Ducooyinka hadii aad akhrisato wax ku gaadhaya malaha inshallaha.

Tusmo

Ducada 1aad

 اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ الْبَرَصِ وَالْجُنُونِ وَالْجُذَامِ وَمِنْ سَيِّئْ الْأَسْقَامِ

Allahumma innii acuudu bika mina al-barasi wa al-junuuni wa al-judaami wamin sayyi’il alasqaam.
“Ilaahow waxaan kaa magan galay cudurka Baraska, Waalida, Juudaamka, iyo xanuunada xun.”

Ducada 2aad

 اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ زَوَالِ نِعْمَتِكَ ، وَتَحَوُّلِ عَافِيَتِكَ ، وَفُجَاءَةِ نِقْمَتِكَ ، وَجَمِيعِ سَخَطِكَ

Allahumma innii acuudu bika min sawaali nicmatika, wa taxawuli caafiyatika, wa fujaa’ati niqmatika, wa jamiici sakhadika.

“Ilaahow waxaan kaa magan galayaa in nicmadaadu iga tagto, caafimaadkaaguna iga xawilmo, dhibaataduna igusoo degdegto, iyo dhamaan cadhadaada (wixii keeba).”

Ducada 3aad

بِسْمِ اللَّهِ الَّذِي لَا يَضُرُّ مَعَ اسْمِهِ شَيْءٌ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَهُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ

Bismiillaah alladii laa yadhurru maca ismihii shay’un fil ardhi walaa fi assamaa’i wahuwa assamiicu al-acaliim.

“Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabay kaasoo aan dhibin la jirkiisa wax dhulka iyo samada dhexdoda joogaa, Ilaayna waa maqal badane iyo aqoon badane.”