Tusmo

Xaaladii Diimeed ee Carabta:

Dadkii carbeed ee deganaa magaalada Makkah, waxay haysteen diintii nabi Ibraahiim ee tawxiidka, hase ahaatee waxa ku dheeraatay waqtigii, kadibna waxa dhacay arrin layaab lahayd.

Nin la odhan jirey Camr Ibnu Luxay ayaa ka safray magaalada Makkah, wuxuuna aaday dhulka Shaam (Suuriya, Urdun iyo Falastiin), markuu gaadhay magaalada Balqaa ayuu  arkay qoom caabudaya sanamyo, waanu la cajabay.

Waraysi kadib, wuxuu go’aansaday inuu qaato sanamka, geeyana magaalada Makkah oo waqtigaa diinta tawxiidka haystay. Markuu Magalada la soo galay ayey u yimaadeen carabtii reer Makkah oo ay waydiiyeen sanamka, wuxuuna ugu jawaabay in sanamkani uu keeno roobka, una gargaaro dadka, lana talo saarto.

Carabtii wax dhiba umaysan arag ee way ajiibeen ayagoo u dhago nugul, waxayna u arkayeen bidco wanaagsan. Kadibna waxay samaysteen sanamyo badan oo loo yeelay awoodo kala duwan, sida inay keenaan roobka, badiyaan irsaaqada, tarmiyaan ubadka iyo inay difaacaan dhibka ku soo wajahan  reer Qureesheed.

Magaalada Makkah oo kacbadu ku taalo ayaa loo soo xaj tagi jirey (xajkii jaahiliga), ayadoo meelo dhaadheer looga iman jirey. Sikastaba ha ahaatee, xajkaas ayaa ahaa raadadkii ka sii hadhay diintii nabi Ismaaciil (scw).

Reer Makkah waxay badaleen talbiyada xajka oo ahayd ( لبيك  اللهم لبيك لبيك لاشريك لك لبيك) oo macnaheedu yahay ( Ilaahow waan ku ajiibay anoon cidna kula lamaanaynayn). Waxay ku dareen Lamaane kale oo Ilaahay la wadaaga xukunka, Ilaahaybaan ka magan galnaye.

Carabtii waxay isu badaleen mushrikiin, wayna ka gaaloobeen diintii nabi Ibraahiim iyo nabi Ismaaciil, naxariis iyo nabadgalyo korkooda ha ahaatee.

Sanamyadii Makkah yaalay.

Sida la soo warinayo nin iyo gabadh la dhaho Isaaf iyo Naa’ilah ayaa xumaan ku sameeyey Kacbada, kadibna way isku dhageen oo isu badaleen dhagax, waxa loo nasakhay si loogu cibro qaato laakiin caqligoodii wuxuu siiyey in la caabudo oo xoolo loo gawraco labadii dhagax, waxayna moodeen inay u shafeeco qaadayaan.

Carabtii reer Qureesheed waxay xoolo u gawrici jireen sanamyada, ayagoo aaminsanaa in loogu dhowaanayo Ilaahay. Waxayna dhihi jireen; xooluhu waa mid Ilaahay loogu talogalay, iyo mid sanamyada loogu talogalay. Sikastaba ha ahaatee, Ilaahay isagoo ka jawaabaya ayuu ku leeyahay Quranka.

وَجَعَلُوا لِلَّـهِ مِمَّا ذَرَأَ مِنَ الْحَرْثِ وَالْأَنْعَامِ نَصِيبًا فَقَالُوا هَـٰذَا لِلَّـهِ بِزَعْمِهِمْ وَهَـٰذَا لِشُرَكَائِنَا ۖ فَمَا كَانَ لِشُرَكَائِهِمْ فَلَا يَصِلُ إِلَى اللَّـهِ ۖ وَمَا كَانَ لِلَّـهِ فَهُوَ يَصِلُ إِلَىٰ شُرَكَائِهِمْ ۗ سَاءَ مَا يَحْكُمُونَ ﴿١٣٦﴾

“Waxay uga yeeleen Ilaahay wuxuu abuuray oo beero iyo xoola ah qayb, waxayna dhaheen kan Ilaahaybaa iska leh sheegashadooda kanna waxa iska leh shurukadayada (sanamyda) waxa sanamyadu ma gaadho Ilaahay, waxa Ilaahayna wuxuu gaadhaa sanamyadooda waxaa xun waxay xukumeen” [1]

Sidoo kale waxay dhiseen  guryo lagu dawaafo,  ayagoo baal maraya kacbada iyo baytka Ilaahay ee sharafta leh.

Sanamyadii ugu caansanaa waxa ka mid ah.

  1. Sanamka Laata waxa lahayd qabiilka reer Thaqiif, waana loo safri jirey.
  2. Sanamka Manaata waxa lahaa Aws iyo khasraj ee magaalada Yathrib ( Madiina) daganaa.
  3. Sanamka Cuza wuxuu yaalley Mandaqada Nakhla.

Reer Qureesheed way baasaysanjireen, markay safrayaan waxay cirka ku sii daynjireen shinbir, kadibna waxay u dhaqaaqi jireen dhanka ay shinbirtu u duusho. Sidoo kale waxay ka baasaysanjireen dumarka, magacyada dadka, codadka iyo maalmaha.

Waxaa batay waqtiqaas sixiroolayaasha, faaliyayaasha, xidigiyaha iyo kuhanada. Haday dagaan meel wabiya waxay ka magan gali jireen shaydaanka, halkii ay ahayd in la magangalo Rabbiga wayn, waxayna dhihi jireen: waxaan magangalaynaa boqorka wabigan (Shaydaanka).

 

Kacbada waxa ku sawirnaan jiray sawir nabi Ibraahim iyo wiilkiisii nabi Ismaaciil (scw) markii nabi Ibraahim gawaracayey wiilkiisa Ismaaciil.

Waxa caan dhexdooda ka ahayd in xoolo loosii daayo sanamyada oo ay mamnuuc tahay in laga intifaacsado, sida in la fuulo, la cuno ama la cabo caanahooda.


[1] Suuratu Al-ancaam: 136