Siduu Quraanku inagu soo gaadhay?

Tusmo:

  • Kutubtii hore ee diimaha maanta Dunida ka jira siday kusoo gaadheen dadkooda?
  • Quraanka waxa ballan qaaday ilaalintiisa Ilaahay halka Ilaahay aanu ka ballan qaadin kutubtii hore.
  • Quraanka lama badali karo xitaa marka qayaamuhu soo dhowaado.
  • Waa maxay Quraanku?
  • Yaa soo waxyooday Quraanka? Siduu Allah usoo waxyoodaa?
  • Quraanka iyo Loox Almaxfuudka? Quraanka iyo Baytka Cizziga samada koowaad.
  • Jibriil oo kusoo dajiyey Quraanka qalbiga nabiga (scw)? Qaabka Waxyigu ugu iman jiray Rasuulka (scw).
  • Aayadihii ugu horeeyey ee soo daga iyo aayadii u danbaysay.
  • Qaabka nabigu (scw) ku gaadhsiiyey Quraanka muslimiinta? (Masxafka Qoran iyo dhawaaqa Quraankaba)
  • Marxaladihii ay soo martay qorida Quraanku.

Hordhac:

Maqaalkan sababta aan u qoray waxay tahay kadib markii walaal kamid ah walaaladu uu dhawr jeer i waydiiyey su’aasha ah sidee buu Quraanku inagu soo gaadhay? Su’aashaas kadib waxa kale oo ii muuqatay inay jirto baahi loo qabo in arrintan laga hadlo, gaar ahaana dadka qurbaha jooga waxa lagu dul akhriyaa galin hore iyo galin danbeba shubuhooyin ku aadan qaabka Quraanku usoo gaadhay Msulimiinta, sidaas awgeed waxaan go’aansaday inaan mowduucan ka hadlo oo aan ka qoro maqaal, sidoo kalena muuqaal ahaan aad usoo gudbiyo.

Ugu horeyn waxaan soo bandhigayaa in diimaha Aduunka maanta ka jiraa aanay haysanin qoraal rasmiya oo cadayna in kutubtooda muqadaska ah ay ka sugantahay cida ay u tiirinayaan, kadibna waxaan gudo gali doonaa qaabka Quraanku ugu duwanyahay dhamaan kutubta muqadaska ka ah diimaha kale agtooda.

Diinta Buudhiska:

Dhaleecooyinka loo soo jeediyey Budhiska waxa ka mid ah inaan waligeed la heli karayn waxbaristii asalka ahayd ee Budha. Waxay u muuqataa in tacliintii Budha ahayd mid la xafiday oo aan la qorin. Dhimashadii Budha kadib shir ayaa lagu qabtay magaalo la dhaho Rajagaha, si loo xafido waxbaristii Budha. Fikrado kala duwan ayaa jiray waxaana shirka ka dhex dhacay isqabqabsi, ugu danbayna firkradihii Kayshapa iyo Ananda oo ahaa ardaydii Budha kuwii ugu cadcadaa ayaa aragtidoodii la qaatay. Boqol sano kadib shir kale ayaa lagu qabtay magaalada Vesali balse afar boqol oo sano kadib geeridii Budha ayaa tacliintii Budha la qoray.

Diinta Hinduuska:

Kutubta Hinduusku aadbay u badanyihiin, lamana yaqaano xilligii la qoray iyo cida qortayba, waxa kutubta Hinduuska ugu caansan kutubta loo yaqaano Vedas oo ah afar kitaab, Rigveda, Samveda, Atharvaveda iyo Yajurveda. Kutubtan waxa qoraalkoodu socday mudo gaadhaysa Kun sano ilaa sadex kun oo sanadood.

 

Diinta Yahuuda:

Diinta Yahuudu waxay sheegtaan in kutubta Tawreed oo iminka ah qeybta koowaad ee Baybalku inuu qoray nabi Muuse (scw) balse sida la cadeeyey nabi Muuse muu qorin kitaabka, waxaana jira daliio iyo xujooyin ku tusuya inaanu nabi Muuse qorin Kitaabka, waxaana kamid ah in cida sadexaad ee qortay ay dhahayso: ”Ilaahay ayaa ku dhahay Muuse sidaas iyo sidaas, Muusena Ilaaay ayuu ku yidhi sidaas iyo sidaas” Hadii Muuse uu qoray kitaabka wuxuu dhihi lahaa: ”Waxaan Ilaahay ku dhahay sidaas iyo sidaas, Ilaahayna wuxuu igu dhahay sidaas iyo sidaas” Hadii kitaabkan iminka yaala uu Ilaahay qoray ama uu soo waxyoodayna wuxuu dhihi lahaa: ”Waxaan ku dhahay Muuse, muusana wuxuu igu yidhi” Sidaa darteed  cida qortay Tawreedka maanta yaalaa maaha Ilaahay, mana aha nabi Muuse ee waa qof sadexaad, lamana garanayo qofkuu yahay!

