Bisha May shanteeda waxa bilaabmaysa bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Waxaan Ilaahay ka rajaynaynaa inuu nagu gaadhsiiyo nabadqab, caafimaad iyo cibaado suuban. Ramadaan waa bishii Quraanka, waana bishii khayraadka iyo naxariista, waa bishii ay ku jirtay habeenka Laylatu Al-Qadri.