Tusmo

Sifooyinka Xuurul Caynta 2aad

Dumar aan gurigooda ka baxayn:

حُورٌ مَّقْصُورَاتٌ فِي الْخِيَامِ ﴿٧٢﴾

” Xuurul Cayn ku asturan teendhada dhexdeeda”[1]

Xuural Cayntu waxay ku asturanyihiin guryahooda, mana aha xabsi ama jeel inay ku jiraan ee quruxda gabadha iyo inay qaali tahay waxa markhaati ka ah inay guri joog tahay oo aanay suuqa wareegayn. Sidoo kale marka ninkeedu safar galayo ama uu rabo inuu socdaalo wax u diidaya majirto inay raacdo.

Taanadhada ay dhex joogto Xuurul Cayntu waa taandho cajiiba oo ballaceedu la’eegayahay lixdan mayl xagal kasta:

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم  إن في الجنة خيمة من لؤلؤة مجوفة عرضها ستون ميلا في كل زاوية منها أهل ما يرون الآخرين يطوف عليهم المؤمنون

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: ”Jannada dhexdeeda waxa ahaaday taandho ka samaysan dheeman la qallajiyey, ballaceedu la’eegyahay lixdan mayl xagal kasta, waxa jooga ehel aan kuwa kale arkin oo mu’miniintu ku dul dawaafayaan”[2]

Waa dumar amaanaya nimankooda:

Markay heesayaan waxay amaanayaan ninkooda, waxa kamid ahaa:

أزواج قوم كرام

“Waxaanu nahay xaasaska qoom Sharaf leh”

هدينا لأزواج كرام

“Waxa naloo hibeeyey niman Sharaf leh”

طوبى لمن كان لنا وكنا له

“Waxa fiicnaaday cida na leh ee anaguna aan leenahay”[3]

Timaha Xuural Caynta:

Timaha Xuurul Cayntu waa madow ay udgoontahay carafteedu, waxaad moodaa miski. Maadaama midabkoodu cad yahay, waxa sii qurxinaya midabka timaha ee kasoo hor jeeda oo ah midabka madow. Timahaasi maaha kuwa is badalaya oo ay galayso cirro, toxob, cuncun, injir iyo bidaar toona.

Laabta Xuural Caynta iyo horaadadeeda:

Dadka tilmaama quruxda dumarka waxay sheegaan gabadhu waa inay horraado leedahay, walibana ay yihiin kuwa goobaabo ah sida xabbad tufaaxa oo kale. Xuural Cayntu horraadadeedu waa kuwo goobaabo ah oo aan dhacayn ama liicaynin, kumana imanayo isabadlka ku yimaada dumarka marka ilmuha ay nuujiso iwm.

وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا ﴿٣٣﴾

“Waxay guursan haween da’yar oo is la’eeg”[4]

Ereyga (كَوَاعِبَ) wuxuu cadaynayaa in gabdhahaas dhalinyaro yihiin oo laabtoodu soo taagantahay. Laabta taagana waxa lagu yaqaana gabdhaha markay da’doodu yaryihiin, waana mid sii kordhinaysa quruxdooda.

Beerka Xuural Caynta:

Xuural Caynta xididadeeda iyo dhuuxeeda waxa laga arkaa dushooda maadaama ay yihiim macdanta dheemanka. Beerkeeduna waa muraayad uu ninku isku daawanayo, halka gabadhuna ay isku daawanayso beerka ninka.

حَوْرَاءُ عَيْنَاءُ عَلَيْهَا سَبْعُونَ حُلَّةٌ يُرَى مُخُّ سَاقِهَا مِنْ وَرَاءِ حُلَلِهَا ، كَبِدُهَا مِرْآَتُهُ ، وَكَبِدُهُ مِرْآَتُهَا

“Waa xuural cayn cad oo indho wayn, waxa dusha ka saran todobaatan maro (oo xariira) waxa dhuuxa lugteeda laga arkayaa marada hoosteeda, beerkeedu waa muraayada, isagana beerkiisu waa muraayad”[5]

Gacmaha Xuural Caynta:

“Hadii gacanta xuural caynta lasoo laalaadiyo waxay daminaysaa cadceeda, fargalka ama kaatunka ay gacanta ku sidato hadii la keeni lahaa dhulka, waxay u iftiimin lahayd sida qorraxdu u iftiimiso dhulka. Taasi waa gacanteedii ee bal kawarran wajigeeda…”[6]

Dumar daahira:

Dumarka Xuurul Caynta ah iyo dumarka muslimaatka ah ee jannada galaya waxa laha daahiriyey ceeb kasta oo kamida ceebaha aduunyada, sida kaadi, saxaro, xayd, nifaas iyo wax kasta oo dhib ku keena dumarka.