 

Diinta Kiristaan:

Diinta Kiristaanku waxay rumaysanyihiin Baybalka oo ka kooban labada qaybood ee Axdiga Hore iyo Axdiga Danbe.  Axdiga danbe oo afar kitaab oo kamid ah waxay ku magacaabaan Injiilo, waxaana afartaas kala qoray Mathew, John, Markus iyo Luk. Sidoo kale kutubta soo hadhay badankooda waxa qoray siday sheegteen baadiriga St. Paul. Dadka qoray kutubta Injiilada lama yaqaano, wax aqoon ahna looma laha, xitaa in raga magaca kutubta wataa lama garanayo inay ayagu qoreen Injiilada.

Xogta ugu qadiimisan ee manta dunida taala waxa la qoray sadex boqol oo sanadood nabi Ciise (scw) kadib, sida ay sheegeen culumuada ugu sareysa diinta Kiristaanku. Cidii ubaahan macluumaad dheerada ha ulaabto kitaabkayga Xaqiiqda Kiristaanka, halkaas ayaad ka helaysaa faahfaahin dheeraad ah.

 

Diinta Islaamka:

 

Diinta Islaamku waa diinta ay haysteen dhamaan nabiyadii iyo rusushii uu Allah soo diray, sida Nabi Nuuxa, Nabi Aadam, Nabi Ibraahiim, Nabi Muuse, Nabi Ciise iyo Nabi Muxamed oo ah nabigii ugu danbeeyey.

Dhamaan nabiyadaas waxay haysteen diinta Islaamka, hase ahaatee markii dadkii raacsanaa nabiyadu ay badaleen kutubtoodii ayey soo noqdeen diimo baadil ah oo ka leexday diintii xaqa ahayd. Sida la ogyahayna diinta Islaamka masdarkeedu waa Quranka Kariimka iyo sunnada nabiga (scw), waxaana ballan qaaday inuu ilaalinayo Quraanka iyo sunnada nabigaba Ilaahay, oo ka dhawraya in la badalo, ama la xarrifo, halka kutubtii Quraanka ka hreysay aanu Ilaahay ka ballan qaadin inuu ilaalinayo, ee Alle wuxuu u wakiishay culumadii qoomamkaasi inay ilaaliyaan waxyiga Ilaahay, balse nasiib xumo masuuliyadii la saaray kamay soo bixin wuxuuna Allah leeyahay:

 

إِنَّا أَنزَلْنَا التَّوْرَاةَ فِيهَا هُدًى وَنُورٌ ۚ يَحْكُمُ بِهَا النَّبِيُّونَ الَّذِينَ أَسْلَمُوا لِلَّذِينَ هَادُوا وَالرَّبَّانِيُّونَ وَالْأَحْبَارُ بِمَا اسْتُحْفِظُوا مِن كِتَابِ اللَّـهِ وَكَانُوا عَلَيْهِ شُهَدَاءَ ۚ….﴿٤٤﴾

“Annagaa soo dajinay Tawreed oo dhexdeeda ay ku sugantahay hanuun iyo nuur, ayna ku xukumayeen Nabiyadii islaamay (u hogaansamay Ilaahay) kuwii yahuudaoobay, waxaan xukumi jiray madaxdii iyo culumadii wixii lagu aaminay ee Kitaabka Ilaahay ahaa, waxayna ka ahaayeen markhaati… (44)” [Suuratu Almaa’ida:44]

 

Sida aayadni cadaysay wuxuu Alle kusoo dajiyey kutubtii hore nabiyo Islaamay, kadibna nabiyadaas ayaa kitaabkii ku aaminay culumadii iyo madaxdii ayagoo markhaati ka ahaa arrintaas (in lagu aaminay waxyigii Ilaahay).   Sidaa awgeed Ilaahay muu ballanqaadin inuu ilaalinayo kutubtii hore ee wuxuu ku aaminay culumadii iyo madaxdii umadaha, kadibna culumadii ayaa badalay oo xarrifay, markaa Ilaahay iyo nabiyadii lagu soo dajiyey kutubtu eed kumalaha, ee cida khiyaamaysay wixii lagu aaminay waa culumadii iyo madaxdii Yahuuda, Kiristaanka iyo guud ahaan Umadihii inaga horeeyey.

Si aad u fahamto sababta Ilaahay aanu u ballanqaadin ilaalinta kutubtaa, waxaan kusiinayaa hal tusaale, kasoo qaad waxaan kuu dhiibay gaadhi taxi ah oo aad ku shaqaysato, waxaanan ku dhahay: gaadhigaas ilaali kuna shaqayso, hadii gaadhigii la xado ama dhibaato soo gaadho yaa eedo dusha ka saarantahay? Ma aniga oo kugu aaminay gaadhiga mise adiga oo laguu dhiibay? Jawaabtu way iska cadahay, cida eeda leh waa adiga oo kasoo bixi waayey amaanadii lagugu aaminay.

