Tusmo

Calaamadaha Sixiroolaha lagu yaqaano:

Sixiroolaha waxa lagu yaqaana dhawr calaamadood oo ka muuqda, waxaana ugu muhiimsan inuu sheegto ama ay sheegato cilmiga qaybka, xitaa hadii aanu ku dhawaaqin.

  1. Waxaad arkaysaa sixirooluhu isagoo ka warramaya waxyaalo qeybka kamida, oo u badan been, laga yaabaa mararka qaarkood inay run noqotaba, laakiin beentooda ayaa badan.
  2. Waxaana ku yar daacada Ilaahay iyo inay ku toosan yihiin diinta Ilaahay.
  3. Waxa badanaa lagu yaqaana beenta, dumarka oo ay la kali noqdaan iyo dumarka oo ay taabtaabtaan.
  4. Waxa kale oo lagu yaqaanaa su’aalaha ay dadka waydiiyaan sida magaca hooyada.
  5. Waxay dadka ka dalbadaan inay keenaan waxyaalo ruuxa xanuusanayaa uu leeyahay, sida timo, cidiyo ama sawir.
  6. Waxa kale oo ku badan uunsiga iyo cadaro urtoodu aan la aqoon.
  7. Kitaabka Ilaahay ayey ku cayaaraan ayagoo ku masaxa nijaaso ama dhiiga xaydka.
  8. Waxay dadka ka codsadaan in Ilaahay cid aan ahayn in wax loo gawraco sida digaagad/dooro iwm.
  9. Waxay gashtaan kaatun ama fargal aad u wayn.
  10. Waxa kale oo aad maqlaysaa codkooda oo gaaban ayagoo ku hadlaya hadalo aanad hadda kahor maqlin.
  11. Markay janaaboobaan kama qubaystaan janaabada.
  12. Waxay adeegsadaan qoraalo, sawiro iyo qardhaas ama xirsi xidh wax ku qoranyihiin.
  13. Waxay akhrin karaan bilowgii aayado Quraanka kamida, si ay dadka ugu qaldaan.

Hadii aad ku aragto calaamadahaas ka digtoonow, hana u tagin oo ha waydiisanin cilaaj ama daawo, ugana dig dadka kale ee aan aqoonta u lahayn si loo ogaado arrinkiisa.

Ilaahay hanaga badbaadiyo sharkooda iyo dhagarta ay dadka u maleegaan