Bismillaah, magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo naxariis gaar ahba, waxaanan u mahad celinaynaa Ilaahay oo xumaan iyo nuqsaanba ka dheer oo ka hufan. Sidoo kale waxaan ku sallinaynaa Nabigeenii Muxamed ee sharafta lahaa inuu Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa yeelo isga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhamaan muslimiinta raacday jidkiisii. Walaalayaal waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka Asalamacalykum wa raxmatullaahi wa barakaatuhu oo macanaheedu yahay nabadgalyo iyo naxariis iyo barakooyin katimid xaga Allah korkiina ha yeelo.

Intaa kadib waxynu ka warrami doona si kooban qaabka ruuxa Muslimka ah uu uguto waajibaadka Xajka iyo Cumrada. Waxaynaan soo xigaynaynaa InshAllah  fatwadii Faqiihii waynaa ee dhowaan geeriyooday Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyee Shiikh Muxamed ibnu Cuthaymiin.

Waxaynu halkan ku sheegaynaa si kooban Qaabka loo guto xajka iyo cumrada gaar ahaan hadii aad tahay Mutamatic (wada xidho Cumrada iyo Xajka). Hadaad go’aansato inaad gudato waajibaadka Xajka iyo Cumrada bilaha xurmaysan, waxa fiican inaad marka hore xidhato cumro si aad u noqoto Mutamatic.

  • Tusmo

    Cumradii

Waxaanad Cumrada ka xidhanaysaa miiqaatka (meelaha xuduudka ah ee laga xidho xajka iyo cumrada), markaad xidhanayso waa inaad qaadataa  qubays lamid ka laga qaato Janaabada, qubayskuna waa sunne saaran raga iyo dumarkaba xitaa hadii haweenaydu heshay dhiiga caadada iyo nifaakaba, waxaad daahirinaysaa timaha madaxa iyo gadhkaba, kadibna waxaad gashanaysaa dharka xajka iyo cimrada (laba go’ oo cadcad, midna uu yahay guntin ama macawis mida kalena yahay go’ sare oo la huwado), waxaanad xidhanaysaa Salaad faral gadaasheed hadii xilligeedii la joogo ama salaad sunne ah oo loo niyeysanyo salaad sunne kaliya ah maxaa yeelay Ixraamku malaha Salaad sunne ah oo u gaara. Dhanka kale Dumarka helay caadada ama nifaaska ayagu ma tukanayaan Salaada. Waxaanad akhrinaysaa Ducadan illamaayo aad magaalada Makkah ka gaadhayso

لبيك اللهم عمره، لبيك اللهم لبيك، لبيك لا شريك لك لبيك، إن الحمد والنعمة لك والملك، لا شريك لك

[Labayka Allahuma Cumrah, Labayka Allahuma labayka, labayka laa shariika labayka, ina Alxamda wa al-nicmata laka wal mulki, laa shariika laka.]

[Ilaahayoow waanku ajiibay Cumro, Ilaahayoow waan ku ajiibay oon ku ajiibay, waan ku ajiibay ajiibid anigoon cidna kula wahelinayn cibaadada, Mahadda iyo Nicmadana  adigaa iska leh iyo Mulkigaba, cidna kugulama lamaanaynayo.] [Tarjamid]

Waxaana haboon marka Magaalada Makkah aad gasho inaad qubays qaadato, siduu Nabiguba sameeyey. Kadibna lugtaada midig ayaad ku galaysaa Masaajidka Xaramka, adigoo akhrinaya Ducadan:

( بسم الله والصلاة والسلام على رسول الله، اللهم اغفر لي ذنوبي وافتح لي أبواب رحمتك، أعوذ بالله العظيم، وبوجهه الكريم، وبسلطانه القديم من الشيطان الرجيم )

[Bismillaahi wa salaatu wa salaamu calaa rasuuli allah, allahuma iqfirlii dunuubii wa iftaxlii abwaaba raxmatika, acuudu billaahu al-cadiimi , wa bi wajhi al-kariim, wa bi sulaadinhi al-qadiim mina Shaydaani arrajiim.]

[Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabayaa, waxaanan ku sallinayaa oon salaamayaa Rasuulkii Ilaahay, Ilaahayoow ii danbi dhaaf danbiyadayda, iina fur albaabada naxariistaada, waxaana ka magan galayaa Ilaaha wayn ee wajigiisa sharafta leeyahay ee awoodiisu ay horeysay Shaydaanka la fogeeyey.]

Kadibna waxaad ka bilaabaysaa Dawaafka Kacbada, adigoo ka bilaabaya Dahagaxa Madaow waanad dhunkanaysaa hadii ay kuu suurto gash0, hadii kalena waad ishaaraysaa- macanaha gacantaada ayaad ku tilmaamaysaa- waxaanad akhrinaysaa ducadan:-

بسم الله والله أكبر، اللهم إيماناً بك، وتصديقاً بكتابك، ووفاءً بعهدك، واتباعاً لسنة نبيك محمد

[Bismillah, Allahu akbar, Allahuma iimaanan bika, wa tasdiiqan bikitaabika, wa wafaa’an bicahdika, wa itibaacan li sunati nabiyika muxamed ]

[Magaca Allaah ku bilaabayaa, Ilaahbaa wayn, Ilaahayoow Rumayn aan ku rumaysanahay, iyo rumayn aan rumaysanahay Kitaabkaaga (Quraanka), iyo oofinta Ballankaaga iyo raacida Sunada Nabigaaga Muxamed (N.N.K.H)]

Kadibna dhanka bidix ayaad Baytka Allah yeelaysaa waxaanad dawaafaysaa (wareegayaa) Todoba jeer, adigoo ka bilaabaya Dhagaxa madaw kuna dhamaynaya dhagaxa madaw, kacbadana ma taabanaysid marka laga reebo Dhagaxa madow iyo Rukunka Midigeed, sababtuna waxa weeyey Nabigu muusan taaban labadaas mooyaane.

Dawaafkana waxa fiican in Ninku yar gucleeyo sadexda wareeg ee hore isagoo talaabo dheeraynaya. intaad ku gudo jirto Dawaafka waa inaad banaysaa garabkaaga midig (go’a aad ka qaadaa) halka garabka bidixna go’a aad saarayso.

Markasta ood dhaafto Dhagaxa madwna waad takbiiranaysaa (Allahu Akbar). Waxaanad dhahaysaa inta u dhaxaysa Dhagaxa madaw iyo Rukunka Midigeed ducadan:

( ربنا آتنا في الدنيا حسنةً، وفي الآخرة حسنةً، وقنا عذاب النار )

[Rabanaa aatinaa fi aduunyaa Xasanatan, wa fil aakhirati xasanatan wa qinaa cadaaba ann-aar]

[Rabiyoow nasii Aduunyada wanaag, aakhrina na sii wanaag, nagana badbaadi cadaabka Naareed]

Wixii intaas kasoo hadhayna waxaad akhrisanaysaa Duco kasta ood rabtid inshaAllah. Mana jirto duco u gaar ah wareeg kastaba, waana inaad iska ilaalisaa kutubada yaryar ee dadka Xaramka joogaa kuu dhiibayaan ee mid kasta ay ku qorontahay Duco u gaara wareeg kasta, iska ilaali waa arrin bidco ah maxaayeelay Rasuulku wuxuu yidhi: (Bidco kasta waa Baadi).

Waxa kale ood iska jirtaa inaad ka dhex baxdo Kacbada maxaa yeelay cida ka dhex baxda albaabka kacbada ama wareega yar ee Kacbada ka horeeya oo katirsan kacbada uma sugna wareegaasi manuusan dawiifin ruuxaasi ee dawaafkaas waa buray mana ansaxayo wareegaasi.