Quraanka Kariimka ah maadaama uu yahay kitaabkii ugu danbeeyey waxa ballanqaaday ilaalintiisa Ilaahay, wuxuuna Allah leeyahay:

إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُونَ ﴿٩﴾

“Annagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.” [Suuratu Alxijri:9]

 

Mar hadii Ilaahay ballanqaaday inuu ilaalinayo Quraanka ma dhici karto in cid bani Aadam ah ay badasho, wax cususb kusoo darto ama wax ka dhinto, xitaa marka Qayaamuhu soo dhowaado ee dadka Aduunka kunool aanay ku dhaqmaynin farriimaha Ilaahay, waxa Allah sare u qaaday Quraanka. Habeen ayey dadku seexanayaan, waxayna soo kacayaan ayadoo xaashadaha Quraanku masaxanyihiin, dadkii wax ka xifdisaanana la ilowsiiyey wixii uu xafidsanaa ee ay ku dhaqmi waayeeen.[1] Kadibna dadku waxay ku laabanayaan Jahligii Islaamnimada kahor, waxayna ku hadlayaan hadalo gaalnimo markaas ayuu Allah soo saarayaa daabadii la hadlaysay dadka oo kamid ah calaamadaha saacada Qayaame.

 

Waa maxay Quraanku?

Quraanku waa hadalkii Ilaahay, ee lagusoo dajiyey qalbiga nabi Muxamed (scw), ee lagu cibaadaysto akhrintiisa, ee ku qoran masxafka Quraanka Kariimka, ee dadka lagu cariyey inay hal suurad lamid ah ay keenaan, ee inagu soo gaadhay si tawaatur ah.

  • Hadalkii Ilaahay: Markaynu leenahay waa hadalkii Ilaahay, waxa meesha ka baxaya hadalada kasoo hadhay hadalka Ilaahay oo dhan, markaa Quraanku maaha hadalkii Nabiga, ama hadalkii Malaku Jibriil ama hadalkii saxaabada toona.

 

وَإِنْ أَحَدٌ مِّنَ الْمُشْرِكِينَ اسْتَجَارَكَ فَأَجِرْهُ حَتَّىٰ يَسْمَعَ كَلَامَ اللَّـهِ ثُمَّ أَبْلِغْهُ مَأْمَنَهُ ۚ..﴿٦﴾

“Hadii mid kamid ah gaaladu idin waydiisto magangalyo, magangaliya illamaa uu ka dhagaysanayo hadalka Ilaahay, markaasna gaadhsiiya meel uu aamin ku yahay.. (6)” [Suuratu Altawbah: 6]

  • Lagu soo dajiyey Qalbiga nabi Muxamed: Quraanka waxa Alle kusoo dajiyey qalbiga nabi Muxamed siduu Allah Quraanka ku sheegay:

 

نَزَلَ بِهِ الرُّوحُ الْأَمِينُ ﴿١٩٣﴾ عَلَىٰ قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ الْمُنذِرِينَ ﴿١٩٤﴾ بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُّبِينٍ ﴿١٩٥﴾

“Waxa soo dajiyey Ruuxa aaminka ah (Malaku Jibriil) (193) kuna soo dajiyey Qalbigaaga si aad uga mid ahaato kuwa digaya (194) ahna Af Carabi cad (195) [Suuratu Alshucra: 193,194,195]

 

  • Ee Akhrintiisu tahay cibaadada: Quraanka akhrintiisu waa cibaado, waxaana loo qoraa ruuxa akhriya ajir aad u wayn, xaraf kasta oo Quraanka ah wuxuu u dhigmayaa toban ajir ah. Sidaa awgeed Quraanku wuu ka duwanyahay Xadiiska Qudsiga, oo isaguna ah waxyi Ilaahay u waxyooday nabi Muxamed balse xadiiska Qudsiga isaga akhrintiisu cibaado maaha, ayadoo labadoodaba uu Allah soo waxyooday.
  • Kuna qoran Masxafka Quraanka: Quraanka ku qoran masxafku waa isla Quraankii la qoray xilligii nabiga (scw), waana isla Quraanka ku qoran Looxul Maxfuudka, qaabka uu inagu soo gaadhay waynu ka warramaynaa, inashallah.
  • Ee suurada ugu yar lagu cariyey in dadku ay layimaadaan: Quraanka wuxuu Allah ku cariyey bani Aadamka iyo Jinkaba inay isu tagaan oo la yimaadan wax u ekaan kara hal suurad Quraana, xitaa aayadaheedu ha ahaadaan sadex aayadoodbee. Wuxuuna Allah leeyahay:

 

وَإِن كُنتُمْ فِي رَيْبٍ مِّمَّا نَزَّلْنَا عَلَىٰ عَبْدِنَا فَأْتُوا بِسُورَةٍ مِّن مِّثْلِهِ وَادْعُوا شُهَدَاءَكُم مِّن دُونِ اللَّـهِ إِن كُنتُمْ صَادِقِينَ ﴿٢٣﴾ فَإِن لَّمْ تَفْعَلُوا وَلَن تَفْعَلُوا فَاتَّقُوا النَّارَ الَّتِي وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ ۖ أُعِدَّتْ لِلْكَافِرِينَ ﴿٢٤﴾

