Su’aal:

Waa maxay axkaamta ilmaha dhiciska ah ee soo dhaca isagoo uurka ku jira? Miyaa la kafmayaa oo lagu tukanayaa? Maloo walqalayaa mase loo bixinayaa magac?

Jawaab:

Ugu horeyn waalidka uu ka dhinto ilmo yar oo dhicisa ama ilmo yar oo aan qaangaadhin, ee u samra ama u adkaysta musiibadaas ku habsatay, waxa Ilaahay guri uga dhisaa Jannada.

( إِذَا ماتَ ولدُ العَبْدِ ، قالَ اللهُ لمَلائِكَتِهِ : قَبَضْتُمْ وَلَدَ عَبْدِي ؟ فَيَقُولُونَ : نَعَمْ . فَيَقُولُ : قَبَضْتُم ثَمَرَةَ فُؤَادِهِ ؟ فَيَقُولُونَ : نَعَمْ . فَيَقُولُ : مَاْذَا قالَ عَبْدِيْ ؟ فَيَقُولُونَ : حَمِدَكَ وَاسْتَرْجَعَ . فَيَقُولُ اللّهُ : ابْنُوا لِعَبْدِيْ بَيْتًا فِيْ الجَنَّةِ , وَسَمُّوهُ بيتَ الحَمْدِ ) رواه الترمذي (1021) وحسنه الألباني في صحيح الترمذي

“Hadii adoonka ilmo ka dhinto, Ilaahay ayaa Malaa’iktiisa ku dhaha: Ma waxaad qabateen (oofsateen) ilmihii adoonkayga? waxay dhahaan: Haa. wuxuu dhahaa: Ma waxaad qabateen qalbigiisa? Waxay dhahaan: Haa. wuxuu dhahaa: Muxuu adoonkaygu yidhi (sameeyey)? Waxay dhahaan: wuu kuu mahadceliyey waanu istirjaacsaday (inaanlilaah wa inaa ilayhi raajicuun ayuu yidhi) wuxuu Ilaahay dhahaa: Adoonkayga guri jannada uga dhisa, una bixiya guriga mahadnaqa”

Sidoo kale ilmaha dhiciska ah wuxuu hooyadii u jiiday Jannada:

( وَالَّذِيْ نَفْسِيْ بِيَدِهِ إِنَّ السِّقْطَ لَيَجُرُّ أُمَّهُ بِسَرَرِهِ إِلَىْ الجَنَّةِ إِذَا احْتَسَبَتْهُ ) رواه ابن ماجه (1609)

“Kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee ilmaha dhiciska ah wuxuu hooyadii xundurteeda ugu jiida xaga Jannada, hadii ay Ilaahay uga ajir dalbato” Xadiiskan waa la isku khilaafay sugnaanshihiisa, culumada qaar way daciifiyeen, kuwo kalena way saxiixiyeen sida Albaani oo ku saxiixiyey saxiixa ibnu Maajah.

  • Xukunka 1aad:

Culumadu waxay isku waafaqeen hadii ilmaha soo dhacay la arko inuu noolaa oo uuna ooyey ama hadlay, waa in la dhaqo maydkiisa lana kafmo, laguna tukado. [1]

Kafantiisuna waa sida qofka wayn oo kale, sadex maro ayaa lagu kafmayaa.

  • Xukunka 2aad:

Hadii ilmuhu soo dhacay isagooo ka wayn afar bilood, oo lagu afuufay ruuxdii, markaa waa la isku khilaafay. Waxaana jira laba qawl ama laba aragtiyood.

Ta koowaad: Haa, waa lagu tukanayaa waana la dhaqayaa hadii ilmuhu ka waynyahay afar bilood, waxayna daliishadeen xadiiska nabiga (scw) ee marka ilmuhu sadex afartaana uu ku jiro caloosha hooyadii ayaa lagu afuufa ruuxda. Marba hadii ruuxda lagu afuufay wuxuu qaadanayaa xukunka qof nool oo kale.

Ta labaad: Maya, laguma tukanayo lamana dhaqayo sababtoo xadiiskii nabiga (scw) wuxuu ahaa haduu dhasho isagoo dhawaaqaya ku tukada:

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِذَا اسْتَهَلَّ الصَّبِيُّ صُلِّيَ عَلَيْهِ وَوُرِثَ

Jaabir ibnu Cabdilaahi waxa laga wariyey inuu yidhi: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu dhahay: Haduu dhawaaqo ilmuhu ku tukada, waanu dhaxlayaa.

Wuxuu dhahay: Abu Xuseyn Alcimraani ee iska leha kitaab ( البيان) ee madhabka Imaamu Shaafici: sidaasbaana saxa, waana sid ay dhaheen Maalik iyo Abuxaniifa, Ilaahay ha unaxariistee.

  • Xukunka 3aad:

Hadii uu ka yaryahay afar bilood, laguma tukanayo, lamana dhaqayo, lamana kafmayo ee waxa lagu duudabayaa maro kadibna waa la aasayaa. Sababtoo ah naftii laguma afuufin.

  • Xukunka 4aad:

Magac maloo bixinayaa? Maloo walqalayaa?

Wuxuu yidhi Sh Ibnu Baaz:

إذا كان الجنين سقط قبل أربعة أشهر، فلا يسمى وليس له عقيقة، إنما العقيقة والتسمية لمن سقط في الخامس أو بعده ممن نفخ فيه الروح؛ لأنه يكون آدمياً له حكم الأفراط، فيذبح عنه ويسمى ويغسل ويصلى عليه إذا سقط في الخامس فما بعده بعد نفخ الروح فيه.

Hadii ilmuhu soo dhacay afar bilood kahor, waxba magac looma bixinayo, loomana walqalayo, magaca iyo walqalka waxa iska leh ilmaha kusoo dhacay shan bilood iyo wixii ka danbeeya ee lagu afuufay ruuxda, maxaa yeelay waa aadame, xukunkiisuna waa xukunka caruurta yaryar ee dhimata, waa loo walqalayaa, magacna waa loo bixinayaa, waana la dhaqayaa, waana lagu tukanayaa haduu soo dhaco shan bilood isagoo ah.[2]


 

[1] نقل الإجماع ابن المنذر وابن قدامة في “المغني” (2/328) والكاساني في “بدائع الصنائع” (1/302) .

[2] https://binbaz.org.sa/fatwas/9433/%D9%85%D9%86-%D8%A7%D8%AD%D9%83%D8%A7%D9%85-%D8%A7%D9%84%D8%B3%D9%82%D8%B7