وَأَزْوَاجٌ مُّطَهَّرَةٌ

“Iyo Xaasas la daahiriyey”[7]

Waa haween dhibaato kasta laga daahiriyey mid jidheed iyo mid nafsiyaba. Akhlaaqda xun iyo dabceecada aan wanaagsanayn waa laga daahiriyey.

Bikranimada Xuural Caynta

فَجَعَلْنَاهُنَّ أَبْكَارًا ﴿٣٦﴾ عُرُبًا أَتْرَابًا ﴿٣٧﴾

“Waxaan ka yeelnay bikrooyin (36) oo ninkooda jecele oo is la’eeg (37)”

Haweenka jannada ha ahaadaan Xuural Caynta ama dumarka aduunyadaba, waxa Ilaahay ka dhigay bikrooyin cod fiican oo ninkeeduna jecel. Markasta oo ninku gogol la wadaago wuxuu helayaa inay bikro tahay.

Gogosha lamaanaha jannada:

Sida laga qaadanayo quraanka iyo sunnadaba ninka iyo xaaskiisa jannadu waxay wadaagayaan xidhiidh gogoleed.

لَمْ يَطْمِثْهُنَّ إِنسٌ قَبْلَهُمْ وَلَا جَانٌّ ﴿٧٤﴾

“May taabanin (galmo) insi ka horeeyey iyo jinni toona”[8]

Aayadan sharafta leh waxay inoo cadaynaysaa in ninka ehelka jannada xuural cayntiisa Ilaahay u guurinayo aanay taabanin (gogogl) la wadaagin cid isaga kahoreysay. Taasoo macnaheedu tahay in xidhiidh gogoleed uu la wadaagi doono xaaskiisa jannada.

كَذَٰلِكَ وَزَوَّجْنَاهُم بِحُورٍ عِينٍ (54)

“Sidoo kale waxaan u guurinay Xuural Cayn (54)”[9]

Guurka ama nikaaxa waa la yaqaana macnaha looga jeedo, marba hadii ninkii loo guuriyey haweenay xuural cayna waa arrin fudud oo la fahmi karo in xidhiidh gogoleedna uu la wadaagayo xaaskiisa.

 

عن أنس رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” يُعْطَى الْمُؤْمِنُ فِي الْجَنَّةِ قُوَّةَ كَذَا وَكَذَا مِنْ الْجِمَاعِ قِيلَ يَا رَسُولَ اللَّهِ أَوَ يُطِيقُ ذَلِكَ قَالَ يُعْطَى قُوَّةَ مِائَةٍ “

Anas ibnu Maalik (Rc) waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: “Mu’minka jannada waxa lagu siinaya awood intaas la’eeg xaga galmada, waxa la yidhi rasuulkii Ilaahay: miyuu awoodaa? Wuxuu yidhi: waxa la siinaya awooda boqol”[10]

Lugaha Xuural Caynta:

Lugaha Xuural Caynta nuurka ka baxaya darteed hadii la saaro todobaatan maro oo xariira waxa laga dhex arkayaa xididadooda iyo dhuuxooda.

لِكُلِّ امْرِئٍ زَوْجَتَانِ مِنْ الْحُورِ الْعِينِ يُرَى مُخُّ سُوقِهِنَّ مِنْ وَرَاءِ الْعَظْمِ وَاللَّحْمِ

“Ninkasta wuxuu leeyahay laba haweena oo xuural cayna oo dhuuxa lugahooda laga dhex arkayo lafaha iyo hilibka”[11]

Udugeeda iyo dharkeeda:

Dharka ay sidato waa xariir diibaaj, istbraq iyo sundus. Caraftooda waa uduga ugu udgoon oo urtiisu buuxinayso jannada iyo dhulka inta u dhaxaysa.