“haddaad ka shakisantihiin waxaan ku dejinay addoonkayaga (Nabi Muxamed) keena wax Suurad la mid ah, una yeedha markhaatiyadin (kaalmeeyayaashiinna) ee Ilaahay ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan. (23) haddaydaan samaynayn mana samaynaysaane ka cabsada Naar lagu shido Dadka iyo Dhagaxa, loona diyaariyey gaalada. (24)” [Suuratu Albaqarah: 23,24]

 

  • Ee inagu soo gaadhay si Tawaatur ah: Waa maxay tawaaturku? Tawaaturku waxa adeegsada culumada Islaamka, marka war ay soo wariyaan dad aad u tiro badan oo aanay suurtogal ahayn in dadkaas oo dhan ay been sheegayaan. Tusaale ahaan, dagaalkii labaad ee Aduunka maynaan joogin inagu, hadana waxa inasoo gaadhay war sugan oo kayimid meelo kala duwan oo ay soo wariyeen dad aad u tiro badan, oo aanay suurtogal ahayn in dhamaan dadkaasi been isku raaceen. Sidaas awgeed Quraanka qoraalkiisa iyo dhawaaqiisaba wuxuu inagu soo gaadhay Tawaatur, waxaana soo wariyey dad aad iyo aad ubadan oo soo gaadhsiiyey jiilb jiilkii uu ka danbeeyey, waanan sharrixi doonaa marxaladihii uu soo maray Quraanku iyo sida tawaaturka ah ee uu inagu soo gaadhay.

 

Yaasoo waxyoday Quraanka?

Quraanka waxa soo waxyooday Ilaahay (swt), ayadoo loo waxyooday nabi Muxamed (scw), wuxuuna Allah leeyahay:

 

إِنَّا أَوْحَيْنَا إِلَيْكَ كَمَا أَوْحَيْنَا إِلَىٰ نُوحٍ وَالنَّبِيِّينَ مِن بَعْدِهِ ۚ وَأَوْحَيْنَا إِلَىٰ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالْأَسْبَاطِ وَعِيسَىٰ وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ وَهَارُونَ وَسُلَيْمَانَ ۚ وَآتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا ﴿١٦٣﴾

“Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu waxyoonay (Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka dambeeyey waxaana u waxyoonay Nabi Ibrahim, Ismaaciil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise, Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zabuur.” [Suuratu Alnisa:163]

 

Qaabka Quraanku uga soo dagay xaga Samada:

Waxyigana waxa soo dajiyey Malaku Jibriil oo ah malaka Ilaahay u xilsaaray waxyiga, wuxuuna kasoo dajiyey samada Koowaad, sababtuna waxay tahay Quraanka marka hore wuxuu Allah ku qoray Looxa Almaxfuudka, kadbna habeenka Laylatulqadiriga ayuu Allah Quraanka oo dhamaystiran usoo dajiyey samada koowaad, guriga la dhaho Bayt Alcizz, dabadeedna Malaku Jibrii ayaa marba qayb Quraanka kamid ah kasoo dajinayey xaga samada kuna dajinayey nabi Muxamed (scw).

  1. Looxa Maxfuudka ayuu Quraanku ku yaala: Wuxuu Allah dhahay isagoo arrintaas ka warramaya sidan:

بَلْ هُوَ قُرْآنٌ مَّجِيدٌ ﴿٢١﴾ فِي لَوْحٍ مَّحْفُوظٍ ﴿٢٢﴾

“ Waase Quraan sharf leh (21) kuna qoran Looxulmaxfuudka (22) [Suuratu Alburuuj: 21,22]

Looxa Maxfuudka wuxuu Allah ku qoray wax kasta oo Allah qadaray inay ahaadaan ama ahaanaya.

  1. Quraanka waxa laga soo dajiyey Looxul Maxfuudka, ayadoo lasoo dajiyey Habeenka Laylatulqadriga: Quraanku isagoo dhamaystiray ayuu Allah kasoo dajiyey Looxul Maxfuudka wuxuuna keenay samada Koowaad, guriga loo yaqaano Bayt Alcizzah. Wxuuu Allah leeyahay:

 

إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةٍ مُّبَارَكَةٍ ۚ إِنَّا كُنَّا مُنذِرِينَ ﴿٣﴾ [سورة الدخا:3 ] إِنَّا أَنزَلْنَاهُ فِي لَيْلَةِ الْقَدْرِ ﴿١﴾ [سورة القدر:1]

“Annagaa soo dajinay Quraanka habeen barakaysan, annagaana wax udigi (3)” [Suuratu Aldukhaan:3] ”Annagaa soo dajinay Quraanka habeenka Laylatul Qadriga (1) [Suuratu Alqadar:1]

 

Sidoo kale wuxuu dhahay ibnu Cabbaas: “Waxa Quraanka la dhigay Bayt Alcizzah ee samada koowaad, halkaasbaanu Jibriil uga soo dajinayey nabiga (scw) [2]

 

  1. Malaku Jibriil ayaa qeybo kamid ah Quraanka kusoo dajinayey nabi Muxamed (scw) mudo dhan 23 sanadood, sababtuna waxay ahayd in nabiga qalibigiisa lagu sugo iyo mu’miniinta iyo sidoo kale inay suurtwdo in la xifdiyo Quraanka.

