Tusmo

Axkaamta Tobanka Dulxajj

Alxamdulilaah, Ilaahay mahaddu usugnaatay inasoo gaadhsiiyey maalmihii khayrka badnaa ee ku jiray bisha Dlxajj, waana xilligii ay xujaajta baytka Ilaahay gudanayeen waajibaadkii Xajka iyo Cumrada. Maalmahan hore ee Dulxaj waxay leeyihiin fadli aad u wayn oo ay dheeryihiin bilaha kale iyo maalmaha kaleba, waxaanu fadligeedu kusoo arooray Kitaabka Quraanka ah iyo sunnada nabigaba (scw):

Fadliga Maalmaha Dulxajj

  • Ilaahay wuxuu dhahay:

{وَالْفَجْرِ. وَلَيَالٍ عَشْرٍ} [الفجر:1-2]

“Ilaahay wuxuu ku dhaartay Waabariga (1) Iyo Habeenada Tobanka ah (Carrafo).”

Ibnu Khatiir wuxuu dhahay Tobanka Habeen waxa looga jeeda Tobanka maalmood ee Dulxajj sida ay cadeeyeen Ibnu Cabbaas, ibnu Zubeyr, Mujaahid iyo qayrkoodba.

  • Waxa kale oo Alle dhahay:

{وَيَذْكُرُوا اسْمَ اللَّهِ فِي أَيَّامٍ مَّعْلُومَاتٍ} [الحج:28]

“Iyo inay xusaan magaca Allah maalmo layaqaano..” [Xajj:28]

  • Xadiis Nabi(1)

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:  «ما العمل في أيّام أفضل في هذه العشرة»، قالوا: ولا الجهاد، قال: «ولا الجهاد إلاّ رجل خرج يخاطر بنفسه وماله فلم يرجع بشيء». (رواه البخاري)

“Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey (I.R.H) inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: “Ma jiro camal maalmo la qabto oo ka fadli badan maalmahan tobanka ah” waxay dhaheen: Xitaa Jihaadka? wuxuu dhahay: “Xitaa Jihaadka, marka laga reebo nin baxay isagoo halis galinaya naftiisa iyo xoolihiisaba oo aan lasoo noqonin waxba” [Bukhaari: 26]

  • Xadiis Nabi (2)

عن ابن عمر رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:  «مامن أيّام أعظم عند الله سبحانه ولا أحب إليه العمل فيهن من هذه الأيام العشر، فأكثروا فيهن من التهليل والتكبير والتحميد».

“Ibnu Cumar waxa laga wariyey (I.R.H) inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay: “Majirto ayaamo Ilaahay agtiisa ay uga wayntahay loogana jacayl badanyahay camalada la qabto dhexdooda maalmaha tobanka ah, ee badsada dhexdooda Tahliisha (Laa’ilaaha ilaa Allah) Takbiirta (Allahu akbar) iyo Taxmiida (Alxamdulilaah)” [Musnadka Imaamu Axmed: 5423 ]

Ibnu Xajar wuxuu ku dhahay Fatxiga: “Waxa muuqata sababta tobanka maalmood uga soocanyihiin maalmaha kale, maxaa yeelay waxa ku kulmaha cibaadooyinka oo dhan, Salaadii, Sadqadii, Soonkii iyo Xajikiiba, mana jirto maalmo kale oo lamid ah”

Waxyaalaha la jeclaysto maalmaha in lala yimaado:

