mu’minkii ayaa habeenkii salaad tukaday wuxuuna baryey Rabbigiis, wuxuuna ydhi: Ilaahayoow, ninkii gaalka ahaa ee aanu saaxibada ahayn wuxuu iibsaday beer wabi leh oo ay ka baxaan Timir iyo Midho oo uu ka dhimanayo ee anigu waxaan kaaga iibsaday kun diinaar Beer wabi leh oo ay kabaxaan Timir iyo Midho oo ku taalada Jannada, isla subaxiina xoolihiisii ayuu kun diinaar ka bixiyey, wuxuuna ku sadaqaystay masaakiinta.

Mudo kadib ayaa ninkii gaalka ahaa hadana la kulmay ninkii Mu’minka ahaa wuxuuna ku dhahhay: Xoolahaagii maxaad samaysay? Wuxuu dhahay: waxaba, ee adigu maxaad ku qabsatay? Wuxuu yidhi: Kun diinaar ayaan kusoo iibsaday Adoomo ii adeega.

Ninkii Mu’minka ahaana wuxuu kacay habeenkii waanu tukaday, wuxuuna dhahay: Ilaahayow, saaxibkay wuxuu iibsaday adoomo ee aniguna waxaan ku waydiistay dad iigu adeega Jannada, waxaanu sadaqaysatay kun diinaar oo kale.

Mudo kadib ayaa ninkii gaalka ahaa la kulmay Mu’minkii oo ku dhahay: Xoolihii maxaad ku qabsatay? Wuxuu dhahay: Waxba, ee adigu maxaad ku iibsatay? Wuxuu yidhi: waxaan maqlay in ninkii hebel dhintay kadibna naagtiisii ayaan ku guursady Kun diinaar iyo mid kale.

Sidii oo kale ayuu ninkii Muslimka ahaa habeenkii tukaday wuxuuna yidhi; Ilaahayoow, ninkii aanu saaxiibxada ahayn wuxuu ku guursaday kun diinaar gabadh aduunyo ee anigu waxaan ku waydiisay gabadh xuural-cayn ah oo Jannada joogta, waxaanu sadaqaystay Kunkii ugu danbeeyey xoolihiisii.

Ninkii Mu’minka ahaa wuxuu ku shaqaysan jiray shaqo xammaala oo tuurta ayuu alaabo ku qaadi jiray oo uu kasoo saari jiray nolol maalmeedkiisa. Maalintii danbe ninbaa u yimid oo ka shaqaysiiyey fardihiisa, wuxuuna ku yidho: Fardahan ayaad daajinaysaa oo aad darbinaysaa.

Hase ahaatee ninka Fardaha leh subax kasta wuxuu fuuli jiray fardihiisa, haduu arko fardaha oo mid kamid ah caato tahay, wuxuu u yeedhi jiray ninkii, wuxuuna ciijin jiray madaxiisa isagoo ku leh: xalay waxaad cuntay qamandidii faraska!

Markuu ninkii mu’minka ahaa arkay ad-adayga ninkuu u shaqaynayey ayuu isakaga tagay, wuxuuna shaqo u doontay saaxiibkiisii gaalka ahaa.

Ninkii mu’minka ahaa waa soo baxay wuxuuna yimid qasrigii ninkii gaalka ahaa, waxaase joojisay ilaaladii qasriga, wuxuuna dhahay: ninka qasrigan iska leh waanu is naqaanaa haduu i arkana wuu farxayaa ee iigu yeedh.

Ilaaladii qasriga ayaa u yeedhay ninkii gaalka ahaa oo faras saaran, markaasuu gartay ninkii ay saaxiibada ahaayeen oo ay ka muuqato faqri iyo saboolnimo.

Ninkii mu’minka ahaa wuxuu yidh: waxaan rabaa inaad i shaqo galiso oo aad isiiso nolol maalmeedkayga iyo inaad iga badasho dharkan baaliyoobay.

Ninkii gaalka ahaa ayaa yidhi: oo meeye xoolahaagii? Wuxuu dhahay Mu’minkii: waxaan amaahiyey ku ii oofinaaya! Wuxuu yidhi: waa kuma? Wuux dhahay: waa Allah oo ah Rabigay.

Gaalkii wuxuu dhahay: Miyaad rumaysanaysaa? Ma markaan dhimano ee aan ciid iyo lafo noqono ayaa layna soo saarayaa? Ninkii gaalka ahaana wuu ka dhaqaaqay ninkii mu’minka ahaa.