 

Aayadii ugu horeysay ee soo dagta iyo Aayadii u danbeysay:

Aayadihii ugu horeeyey ee soo daga waxay ahaayee shanta aayadood ee ugu horeeya suuratu Alcalaq, waxayna labada shiikh soo saareen xadiiskii Caasha ee ka warrmay qaabkii waxyigu ugu soo dagay nabiga (scw) iyo malakii oo ugu yimid godkii Alxiraa.

Aayadii ugu danbaysay ee soo dagtana waxay ahayd :

وَاتَّقُوا يَوْمًا تُرْجَعُونَ فِيهِ إِلَى اللَّـهِ ۖ ثُمَّ تُوَفَّىٰ كُلُّ نَفْسٍ مَّا كَسَبَتْ وَهُمْ لَا يُظْلَمُونَ ﴿٢٨١﴾ [سورة البقرة: 281]

“kana dhawrsada Maalinta laydiin soo celin Ilaahay, kadibna qof walba loo oofin waxay kasbatay, lamana dulmiyo.” [Suuratu Albaqarah:281][3]

 

Qaabkee Quraanku inagu soo gaadhay qoraal ahaan iyo dhawaaq ahaanba?

Quraanka wuxuu inagu soo gaadhay Tawaatur (dad aad u badan ayaa soo wariyey) qoraal ahaan iyo dhawaaqiisaba, wuxuu nabigu baray Quraanka saxaabadiisa, wuuna ka dhagaysan jiray, kadibna wuu qiri jiray in qiraa’ada ama akhriska saxaabigaasi saxanayahay, sidoo kale nabigu wuxuu lahaa saxaabo xul ah oo qora waxyiga isla markuu soo dago, kadibna wixii ay qoreen ayuu ka dhagaysan jiray, marka ay akhriyaan wixii ay qoreen haduu saxanayahay wuu uqiri jiray wuxuuna u ogolaan jiray inay dadka kale sii gaadhsiiyaan, hadii ay xaraf yar is daba mariyaana wuu toosin jiray.

 

Qoraalkii Masxafka Quraanka iyo xifdintiisii:

Marxaladihii uu soo maray qoraalka Quraanku:

Quraanka qoraalkiisu wuxuu soo maray sadex marxaladood, ta koowaad waa xilligii nabiga oo la qoray isla marka waxyigu soo dagao, ta labaad waa xilligii Abubakar, ta sadexaadna waa xilligii Cusmaan ibnu Cafaan.

Nabigu (scw) wuxuu saxaabad barayey Quraanka isla markuu soo dago, waanu ka dhagaysan jiray saxaabada isagoo ka saxaya wixii ay si qaldan u akhriyaan, waxaana xilligii Quraanka si toosa nabiga (scw) uga qaatay saxaabo aad u tiro badan, oo loo yaqaano Al-qurraa, (Akhriyayaasha Quraanka), xitaa dhacdadii todobaatanka saxaabi lagu shirqoolay waxay ahaayeen todobaatankaasba Al-quraa, kuwii xifdiyey Quraanka, uuna ka dhagaytsay nabigu scw.

Saxaabada xifdiday Quraanka nabiga oo nool way badan yihiin, waxa kamid ah afarta Khulfo, Aabubakar, Cumar, Cusmaan, Cali, Dalxa ibnu Cubaydillah, Sacad ibnu Abiwaqaas, ibnu Mascuud, Xudayfah, Saalim mowlaa Abixudayfa, Abuhurayra, ibnu Cumar, Ibnu Cabbaas, Camru ibnu Alcaas, Cabdilaahi ibnu Camru, Mucaawiya, ibnu Zubeyr, Cabdilaahi ibnu Alsa’ib, Caasha, Xafsa, Umu Salama, dhamaan kuwaasina waa muhaajiriin.

Saxaabada Ansaarta waxa kamid ahaa kuwii xifdiyey, Ubayy ibnu Kacab, Mucaad ibnu Jamal, Zayid ibnu Thaabit, Abudardaa, Anasa ibnu Maalik, iyo qaar badan oo kale.

Qoraalka Quraan xilligii nabiga (scw):

Sidaynu sheegnay nabigu (scw) wuxuu lahaa saxaabo xul ah oo qorta waxyiga isla markuu soo dago, waxaana kamid ahaa Abubakar, Cumar, Cusmaan, Cali, Mucaawiya, Zayid ibnu Thaabit, Ubayy ibnu Kacab, Abaan ibnu Saciid, Khaalid ibnu Waliid, iyo qaar kale.

Waxa laga wariyey ibnu Cabbaas inuu dhahay: marka nabiga (scw) ay aayad kusoo dagto wuxuu u yeedhi jiray qaar kamid ah kuwo wax qora, wuxuuna dhihi jiray: suuradan halkaas iyo halkaa dhiga.[4]

Saxaabaduna waxay wax ku qori jireen hargaha, jirrida timirta, dhagxaanta khafiifka ah, lafaha xoolaha ee garbaha iyo feedhaha.

