Tusmo

Ducada aragtida bisha Ramadaan:

” الله أكبر ،اللهم أهلِه علينا بالأمن والإيمان ، والسلامة والإسلام ،والتوفيق لما تحب ربنا وترضى ، ربنا وربك الله

“Allahu akbar, allahumma ahilhu calaynaa bil amni wal iimaan, wassalaamata wal islaam, wattwfiiqi limaa tuxibbu rabbanaa wa tardhaa, rabbanaa wa rabbaka allah”

“Ilaahaybaa wayn, Ilaahow ay noogu dhalataa amaan iyo iimaanba, nabadgalyo iyo Islaamnimo, iyo inaad na waafajiso waxaad jeceshahay Rabbigayagow ee aad raalida ka tahay, rabbigayo iyo adiga rabbigaagu waa Allah”

Ducada Marka la afurayo:

Ducada 1aad:

 ذَهبَ الظَّمأُ، وابتلَّت العروقُ وثَبَتَ الأجرُ إنْ شاء الله

“Dahaba aldama’u wabtalati alcuruuqu, wa thabata al-ajru inshaa’Allah”

“Harraadkii wuu tagay, xididadiina way qoyeen, ajirkiina wuu sugmay inshaaAllah”

Ducada 2aad:

 اللهم إني أسألك برحمتك التي وسعت كل شيءٍ أن تغفر لي

“Allahumma innii as’aluka biraxmatika allatii wasicat kulla shay’in an taqfiralii”

“Ilaahow waxaan ku waydiisanayaa naxariistaada deeqday cid kasta inaad iigu danbi dhaafto”

Ducada markaad la afurto cid ku marti qaaday:

  أَفطَر عِنْدَكُم الصائِمونَ ، وأكل طعامَكُمُ الأبْرارُ ، وصلت عليكُمُ الملائِكَةُ 

“Afdara cindakum assaa’imuuna, wa akala dacaamakum al-abraar, wasalat calaykuma al-malaa’ikatu”

“Dadka sooman agtiina haka afuraan, cuntadiinana ha cunaan samofalayaashu, malaa’iktuna ha idiin ducayso”

Hadii adigoo sooman lagu caayo maxaad dhahaysaa?

 إني صائم ، إني صائم 

“Innii saa’im, innii saa’im”

“Waan soomanahay, waan soomanahay”