Tusmo

Cuntada, Cabitaanka, Weelka iyo Dharka Ehelka Jannada:

Hadaad rabto daawo ama hoos ka akhriso:

يُطَافُ عَلَيْهِم بِصِحَافٍ مِّن ذَهَبٍ وَأَكْوَابٍ ۖ وَفِيهَا مَا تَشْتَهِيهِ الْأَنفُسُ وَتَلَذُّ الْأَعْيُنُ ۖ وَأَنتُمْ فِيهَا خَالِدُونَ ﴿٧١﴾

”Waxa lala dul wareegayaa korkooda weelal dahaba (saxamo) iyo koobab, waxa dhexdeeda ahaaday wax kasta oo naftu doonto iyo indho doogsi, idinkuna waad ku waaraysaan”[1]

Aayadan sharafta leh waxay inoo tilmaantay in ehelka jannada lagula dul wareego saxamo iyo koobab dahaba, lamana sheegin cuntadii ku jirtay. Dul wareegistuna waxa weeye in galin hore iyo galinka danbaba loo keenayo cuntooyin iyo cabitaano kala duwan.

Mufasiriintu waxay dhaheeh: ka ugu darajada hooseeya jannada waxa u adeegaya todobaatan kun oo caruura, una keenaya todobaatan kun oo saxamo dahaba, waanu ka cunayaa dhammaantood, mid kasta waxa ku jira cunto ka duwan ka kale, waanu wada cunayaa dhamaanteed bilow ilaa dhammaad, mid kasta oo kamida wuxuu ka helayaa dhadhan ka duwan kii hore iyo midab ka duwan kuwii hore.

Cuntada iyo cabitaanada la siinayo kama qaadayo cudur iyo xanuun toona, wuxuuna u cunayaa faakihaysi iyo raaxaysi. Wuxuu dhahayaa ninka ugu darajada hooseeya jannadu: rabbiyow, hadii aan casuumo dadka ehelka jannada oo dhan, waxa agtayda yaala waxba kama nuqsaamayaan.

Wax kasta oo naftiisu doonatan wuu helay, xitaa markuu hudhmo qaato ayuu xasuusanayaa cunto kale, markaasya hudhmadii isu badalaysaa cuntadii uu rabay. Wax kasta oo naftiisu ku raaxaysato ayuu helayaa, mana daalayo mana caajisayo, waanu ku waarayaa jannada dhexdeeda. Ilaahay hanaga yeelo kuwa jannada ku waaraya.[2]

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي ظِلَالٍ وَعُيُونٍ ﴿٤١﴾ وَفَوَاكِهَ مِمَّا يَشْتَهُونَ ﴿٤٢﴾ كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿٤٣﴾

Kuwa Alle ka cabsaday waxay ku dhex jiraan hadh iyo ilo (41) faakihooyin wixii ay ka doonaan (42) cuna oo caba ayadoo la idinku bogaadinayo wixii aad usoo camal fasheen darteed (43)[3]

Aayadan sharafta leh waxay inoo tilmaamaysaa in dadka rabbigood ka cabsaday ay ku noolyihiin hadhkii jannada iyo ilihii jannada. Ma dareemayaan bacad iyo kulayl toona, mana arkayaan qabow iyo dabaylo duufaano wata.

Waxa la siinayaa faakihooyin kala duwan, mid kasta oo naftoodu doonto waxay u helayaan sida ugu fudud. Waxa lagu dhahayaa cuna oo caba oo raaxaysta idinkoo nabada oo aamina. Abaal gudkana waxa la idiin siiyey wixii aad usoo camal fasheen, marka laga yimaado naxariistii Ilaahay.