Saxaabadu markay qoraan kadib ayuu Rasuulku (scw) ka dhagaysan jiray waxay qoreen, wuxuu Imaamu Aldabari soo saaray xadiiskan:

عن زيد بن ثابت أنه قال : كنت أكتب الوحي عند رسول الله وهو يملي علي ، فإذا فرغت ، قال : اقرأه ، فأقرأه ، فإن كان فيه سقط أقامه

”Zayid ibnu Thaabit waxa laga wariyey inuu dhahay: ”Waxaan ahaa mid qora waxyiga Rasuulka Ilaahay agtiisa, isaguna wuu ii yeedhinayey, markaan dhameeyo ayuu dhihi jiray: Akhri, waana akhrin jiray, hadii aan wax ka halmaamana wuu toosin jiray”[5]

 

Qoraalka Quraanka xilligii Abubakar:

Sanadkii ugu danbeeysay nolshii nabiga (scw) waxa nabiga soo booqday Malaku Jibriil oo la subciyey Quraanka laba jeer, kadibna nabigu Quraanka ayuu ubandhigay saxaabadiisii, qoraal ahaan iyo dhawaaq ahaanba.

Geeridii nabiga kadib waxa ridoobay Carabtii Jazirada Carbeed kadibna Abubakar ayaa la dagaalamay, waxaana dagaaladii ku dhintay gaar ahaan dagaalkii Alyamaamah ee lala galay Musaylama Alkaddaab, saxaabo badan oo kamid ahayd Qurraa’dii ama kuwii akhrin jiray Quraanka, xifdiyeyna Quraanka nabiga oo nool.

Dabadeedna Cumar ibnu Khadaab (Ilaahay raali haka ahaadee) ayaa uyimid Abubakar oo usoo jeediyey in Quraanka lagusoo ururiyo hal masxaf oo kaliya. Abubakar marki hore wuu ka biyo diiday isagoo leh ma waxaan la imanaynaa waxaan Rasuulkii Ilaahay sameynin, balse Ilaahay ayaa waafajiyey waanu ogolaaday in Quraanka lagu qoro hal kitaab oo kaliya.

Abubakar iyo Cumar waxay u yeedheen Zayid ibnu Thaabit oo ahaa wiil dhalinyaro garaad badan sidoo kalena Nabiga (scw) u qori jiray waxyiga, waxayna u sheegeen inuu soo ururiyo masaaxiftii lagu qoray Quraanka, kadibna uu ka dhigo hal kitaab oo kaliya.

Zayid ilaahay raali haka ahaadee wuxuu dhahay: ”Ilaahbaan ku dhaartee hawsha la ii diray waxa igala fududayd in la dhaho buur dhan dhagaxdhagax u qaad”

Zayid wuxuu dareensanaa culayska ay leedahay hawsha loo idmaday, kadibna wuxuu raacay qaanuun cajiiba, oo ahaa in aayadkasta oo quraankii la qoray kamid ah inuu u helo ugu yaraan laba markhaaati oo ayagu waxyiga ka qoray nabiga (scw) ama saxaabi ka qoray nabiga iyo nin kale oo u markhaati ah.

Zayid sidaas ayuu kusoo uruiyey Quraanka dhamaantiis, aayad kasta wuxuu u raadiyey laba nin oo markhaati ka ah in aayadan la qoray nabiga (scw) markuu waxyigu kusoo dagay. Qaanuunkaas cajiibka ah ayuu ku dhaqangaliyey hawshiisii, balse laba aayadood oo Quraanka kamid ah ayuu u waayey laba saxaabi oo markhaati u ah, labada aayadoodna wuxuu ka helay saxaabiga Abukhusayma. Zayid wuxuu Abukhusayma waydiiyey: Labadan aayadood yaa kaaga markhaati ah inaad qortay xilligii nabigu waxyigu kusoo dagayey? Abukhusayma wuxuu dhahay: Kaligay ayaa isu markhaati ah!

Dabcan walaalayaal Quraankii la qoray xilligii nabiga ayeynu ka hadlaynaa, maaha Quraankii la xifdisanaa ee nabigu xifdisiiyey saxaabada. Haduu Zayid masaajidka tago oo uu waydiiyo yaa labadan aayadood ka qaatay afka nabiga (scw), wuxuu helayaa boqolaal saxaabi oo xifdisan, hase ahaatee isagu wuxuu raadinayaa Quraankii qornaa.

Sikastaba ha ahaatee waxa Abukhusayma uga markhaati kacay nabiga (scw)! Cajiib, waxa jirtay qiso yaab leh oo dhexmartay nabiga (scw) iyo Abukhusayma, kadibna nabigii Ilaahay ayaa siiyey Abukhusaya billad la yaableh wuxuuna dhahay nabigu: ”Cidii uu Abukhusayma u markhaati kacow kugu filan” Wixii dhacdadaas ka danbeeyey waxa Abukhusayma loogu yeedhi jiray ninka markhaatigiisu laba markhaati u dhigmo, siduu ka maragkacay Rasuulkii Ilaahay (scw)

Dabadeedna saxaabadii way ka aqbaleen Abukhusayma markhaatigiis, sidaasbaana lagu dhamaystiray Kitaabkii ugu horeeyey ee Masxafka Quraanka, kaasoo lagasoo xigtay kutubtii iyo masaaxiftii la qoray xilligii Rasuulka (scw), waxaana Kitaabkaas loogu yeedhay Masxafu Sidiiq.

