Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxa bilaabmaya barnaamij taxane ah oo ka warbixinaya hoyga mu’miniinta ee Aakhiro, waa Jannada Raxmaanka. Ilaahay ha inaga dhigo kuwa ku waara ee xisaab la’aan ku gala. Mowduucyada ugu muhiimsan ee aan kusoo qaadan doono waxa kamida:

  • Waynida Jannada.
  • Dadka uxiisoonaya galida Jannada.
  • Dadkii loogu bishaareeyey Jannada.
  • Madaxda Jannada.
  • Dad u shaqaystay Jannada.
  • Jannada miyey abuurantahay mise waa la abuuri doonaa?
  • Jannadii nabi Aadam joogay ma dhulkay ku taalay mise Jannada Raxmaanka.
  • Noocyada Jannooyinka iyo tiradooda.
  • Magacyada Jannada iyo macnahooda.
  • Qaabka loo galayo Jannada.
  • Sifada Jannada iyo qaab dhismeedkeeda.
  • Sifada dadka ehelka Jannada iyo nicmooyinkooda.
  • Cuntooyinka iyo Cabitaanada Jannada.
  • Guryaha, qolalka iyo qasriyada Jannada.
  • Xuural caynta iyo sifooyinkooda.
  • Caruurta Jannada.
  • Darajooyinka Jannada.
  • Nicmada ugu wayn Jannada.
  • Sideen u toobaad keenaa.
  • Camalada Danbiga lagu tirtiro.
  • Asbaabaha keena in Jannada la galo.