Bismillah:

Ducadan waa duco uu Rasuulkii Ilaahay (scw) ina baray oo lagag baxayo faqriga inshallah, sidoo kalena kordhinaysa irsaaqada iyo ladnaanta, waxa laga soo wariyey Rasuulkii Ilaahay xadiiskan:

جاء أعرابي إلى النبي صلى الله عليه وسلم فشكا إليه الجوع ، قال : فدخل النبي صلى الله عليه وسلم إلى بيوته ثم خرج فقال : ما وجدت لك في بيوت آل محمد شيئا ، قال : فبينما هو كذلك إذ جاءته شاة مصلية ، وقال الآخر جاءته قصعة من ثريد ، فوضعت بين يدي الأعرابي ، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : اطعم ، قال : فأكل ، فقال : يا رسول الله أصابني الذي أصابني ، فرزقني الله على يديك ، أفرأيت إن أصابني ، وأنا لست عندك ، فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : قل : اللهم إني أسألك من فضلك ورحمتك ، فإنه لا يملكهما إلا أنت ، فإن الله رازقك 

Nin reer baadiye ahaa ayaa u yimid Rasuulkii Ilaahay (scw), wuxuuna uga cawday gaajo, wuxuu yiri: wuxuu nabigu (scw) galay guryihiisii, markaasuu kasoo baxay, wuxuuna dhahay: “Waxba kaagamaan helin guryaha reer Muxamed” wuxuu yiri: Isagoo xaaladaas ku sugan ayaa waxa loo keenay lax la dubay. Qofka kalena wuxuu dhahay: waxa u timid weel ay ku jirto hilib iyo sabaayad (kimis), waxaana la hor dhigay ninkii reer baadiyaha ahaa, markaasuu Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “cun”, wuxuu yiri: wuu cunay, markaasuu dhahay: Rasuulkii Ilaahow, waad aragtay waxan i asiibay, markaasuu Ilaahayna gacmahaaga igu quudiyey, ee ka waran hadii ay i asiibto (baahi) anigoon kula joogin? markaasuu Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: “Waxaad tidhaahdaa: Ilaahow waxaan ku waydiistay fadligaaga (dheeraadkaaga) iyo naxariistaada, maxaa yeelay cid mulkigeeda leh majirto adiga mooyee, sidaas ayuu Ilaahay kugu arzaaqayaa”

[(Musanaf ibnu Abishaybah, juzka 7 aad, bogga 94aad) (waxaana saxiixiyey Sheekh Albaani, silsilada axaadiista saxiixa ah, lanbarka 1543 )]

Hadaba ducada Irsaaqada furaysa ee awdaysa faqrigu waa ducadan, ee ku celceli oo Ilaahay ku bari, inshallah Ilaahay wuu kaa aqbalayaa, waanu kaa dulqaadayaa faqriga iyo baahidabee.

” اللهم إني أسألك من فضلك ورحمتك، فإنه لا يملكها إلا أنت “

“Ilaahow waxaan ku waydiistay fadligaaga (dheeraadkaaga) iyo naxariistaada, maxaa yeelay cid mulkigeeda leh majirto adiga mooyee”