Waxa Ilaahay mahaddiisa in Diinta Islaamku tahay diinta kaliya ee Dunida ka jirta ee Kitaabkeeda la qoray Nabigii oo nool, kadibna masaaxfitii nabiga (scw) laga soo xigtay Masxafu Sidiiq.

Abubakar markuu geeriyooday wuxuu kitaabkii kaga tagay Cumar ibnu Khadaab oo isagu mudo gaadhaysa toban sanadood xilka madaxtinmada u hayey Muslimiinta, markii Cumar la dilay waxa Kitaabkii loo dhiibay Xafsa bintu Cumar xaaskii Nabiga (scw), waxaana Khaliif noqday Cusmaan ibnu Caffaan (I.R.H).

Masxafkii Cusmaan ibnu Cafaan:

Xilligii Cusmaan waxa fiday dawladii Islaamka illamaa laga furtay wadamo Yurubta bariyeeda sida Arminia, Aderbijaan. Dadkiina waxay soo galeen diinta Ilaahay ee Islaamka, waxaana jiray macalimiin dadka barta Quraanka iyo diintooda, waxaana ugu caansanaa, Cabdilaahi ibnu Mascuud, Ubbay ibnu Kacab, iyo Abumusa Al-ashcariyy Ilaahay raali haka noqdee.

Saxaabadaasna midkasta wuxuu kamid ahaa Quraa’dii Rasuulka ee xifdiyey Quraanka nabiga (scw) oo nool, wuxuuna mid kasta sii baray ardaydiisii Quraanka iyo qiraa’o kaduwan kuwii saxaabada kale.

Qiraa’duna waa luuqda iyo dhawaaqa Quraanka, waxa Quraanka lasoo dagtay todoba qiraa’o oo sii wanaajinaysa quraanka Kariimka. Qiraa’ooyinkuna ma badalayaan macnaha aayada intooda badan, waxyaalaha sababayna waxay ahayd Carabtii daganayd Jaziirada Carbeed ayaa lahady dhawr lahjadood oo isla luuqada Afcarabida ah, sidaas awgeed Quraanka waxa la socotay qiraa’ooyinkaas, oo uu nabigu saxiixiyey oo uu dhahay: ”Quraankani wuxuu kusoo dagay todoba Xaraf” todobadaas qiraa’o oo mid kastaana ay tahay saxiix, oo Rasuulkii Ilaahay ogolaaday.

Saxaabadii macalimiinta ahaa markii ay bareen mid kasta qiraa’o uu nabiga ka qaatay, waxa dadkii ku dhowaadeen inay isqabsadaan, dabadeedna saxaabiga Xudayfa ibnu Alyamaan ayaa uyimid khalifkii Muslimiinta ee Cusmaan oo ku dhahay: ”Muslimiinta kala gaadh intaanay isu khilaafeen sidii Yahuuda iyo Kiristaanka”

Cusmaan wuxuu la tashaday saxaabadii Rasuulka, waxaana la isku raacay in la daabaco Masxafkii Sidiiq oo yaalay gurigii Xafsa, waxaana hawshaas loo xil saaray Zayid ibnu Thaabit oo ahaa ninkii qoray Masxxafka Sidiiq iyo sidoo kalena qoray masaaxiftii xilligii nabig. Zayid waxa lagu daray sadex saxaabi oo kale oo muhaajiriin ahaa, waxaana la faray inay copy gareeyaan kitaabkaas sidoo kalena qiraa’ooyinkana ay diiwaangaliyaan.

Cusmaan kutubtii la qoray ee laga xiganayey masxafkii Sidiiq ayuu u diray baladkii Islaamka iyo deeganadoodii, isagoo masxafkasta raaciyey nin ku takhusay Quraanka oo yaqaana qiraa’ooyinkiisa, sidoo kalena xifdisan Quraanka Kariimka.

Cusmaan Ilaahay raali haka ahaadee waxa kale oo uu gubay masaaxiftii kale ee dadku ay qorteen ee aan lahayn meel rasmiya oo laga soo xigtay qiraa’ooyinkeeda. Waxa mudan in laysku baraarujiyo in waxa dadku isku qabsadeen ay ahayd qiraa’ada ama luuqda iyo dhawaaqa ereyada Quraanka, ee muu ahayn Quraanka laftigiisa.

Kuwo beenaalayaal ah sida mustashriqiinta ayaa been ka sheega halkaas oo dhaha Quraanka ayaa la isku qabsaday, warkaasina war jira maaha ee wixii la isku qabsaday wuxuu ahaa luuqda iyo dhawaaqa, ayadana waxa loosoo celiyey saxaabadii Rasuulkii Ilaahay ee xifdisanaa Quraanka sidoo kalena ay u diiwaangashanayd Masxafkii Sidiiq ee lagasoo xigtay masaaxiftii nabiga (scw).