Dawaafka kadib waxaad ku tukanaysaa Maqaamka Nabi Ibraahiim dibadiisa, hadii aanay kuu suurtoobayna waxaad ku tukankartaa meeshaad doonto ee Masjidka. Kadibna waxaad u baxaysaa dhanka buurta Safo, markaad u dhowaatana waxaad akhrinaysaa aayada Quraanka ah:-

إِنَّ الصَّفَا وَالْمَرْوَةَ مِن شَعَآئِرِ اللّهِ فَمَنْ حَجَّ الْبَيْتَ أَوِ اعْتَمَرَ فَلاَ جُنَاحَ عَلَيْهِ أَن يَطَّوَّفَ بِهِمَا وَمَن تَطَوَّعَ خَيْراً فَإِنَّ اللّهَ شَاكِرٌ عَلِيمٌ [البقرة:158]

[Inna Safaa wal-marwata min shacaa’iri Allah faman xajja albayta aw ictamara falaa junaaxa calyhi an yadawafa bihimaa waman tadawafa khayran fa inna Allaha shaakirun caliim.]

[Safo iyo Marwo waxay ka midyihiin Calaamooyinka (Wayneyn) ee Allah ee ruuxii u Xajiya Baydka ama Cumraysta wax ma saarna hadduu ku Wareego Dehexdooda, ruuxa wax dheeraad ah la yimaadana Allah waa ku mahdin wuuna ogyahay.] [Albaqara: 158]

Mana akhrinaysid aayadan intaas wixii ka danbeeya, markaasna waxaad fuulaysaa Buurta Safo waxaanad soo qaabilaysaa Qiblada adigoo gacmahaaga sare u taagaya oo Allahna waynayna oo mahadinayana, waxaanad dhahaysaa Ducadan:

( لا إله إلا الله وحده، أنجز وعده، ونصر عبده، وهزم الأحزاب وحده )

[Laa ilaaha ilaa Allahu waxdahu, anjaza wacdahu, wa nasar cabdahu, wa hazama al-axzaaba waxdahu]

[Ilaah xaq lagu caabudo ma jiro Ilaaha kalida ah mooyee, wuxuu oofiyey Ballantiisa, wuxuuna u hiiliyey adoonkiisa, wuxuuna jabiyey xisbiyadii (gaalada) kalidii]

Kadibna Ducada aad doonto ayaad akhrinaysaa, markaasaad ku celinyaa ducadan xaga sare ku qoron, hadana ducaduaad doonto ayaad akhrisanaysaa. Macanaha duco kasta ood akhrinayso tan sare ku qoran ayaad u dhaxaysiinaysaa.

Kadibna waxaad aadaysaa dhanka Buurta Marwo, markaad gaadho calaamada Akhdarka ah/dooga ah ayaad bilaabaysaa inaad gucleeyso oo talaabo dheereeyso kadibna markaad gaadho calaamada kale ee dooga ah ayaad  qunyar soconayaa ilaa aad   ka fuulayso buurta Marwo, halkaasna waad istaagaya adigoo soo qaabilaya Qiblada, gacmahana sare u qaadaya kadibna akhrinaya Ducooyinkii Safo aad ku akhriday oo kale, intaasi waa hal shoog ama hal wareeg.

Kadibna wuxaad soo aadaysaa buurta Safo hadana wuxaad qabanayaa buurta marwo ilamaa aad ka dhamaystirayso todoba jeer oo midkasta aad akhrinayso waxaad akhriday wareegii koowaad iyo inaad  gucleeyso markaad gaadho calaamada dooga ah.

Markaad Sacyiga ama socodkaas labada buurood aad dhameeyso waxaad gaabinaysaa timahaaga si waadix ah oo la arkayo inaad timaha gaabisay, halka haweenayduna ay ka gaabinayso tin kastaba wax yar oo cidi la eeg, kadibna waad xalaaloobaysaa, oo waxa kuu xalaal noqonayaa dhamaan wixii ka xarrimnaa ee is qurxin, dharkuu doono iyo xidhiidhkii gogoleed ee xaaska.


