Qofka ibnu Aadamka ah wuu danbaabi karaa, waxaana ka dhici kara qalad iyo gafaf badan, hase ahaatee waxa ugu fiican ruuxa Ilaahay usoo laabta ee u toobad keena, markay qalad galaan. Dadka noocaas ah waxa jecel Rabbigood subxaanahu wa tacaala. Hadii aanay dad noocaas ah jiri lahayn, Ilaahay dadka oo dhan wuu halaagi lahaa, wuxuuna abuuran lahaa dad markay danbaabaan isaga usoo laabta.

Hadaba, muxuu samaynayaa ruuxii danbi uu ka dhaco. Nabigii Ilaahay wuxuu yidhi:

” ما من عبدٍ يذنب ذنباً فيحسن الطهور ، ثم يقوم فيصلي ركعتين ، ثم يستغفر الله إلا غفر الله لهُ ” [1]

“Majiro adoon danbaabay oo hagaajiyey waysada, kadibna u kaca salaad oo tukada laba rakcadood, kadibna Ilaahay danbi dhaaf waydiista (haduuba sidaas yeelo) Ilaahay wuxuu u dhaafa danbigii”

Hadii danbi kaa dhaco, kac oo wayso qaado oo sifiican u waysayso kadibna laba rakcadood Ilaahay u tuko. Markaad salaada ka baxdan gacmahaaga hoos dhigo Rabbiga raxmaanka ah oo waydiiso danbi dhaaf. Rabbiga wayn wuu kaa aqbalayaa, waanu kaa dhaafayaa danbigii, xitaa meeshii danbiga lagu qoray waxa laguugu badalayaa xasanaat. Allahu akbar


[1]  أبو داود 2/86 والترمذي 2/257 وصححه الألباني في صحيح أبي داود 1/ 283