Fadliga Ducooyinka

 

Ilaaaha korreeya wuxuu yiri:

{ فَاذْكُرُونِي أَذْكُرْكُمْ وَاشْكُرُواْ لِي وَلاَ تَكْفُرُونِ }

{i xusa aan idin xusee iina mahad celiya oo ha gaaloobina}

{ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اذْكُرُوا اللَّهَ ذِكْراً كَثِيراً}

{Kuwa Ilaahay rumeeyow xusa Ilaahay xus badan}

 { وَالذَّاكِرِينَ اللَّهَ كَثِيراً وَالذَّاكِرَاتِ أَعَدَّ اللَّهُ لَهُم مَّغْفِرَةً وَأَجْراً عَظِيماً}

{iyo nimanka xusa Ilaahay in badan iyo gabdhaha xusa (Ilaahay) waxa Ilaahay u diyaariyey danbi dhaaf iyo abaalgud wayn}

 { وَاذْكُر رَّبَّكَ فِي نَفْسِكَ تَضَرُّعاً وَخِيفَةً وَدُونَ الْجَهْرِ مِنَ الْقَوْلِ بِالْغُدُوِّ وَالآصَالِ وَلاَ تَكُن مِّنَ الْغَافِلِينَ }

{Ku xus rabbigaaga naftaada adigoo khushuucsan oo cabsoonaya oo aan hadal qaylo ahayn  galin hore iyo galin danbe hana kamid noqonin mooganayaasha (ilaaway xuska Ilaahay)}

 

Nabiguna () wuxuu yiri:

“tusaalaha qofka xusaya rabbigiisa iyo ka aan xusaynin rabbigii waa sida qof nool iyo mid dhinta”

Nabiguna () wuxuu yiri:

“ma idiin ka warramayaa camaladiina ka ugu khayrka badan, uguna daahirsan Allaha boqorka ah agtiisa, uguna darajo sarreeya, idiin kana khayr badan inaad bixisaan dahab iyo fidho, idiin kana khayr badan inaad la kulantaan cadawgiina oo aad dishaan ayaguna ay idin dilaan? Waxay dhaheen: haa. Wuxuu yiri: waa xuska Ilaahay.

Nabiguna () wuxuu yiri: Ilaaha korreeya ayaa leh:

“Anigu waxaan ahaaday adoonkaygu wuxuu iga malaysto, waxaan ahay la jirkiisa markuu i xusayo, haduu naftiisa igu xuso waxaan ku xusaa naftayda, haduu igu xuso jamaaco dhexdeedadana waxaan ku xusaa jamaaco ka khayr badan, haduu iisoo dhowaado hal taako waxaan u dhowaadaa dhudhun, haduu dhudhun iisoo dhowaadana waxaan u dhowaada baac, haduu ii yimaado isagoo soconaya waxaan ugu tagaa guclayn (naxariista).

 

Cabdilaahi binu Busri Ilaahay haka raali ahaadee waxa laga wariyey in nin dhahay: rasuulkii Ilaahayow, shareecadii Islaamka ayaa igu fara batay ee ii sheeg arrin aan ku dhago. Wuxuu yiri: “Carrabkaagu yaanu ka tagin inuu ku qoyanaado xuska Ilaahay”

 

Nabiguna () wuxuu yiri:

“Qofkii akhriya xaraf kamida kitaabka Ilaahay wuxuu helayaa xasano, xasanaduna waa toban laab, ma odhanayo: alif laam miim waa xaraf balse alifku waa xaraf, laamkuna waa xaraf, miimkuna waa xaraf.

Cuqbah binu Caamir waxa laga wariyey Ilaahay raali haka ahaadee inuu yiri: “rasuulkii Ilaahay (ﷺ) ayaa soo baxay anagoo Suffada joogna, wuxuuna yiri: “midkiin ma jecelyahay inuu u kallaho (u jarmaado) maalin kasta Budxaan ama Caqiiq oo kasoo qaato laba halaad oo naaxay isagoon danbi galin, qoysna goynin? Waxaanu nidhi: rasuulkii Ilaahayow, waanu jecelnahay. Wuxuu yiri: midkiin miyaanu ku kallahayn xaga masaajidka oo aanu baranayn ama akhriyayn laba aayadood oo kamida kitaabka Ilaaha sharafta leh, taasaa ka khayr badan labada halaad, sadexna waxa ka khayr badan sadex, afarna waxa khayr badan afar, iyo tiradeeda oo geela. (tiro kasta oo geela waxa ka khayr badan aayadahaas).

 

Nabiguna () wuxuu yiri:

 “Qofkii fadhiista meel oo aan ku xusin Ilaahay waxay ku noqonaysa xaga Ilaahay murugo, qofkii jiifsada meel la jiifsado oo aan ku xusin Ilaahay waxay ku noqonaysaa xaga Ilaahay murugo”

 

Nabiguna () wuxuu yiri:

“Qoom ma fadhiistaan meel (haday fadhiistanba) oo aanay ku xusin Ilaahay, oo ayna ku salliyin nabigooda, waxay ku noqonaysaa murugo, haduu doonana wuu ku cadaabi, haduu doonana wuu u dhaafaa”

Nabiguna () wuxuu yiri:

“Qoom majiro ka kacaya meel ay fadhiyeen oo aan ku xusin Ilaahay, waxay u kacayaan sida dameer bakhtiyey, waxayna ku noqon qoomamyo”