Culumadii Islaamka ee aadka u caqliga badnaa waxay dareensanayaan in Masxafkii Cusmaan markuu mudo yaalo inuu gaboobayo, ama baaliyoobayo ama musiibo kaleba ay ku dhici karto sidaas awgeed waxay is waydiiyeen maxaynu yeelnaa? Ugu danbeyna waxay dhaheen aynu curino cilmi iyo qaanuun aynu ku qorno kitaab lamid ah Masxafkii Cusmaan haduu baaliyoobo ama la waayaba, dabadeedna waxa soo baxay cilmiga qorida Quraanka, oo cidii barataa ay qorayso Kitaab lamid ah kitaabkii Cusmaan ee lagasoo xigtay Masxafkii Sidiiq, ee lagasoo xigtay masaaxiftii Rasuulka.

Waxaana Ilaahay mahadiisa in kitaabka Quraanka ah ee maanta yaala guryaha iyo masaajidada Muslimiintu inuu yahay isla Quraankii kasoo dagay Samada ee Ilaahay ballan qaaday inaan la badalaynin.

 

Quraankii la xifdiyey dhawaaqiisa iyo luuqdiis (Qiraa’ooyinka)

Sidaynu hada kahor sheegnay Quraanka waxa lasoo dagay qiraa’ooyin kala duwan, wuxuuna nabigu u daryeelay sidii Quraankii la qoray oo kale. Sababtuna waxa weeyey Quraanka qoraalkiisuna waa gaar, ku dhawaaqa Quraanka iyo qiraa’ooyinkisuna waa gaar oo sidooda ayey ukala madaxbanaanyihiin.

Hadii aan tusaale kusiiyo waxa jira xuruufo ku qoran Quraanka oo ay waajibtahay in la qoro balse aan lagu dhawaaqayn, waxa kale oo jira xuruufo aan qornayn oo hadana waajib ay tahay in lagu dhawaaqo sidaa darteed ayuu nabiguna (scw) ukala saaray oo Quraanka qoraalkiisa saxaabadiisii xulka ahayd ayuu u xilsaaray, halka dhawaaqa Quraankana uu ka xifdisiiyey saxaabada.

Qiraa’aduna intooda badan boqolkiib 99 waa isku mid ee kaliya waxa is badala waa xuruufo marna sare loo qaadayo, marna la muujinayo, marna la waynaynayo. Sidoo kalena waxa jira ereyo is dhamaystiaraya oo ayaguna la socday Quraanka, tusaale ahaan, suurada Alfaatixa aayada: ”Maliki yawmi aldiin” waxa kale oo loogu dhawaaqaa ”Maaliki yawmi Aldiin” waa Malik iyo Maalik oo ah laba erey oo is dhamaystiraya, Malik waa boqor halka Maalik uu ka yahay cida iska leh hanashada, sidaa awgeed Ilaahay isagaa iska leh maalinta Qayaame isagaana boqor u ah oo xaakima.

 

Gabogabo iyo Gunaanad:

Ugu danbeyn waxaynu leenahay majiro kitaabka Quraanka ah sida loo daryeelay kitaab dunida yaala oo loo daryeelay, waxaana ballanqaaday ilaalintiisa Ilaahay, cid badali karta ama wax kusoo kordhin kartana majirto sidaa awgeed ayuu Allah u leeyahay:

لَّا يَأْتِيهِ الْبَاطِلُ مِن بَيْنِ يَدَيْهِ وَلَا مِنْ خَلْفِهِ ۖ تَنزِيلٌ مِّنْ حَكِيمٍ حَمِيدٍ ﴿٤٢﴾

”Baadilku (xumaantu) kagama timaado Quraanka xaga hore iyo xaga danbeba, waana soo dajintii Allaha xikmada badan ee la mahadiyo” [Suuratu Fussilat: 42]


[1] Xadiiskan waxa soo wariyey ibnu Mascuud, waxaana soo saaray Daaramiyy, sanadka xadiiskuna waa saxiix, waana xadiiska lanbarkiisu yahay 3209.

[2] Waxa soo saaray Alnisaa fil kubraa, xadiiska 7791, waxaana saxiixiyey Xaakim, waxaana ku raacay Imaamu Dahabi.

[3] Waxa soo saaray Alnisaa’i fil Kubraa, xadiiska 11057.

[4] Waxa soo saaray Abudaawuud: (786-787) iyo qayrkii.

[5] Waxa soo saaray Aldabari Al-awsad, Juzka labaad, bogga (544)

 

Xigashooyin

Waxa diyaariyey, qoray soona jeedinaya: Abdulaziz Mohamed Oogle

  • Quraanka Kariimka
  • Saxiix Albukhaari
  • Saxiix Muslim
  • Abudawuud, Tiramadi iyo Alnisaa’i
  • Manaahil Alcarfaan fii Culuumi Alquraan li sheekh Maxamed Cabdi Alcadiim Alzarqaani.
  • Kayfa wasala ilaynaa Alquraan, Dr Ayman Rushdi Suweyd
  • Fatwa Islamweb.