Tusmo

Muxuu ku ducaysanayaa qofka ku dhex waswaasa salaada iyo quraanka dhexdiisa?

Wuxuu iska naarayaa shaydaanka sadex jeer, wuxuuna dhinciisa bidixeed ku tufayaa candhuuf yar, isagoo dhahaya:

 أعوذ بالله من الشيطان الرجيم واتفل على يسارك ( ثلاثاً )

Acuudu billahi mina shaydaani arrajiim, kadibna sadex jeer ku tuf dhincaaga bidixeed.

Ilaahay waxaan ka magangalayaa shaydaanka la fogeeyey.

Hadii aad ku jirto salaada dhexdeeda oo aad ku dhex waswaasto waxaad iska naartaa shaydaanka. Kadibna sadex jeer dhinacaaga bidixeed ku tuf. Hadii hareeraha dad kaa xigaan tukanaya, markaa waxaad ku tuftaa cimaamadaada, xijaabkaaga ama marada aad sidato. Tufidu waxa fiican inay qoyaan yar wadato intii qofku awoodo.

Fiiro Gaara: 

Tufidu macnaheedu maaha candhuuf ama xaako inaad tufayso ee hawo yar oo qoyaan yar wadata ayaa looga jeedaa.