مَّثَلُ الْجَنَّةِ الَّتِي وُعِدَ الْمُتَّقُونَ ۖ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۖ أُكُلُهَا دَائِمٌ وَظِلُّهَا ۚ تِلْكَ عُقْبَى الَّذِينَ اتَّقَوا ۖ وَّعُقْبَى الْكَافِرِينَ النَّارُ ﴿٣٥﴾

”Tusaalaha jannadii loogu yaboohay kuwa Ilaahay ka cabsada, waxa soconaya hoosteeda wabiyoyaalkii, cunideedu waa daayim (ma tagayo) iyo hadhkeeduba, waa taa cidhib danbeedka kuwa ilaahay ka cabsaday, cidhib danbeedka gaaladuna waa naar”[4]

Ilaahay (swt) wuxuu aayadan sharafta leh tusaale ugusoo qaatay nicmada iyo barwaaqada taala jannada, waxa hoosteeda qulqulaya wabiyo, midhaheeda iyo hadhka dhirteedu waa daayima oo aan dhamaanayn ama aan kala go’ayn. Rasuulkii Ilaahay (scw) isagoo ka hadlaya midhaha jannada wuxuu yidhi:

إني رأيت الجنة فتناولت عنقودا ولو أصبته لأكلتم منه ما بقيت الدنيا

”waxaan arkay jannadii, waxaanan doonay inaan qabsado xidhmo (cinaba), haddaan soo qaadi lahaa waa cuni lahaydeen inta aduunyada ka hadhay”[5]

Faakihadaasi hadii ay aduunka iman lahayd waxa la cuni lahaa inta qayaamadu ka dhacayso, sababtuna waxa weeye waa faakiho barakaysan oo daayima oo aan dhamaanayn.

فَأَمَّا مَنْ أُوتِيَ كِتَابَهُ بِيَمِينِهِ فَيَقُولُ هَاؤُمُ اقْرَءُوا كِتَابِيَهْ ﴿١٩﴾ إِنِّي ظَنَنتُ أَنِّي مُلَاقٍ حِسَابِيَهْ ﴿٢٠﴾ فَهُوَ فِي عِيشَةٍ رَّاضِيَةٍ ﴿٢١﴾ فِي جَنَّةٍ عَالِيَةٍ ﴿٢٢﴾ قُطُوفُهَا دَانِيَةٌ ﴿٢٣﴾ كُلُوا وَاشْرَبُوا هَنِيئًا بِمَا أَسْلَفْتُمْ فِي الْأَيَّامِ الْخَالِيَةِ ﴿٢٤﴾

”Kuwa kitaabkooda midigta looga dhiibay waxay dhahayaan kaalaya oo akhriya kitaabkayga (19) waxaan yaqiinsanaa inaan la kulmayo xisaabtayda (20) isagu wuxuu ku jiraa nolol raaxo leh (21) janno sarreysa (22) goosashada (midhaheedu) dhow yahay (23) cuna oo caba ayadoo la idinku bogaadin wixii aad usoo camal fasheen darteed (24)”[6]

وَأَمْدَدْنَاهُم بِفَاكِهَةٍ وَلَحْمٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ ﴿٢٢﴾ يَتَنَازَعُونَ فِيهَا كَأْسًا لَّا لَغْوٌ فِيهَا وَلَا تَأْثِيمٌ ﴿٢٣﴾

Waxaan u siyaadinay faakihooyin iyo hilib wixii ay ka dooneen (22) way isa siinayaan koob khamri (janno) oo aan hadal xun iyo danbi lahayn (23)[7]

Dadkii galay jannada raxmaanka waxa loo keenayaa faakihooyin iyo hilib wixii ay ka doonaan. Waxayna isku macsuumayaan khamrigii jannada oo aan madax xanuun iyo sarkhad midna lahayn, kumana hadlayaan hadal xun iyo danbi toona.

