Qofka muslimka xaaladihiisa oo dhan waa inuu ku xidhaa Ilaahay subxaanahu wa tacaala, xitaa hadii ay ku dhacdo musiiboo iyo dhibaato waa inuu isku xidhaa Rabbigiisa, hadaba diinta Islaamku waxay inoo sharciyeysay inaynu akhrino ducadan kolka musiibo ina asiibto:

عنأم سلمة زوج النبي صلى الله عليه وسلم تقول سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول ما من عبد تصيبه مصيبة فيقول إنا لله وإنا إليه راجعون اللهم أجرني في مصيبتي وأخلف لي خيرا منها إلا أجره الله في مصيبته وأخلف له خيرا منها قالت فلما توفي أبو سلمة قلت كما أمرني رسول الله صلى الله عليه وسلم فأخلف الله لي خيرا منه رسول الله صلى الله عليه وسلم

Waxa lagasoo wariyey Umu Salama oo ahayd xaaskii Rasuulka (scw) inay tidhi: waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Majiro adoon ay asiibto musiibo oo dhaha: (Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun,)Ilaahow iga abaalmari musiibadayda, iiguna badal wax ka khayr badan) haduu sidaas dhaho Ilaahay wuu ka abaalmariyaa musiibadiisa, wuxuuna ugu badalaa wax ka khayrbadan” Waxay tidhi: Markuu dhintay Abasalamada, ayaan ku ducaystay siduu Rasuulkii Ilaahay ifaray, markaasuu Ilaahayna wax ka khayr badan iigu badalay oo ah Rasuulkii Ilaahay (scw).  [Muslim: 918 ]