  • Xajkii

Marka ay Qorraxdu soo baxdo maalinta Sideedaad ee bisha Dulxajj, waxaad  xidhanaysaa Ixraamkii Xajka, waad qubaysanaysaa oo is daahirinaysaa kadibna gashanaysaa dharkii xajka labadii go’, waxaanad u baxaysaa dhanka Mina. Waxaanad Mina ku tukanaysaa salaadaha Duhurka, Casarka, Maqribka, Cishaha iyo Salaada Subax. Waxaanad tukanaysaa Salaadaha Afarta ah laba rakcadood, waad soo gaabinaysaa laakiin ma kulminaysid salaadaha ee mid kasta xilligeeda ayaad tukanaysaa.

Markay Qorraxdu soo baxdo maalinta sagaalaad ee Carafo waxaad aadaysaa buurta Carafa, halkaasbaanad ku dagaysaa oo ku tukanaysaa salaada Duhur iyo Casar adigoo jamcinaya oo soona gaabinayaa, waxaanad soo hor marinaysaa salaada Casar ood la tukanaysaa Duhurka.

Kadibna waxaad ku mashquulaysaa Dikriga Ilaahay, Duco iyo Quraan akhris iyo wixii lamid ah ee Ilaahay loogu dhowaado. Waana inaad maalintaas saacadaha danbe ku dadaashaa ood ku celcelisaa Ducada sababtoo ah waxay u dhowdahay in Ducadaada la aqbalo. [waana la aqbalayaa inshAllah, aniga iyo muslimkana usoo ducee] 🙂

Waxaana sunne ah inaad qaabisho xaga Qiblada adigoo gacmaha sare u taagaya oo ducaysanaya. Ducadii ugu badnayd ee Nabigu akhrinayeyna waxay ahayd ducadan:-

( لا إله إلا الله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير )

[Laa ilaaha ilaa Allahu waxdahu laa shariika lahuu, lahul mulku walahu al-xamdu wahuwa calaa kuli shay’in qadiir]

[Ilaah xaq lagu caabudo majiro Allah mooyee, waana kalidii oo cid wahelisa malaha, waxaana u sugan Mulkiga iyo Mahadduba, waana ka wax kasta awooda]

Waxa kale ood akhrinaysaa ducooyin wanaagsan sida kuwan hoos ku xusan:-

( اللهم لك الحمد كالذي نقول، وخيراً مما نقول، اللهم لك صلاتي ونسكي ومحياي ومماتي، وإليك ربي مآبي، ولك ربي تراثي. اللهم إني أعوذ بك من عذاب القبر، ووسوسة الصدر، وشتات الأمر. اللهم إني أعوذ بك من شر ما تجيء به الريح ).

[Allahuma laka Alxamdu ka alladii naquul, wa khayra maa naquul, allahuma laka salaatii wa nusukii wa maxyaayii wa mamaatii, wa ilayka rabii ma ‘aabii, walaka rabii sawaabii. Allhuma inii acuudu bika min cadaab al-qabri, wa waswasati al-sadri, wa shataati al-amri. Allahuma inii acuudu bika min sharri maa tajii’u bihii Arr-iixu.]

[Ilaahayoow waxa kuu sugan Mahadda sidaan leenahay, iyo ta u khayr roon waxaan nidhi, Ilaahayoow waxa kuu sugan salaadayda, gawracayga, noloshayda iyo geeridayda, iyo  xagaagaana Rabigaygoow aan usoo noqon, waxaana kuu sugan Rabigaygoow waxaan ka tago. Ilaahayoow waxaan kaa magan galayaa Cadaabka Qabriga, waswaaska laabta iyo arrinka oo isku qasma. Ilaahayoow waxaan kaa magan galayaa sharka ay dabayshu la timid]

Waxa kale ood akhrinaysaa Ducadan:-

( اللهم اجعل في قلبي نوراً، وفي سمعي نوراً وفي بصري نوراً، اللهم إنك تسمع كلامي، وترى مكاني، وتعلم سري وعلانيتي، لا يخفى عليك شيء من أمري، أنا البائس الفقير، المستغيث المستجير، الوجل المشفق المقر، المعترف بذنوبي، أسألك مسألة المسكين، وأبتهل إليك ابتهال المذنب الذليل، وأدعوك دعاء من خضعت لك رقبته، وفاضت لك عيناه، وذلّ لك جسده، ورغم لك أنفه. اللهم ربنا آتنا في الدنيا حسنة وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النار، اللهم إني ظلمت نفسي فاغفر لي إنك أنت الغفور الرحيم ).