وَفَاكِهَةٍ مِّمَّا يَتَخَيَّرُونَ ﴿٢٠﴾ وَلَحْمِ طَيْرٍ مِّمَّا يَشْتَهُونَ ﴿٢١﴾

Iyo faakihooyin ay kala dooranayaan (20) iyo hilib shinbireed wixii ay ka doonaan (21)[8]

Shinbiraha jannadu waxay la’eegyihii geela waxayna daaqaan dhirta jannada:

عن أنس ، قال : قال رسول الله – صلى الله عليه وسلم – : ” إن طير الجنة كأمثال البخت ، يرعى في شجر الجنة ” . فقال أبو بكر : يا رسول الله ، إن هذه لطير ناعمة فقال : ” أكلتها أنعم منها – قالها ثلاثا – وإني لأرجو أن تكون ممن يأكل منها “

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey inuu yidhi: rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Shinbiraha jannadu waxay lamid yihiin geela, waxay daaqaan dhirta jannada” abubakar ayaa yidhi: rasuulkii Ilaahayow, waa shinbiro jilicsan, wuxuu yidhi: ”cunideeda ayaa jilicsan-sadex jeer ayuu sidaa yidhi- waxaan rajaynayaa inaad noqoto kuwa cunaya”[9]

Shinbiraha jannada waxay mufasiriintu ku tilmaameen in cidii ubaahata ay agtooda kusoo dhacayso ayadoo duban, waanu cunayaa oo ka dhargayaa kadibna wuu duulayaa isagoo aan midna ka nuqsaamin.

خِتَامُهُ مِسْكٌ ۚ وَفِي ذَٰلِكَ فَلْيَتَنَافَسِ الْمُتَنَافِسُونَ ﴿٢٦﴾ وَمِزَاجُهُ مِن تَسْنِيمٍ ﴿٢٧﴾ عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا الْمُقَرَّبُونَ ﴿٢٨﴾

Waxa lagu khatimay (cabitaankii) miski, ha u baratamaan kuwii baratamayey (26) waxa lagu daray (lagu dhex qasay) tasniim (mid kamida ilaha jannada) (27) waa il ay cabaan Muqarrabiintu (kuwa Rabbi u dhow) (28)[10]

Cuntada iyo cabitaanka jannada waxa lagusoo gabogabaynayaa sharaab ka cad fidhada, oo cafartiisuna tahay miski, hadii nin kamida ehelka jannadu uu fartiisa galiyo waxa udugiisa helaya cid kasta.

Cabitaanka khamriga jannada waxa lagu daray biyaha isha loo yaqaano Tasniim oo ay cabaan muqarrabiinta Ilaahay u dhow, halka samofalayaasha (abraarta) ayagana loogu darayo khamrigooda.

إِنَّ الْأَبْرَارَ يَشْرَبُونَ مِن كَأْسٍ كَانَ مِزَاجُهَا كَافُورًا ﴿٥﴾عَيْنًا يَشْرَبُ بِهَا عِبَادُ اللَّـهِ يُفَجِّرُونَهَا تَفْجِيرًا ﴿٦﴾

Kuwa baariyiinta ah (samo falayaashu) waxay cabayaan koob (khamriga jannada) oo lagu daray kaafuur (ilaha jannada) (5) waa il ay cabaan adoomada Ilaahay oo una soconaysa (sidii ay doonaan) (6)[11]

Dadka baariyiinta ah waxay cabayaan khamrigii jannada oo loogu daray kaafuur, kaafuurkuna waa il kamida ilaha jannada soconaya oo aad u qabow, macaan iyo udug wanaagsana leh. Isha kaafuur waxa caba adoomada Ilaahay ee wanaagsan, halka asxaabu alyamiinta (samo falayaashana) khamrigooda jannada loogu darayo.

