Hadii ay dhacdo wax aanad raali ka ahayn ama musibo aanad filanayn ay timaado, waxaad ku ducaysanayaa sidan:

 “ قدر الله وما شاء فعل “

Qadaru Allahi wamaa shaa’a facal

Ilaahaybaa qadaray, wixii uu doonaybaana dhacay.

Marka arrimaha aduunyo kugu adkaadaan ama laga adkaado, waxaad dhahanaysaa:

 ” حسبي الله ونعم الوكيل “

Xasbiya Allahu wanicma alwakiil

Ilaahaybaa nagu filan, isagaana u fiican wakiil.

Dadka sidaas ku ducaysta marka laga bajiyo ama la cabsi galiyo, waxa raali ka noqda Ilaahay (swt).

الَّذِينَ قَالَ لَهُمُ النَّاسُ إِنَّ النَّاسَ قَدْ جَمَعُوا لَكُمْ فَاخْشَوْهُمْ فَزَادَهُمْ إِيمَانًا وَقَالُوا حَسْبُنَا اللَّـهُ وَنِعْمَ الْوَكِيلُ ﴿١٧٣﴾

Kuwa ay dadku (gaaladu) ku dhaheen dadkiibaa idiin kulmay ee ka cabsada, ee ay u siyaadiso iimaan ee dhaha Ilaahaybaanagu filan isagaana u fiican wakiil [Suuratu Alcimraan:173]