Tusmo

Abubakar Sidiiq

Magiciisa:

Cabdilaahi binu Cusmaan binu Caamir binu Camru binu Kacab binu Sacad binu Tayyim bnu Murrah binu Kacab binu Lu’ayy binu Qaalib oo reer Qureesh ahaa kana sii ahaa reer Tayyim. Wuxuu nabiga (scw) abtirsiintiisa kula kulmaa awoowga lixaad ee Murrah binu Kacab.

Naanaysaha Abubakar:

Magaca Abubakar macnihiisu waa ninkii geela badnaa, waxa kale oo uu leeyahay naanayso badan:

Catiiq:

Ereyga catiiq macnihiisu waa kii laga xoreeyey naarta, waxaana u bixiyey rasuulka (scw). Nabiga ayaa ku yiri: ”Adigu waxaad tahay kii Alle ka xoreeyey naarta, sidaasbaana loogu bixiyey Catiiq”[1]

Waxa kale oo la yiri: Catiiq waxa loogu bixiyey wajigiisa ayaa qurux badnaa.

Sidoo kale waxa la yiri: Abubakar hooyadii waxa ka dhiman jiray caruurta kadibna markay Abubakar dhashay ayay wiilkii yaraa gaysay waxayna tiri: Ilaahow kan ka xoree dhimashada, sidaasbaana Catiiq loogu bixiyey.

Sidiiq:

Ereyga sidiiq oo macnihiisu yahay ”Rumeeye” kii rumeeyey Ilaahay iyo rasuulkiisa, waxa Abubakar loo bixiyey markuu rasuulku (scw) kasoo noqday safarkii dheelminta ee Israa’ wa al micraaj, ayay gaaladii Qureesheed Abubakar waydiiyeen: saaxiibkaa warkuu sheegayo ma rumaysantahay? Wuxuuna ugu jawaabay: war kaa ka wayn ayaan ka rumaystaa, isagoo fadhiya ayaa waxyigu todoba samo korkeeda uga yimaada. Maalintaas ayaa Sidiiq loo bixiyey.

Sidoo kale waxa u daliila in magaca ama naanaysta Sidiiq loogu yeedho Abubakar, xadiiskii rasuulka (scw) ee saxiixa ahaa. Waxa buurta Uxud fuulay Nabiga (scw), Abubakar, Cumar iyo Cusmaan, waxaana gariirtay buurtii Uxud, markaasuu rasuulku (scw) yiri:

اثبت أحد فإنما عليك نبي وصديق وشهيدان

”Sugnow Uxudeey, waxa un ku saaraan nabi, sidiiq iyo laba shahiid”[2]

Nabiga saaran waa rasuulka (scw), sidiiqna waa Abubakar, labada shahiidna waa Cumar iyo Cusmaan Ilaahay raali haka ahaadee.

Saaxib.

Nabigu (scw) saxaabo badan ayuu lahaa, balse saxaabiga lagu xusay Quraanka inuu nabiga saaxiib la ahaa, waa Abubakar. Ilaahay wuxuu yiri:

إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّـهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لَا تَحْزَنْ إِنَّ اللَّـهَ مَعَنَا ۖ فَأَنزَلَ اللَّـهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَّمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ اللَّـهِ هِيَ الْعُلْيَا ۗ وَاللَّـهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ﴿٤٠﴾

Hadaydaan u gargaarin (nabiga) waxa u gargaaray Ilaahay markii ay saareen kuwii gaaloobay isagoo ah labada ka labeeya (nabiga iyo Abubakar) markay ku jireen godka ee uu ku yiri Saaxiibkii (Abubakar) ha murugoonin Ilaahaybaa la jirkeena ah. Waxa Ilaahay kusoo dajiyey korkiisa xasilooni wuxuuna ku taageeray askar aydaan arkayn (malaa’ik) wuxuuna ka yeelay erayga kuwa gaaloobay mid hoose, ereyga Ilaahayna mid sarraysa. Ilaahayna waa adkaade xikmad badan (40)[3]

Al-atqaa:

Al-atqaa: ka Alle ka cabsada.

وَسَيُجَنَّبُهَا الْأَتْقَى ﴿١٧﴾ الَّذِي يُؤْتِي مَالَهُ يَتَزَكَّىٰ ﴿١٨﴾

Waa laga fogaynayaa (naarta) ka Alle ka cabsada (17) kaasoo bixinaya xoolihiisa si uu isu daahiriyo (18)[4]

Aayadahani waxay ka warramayaan markuu Abubakar Ilaahay dartii u xoreeyey dad badan adoomo ahaa.

Awwaah:

Abubakar waxa loo yaqaana Awwaah oo macnaheedu tahay ka Ilaahay ka cabsada.

Qaabkuu Abubakar u ekaa?

Abubakar Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa nin midabkiisu cadyahay oo midab jaalle ah uu ku dhex jiro, wuxuuna ahaa nin dhuuban oo caato ah. Wuxuu ahaa nin hilib yar, garbo yaryar, dhabarka ka godan, macawista ama guntintu aanay u xidhmin ilaa uu maro ama suun uu ku xidho, waji yar, indho godan, lugo yar, bowdo adag, wuxuuna timaha marsan jiray xinne.

Qoyskii Abubakar:

Abubakar aabihii: waxa la dhahaa Cusmaan binu Caamir, wuxuuna ku magac dheeryahay Abu Qaxaafa, wuxuuna islaamay markii la furtay magaalada Makkah. Abubakar ayaa aabihii isagoo wada u keenay rasuulka (scw) markaasuu rasuulku yiri: maxaa odayga usoo kaxaysay, anagaa u iman lahayne? Abubakar wuxuu yiri: isagaa ayaa mudan inuu kuu yimaado rasuulkii Ilaahayow.

Nabigu (scw) wuxuu faray Abuqaxaafa inuu badalo midabka cad ee timihiisa, wuxuuna yiri: ”badala tan (cirrada) kana fogeeya madow”[5]

Hooyadii: waxa la dhahaa Salma bintu Sakhar binu Camru binu Kacab, waxayna ilmo adeer ahaayeen ninkeeda Abuqaxaafa. Wayna islaamtay xilli hore, waxa lagu naanaysi jiray Umul Khayr.


[1] Tirmadi: 3679

[2] Bukhaari: 3472

[3] Suuratu Tawbah: 40

[4] Suuratu Allayl: 17, 18

[5] Muslim: 2102