Caruurtu waa irsaaqada Ilaahay bixiyo oo uu siiyo ciduu doono. Waalidkuna waxay ku dadaalaan in ubadkooda aan wax dhibaato ah soo gaadhin. Sidaas darteed waxa rasuulkii Ilaahay (scw) ina barayaa in caruurta aan u dacayno si aynu uga ilaalino wixii dhibaya:

 كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يعوذ الحسن والحسين ” أعيذكما بكلمات الله التامة ، من كل شيطان وهامة ، ومن كل عينِ لامة “

Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu ahaa mid ugu duceeya Xasan iyo Xuseen: “Waxaan idiin magan galayaan kalimaadka Ilaahay ee dhamayska tiran, (waxaan ka magan galayaa) shaydaankasta, bahal hoose (masaska sunta leh) iyo ilkasta oo dhib leh (cawrida)” [Bukhaari: 3191 ]

Ducadan ayadoo kooban waa sidan:

أعيذكما بكلمات الله التامة ، من كل شيطان وهامة ، ومن كل عينِ لامة

Acuudikumaa  bikalimaati Allahi al-taammati, min kulli shaydaanin wa haammati, wamin kulli caynin laammati

Waxaan idiin magan galayaan kalimaadka Ilaahay ee dhamayska tiran, (waxaan ka magan galayaa) shaydaankasta, bahal hoose (masaska sunta leh) iyo ilkasta oo dhib leh (cawrida)”