Tusmo

SIIRADII XABIIBKA (SCW)

Waxaan ka waramaynaa Rasuulkii Ilaahay, adoonkii wanaagsanaa uguna khayrka badnaa basharka, waa Sayidka awlaada Nabi Aadam, waa ruuxa loogu jecelyahay ee cimrigiisa Ilaahay ku dhaartay, waa shakhsiga Ilaahay (swt) uu ku salliyo oo uu amaano, malaa’ikta iyo in badan oo dadka ka mid ahna ay ku salliyaan ayagoo u ducaynaa, waa shakhsiga iska leh shafaacada wayn, waa raxmadii Ilaahay ugu naxariistay basharka, kana yeelay nabigii ugu danbeeyey una soo dhiibay risaaladii ugu danbaysay waa nabi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaato.

Nabigeena (scw) in la adeeco oo la jeclaado waa waajib iyo in lagu salliyo sababtoo ah waxa sababtiisa Ilaahay inagaga bixiyey mugdiyada, waxaanu inagu hogaamiyey wadada toosan ee lagu badbaadayo.

Siirada Rasuulka way dheertahay, sidaa awgeed waxaan isku dayaynaa in aan sida ugu haboon usoo bandhigno inshallah, waxaanan wax ka taabanaynaa, xaaladii carabta ee islaamnimada kahor dhalashadii rasuulka, soo diristiisii kahor, markii la soo diray, sidoo kale  dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee dhacay xilligii magaalada Makkah, hijradii Madiina, dagaaladii Badar, Uxud, Axzaab, heshiiskii Xudaybiya, dagaalkii Khaybar, furashadii Makkah, dagaalkii Xunayn, dagaalkii Mu’tah, Tabuuk, Xajkii sagootinta, geeridii rasuulka, sifooyinkii nabiga (scw).


Xigasho: Kitaabka Siirada Rasuulke ee Sh Abdulaziz Mohamed Oogle