Hadii ay wayso qabto kadibna ay marsatay Mikyaaj wajigeeda ama gacanteeda ay ku taabatay wax dhibaato ah maleh, wax saamayn ahna kuma laha waysadeeda iyo salaadeedaba, hadii aanu Mikyaajku ahayn najaaso, sababtoo ah in dharka iyo jidhku ay nadiif yihiin waa shardi kamida shuruudaha salaada.

Waana in la ogsoonaado, gabadha uma banaana in mikyaaj ay u marsato dad ajaanib ka ah, sababtoo ah waxa la amray in wajigooda ay ka qarsadaan. Hadiise ay la hormarto wajiga oo mikyaaj ay marsatay dad aan maxramkeeda ahayn ama ninkeeda way danbaabaysaa, balse salaadu way u ansaxaysa.


Islamqa.info