وَيُسْقَوْنَ فِيهَا كَأْسًا كَانَ مِزَاجُهَا زَنجَبِيلًا ﴿١٧﴾ عَيْنًا فِيهَا تُسَمَّىٰ سَلْسَبِيلًا ﴿١٨﴾

Waxa laga waraabinayaa koob (khamrigii jannada) oo lagu daray sanjabiil (17) (waxay ka cabayaan) il lagu magacaabo salsabiil (18)[12]

Samo falayaashii waxay cabayaan koobkoodii khamriga jannada ayadoo loogu darayo sanjabiil, waana koob kulul, halka koobka kaafuurka lagu daray uu ka yahay koob qabow. Markaa ehelka jannadu cabitaan qabow iyo mid kululba way cabayaan. Sanjabiil waa il jannada dhex socota oo magaceedana loo yaqaano salsabiil. [Ilaahay hanaga waraabiyee]

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi:

يَأْكُلُ أَهْلُ الْجَنَّةِ فِيهَا وَيَشْرَبُونَ وَلَا يَتَغَوَّطُونَ وَلَا يَمْتَخِطُونَ وَلَا يَبُولُونَ وَلَكِنْ طَعَامُهُمْ ذَاكَ جُشَاءٌ كَرَشْحِ الْمِسْكِ يُلْهَمُونَ التَّسْبِيحَ وَالْحَمْدَ كَمَا تُلْهَمُونَ النَّفَسَ

”Ehelka jannadu waxay ku dhex cunayaan oo cabayaan (jannada), mana saxaroonayaan, mana duufsanayaan, mana kaadinayaan, hase ahaatee cuntadoodu (waxay ugasoo baxaysaa) daaco iyo dhidid sida miskiga ah, waxa lagu ilhaaminayaa tasbiixda iyo taxmiida sida la idinku ilhaamiyey hawada”[13]

Cuntada ugu horreysa ee ehelka jannadu cunayaan:

Cuntada ugu horeysa ee jannada lagu cunayo beer

وأما أول طعام يأكله أهل الجنة فزيادة كبد الحوت

”Cuntada ugu horreysa ee ehelka jannadu cunayaan waa beer yarada Xuutka”[14]

Xadiis kale oo saxiixu muslim ku yaala waxa rasuulka u yimid wadaad yahuudiya oo rabay inuu imtixaan ka qaado rasuulkii ilaahay (scw) wuxuuna waydiiyey:

قَالَ الْيَهُودِيُّ : فَمَا تُحْفَتُهُمْ حِينَ يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ ؟ قَالَ : زِيَادَةُ كَبِدِ النُّونِ . قَالَ : فَمَا غِذَاؤُهُمْ عَلَى إِثْرِهَا ؟ قَالَ : يُنْحَرُ لَهُمْ ثَوْرُ الْجَنَّةِ الَّذِي كَانَ يَأْكُلُ مِنْ أَطْرَافِهَا . قَالَ : فَمَا شَرَابُهُمْ عَلَيْهِ ؟ قَالَ : مِنْ عَيْنٍ فِيهَا تُسَمَّى سَلْسَبِيلًا …

Yahudigii wuxuu yidhi: maxaa lagu macsuumayaa markay galaan jannada? Wuxuu yidhi: beer yarada Xuutka. Wuxu yidhi: maxay ku qadaynayaan intaa kadib? Wuxuu yidhi: waxa loo gawracayaa dibiga jannada kaasoo hareeraheeda wax ka cunayey. Wuxuu yidhi: maxay cabayaan? Wuxuu yidhi: waxay ka cabayaan il lagu magacaabo Salsabiil.[15]

Waa maxay sababta ehelka Jannadu u cunayaan una cabayaan?

Ehelka jannada ma qabanayso gaajo, harraad, baahi, bacad iyo dhar la’aan toona, ee kaliya waxay u cunayaan way ku raaxaysanayaan. Waxayna dhadhaminayaa barwaaqada ay ku jiraan iyo nicmada Ilaahay siiyey (swt). Ilaahay wuxuu ku yidhi nabi Aadam markuu jannada galiyey:

إِنَّ لَكَ أَلَّا تَجُوعَ فِيهَا وَلَا تَعْرَىٰ (118) وَأَنَّكَ لَا تَظْمَأُ فِيهَا وَلَا تَضْحَىٰ  (119)

Adigu kuma dhex gaajoonaysid mana ku arrad beelaysid (dhar beelaysid) (118) adigu kuma harraadaysid dhexdeeda kulaylna kuma qabanayo (119)[16]

Weelka Jannada:

Weelasha la inoo sheegay waxa kamida:

Saxamo:

يُطَافُ عَلَيْهِم بِصِحَافٍ مِّن ذَهَبٍ وَأَكْوَابٍ ۖ

”Waxa lala dul wareegayaa korkooda weelal dahaba (saxamo) iyo koobab”[17]

Koobab dhego leh, koob aan dhag lahayn iyo ibriiqyo.

