Abubakar sidiiq Ilaahay haka raali ahaadee wuxuu ahaa nin magac iyo maamuus ku leh reer Qureesheed agtooda xilligii jaahiliga ama islaamnimada kahor, wuxuu reer Qureesheed u qaabilsanaa inuu soo ururiyo diyooyinka ama magaha, isagoo jilibkasta oo reer Qureesh ah ka ururin jiray, waana loo hogaansami jiray marka Abubakar diyooyinka ururinayo.

Abubakar wuxuu ku caan baxay xilligii jaahiliga aqoonta nasabka ama abtirsiinta, taasoo uu macalin ku ahaa, waxa wax ka bartay Caqiil binu Abudaalib oo ahaa culumada ugu waawayn ee loo dabo fadhiisto abtirsiinta iyo taariikhda carabta. Abubakar isagoo aqoon xeel dheer leh u leh taariikhda carabta hadana qabiilada muu ceebayn jirin ee intooda wanaagsan ayuu ka sheekayn jiray, taasoo keentay in reer qureesheed ay jeclaadaan ayna waheshadaan. Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa ka markhaati kacan in Abubakar aqoon qoto dheer u leeyahay cilmiga abtirsiinta, wuxuuna yiri:

فإن أبا بكر أعلم قريش بأنسابها

“Abubakar ayaa Qureesh ugu yaqaana nasabkeeda” [Saxiix Muslim: 2490]

Abubakar Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ka shaqayn jiray ganacsiga iyo baayacmushtariga, waxay taariikhdu xusaysaa inuu boqday dhulka Shaam gaar ahaan magaalada Busra isagoo ka ganacsanaya. Abubakar wuxuu ahaa nin maalqabeena oo raasamaalkiisa lagu qiyaasay Afartan kun oo dirham, wuxuuna xoolihiisa ku kaalmeeyey rasuulkii Ilaahay (scw).

Abubakar wuxuu ku sifaysnaa sifooyin aad u wanaagsan islaamnimada kahor, wuxuu ahaa nin deeqsiya oo gacan furan, wuxuu ahaa qoomkiisu jecelyahay, wuxuu ahaa nin aan waligii cabin khamriga, waligiina umuu sujuudin sanam.

Abubakar wuxuu yiri: anigoo yar oo iminka un qaangaaray ayaa aabahay Abuqaxaafa i kaxeeyey oo ii geeyey sanamyo, markaasaan ku dhahay: waan gaajoonayaaye ee cunto isii, wuuna aamusay, hadana waxaan dhahay: waan qaawanahaye ee dhar ii gali, waanu aamusay. Kadibna dhagax ayaan ku dhufatay ilaa uu wajigiisu dhulka u dhacay.

Abubakar Ilaahay raali haka ahaadee, isagoo yar ayay fidradiisu tustay in sanam dhagax laga sameeyey aanu waxna maqlaynin, waxna arkaynin, dhib iyo dheefna midna keenaynin.

Sifooyinkaa wanaagsan ee uu Abubakar lahaa xilligii jaahiliga ayaa u horseeday inuu islaamo iyo inuu kamid noqdo akhyaarta islaamka, rasuulkii Ilaahayna (scw) wuxuu yiri:

 فخياركم في الجاهلية خياركم في الإسلام إذا فقهوا

“Akhyaartiinii jaahiliga ayaa ah akhyaartiina islaamka hadii sharciga bartaan” [Bukhaari: 3194]