Tusmo

Waa maxay Ishu ama Cawridu?

Cawrida ama ishu waa leeb uu soo gano ruuxa xaasidka ah, taasoo mararka qaarkood asiibta ama ku dhacda qofkii la ileeyey ama la cawryey.

Hadii ruuxa muslimka ah akhristay ducooyinka iyo aayadaha kaa xijaabaya cawrida iyo sixirkaba markaa ishii kuma dhacayso, waxaana suurtagal ah in cidii wax ileynaysay inay dib ugu laabato.

Maadaama cida wax ileysa ama cawrida ay yihiin xaasid, waxa Ilaahay ina faray inaan isaga ka magangalno sharka xaasidka, markuu wax xaasidayo.

Daliilada Isha:

Cawrida ama ishu waxa lagu xusay dhibkooda kitaabka Quraanka iyo sunnada nabiga (scw). Waxaana la faray muslimiintu inay Rabbigooda ka magangalaan oo ay kaalmo waydiistaan isaga. Waxa Ilaahay Quraankiisa ku dhahay:

وَإِن يَكَادُ الَّذِينَ كَفَرُوا لَيُزْلِقُونَكَ بِأَبْصَارِهِمْ لَمَّا سَمِعُوا الذِّكْرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُ لَمَجْنُونٌ ﴿٥١

Waxay u dhow yihiin kuwii gaaloobay inay daymada kugu lagdaan (ku cawryaan) markay maqlaan Qur’aanka, waxayna dhahaan waa waalan yahay (Nabigu). [Suuratu Qalam:51]

Aayadani waxay daliil u tahay in ishu wax jira ay tahay oo gaaladii carbeed isku dayeen inay cawryaan nabiga (scw), kadib markii ay maqleen Quraanka. Taasoo ina tusinaysa inay ahaayeen qoom xaasidayey nicmada Ilaahay kusoo dajiyey Rasuulkiisa (scw).

عن عائشة رضي الله عنها قالت أمرني رسول الله صلى الله عليه وسلم أو أمر أن يسترقى من العين

Caasha Ilaahay raali haka ahaadee waxa lagasoo wariyey inay tidhi: “Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa i faray ama dadka faray inay iska tufaan (ruqyo) isha” [Bukhaari:5406]

Sidoo kale waxa Rasuulka laga soo wariyey:

عن أسماء بنت عميس أنها قالت : يا رسول الله ، إن بني جعفر تصيبهم العين ، أفنسترقي لهم ؟ ، قال : نعم ، فلو كان شيء سابق القدر لسبقته العين

Asmaa bintu Cumays waxa laga soo wariyey inay tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, ubadka Jacfar waxa asiibaya il, ee ma ku tufi karnaa (ruqyada) wuxuu yidhi: “Haa. Hadii shay ka hormari lahaa qadarka, waxa ka dheerayn lahayd isha.” [Tirmadi: 2059, waxaana saxiixiyey Tirmadi]

Daliiladaas Quraanka iyo sunnada nabiga ah waxay inoo cadaynayaan in ishu tahay wax jira oo asiibi karta aadamaha, sidoo kalena la iska cilaajin karo, ayadoo lagu cilaajinayo wadada saxda ah ee Rasuulkeenu (scw) ina faray.

Calaamadaha Isha:

Dadka ka shaqeeya ruqyada sharciga waafaqsan waxay sheegaan inay jirto calaamado ama astaamo lagu garto in qofkaas ay hayso il ama jin. Dabcan calaamadaahasi waa kuwo malo u dhow, waana kuwo is badali kara, mararka qaarna kordhi kara ama nuqsaami kara.

Waxa Sheekh Cabdicaziiz Sadxaan uu dhahay: Calaamadaha isha waxay noqdaan, hadii aan qofka xanuun jidheed aanu haynin:

  1. Madax xanuun, guurguura.
  2. Dhidid badan iyo kaadi badan.
  3. Wajiga oo jaale noqda.
  4. Amateedka oo yaraada.
  5. Faraha oo cuncuna ama laga dareemo kulayl ama qabow.
  6. Dhabar xanuun (u guura garbaha ilaa dhabarka qeybtiisa danbe)
  7. Murugo iyo cidhiidhi laabta ah.
  8. Habeenkii oo uu dhidido.
  9. Cabsi aan dabiici ahayn.
  10. Wadno garaacis.
  11. Hamaansi badan.
  12. Qofkoo jeclaada inuu kali noqdo.
  13. Caajisnimo iyo wahsi.
  14. Hurdo badan.
  15. Mushkilado dhanka caafimaadka ah oo aan la garanayn.

Cilaajka Isha la garanayo cidii wax cawriday:

Hadii la garanayo cidii ishu ka dhacday ama looga shakiyo cid gaara, waxa laga codsanayaa inuu qubaysto oo biyihii uu ku qubaystay lagu shubo ruuxii bukaanka ahaa. Waxaana u daliila qisadii Sahal ibnu Xaniif markii la ileeyey.

