Ilaahay (swt) ayaa u dardaarmay insaanka inay waalidkood kula dhaqmaan wanaag iyo khayr, xitaa hadii ay yihiin waalid gaal ah, sababtoo ah waalidka xuquuqdiisu aadbay u wayntahay, lamana soo gudi karo. Xuquuqda waalidku leeyahay waxa kamid ah in loo duceeyo noloshooda iyo dhimashadoodaba.

وَاخْفِضْ لَهُمَا جَنَاحَ الذُّلِّ مِنَ الرَّحْمَةِ وَقُل رَّبِّ ارْحَمْهُمَا كَمَا رَبَّيَانِي صَغِيرًا ﴿٢٤

“Una daji garab naxariiseed (u dabacsanow) dhehna, Rabbiyoow ugu naxariiso sidii ay iisoo koriyeen anigoo yar” [Suuratu Al-israa:24]

In loo duceeyo waalidka waxa ina faray Ilaahay (swt), waxaana loogu ducaynayaa duco kasta oo fiican oo Aduun iyo Aakhiraba anfacaysa:

Abuhurayra (I.R.H) markuu hooyadii u gali jiray wuxuu dhihi jiray: “Assalaama Calaykum Hooyo, wa raxmatu Allah wa barakaatuhu, ayaduna waxay dhihi jirtay: Wiilkaygoow, calaykuma salaam wa raxmatu Allahi wa barakaatuhuu. Markaasuu dhihi jiray: Ilaahay hakuu naxariisto Hooyo sidii aad iisoo korisay markaan yaraa, ayaduna waxay dhihi jirtay: adigana Ilaahay hakuu naxariisto sidaad baariga iigu noqotay markaad waynaatay”