Ninkii Mu’minka ahaa aduunyada wuxuu ku noolaa nolol adag halka gaalkii ku noolaa nolosha ugu wanaagsan.

Maalinta Qayaame ayaa Ilaahay galiyey ninkii mu’minka ahaa Jannada, waxaana la siiyey beer wabi dhex soconayo oo timir iyo midho jannaysan ka baxaan oo ku taala Jannada. Markaasuu dhahay: SubxaanAllah, oo ma camalkaygii ayaa ii jaray waxan oo dhan. Hadana waxa la siiyey dad badan oo ugu adeegaya Jannada, kadibna waxa la hormarinayaa guri ka samaysan Jawharad iyo marajaan oo ay ku jirto xuurul-cayn nuuraysa waxaana la yidhi: waa xaaskaagii Jannada, ninkiina wuxuu yidhi: SubxaanAllah, oo ma camalkaygii ayaa ii gooyey waxaan oo nicmo ah.

Ninkii mu’minka ahaa oo ku raaxaysanaya jannada ayaa xasuusanaya saaxiibkiisii gaalka ahaa, wuxuuna ka raadinayaa jannada waanu ka waayayaa. Kadibna wuxuu ka daydayaa cadaabka Jaxiima, wuxuuna ku dhex arkayaa saaxiibkii oo badhtanka naarta ku jira, markaasuu dhahayaa: ”Ilaahbaan ku dhaartee, marbaad i halaagi gaadhay, hadii aanay jirin nicmada Ilaahay waxaan maanta kamid noqon lahaa kuwa lagusoo xaadiriyo caadaabka naareed.[3]

 

Suuqa Jannada iyo wadasheekaysiga mu’miinta iyo Rabbigood:

Waxa Imaamu Tirmadi kusoo saaray sunankiisa xadiiskan oo warramaya suuqa jannada iyo wada sheekaysiga dhex mari doona mu’miniinta iyo rabbigood.

عن سعيد بن المسيب أنه لقي أبا هريرة فقال أبو هريرة أسأل الله أن يجمع بيني وبينك في سوق الجنة فقال سعيد أفيها سوق قال نعم أخبرني رسول الله صلى الله عليه وسلم أن أهل الجنة إذا دخلوها نزلوا فيها بفضل أعمالهم ثم يؤذن في مقدار يوم الجمعة من أيام الدنيا فيزورون ربهم ويبرز لهم عرشه ويتبدى لهم في روضة من رياض الجنة فتوضع لهم منابر من نور ومنابر من لؤلؤ ومنابر من ياقوت ومنابر من زبرجد ومنابر من ذهب ومنابر من فضة ويجلس أدناهم وما فيهم من دني على كثبان المسك والكافور وما يرون أن أصحاب الكراسي بأفضل منهم مجلسا قال أبو هريرة قلت يا رسول الله وهل نرى ربنا قال نعم قال هل تتمارون في رؤية الشمس والقمر ليلة البدر قلنا لا قال كذلك لا تمارون في رؤية ربكم ولا يبقى في ذلك المجلس رجل إلا حاضره الله محاضرة حتى يقول للرجل منهم يا فلان بن فلان أتذكر يوم قلت كذا وكذا فيذكر ببعض غدراته في الدنيا فيقول يا رب أفلم تغفر لي فيقول بلى فسعة مغفرتي بلغت بك منزلتك هذه فبينما هم على ذلك غشيتهم سحابة من فوقهم فأمطرت عليهم طيبا لم يجدوا مثل ريحه شيئا قط ويقول ربنا تبارك وتعالى قوموا إلى ما أعددت لكم من الكرامة فخذوا ما اشتهيتم فنأتي سوقا قد حفت به الملائكة فيه ما لم تنظر العيون إلى مثله ولم تسمع الآذان ولم يخطر على القلوب فيحمل لنا ما اشتهينا ليس يباع فيها ولا يشترى وفي ذلك السوق [ ص: 592 ] يلقى أهل الجنة بعضهم بعضا قال فيقبل الرجل ذو المنزلة المرتفعة فيلقى من هو دونه وما فيهم دني فيروعه ما يرى عليه من اللباس فما ينقضي آخر حديثه حتى يتخيل إليه ما هو أحسن منه وذلك أنه لا ينبغي لأحد أن يحزن فيها ثم ننصرف إلى منازلنا فيتلقانا أزواجنا فيقلن مرحبا وأهلا لقد جئت وإن بك من الجمال أفضل مما فارقتنا عليه فيقول إنا جالسنا اليوم ربنا الجبار ويحقنا أن ننقلب بمثل ما انقلبنا