وأخرج الإمام أحمد ( 15550 ) ومالك ( 1811 ) والنسائي وابن حبان وصححه الألباني في المشكاة ( 4562 )

عن سهل بن حنيف أن النبي صلى الله عليه وسلم خرج وسار معه نحو مكة حتى إذا كانوا بشعب الخرار ( اسم موضع ) من الجحفة اغتسل سهل بن حنيف وكان رجلا أبيض حسن الجسم والجلد فنظر إليه عامر بن ربيعة أحد بني عدي بن كعب وهو يغتسل فقال : ما رأيت كاليوم ولا جلد مخبأة ، فلبط سهل ، فأتي رسول الله صلى الله عليه وسلم ، فقيل : يا رسول الله ، هل لك في سهل والله ما يرفع رأسه ، قال : هل تتهمون فيه من أحد ؟ ، قالوا : نظر إليه عامر بن ربيعة ، فدعا رسول الله صلى الله عليه وسلم عامرا فتغيظ عليه ، وقال : علام يقتل أحدكم أخاه ، هلا إذا رأيت ما يعجبك برَّكت ، ثم قال له : اغتسل له ، فغسل وجهه ويديه ومرفقيه وركبتيه وأطراف رجليه وداخلة إزاره في قدح ثم صب ذلك الماء عليه يصبه رجل على رأسه وظهره من خلفه ثم يكفأ القدح وراءه ، ففعل به ذلك ، فراح سهل مع الناس ليس به بأس .

Waxa uu soo saaray Imaamu Axmed (15550), Maalik (1811), Nisaa’i, ibnu Xabbaan oo uu ku saxiixiyey Albaanina Mihkaatka (4562).

Waxa Sahal ibnu Xaniif laga wariyey in nabigu (scw) baxay oo uuna raacay, isagoo ku socda xagaas iyo Makkah, markii ay marayeen meesha la dhaho (Shacab Al-kharaar) oo Juxfa ku taala, ayaa Sahal ibnu Xaniif qubaystay, wuxuuna ahaa nin cad oo jidhkiisu qurxoonyahay, waxaana eegay Caamir ibnu Rabiica oo kamid ahaa reer Cadiyy ibnu Kacab, markaasuu dhahay: Maanta oo kale maan arkin, jidh la qariyey. Markaasuu Sahal suuxay, waxaana loo keenay Rasuulkii ilaahay (scw), waxaana lagu yidhi: Rasuulkii Ilaahayow: Maad soo fiirisid Sahal, Ilaahbaan ku dhaartaye madaxaba muu qaadine. Wuxuu dhahay: “Miyaad cid ku tuhmaysaan?” Waxay dhaheen: waxa eegay Caamir ibnu Fahiira. Markaasuu nabigu (scw) u yeedhay Caamir, waanu u cadhooday, wuxuuna yidhi: “Muxuu midkiin udilayaa walaalkiis? Oo markaad aragtay wax aad la cajabto maad barkaysid (Taabaraka Allah),” kadibna wuxuu dhahay: U qubayso, wuxuu dhaqay wajigiisa, labadiisa gacmood, labadiisa suxul, labadiisa jilbood, faraha lugihiisa, iyo guntintiisa (meesha macawista laga xidho), wuxuuna ku shubay weel, kadibna biyihii ayaa korka lagaga shubay, ninbaa madaxa korkiisa kaga shubaya iyo dhabarkiisab kadibna weelka ayuu ku foorarinayaa, sidaasbaa lagu sameeyey, Sahalna dadkii ayuu raacay isagoo wax dhiba aan qabin.

Sida inooga cad xadiiskan, hadii la garanayo cidii wax ileysay waa inay qubaysataa oo biyihaas uu ku qubaystay lagu shubaa ruuxii bukaanka ahaa.

Cilaajka hadii aan la garanayn cidii wax cawriday:

Hadii aan la garanayn cidii ishu ka dhacday, markaa waxa lagula tacaalayaa ruqyada sharciga ah ee nabigu (scw) ina faray in la isku tufo, taasoo isugu jirta aayado Quraanka Kariimka ah iyo ducooyin. Waxaana muhiima in qofka bukaanka ah uu isku tufo isagu, taasbaa ka wanaagsan inuu aado cilaaj.

Ruqyada aad isku tufayso waxa kamida:

  • Akhrinta Suuratu Al-faatixa.
  • Mucawidaatka, (suuratu al-ikhlaas, falaq iyo naas)
  • Aayada Kursida.
  • Sadexda aayadood ee u danbeeya suuratu Al-baqarah.
  • Ducooyinka sharka lagaga magan galo Ilaahay.

Qeybta labaad ee maqaalka ka akhriso ama dhagayso ruqyada sharciga waafaqsan.

Fiiro Gaara:

Waxaan qof kasta oo muslima kula talinaynaa inuu iska ilaaliyo dadka cilaajyada furtay oo uuna iska hubsado, sababtoo ah waxa xilliyadan soo batay dad sixiroolayaala oo cilaajkooda ku qorta (Ruqyada Sharciga ah). Si aad dhibkaas uga badbaado, waxaad adigu isku tuftaa quraanka Ilaahay iyo ducooyinka saxiixa ah ee ka sugan Rasuulkeena (scw).

Adiga ayaa ah qofka ugu wanaagsan ee dhibtaada og, sidaas darteed Ilaahay gacmahaaga hoorso oo baryootan, waxaadna waydiisata caafimaad iyo shifo degdeg ah. Hadii aad ka maarmi waydo inaad cilaaj tagto, waxaad aadaa qof diintiisa lagu kalsoonyahay oo Alle ka cabsanaya, walibana iska hubso qaabka uu quraanka u akhrinayo, iyo waxyaalaha uu adeegsanayo. Ilaahay xaqa hana waafajiyo, ruux kasta oo buka Ilaahay caafimaad taama Alle ha siiyo.


Waxa Qoray Abdulaziz Mohamed Oogle