بِأَكْوَابٍ وَأَبَارِيقَ وَكَأْسٍ مِّن مَّعِينٍ (18)

”Koobab (aan dhag lahayn) ibriiqyo (kuwo dhego leh) iyo koob khamriya”[18]

Quraarado ama dhalooyin fidho ah:

وَيُطَافُ عَلَيْهِم بِآنِيَةٍ مِّن فِضَّةٍ وَأَكْوَابٍ كَانَتْ قَوَارِيرَا (15)

“Waxa lagula dul wareegayaa korkooda weel fidho ah iyo koobab quraarada (dhalo ah)”[19]

Weelku waa Dahab ama waa Fidho:

جنتان من فضة آنيتهما وما فيهما وجنتان من ذهب آنيتهما وما فيهما

“Laba janno waa fidho weelkeeda iyo waxa ku dhex jiraaba, laba jannana waa dahab weelkooda iyo waxa ku dhex jiraaba”[20]

Dharka ehelka Jannada:

عن أبي سعيد الخدري عن رسول الله صلى الله عليه وسلم أن رجلا قال له يا رسول الله طوبى لمن رآك وآمن بك قال طوبى لمن رآني وآمن بي ثم طوبى ثم طوبى ثم طوبى لمن آمن بي ولم يرني قال له رجل وما طوبى قال شجرة في الجنة مسيرة مائة عام ثياب أهل الجنة تخرج من أكمامها

Abi Saciid Al-khudriyy waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey rasuulkii Ilaahay (scw): nin ayaa yidhi: rasuulkii Ilaahyow wanaagsanaa ka ku arkay ee ku rumeeyey. Wuxuu yidhi: ”Duubaa ayaa u sugan qofkii i arkay ee i rumeeyey, haddana Duuba ayaa u sugugan, haddana Duuba ayaa u sugugan, haddana Duuba ayaa u sugugan ka i rumeeyey ee aan i arkin” nin ayaa dhahay: Waa maxay Duubaa? Wuxuu yidhi: ”Waa geed jannada ku yaala oo la socda boqol sanadood (hadhkiisa), dharka ehelka jannada ayaa lagasoo saaraa hoosteeda”[21]

الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ طُوبَىٰ لَهُمْ وَحُسْنُ مَآبٍ (29)

”Kuwa Ilaahay rumeeyey ee camal saalixa la yimid waxa u sugan Duubaa iyo noqosho wanaagsan”[22]

جاء رجل إلى النبي صلى الله عليه وسلم فقال يا رسول الله أخبرنا عن ثياب أهل الجنة خلقا تخلق أم نسجا تنسج فضحك بعض القوم فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم مم تضحكون من جاهل يسأل عالما ثم أكب رسول الله صلى الله عليه وسلم ثم قال أين السائل قال هو ذا أنا يا رسول الله قال لا بل تشقق عنها ثمر الجنة ثلاث مرات

Nin ayaa uyimid nabiga (scw) wuxuuna yidhi: ”Rasuulkii Ilaahayow, iiga warran dharka ehelka jannada, ma la abuurayaa mise waa la tolayaa, markaa dadka qaar ayaa qoslay, wuxuu yidhi rasuulkii Ilaahay (scw): ”Maxaad ku qoslaysaan, ma qof jaahila oo caalim su’aal waydiinaya? Markaasuu soo jeestay rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuuna yidhi: Mee ninkii su’aasha i waydiiyay? Wuxuu yidhi: waa i kan anigu rasuulkii ilaahayow. Wuxuu yidhi: ”waxa looga soo goynayaa midhaha jannada-sadex jeer-”[23]