Waxa laga wariyey Saciid ibnu Musayib inuu la kulmay Abahurayra (Rc), Abuhurayrana wuxuu ku dhahay: “Ilaahay waxan waydiisanayaa inuu inagu kulmiyo suuqa Jannada!” Markaasuu Saciid dhahay: Oo ma suuq ayey Jannadu leedahay? wuxuu yidhi: “Haa, wuxuu rasuulkii Ilaahay (scw) ii sheegay in ehelka Jannadu markay galaan Jannad in la dajin doono booska camaladoodii, markaasna waxa loo ogolaanaya ehelka Jannada qiyaas ahaan maalin la eeg Jimcaha Aduunyada (oo looga jeedo todobaadka Aduunyada), kolkaasay booqanayaan Rabigood (swt), waxaana u muuqanaya Carshigiisa, wuxuuna uga muuqanayaa beer kamid ah beeraha Jannada, waxaana ehelka Jannada loo dhigayaa kuraas nuura, kuraas dheemana, kuraas Yaaquut ah, kuraas Zabarjad ah, kuraas dahab ah, iyo kuraas qalin ah (waxay ugu fadhiisanayaan sida ay ukala fadli badan yihiin), wuxuuna fadhiisanayaa kooda ugu hooseeya-mana laha cid hoosaysee- meel taago ah oo ka ahaaday miski iyo kaafuur, kuwaasina uma arkayaan in asxaabta kuraasta ku fadhidaa ay ka fadli badan yihiin, wuxuu dhahay Abuhurayra: Rasuulkii Ilaahayow miyaan arkaynaa Rabbigeen (swt)? wuxuu dhahay: “Haa, miyaad ka shakisantihiin araga qorraxda iyo dayaxu markuu dhamayska yahay?” waxaanu nidhi: Maya, wuxuu dhahay Rasuulku (scw): “Sidaas oo kale kama shakiyeysaan aragga Rabbigiin. Golahaasna nin kamid ah majoogo haduuba joogaba waxa la hadlaya Ilaahay, illamaa uu ku dhaho nin kamid ah ehelka Jannad: hebelow ina hebelow, ma xasuusataa maalintii aad samaysay sidaas iyo sidaas, wuxuuna Alle sheegaya qaar kamid ah ballan burintoodii Aduunyada, markaasuu Adoonkii dhahayaa: Rabbiyow miyaanad ii danbi dhaafin? wuxuu Allah dhahay: Haa, oo naxariistayda balaadhan awgeed ayaad booskaagan kusoo gaadhay. Ayagoo sidaas ku jira ayaa waxa imanaysa dushooda daruur, markaasay da’aysaa udgoon aanay waligood udogeeda oo kale urin, markaasuu Rabbigeen subxaanahu wa tacaalaa dhahayaa: “U kaca waxaan idiin diyaariyey oo karaamooyin ah, kana qaata waxaad ishtihootaan (jeceshihiin).” Waxaynu tagaynaa suuq ay ka buuxaan Malaa’iktu, oo ay ku jiraan waxaan indho arkin, oo aanay dhagona maqlin oo aan qalbina kusoo dhicin, waxaana laynoo keenayaa wixii aan jeclaysanay ayadoon la gadaynin lana iibsanaynin. Suuqaasna waxa ku wada kulmaya ehelka Jannada, wuxuuna ninku la kulmayaa nin kamida dadka boosaska sare iyo nin kamid ah kuwa booskood laga sareeyo mana jirto cid hoosaysa, wuxuuna la cajabayaa wuxuu sito oo maryo ah, mana dhamaysanayo hadalkiisii illamaa loo sawiro kuwo ka qurxoon maryahaas, sababtuna waxa weeye ma haboono in qofna uu ku murugoodo dhexdeeda, markaasaan aadaynaa guryaheenii, waxaana naga hor imanaysa haweenkeena waxayna dhahayaan Maraxaba, soo dhowaada, waxaad timid adigoo ka qurxoon sidii aad nagaga tagtay, markaasuu dhahayaa maanta waxaan la fadhiisanaya Rabbigayo oo ah Al-jbbaar, wayna noo qalantaa inaan kusoo laabano sidaan kusoo laabanay. [4]


[1] Suuratu Al-Waaqicah: 16

[2] Suuratu Saaffaat: 50-61

[3] Tafsiirka Suuratu Saaffaat ee Ibnu Kathiir.

[4] Tirmadi: 2549