  1. Salaada: Waxa fiican in watigooda la tukado salaadaha faralka ah, lana badsado salaadaha sunnaha ah. Wuxuuna soo arooriyey Thawbaan inuu maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Waa inaad badsataa sujuuda Ilaahay, sababtoo ah majirto sujuud aad usujuudo Ilaahay, hadayba jirto wuxuu Alle sare kuugu qaaday darajo, wuxuuna kaa masaxayaa danbi” [Saxiix Muslim:488 ]
  2. Soonka: Waxa fiican in la soomo tobanka maalmood ee Dulxajj, waxa laga wariyey qaar kamida haweenkii nabiga (scw) inay tidhi: “Nabigu (scw) wuxuu soomi jiray sagaalka Dulxajj, iyo maalinta Caashuuraa, iyo sadex maalmood oo kamida bil kasta” [Imaamu Axmed:21829 ]
  3. Soonka qallaha: Tobanka maalmood cidii lagu leeyahay soon qalle ahaa waa inay uga faaidaystaa oo soontaa, waxaana lasoo arooriyaa in culumada iyo saxaabadu isku khilaafeen oo Cumar ibnu Khadaab u arkayey inay fiicantahay in lasoo qalleeyo maalmaha soonkii Ramadaan, halka Cali ibnu Abudaalib isagu u arkayey inay karaahiyo tahay. Sheekh ibnu Cuthaymiin wuxuu dhahay: Maalmahan tobanka waa inaad soo qallaysaan soonkii Ramadaan, waxaana laga yaabaa inaad hesho laba ajare, ajarka qallihii iyo ajarka soonka maalmahan, hadii xitaa lawada aqbali waayo waxaad helaysaa ajirkii qallaha oo ka khayrbadana soonka sunnaha ah.
  4. In la badiyo Takbriirta, Taxmiida iyo Tahliisha: Sida kusoo aroortya xadiiskii hore ee ibnu Cumar waa in la badiyaa Takbiirta, Taxmiida iyo Tahliisha. Wuxuuna dhahay Bukhaari: “Waxay ahaayeen ibnu Cumar iyo Abuhurayra kuwo usoo baxa suuqa tobanka maalmood oo takbiiran jiray, dadkuna ay la takbiiran jireeen” Wuxuuna dhahay sheekh ibnu Cuthaymiin: ” Annagu hadaynu nahay Muslimiin waa inaynu noolaynaa sunnada nabiga ee la beer dareeyey sanado badan, oo xitaa ku dhowaatay in dadkii wanaagsanaa ay ilaaween..”
    • Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar Kabriira.
    • Allahu Akbar, Allahu Akbr, Laa’ilaaha ilaa Allah, wa Allahu Akbar, wa Allahu Akbar, wa lillaahi Alxamdu.
    • Allahu Akbar, Allahu Akbar, Allahu Akbar, Laa’ilaaha ilaa Allah, Wa Allahu Akbar, Allahu Akbar wa lillaahi Alxamdu.Qaabka loo takbiiranayo: Waxa soo arooray dhawr qaab oo loo takbiiranayo:
  5. Camalada Saalixa ah: Waxa kale oo la jeclaystaa dhammaan camalada saalixa ah sida sadaqada, u samo falka waalidka, booqashada ehelka, kaga farxinta agoomaha, dharka ciidka oo aad u iibso ubadkaaga iyo cidii aad awoodo, ulxada inaad diyaarsato, hadaad ulxaysanayso inaanad xiirin timaha iyo cidiyaha, qof buka oo aad booqato, janaaso aad raacdo, quraanka ood akhrido, goobaha wax lagu barto ood xaadirto, salaada habeenkii oo aad ku dadaasho, xuska Ilaahay iyo salliga nabiga oo aad badiso.

Soonka Maalinta Carafo:

Aad ayaa loo adkeeya in la soomo maalinta Carafo oo ah maalinta 9 aad ee Dulxajj, wuxuuna dhahay Rasuulku (scw):

«أحتسب على الله أن يكفر السنة التي قبله والسنة التي بعده» (رواه مسلم).

“Waxaan Ilaahay kaga ajar dalbaa inuu iigu dhaafo sanadkii ka horeeye iyo sanadka ka danbeeyaba” [Saxiix Muslim:1162 ]

Maalinta Carafo sidoo kale waa maalintii Ilaahay dhamaystiray diinta Islaamka, raalina uu uga noqday diin ahaan, wuxuu Allah leeyahay:

الْيَوْمَ أَكْمَلْتُ لَكُمْ دِينَكُمْ وَأَتْمَمْتُ عَلَيْكُمْ نِعْمَتِي وَرَضِيتُ لَكُمُ الْإِسْلَامَ دِينًا ۚ

“Maanta ayaan raali idiinka noqday diintiina idiina taam yeelay korkiina nicmadayda (galladayda) raalina idiinka noqday Islaamka diin ahaan” [Maa’ida:3]

Halkan ka Akhriso


Xigasho:

Sheekh Muxamed ibnu Cuthaymiin: