Xadiiska 130 aad

 حَدَّثَنَا مُحَمَّدُ بْنُ سَلاَمٍ، قَالَ أَخْبَرَنَا أَبُو مُعَاوِيَةَ، قَالَ حَدَّثَنَا هِشَامٌ، عَنْ أَبِيهِ، عَنْ زَيْنَبَ ابْنَةِ أُمِّ سَلَمَةَ، عَنْ أُمِّ سَلَمَةَ، قَالَتْ جَاءَتْ أُمُّ سُلَيْمٍ إِلَى رَسُولِ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم فَقَالَتْ يَا رَسُولَ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ لاَ يَسْتَحْيِي مِنَ الْحَقِّ، فَهَلْ عَلَى الْمَرْأَةِ مِنْ غُسْلٍ إِذَا احْتَلَمَتْ قَالَ النَّبِيُّ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ إِذَا رَأَتِ الْمَاءَ ‏“‏‏.‏ فَغَطَّتْ أُمُّ سَلَمَةَ ـ تَعْنِي وَجْهَهَا ـ وَقَالَتْ يَا رَسُولَ اللَّهِ وَتَحْتَلِمُ الْمَرْأَةُ قَالَ ‏”‏ نَعَمْ تَرِبَتْ يَمِينُكِ فَبِمَ يُشْبِهُهَا وَلَدُهَا 

Ummu-Salama waxa laga wariyey inay Ummu-saliim u timid Rasuulka (N.N.K.H) kuna tidhi: Rasuulkii Ilaahayow, Ilaahay kama xishoodo xaqqa, miyey ruuxa dumarka ah ku waajibtay qubays hadii ay riyooto? Nabigu wuxuu yidhi (N.N.K.H): hadii ay aragto biyo. Wxayna Ummu-salama wajigeedii (xishootay) oo tidhi: Rasuulkii Ilaahayow miyey riyoota gabadhu? Wuxuu yidhi: haa, gacantaadu boodhowdaye, oo muxuu ilmaheedu ugu eekaadaa!

 

 

Xadiiska 131 aad

حَدَّثَنَا إِسْمَاعِيلُ، قَالَ حَدَّثَنِي مَالِكٌ، عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ دِينَارٍ، عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ، أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ ‏”‏ إِنَّ مِنَ الشَّجَرِ شَجَرَةً لاَ يَسْقُطُ وَرَقُهَا، وَهِيَ مَثَلُ الْمُسْلِمِ، حَدِّثُونِي مَا هِيَ ‏”‏‏.‏ فَوَقَعَ النَّاسُ فِي شَجَرِ الْبَادِيَةِ، وَوَقَعَ فِي نَفْسِي أَنَّهَا النَّخْلَةُ‏.‏ قَالَ عَبْدُ اللَّهِ فَاسْتَحْيَيْتُ‏.‏ فَقَالُوا يَا رَسُولَ اللَّهِ، أَخْبِرْنَا بِهَا‏.‏ فَقَالَ رَسُولُ اللَّهِ صلى الله عليه وسلم ‏”‏ هِيَ النَّخْلَةُ ‏”‏‏.‏ قَالَ عَبْدُ اللَّهِ فَحَدَّثْتُ أَبِي بِمَا وَقَعَ فِي نَفْسِي فَقَالَ لأَنْ تَكُونَ قُلْتَهَا أَحَبُّ إِلَىَّ مِنْ أَنْ يَكُونَ لِي كَذَا وَكَذَا 

Ibnu Cumar waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) inuu dhahahay: dhirta waxa kamid ah geed aanay caleenteedu dhicin, oo la mid ah Muslimka, ee ii warrama waa geedkee? Dadkii waxay ku daateen dhirta baadiyaha, waxaana naftayda kusoo dhacday Timirta, wuxuu yidhi Cabdillaahi: waan xishooday. Waxay dhaheen Rasuulkii Ilaahayow, nooga warran? Wuxuu yidhi Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H): waa timirta.

Cabdillaahi wuxuu yidhi: waxaan uga warramay aabahay wixii igu soo dhacay naftayda, wuxuuna yidhi: inaad tidhaahdo ayaan ka jeclaan lahaa waxaas iyo waxaas.