Markay Qorraxdu dhacdo ayaad ka dhaqaaqaysaa Carafa ood aadaysaa Muzdalifa, waxaanad ku tukanaysaa Maqrib iyo Cishe adigoo gaabinaya sidoo kalena jamcinaya oo kulminaya. Halkaasbaanad joogaysaa illamaayo aad ka tukanayso slaada Subax, kadibna waxaad aadaysa Mina.  Waxaana u banaanan qofka waxyeelo ka cabsanaya ama bukaan ah inuu Salaada Subax kahor uu ka tago Muzdalifa oo uu aado Mina goor hore, maxaayeelay Nabigu waa u ogolaaday oo u fasaxay dadkaas.

Markaad Mina gaadho ayaadku bilaabaysaa inaad Jamaraadka Caqaba ku tuurto todoba dhagax oo qururxa, adigoo takbiiranaya markastood tuurayso dhagax.

Kadibna Hadyigii (xoolaha xajka) ayaad gawracaysaa, dabadeedna Timaha ayaad xiirayaa ama aad gaabinaysaa waxaana fadli badan ka xiira timaha. Haweenkuna waxay jaraysaa timaha madaxa faraqeeda wax yar, intaas kadib waad xalaaloobaysaa oo waxa kuu xalaal noqonaya wixii kaa xarrimnaa marka laga reebo xidhiidhka gogoleed ee ninka iyo haweentiisa.

Kadibna waad soo qubaysanysaa oo is daahirinaysaa waxaanad  imanaysaa Baytka Xaramka oo ku dawaafaysaa Dawaafka Ifaadada (wareegayaa Kacbada todoba jeer), kadibna waxaad aadaysaa Safo iyo Marwo oo dhexdooda ayaad soconaysaa.

Dawaafkan iyo Sacyigana waa kuwo Xajku iska leeyahay halka Dawaafkii hore iyo Sacyigii horeba ay iska lahayd Cumaradu. Intaa wixii ka danbeeyana waad xalaaloowday oo xitaa xidhiidhkii gogoleed ee ninka iyo xaaskiisa  waa xalaal.

Maalintaas 10 aad oo ah Ciida Carafo Xaajigii xajinayey waxa uu qabtay shan arrimood oo ah inuu tuuray dhagxaantii Jamaraadka, gawracay hadyigii, timihii oo uu xiiray ama gaabiyey, kacbadana uu dawaafay iyo Safo iyo Marwo ood sacyi ku sameysay.

Camaladaas ku kasta ood horaysiisid wax dhib ah malaha sababtoo ah Nabiga (N.N.K.H) waa loo imanayey maalintan oo la lahaa Rasuulkii Ilaahayoow waxaan xiirtay anigoon hadyigii qalin ee ka warran? wuxuuna lahaa: wax dhib ah malaha.

Intaas kadib waxa Xajkii ka hadhay waa inaad seexato Mina habeenka 11 aad iyo habeenka 12 aad sidoo kale habeenka 13 aad   hadaad rabo inaad dib u dhigto  Jamaraadka sida Allah uu leeyahay:

وَاذْكُرُواْ اللّهَ فِي أَيَّامٍ مَّعْدُودَاتٍ فَمَن تَعَجَّلَ فِي يَوْمَيْنِ فَلاَ إِثْمَ عَلَيْهِ وَمَن تَأَخَّرَ فَلا إِثْمَ عَلَيْهِ لِمَنِ اتَّقَى وَاتَّقُواْ اللّهَ وَاعْلَمُوا أَنَّكُمْ إِلَيْهِ تُحْشَرُونَ [البقرة:203]

[Xusa Allah maalmo la yaqaano «Iidda carafo dabadeed», ciddiise dag dagta laba maalmood dhexdood ma saarna dambi korkiisa ciddiise  dib udhigtana Danbi korkiisa ma saarna, waa cida Allah ka cabsata, kana dhawrsada Allah, ogaadana in xagiisa laydiin soo kulminayo.] Albaqara: 203

Sidaa darteed Xaajigu wuxuu u hooyanayaa labadaas habeen [11 aad  iyo 12 aad] Mina, waana inuu u hoydaa habeenka oo  dhan.