وَلَوْ أَنَّ امْرَأَةً مِنْ أَهْلِ الْجَنَّةِ اطَّلَعَتْ إِلَى أَهْلِ الأَرْضِ لأَضَاءَتْ مَا بَيْنَهُمَا وَلَمَلأَتْهُ رِيحًا

“Hadii gabadh kamida ehelka jannadu ay dhulka usoo baxdo way iftiimin lahay inta u dhaxaysa, waxayna ka buuxin lahayd udgoon”[12]

لِكُلِّ رَجُلٍ مِنْهُمْ زَوْجَتَانِ عَلَى كُلِّ زَوْجَةٍ سَبْعُونَ حُلَّةً يُرَى مُخُّ سَاقِهَا مِنْ وَرَائِهَا

“Ninkasta oo kamida wuxuu leeyahay laba xaas, xaas kasta waxay sidataa todobaatan maro oo laga dhex arkayo dhuuxa lugteeda”[13]

Cimriga Xuurul Caynta:

Dumarka ehelka jannadu waa ku is la’eeg xaga da’da oo la moodo inay isu wada eegyihiin.

وَكَوَاعِبَ أَتْرَابًا ﴿٣٣﴾

“Waxay guursan haween da’yar oo is la’eeg”[14]

Da’doodu waa sadex iyo sodon jir dhalinyaro ah sida nimankooda oo kale.

عَنْ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ يَدْخُلُ أَهْلُ الْجَنَّةِ الْجَنَّةَ جُرْدًا مُرْدًا مُكَحَّلِينَ أَبْنَاءَ ثَلَاثِينَ أَوْ ثَلَاثٍ وَثَلَاثِينَ سَنَةً

Mucaad ibnu Jabal waxa laga wariyey in nabigu (scw) yidhi: “Ehelka jannadu waxay galayaan jannnada ayagoon timo hoose lahayn, timo gadhna lahayn oo indho kuulan ahna sadex iyo sodon ama sodon sano jir”[15]

Yaa loo guurinaya Xuurul Caynta?

Ugu yaraan ninku wuxuu helayaa laba xuural cayna, sida xadiiskan tilmaamayo:

لِكُلِّ رَجُلٍ مِنْهُمْ زَوْجَتَانِ عَلَى كُلِّ زَوْجَةٍ سَبْعُونَ حُلَّةً يُرَى مُخُّ سَاقِهَا مِنْ وَرَائِهَا

“Ninkasta oo kamida wuxuu leeyahay laba xaas, xaas kasta waxay sidataa todobaatan maro oo laga dhex arkayo dhuuxa lugteeda”[16]

Shahiidka 72 xuural cayna ayaa loo guuriya

” لِلشَّهِيدِ عِنْدَ اللَّهِ سِتُّ خِصَالٍ : يُغْفَرُ لَهُ فِي أَوَّلِ دَفْعَةٍ ، وَيَرَى مَقْعَدَهُ مِنَ الْجَنَّةِ ، وَيُجَارُ مِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ ، وَيَأْمَنُ مِنَ الْفَزَعِ الْأَكْبَرِ ، وَيُوضَعُ عَلَى رَأْسِهِ تَاجُ الْوَقَارِ الْيَاقُوتَةُ مِنْهَا خَيْرٌ مِنَ الدُّنْيَا وَمَا فِيهَا ، وَيُزَوَّجُ اثْنَتَيْنِ وَسَبْعِينَ زَوْجَةً مِنَ الْحُورِ الْعِينِ ، وَيُشَفَّعُ فِي سَبْعِينَ مِنْ أَقَارِبِهِ “

“Shahiidku ilaahay agtiisa wuxuu ku leeyahay todoba arrimood: danbigiisa loo dhaafa dhibicda u horeysa (dhiigiisa), booskiisa jannadana wuu arkaa, cadaabka qabrigana waa laga badbaadiyaa, argagaxa wayna wuu ka aamin noqdaa, madixiisana waxa la dhigaa taajka qadarinta, yaaquutkiisu uu ka khayr badanyahay aduunyada iyo waxa dhex yaalaba, waxa loo guuriyaa todobaatan iyo labo dumar oo xuural cayna, wuxuuna u shafeeco qaadaa todobaatan qaraabadiisa ah”[17]

Xaaskaaga Xuural Caynta ah ilaahay ayay kaa dalbataa:

Maadaama xuural caynta da’doodu aanay is badalin, waxa suurtagal ah in Ilaahay abuuray xuural cayntaadii dhawr boqol oo sanadood kahor. Ninka wanaagsan ee Ilaahay ka cabsada hadii xaaskiisu ay dhibto waxay xuural cayntiisu tidhaahdaa: ha dhibin ninka Alle ku dilye.

عَنْ مُعَاذِ بْنِ جَبَلٍ ، عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( لَا تُؤْذِي امْرَأَةٌ زَوْجَهَا فِي الدُّنْيَا إِلَّا قَالَتْ زَوْجَتُهُ مِنَ الْحُورِ الْعِينِ : لَا تُؤْذِيهِ قَاتَلَكِ اللهُ ؛ فَإِنَّمَا هُوَ عِنْدَكِ دَخِيلٌ يُوشِكُ أَنْ يُفَارِقَكِ إِلَيْنَا )

Mucaad ibnu Jabal waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu yidhi: “gabadh ninkeeda ma dhibto hadii ay dhibtaba waxa xaaskiisii xuural cayntu dhahaysaa: ha dhibin, Alle ku dilyee. Isagu marti unbuu kuu yahay, wuxuu ku dhow yahay inuu noo yimaadee”[18]

Xadiiskan waxan ka faa’idaynaa:

  • In ehelka samadu arki karaan camalada bani aadamka.
  • In xuural cayntu ay nooshahay oo joogto jannada.
  • In ay garanayso ninkeeda oo loogu bishaareeyey.
  • In Ilaahay cilmigiisa ku ogyahay cida ehelka jannada ah.
  • In gabadha xuural cayntu ka cadhoonayso dhibka loo gaysto ninkeeda jannada.
  • In dumar ay iska ilaaliyaan dhibaatada ay u gaysanayaan raggooda, hadii kale ay waayi doonaan.
  • Gabadha fiican ee ninkeeda raali galisa inay farxad galinayso xuural cayntiisa.
  • In Ilaahay aanu jeclayn dulmiga iyo dhibaatada.

Dumarka ehelka Jannada iyo Xuural Caynta keeba fadli badan:

Dumarka xuural caynta ah sababta quraanka iyo sunnadaba loogu sheegay waa in ninka la tuso abaalmarintiisa jannada, hadii Ilaahay uu adeeco. Xuural cayntuna maaha nicmada ugu wayn ama ugu qaalisan ee jannada Ilaahay ku bixinayo, mana aha run ahaantii nicmo yar.

Dhanka kale ma simayaan dumarka Ilaahay rumeeyey, salaada tukaday ee soomay raggoodana adeecay ee dhibaatada aduunyada soo maray iyo gabadh Ilaahay ku abuuray jannada oo aan dhib iyo kadeed toona soo marin.

Dumarka aduunyada ee jannada galaya ayagaa ka qurxoon kana heer sareeya xuural caynta, maadaama ay imtixaankii aduunyo soo mareen. Ilaahay wuxuu yidhi:

إِنَّا أَنشَأْنَاهُنَّ إِنشَاءً ﴿٣٥﴾ فَجَعَلْنَاهُنَّ أَبْكَارًا ﴿٣٦﴾ عُرُبًا أَتْرَابًا ﴿٣٧﴾ لِّأَصْحَابِ الْيَمِينِ ﴿٣٨﴾

Annagaa abuurnay abuurid kale (dumarkii aduunka) (35) kana yeelnay bikrooyin (36) ninkooda jecel oo is la’eeg (37) waxa iska leh (dumarkan) asxaabta midigta (38)[19]

Dumarkii aduunyada ee cimrigoodu wayna ayaa Ilaahay dib abuurayaa, waana la qurxoonaysiinayaa, waxa laga dhigayaa bikrooyin halkii markii hore ay ahaayeen dumar carmala ama garooba. Ninkooda ayay jecelyihiin, codkooduna wuu fiicanyahay, wayna is la’eegyihiin. Waxa isku cimri noqonaya gabadh iyo hooyadeed iyo ayeeyadeed, waxa dumarkaa la qurxiyey guursanaya oo mudanaya niman wanaagsan oo kitaabkoodii gacanta midigta kusoo qaatay oo loo yaqaano asxaabu alyamiin.