Dhar xariira oo cagaaran:

عَالِيَهُمْ ثِيَابُ سُندُسٍ خُضْرٌ وَإِسْتَبْرَقٌ ۖ وَحُلُّوا أَسَاوِرَ مِن فِضَّةٍ

”Waxay sitaan dhar sundus ah (xariir hoos ka gashiya) oo cagaaran iyo istabrq (xariir dusha sare ah), waxa loo galiyey shuuliyo (jiqilo) fidho ah…”[24]

يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَلُؤْلُؤًا ۖ وَلِبَاسُهُمْ فِيهَا حَرِيرٌ (23)

”Waxa loo galinayaa gacamo dahab iyo dheemana, dharkooduna (jannada) dhexdeeda waa xariir”[25]

Dharkoodu ma duugoobayaan:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ مَنْ يَدْخُلُ الْجَنَّةَ يَنْعَمُ لَا يَبْأَسُ لَا تَبْلَى ثِيَابُهُ وَلَا يَفْنَى شَبَابُهُ

Abihurayra waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: ”Ruuxii jannada gala wuu barwaaqoobayaa, mana dhibaatoonayo, dharkiisu ma baaliyoobayo (ma duugoobayo), dhalinyaronimadiisuna ma dhamaanayso”[26]

Marada afka ay marsanayaan ehelka jannadu:

فَقَالَ وَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ إِنَّ مَنَادِيلَ سَعْدِ بْنِ مُعَاذٍ فِي الْجَنَّةِ أَحْسَنُ مِنْ هَذَا

Wuxuu yidhi (nabigu): ”Kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, marada afka la iska mariyo ee Sacad ibnu Mucaad Jannada ku leeyahay ayaa ka wanaagsan tan (xariirtan)”[27]

Xijaabka dumarka ehelka Jannada:

ولنصيفها يعني الخمار خير من الدنيا وما فيها

”Khamaarkeeda ama xijaabka madaxa ay ku sidato ayaa ka khayr badan Aduunyada iyo waxa dhex yaalaba”[28]

Dharka Dumarka ehelka Jannada:

لكل رجل منهم زوجتان على كل زوجة سبعون حلة يرى مخ ساقها من ورائها

”Ninkasta oo kamida (ehelka jannada) wuxuu leeyahay laba xaas oo xaaskasta ay sitado todobaatan maro oo lagana dhex arkayo dhuuxa lugteeda”[29]


[1] Suuratu Zukhruf: 71

[2] Tafsiirka Ibnu Kathiir iyo Imaamu Al-Qurdibiyy

[3] Suuratu Almursalaat: 41, 42, 43

[4] Suuratu Arracdi: 35

[5] Bukhaari: 1004

[6] Suuratu Al-Xaaqah: 19,20,21,22,23,24

[7] Suuratu Al-Duur: 22,23

[8] Suuratu Al-Waaqicah: 20, 21

[9] Munadu Imaamu Axmed: 3/221

[10] Suuratu Mudaffifuun: 26,27,28

[11] Suuratu Al-insaan: 5,6

[12] Suuratu Al-insaan: 17,18

[13] Saxiix Muslim: 2835

[14] Bukhaari: 3723

[15] Saxiixu Muslim: 315

[16] Suuratu Daaha: 118,119

[17] Suuratu Zukhruf: 71

[18] Suuratu Al-waaqica: 18

[19] Suuratu Al-Insaan: 15

[20] Bukhaari: 4597

[21] Musnadu Axmed: 11276

[22] Suuratu Arracdi: 29

[23] Musnadu Axmed: 27276

[24] Suuratu Al-Insaan: 21

[25] Suuratu Xajj: 23

[26] Saxiix Muslim: 2836

[27] Bukhaari: 2473 iyo Muslim: 2469

[28] Bukhaari: 6199

[29] Tirmadi: 2534