Maalinta 11 aad ee Dulxajj, markay Qorraxdu badhtanka ka dhaqaaqdo ayaad tuuraysa Jamaraatka, adigoo ka bilaabaya ta yar ee dhanka bari u xigta, waxaanad tuuraysaa todoba dhagax (qururx) adigoo midkastaba takbiiranaya, kadibna waad soo baxaysaa oo gacmahaaga ayaad sare u taagaysa adigoo wajahaya dhanka Qiblada waxaanad baryaysaa Ilaahay Duco aad u dheer.

Kadibna waxaad aadaysaa Jamaraatka labaad (Ta dhexe) waxaanad tuuraysaa Todoba dhagax adigoo midkasta u takbiiranaya, dabdeedna waxaad kasoo baxaysaa buuqa adigoo qaabilaya Qiblada oo gacmahaaga sare u taagaya oo Duco dheerna akhrinaya, intaas kadibna waxaad aadaysaa Jamaraatka Al-caqaba ood ku tuurayso todoba dhagxaan adigoo mid kasta u takbiiranaya. Markaad dhamasyso sadexdaas tuuryo ma istaagaysid ee hore ayaad usuconaysaa adigoo ku dayanaya Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H).

Habeenka 12 aad ee Dulxajjna, waxaad tuuraysaa sadexdii Jamaraat ee maalintii 11 aad oo kale, kolkaad tuurto habeenkaas dhagxaantii waxaad sii joogi kartaa habeenka 13 aad oo aad tuurto Jamaradkii ama hadaad dagdagsantahay waxaad ka tagi Mina, waxaana fadli badan inaad sii joogto.

Sidoo kale waxa kuu suurtowda inaad Jamaraadka tuurto xilliga habeenka hadii ay buuq tahay maalintii, sababtoo ah habeenka laftigiisu waa kamid xilliyada la tuuro Jamaraadka maxaayeelay Nabigu wuxuu waqtiyeey xilliga la bilaabayo manuusan waqti ku xidhin xilliga la dhamaynayo.

Waana inaad iska jirtaa inaad dhayashato Jamaraadka oo cid kale kuu tuurto adigoo awooda, balse hadii aanad awood u lahayn ood xanuunsanayso waxaad wakiilan kartaa cid kale oo kuu tuurta Jamaraadka.

Intaa waxa xiga inaad Baytka Dawaafto dawaafka loogu yeedho Dawaafka sagootinta sida Nabigeenu leeyahay:-

{ لا ينفر أحد حتى يكون آخر عهده بالبيت } [مسلم]

[Yaanu midkiin tagin illamaayo waxa ugu danbeysaa ee ballantiisu ka ahaato Baytka] [Muslim]

Waxaana laga reebaya arrintaas Dawaafka Sagootiska ruuxa haweenka ah ee heshay dhiig caado ama nifaas ee hore usoo dawaaftay Dawaafkii Xajka.

waxaana muhiim ah inaynu ogaano in dadka qaar ay Dawaafka sagootiska sameeyaan kadibna ay ku laabtaan Mina oo ay Jamaraadkii soo tuuraan, taasi waa khalad sababtoo ah ruuxaasi kamuu yeelin camalkii ugu danbeeyey ee uu qabto Dawaafka Sagootinta ee wuxuu ka dhigay dhagax tuurka.


WD: Abdulaziz Oogle

Xigasho: Fatwooyinkii Shiikh Ibnu Cuthaymiin