Abaalmarinta ninka iyo gabadha:

Ninka markuu Ilaahay u ballan qaaday jannada waxa loogu bishaareeyey gabadh daahira oo xuural cayn la dhaho, halka gabadhiina loogu bishaareeyey in ayadu ay quruxbadnaanayso kadibna loo guurinayo nin wanaagsan.

Sida dabiiciga ah ee Ilaahay dumar ku abuuray waxa weeye inay jecelyihiin inay qurux bataan, sidaas darteed lacagta ugu badan noloshoodu waxay ku baxdaa sidii ay isu qurxin lahayd, waxay marsadaan cillaan ama xinaha, wajiga waxa la mariya make up ama miikyaaj, cadarrada la isku buufiyo, dharka iy dahabka la gashto.

Ruuxa dhadiga ah waxay nolosheeda inbadan ku mashquushaa sidii ay isu qurxin lahayd ayna da’deeda uga yaraan lahayd. Maadaama Ilaahay ku abuuray is qurxinta wuxuu Ilaahay ugu ballan qaaday in dib loo abuurayo kadibna dhalinyaro bikro ah laga dhigayo, nin wanaagsana loo guurinayo, sidoo kale gurigii iyo deegaankii ay joogtayna uu yahay jannada raxmaanka, lagana daahirinayo ceeb kasta oo nuqsaan ku ah haweenka aduunyada.

Ilaahay gabadha wuxuu ku abuuray xishood, ayada ayaana ninku doona markuu guursanyo. Hadii aabe dhalay wiil iyo gabadh dhameeyey waxbarashadii jaamicadeed uu rabo inuu wiilka iyo gabadhaba ka farxiyo, muxuu wiilka iyo gabadha ugu ballan qaadi lahaa?

Wiilka haduu ku dhaho: aabe, maadaama aad jaamicadii dhamaysay waxaad soo fiirsata gabadh qurxoon oo aan kuu guuriyo. Wiilku wuu farxi lahaa, sababtoo ah gabadh qurxoon isaga agtiisa waa ku qaali.

Bal kawarran haduu aabuhu ku dhaho gabadhiina: aabe, jaamicadii waad dhamaysay ee adiguna soo raadso wiil feedho wayn oo qurux leh, waan kuu aroosayaaye! Suurtagal ma tahay in aabe gabadh uu dhalay uu sidaas u ku dhaho, ayadoo la ogyahay in gabadhuna ay wiil fiican u baahantahay.

Maadaama gabadha ilaahay faray xishoodka, marnaba aabaheed kama filanayso hadyad noocaas ah. Laakiin hadii aabuhu inantiisa u ballan qaado inuu usoo iibinayo takham dahaba, dhar qurxoon, kiriimyo la isku udgoonaysiiyo, qolkeeda hurdada oo sariir cusub loo keeno way farxi lahayd run ahaantii.

Ilaahayna tusaalaha sare isaga leh, ninkana gabadh qurxoon ayuu u ballan qaaday, gabadhana quruxdeedii ayuu horreysiiyey. Subxaana Allah, Ilaahay xikamad badane weeye.


[1] Suuratu Arraxmaan: 72

[2] Bukhaari: 4598

[3] Tirmadi: 2564

[4] Suuratu Naba: 33

[5] البعث والنشور للبيهقي/421

[6] الترغيب والترهيب حديث 2228

[7] Suuratu Alcimraan: 15

[8] Suuratu Arraxmaan: 74

[9] Suuratu Zukhruf: 54

[10] Tirmadi: 2459

[11] Bukhaari: 3014

[12] Bukhaari: 2587

[13] Tirmadi: 2534

[14] Suuratu Naba: 33

[15] Tiramdi: 2545

[16] Tirmadi: 2534

[17] Tiramdi: 1584

[18] Axmed: 22101

[19] Suuratu Al-waaqica: 35,36,37,38